Faaris tube @faaristube Channel on Telegram

Faaris tube

@faaristube


Wax kasta oo ku saabsan Technology-yada casriga ah ayaad inaga heleysaa ku soo dhowow ee ku soo biir telegram keena

Sidoo kale booqo Website keenna ⤵️
🔗 http://bit.ly/3zKV1vr


🔗 channel likn ⤵️
https://youtube.com/c/shahiir

Faaris tube (Somali)

Faaris tube waa saldhiggaaga casriga ah ee ku saabsan Technology-yada, waxaa lagu soo bandhigay macluumaad muhiim ah oo kuu saabsan teknolojiyada casriga ah ee dunida. Halkan ayaad ku helayso wararka ugu dambeeyay ee ku saabsan cilmiga iyo horumarka teknolojiyada, tayada iyo qalabka ugu qaalisan ee software iyo hardware, iyo waxyaabo kale oo badan oo ku saabsan teknolojiyada.

Faaris tube waxaa laga yaabaa inaad ka soo biiri karto si aad u hesho wararka ugu dambeeyay ee teknolojiyada casriga ah, isla markaana ka helo hadalada iyo warbixinta ugu dambeeyay.

Haddii aad rabto inaad ku heshid wararka ugu dambeeyay ee teknolojiyada, waxaad booqan kartaa Website-ka keenna oo ku taal qaybtaan kala duwan, si aad u hesho wararka ugu dambeeyay. Channel-ka likn-ka ayaad halkan ku raadi karta oo aad ka hesho wararka video ee ugu dambeeya ee ku saabsan horumarka teknolojiyada.

Hadii aad tahay qof ka heshiis badan teknolojiyada, Faaris tube waa meel kuu siinaysaa wararka ugu dambeeyay, tayada iyo fursadaha casriga ah ee ku jira dunida teknolojiyada. Ka soo biir Telegram-ka noogu dhow iyo ka hel wararka dambe ee teknolojiyada casriga ah.

Waxaad heli kartaa in ka badan oo warar iyo videooyin ku saabsan horumarka teknolojiyada casriga ah ee dunida, si aad u hesho wararka ugu dambeeyay iyo fursadaha casriga ah ee teknolojiyada.

Aabbihii iyo balkii u cadaab ah ee teknolojiyada casriga ah ku soo biir Faaris tube haddii aad rabto inaad ka heshid wararka ugu dambeeyay iyo tayada casriga ah ee teknolojiyada. Waxaad kaloo ku hesho warar iyo wararka video ee ugu dambeeya ee ku saabsan horumarka teknolojiyada casriga ah.

Ka soo biir Telegram-ka noogu dhow iyo ka hel wararka dambe ee teknolojiyada casriga ah. Faaris tube waa goob ugu fiican si aad u hesho wararka ugu dambeeyay iyo fursadaha casriga ah ee teknolojiyada casriga ah.

Faaris tube

03 Feb, 10:52


Telefoonkaaga mararka qaar oo waxaa jira aad dooneysid inaad indhaha, dhagaha & afkaba qabatid, si uusan kidis cod ama muuqaal u duubin.

Shir, howl, hadal iyo arrin muhiim ah waxaad ku jirtidba markaas.
Telefoonada Samsung-ka ah waxay leeyihiin qeybta aan sawirka kore calaamadeeyay oo kale oo "Sensors off" la dhaho, meeshaas haddii aad riixdid telkaaga dhan dhagool & indhoole ayuu noqonayaa, codna ma duubi karo, sawirna ma qaadi karo.

Adiga haddii aad isku daydid amaba xataa barnaamij tuug ah oo telkaaga ku dhex jiro xataa haddii uu isku dayo, cod iyo muuqaal ma qaadi karo. Hadhoowna isla meeshii ayaad taabanaysaa, oo caadi ayuu kuu noqonayaa.

Meeshaas waa inaad qeybta Developer options-ka ka furatid. Developer options-kana telka kuma imaado, waa in ayada xataa qeybta setting-ka aad kasii dhex furatid.

Duhur wanaagsan.

@faaristube

Faaris tube

27 Jan, 16:03


Applicationkan DeepSeek ee laga leeyahay China ayaa maanta Suuqa saamiyadda Maraykanka u gaystay Khasaare ka badan 1Trillion dollar.

Applicationkan ayaa ah Ai una shaqeeya sida ChatGpt, Marka laga yimaaddo inuu ka xawaare badan yahay hadana waa Free.

Suuqyadda Cryptoga ayay sidoo kale saamaysay oo 12kii saac ee ugu dambeeyay wajahay khasaare gaaraya 805 Million oo doollar.

Shiinaha ayaa Sanooyinkii u dambeeyay Tignoolajiyadda kaga gacan sareeyay maraykanka, isagoo awood u yeeshay inuu dhawr jeer hindiso aaladdo ka tayyo sareeya kuwa maraykanka laga leeyahay sidoo kalena ka qiime jaban.

@faaristube

Faaris tube

25 Aug, 05:32


Pavel Durov oo ah ninkii aasaasay Telegramka, maamulena ka ah barnaamijkaas ayaa goordhow Faransiiska lagu xiray, mar uu magaalada Paris ka degay.

Telegram waa app Ruushka laga leeyahay, cid walbana ay isticmaasho oo koontarool iyo xayiraad badan aanan lahayn, dowladaha Yurubna aysan jecleyn.

@faaristube

Faaris tube

09 May, 20:32


Shirkada whatsappka ayaa soo kordhide update ka cusub hdii uu iskaa dhex yaacsana whatsappka gaar ahaan fariimaha iyo groups ka iyo dadkuba

Hadabo Hada waxaa laguu soo kordhiye update cusub oo ah in lagu kala saaray sida sawirka kaaga muuqata

1. All
2. Unread
3. Groups

Taaso kuu sahleysa in mesha u bahato si toos udooran kartid

Maka mid tahay dadka uu so gaaray update kan

@faaristube

Faaris tube

29 Mar, 13:34


Shirkada whatsapp ayaa gebi ahanba joojise in screenshot laga qaado sawirka kuu saaran profile ka

@faaristube

Faaris tube

23 Mar, 14:32


Maku soo garay update ka cusub ay soo kordhise shirkada whatsapp

Ugu danbeyn whatsappka ayaa laga dhigay qaabka mb, ama fm sida Sawirada idin muuqda ukla duwan yihiin waa update ka cusub iyo sidii hore uu ahaa

@faaristube

Faaris tube

09 Mar, 17:48


Application ka ugu wanagsan ee taleefankayga ku jira waxa la dhaha muslim pro inta u badan dadku waxay u isticmalaan inuu salada u kiciyo aanse kula wadaago dhamman features ka appkani leeyahay iyo sida aad uga faa'iidaysan kartidba.

Appkani waxa uu ka koobanyahay shan qaybood oo mid waliba qabato shaqo gooniya tan koobad waa task la dhaho 'today' halkas waxa uu appku kuso dhigayaa ducooyinka uu maalinkas kuso xuley,muqaalo muhiim ah oo youtube ka la so galiyay diini na ah iyo si guud panel ad si fudud uga helaysid features ka muhiim ka ah ee application ka sida saladihii,kitaabka quraanka,tusbaxii,feature kale od ku ogaanaysid inta masjid ee ku dhaw isaga oo isticmalaya location kaga,feature ad isna ku ogaanaysid dhanka qibladu ka xigto,99 ka magac ee illahey,calculator ka caawinaya inad xisaabiso sakada iyo features kale oo badan ayna kamid yihiin hagida dadka xajka tagaya,shahadadi oo qoraal ah,kalandarka islaamka(Hijri calendar) iyo qaar kalo badan.

Qaybta labaad waa prayers halkan waxa ku xusan saladaha iyo sacadahooda waxa uu sido kale ku siinayaa dookh ah inad laucher ka dhigatid od saratid shaashada taleefanka si ad marwalba ula socotid salada so dhaw iyo inta daqiiqo ee ka hadhey markay gaadhana isaga ayaa si iskii ah kugu aadaami(100% ani masjidka xaafada oo afka lagu hayo aadanka ayuu ii aadama madama uu isticmalayo wakhtiga iyo sacadaha salada ee jigjiga).

Qaybta saddexad waa mid ilaa xad muhiim ah waxana la dhaha watch halkan waa sida youtube ka oo kale waxad ka helaysaa filimaan si heersare ah loga sameyay tariikhda iyo dhamman dhacdooyinkii diinta islamku so martey,waxa sido kale jiraa muqaalo Gagaban oo midwalba qayb diinteena kamida ka jaahiltirayo,ducumentries badan ayaa iyaguna ku jira sida qayb gaar u ah dadka so islaamey(converts) walow qaybtan ay inta u badan lacag tahay hadana wad ka helaysa in badan oo iyaguna bilaash ah, ma badna lacagtu hadad card caalami ah haysato iskaba bixi waa 34$ kaliya sanadkii hadad rabtidna waxad gadan kartaa lix bilood oo ah 29$ iyo 3 bilood oo ah 22$.

Qaybta saddexad waa quraan halkan waxad ka helaysa kitaabka quraanka ah adiga ayana dooran doona sida pages ka kitaabku iyo fartu u ekanayaan,sido kale waxad dooran doonta luuqada lagugu turjumayo aayadaha wayna ku jirtaa tafsiirka kitaabka ee luuqada somaligu,waxa iyana ad dooran doonta qaariga ku akhrinaya quraanka hadii lacala aad doonayso inad xifdido aad ayay ku anfici,halkan waxa uu maalinwalba kuso xuli aayado aad akhrido wax uu sido kale ku kaydinayaa xogtada sida inta aad akhridey iyo halka aad ku joojisey incase aad bari halkii ka sii wadayso.

Halka ugu dambaysa waa myprofile waa meesha aan isleeyahay iyada ugu muhiim san halkan waa meesha uu ku kaydinayo dhaqdhaqaqaga(progress) kow halka u koreysa waxa ku qoran magacaga,halka hoose waxa ku qoran inta saladod eed tukatey iyada oo ku siinayo todobad,bil ama sanad midka aad rabto saladihii ku dhaafey inad ogaato,sido kale waxa uu ku siinayaa option la dhaho khatams oo aad ku oganaysid inta mar eed quraanka dhammaysey madama uu ku diwaangalinayo dhamman bogaga aad akhrinayso.

isku so wada duubo waa app ilaa xad heersare ah inagana caawinaya ineynu cibadadeena horumarino sido kale kordhino ogaalka iyo cilmiga aynu u leenahay diinteena
halkan kala dag.

ios:-https://apps.apple.com/us/app/muslim-pro-ramadan-2024/id388389451

halkan kala dag andriod:-https://play.google.com/store/apps/details?id=com.bitsmedia.android.muslimpro

@faaristube

Faaris tube

20 Feb, 14:39


Apps yada aan soo dhigay hadii aad u baahan tihiin ayadoo iPhone lagu isticmaali karo ama Appstore laga so dejinayno hoos iigu reeba waan idin la wadaagi insha Allah.

@faaristube

Faaris tube

20 Feb, 05:30


Shantan app way ku anfici doonan
Part 2

Appka afraad waa elsa speak waxa uu ka caawinayaa inad luuqada english ka u barato uguna hadasho sida Dhaladka(native) marka koobad waxa uu ka qaadi imtaxan dhanka hadalka ka ah dhibcaha ad keento ayuna ku jaangoyn halka aad ka bilaabayso oo ah levels mid walba todobado soconayo wana Artificial intelligence app halkan kala dag:-
https://play.google.com/store/apps/details?id=us.nobarriers.elsa

Appka shanaad waa airdroid waxa uu appkani ka caawinayaa inad si fudud ugu kala dirsato xog taleefankaga iyo laptop kaga ama computerka adiga oon isticmalayn wax xadhig ah, sido kale waxa uu isku xidhaa camerada taleefankaga iyo computerka, waxa uu sido kale ka caawin inad taleefankaga ka dhax isticmaasho laptopkaga waxa una u shaqeeya sida AirDrop ta iphones ka halkan kala dag:-
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.sand.airdroid

@faaristube

Faaris tube

19 Feb, 05:30


Shantan app way ku anfici doonan
Part 1

Appka koobad waxa la dhaha find to clap waxa uu ka caawinayaa inad taleefankaga hesho haduu guriga kaga lumo ama meel buuqa lagaga dhax saaro kaliya wad sacbin isaguna dhawaq ayuu samayn halkan kala dag:-
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.frimustechnologies.claptofind

App ka labaad waa vpn ka ugu fiican ee la isticmaalo waxa uuna leeyahay awood uso dhaw kuwa iibka ah hadey tahay xawaraha iyo servers ka uu ku siinayaba halkan kala dag:-
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tunnelbear.android

Appka saddexad waa intra waxa uu ku siinaya Dns address free ah wuxuna ka caawinayaa inad si fudud u isticmaasho apps ka iyo websites ka laga xanibey ama aan loo ogolayn dalkiina, waa sida vpn ka oo kale lakiin waa ka fudud yahay halkan kala dag:-
https://play.google.com/store/apps/details?id=app.intra

@faaristube

Faaris tube

18 Feb, 05:30


Ugu dambayn waxa lagu guuleystey tijaabadi Neuralink intan horey u maqal Neuralink waa shirkad uu leeyahay elonmusk lana aas'aasey 2016, shirkadan ayaa ila wagaas wadatey fikrad ah in la isku xidhidhiyo maskaxda aadanaha iyo computers ka ama technologyda kaleba.

Si guud Neuralink waa biryar(chip) taas oo qofka inta qaliin lagu sameeyo lagaga xidhayo qadadka ama xaga dambe ee madaxiisa shaqada birtani waa in ay xoojiso dhaqdhaqaqa maskaxda sido kale ay dib ushaqo galiso xubnaha maskaxda ee horey u shaqo joojiyey, micnuhu se intaas waa ka gudo balaadhanyahay birtani waxay awood inoo siinaysa inan si fudud ula xidhiidhno technologyada inaga oo kaliya ka fikirayna tusaale waxad niyaysan in laptopkagu is shido,talefankagu hebel waco,laydhka aad iska damisid amaba youtube ka aad ka gaysatid channel kii aad jeclayd muuqalkisi u dambeyay dhamman ficiladasi si runa ayay u dhacayaan marka aad niyaysato kadib waayo waxa si link ahaan ah iskugu xidhmaya maskaxdada iyo aaladaha technologyga ee ka ag dhow.

Dhanka kale waxbarashada qofku cilmiga uu rabo si fudud ayuu u baran oo luuqad dhan ayad maalmo ama saacado ku baran halka dadka qaari leeyihiin wajiga labaad ee baramijkan waxa uu awood ku siin inad cilmiga dhanba maskaxda ku shubato, faa'iidada ugu badan ee baramijkan leeyahay waa dhanka caafimadka sida in dadka xanunka faaligu(stroke) gu ka dhigay paralyzed ka in uu si fudud uso kabsiyo, waxa uu sido kale inaga caawinayaa sidan durba uga so kabsan lahayn dhaawacyada maskaxda inaga so gaadha ama spinal-cord ka, hadan intas ku fudaydiyo haduu noolan lahaa Stephen Hawking waxa uu awood u lahan lahaa in uu si caadiya u hadlo isaga oon wax mechine ah caawinaynin..

@faaristube

Faaris tube

17 Feb, 03:31


Sidee lo ogaada in qolkaad so gashey ay ku xidhantahay camera qarsoodi ah ?

Hadii aad gasho safar meel kugu cusub ama aad dagto hotel adna doonaysid inad xaqiijisid amniga qolkas gaar ahaan iney ku xidhanyihiin Aaladaha wax duuba waxad isticmasha xirfadan yar.

Marka kobaad ed qolka saas uso gasho waxad xidha daaqada,albaabka iyo meel walbo oo iftiin ka so galayo kadib waxad damisa laydhka qolka waxanad la so baxdaa taleefankaga adiga oo gaynaya camerada uu kuso baxay taleefanku(raw camera)

Markad camerada gaysid waxad iska xidha flashlight ka camerada kadib waxad ku wareejisa taleefanka afarta dhinac ee qolka waliba adiga oo ayar wada hadii intaas ay shashada ka so muuqato dhibic cas (red dot ) waxa qolkas ku jirta camera qarsoon hadiise ay so muuqan waydo qolku waa amni.

@faaristube

Faaris tube

13 Feb, 06:49


Isu soo noqod wanaagsan

Maanta wixii ka dambeeyo waxaa inoo bilaabmaysa xogta aan idinla wadaagi jirey oo ku aadan dhinaca technologyada Haduu Eebbe noo ogolaado insha Alllah.

Stay Tuned

Faaris tube

17 Dec, 15:46


WhatsAppka qeybtaasi yar ee qoraalka kor lagu dhejin karo ayay kusoo siyaadiyeen.

Qoraalka ama codka iyo sawirka aad rabto ayaad kor ku dhejin kartaa, qaabab kala duwan ayaadna u isticmaali kartaa. Tusaale:

- Inaadan qof marar badan hal hadal waydiin, halka mar uu kuusoo qoro ayaad kor ku dhejin kartaa.
- Qof sheeko iwm idin ka dhexeyso ayaad hadal qurux badan halkaas ugu dhejin kartaa, marwalboo wada sheekeysigiina aad furtaanna horay ayaadba ka arkaysaan.
- Waalidkaaga haddii ay WhatsApp kuugu jiraan ayaad halkaas "Alloow idin xafid" ugu dhejin kartaa.
- Qof aad deyn ku lahayd oo taariikh hebel baan bixinayaa ku dhahay, ayaad kor hadalkiisaas ku dhejin kartaa, si walboo aad qoraalo kale isku waydaarsataanna, qoraal qarsamayo ama la dhaafi karayo ma ahan.
- Groupyadana aad buuba usii anfacayaa.
- Qof baad "Allaha ka cabso" ama "Salaadda aan ku dadaalno" ugu dhejin kartaa meesha.

Waa wax aad qaabab kala duwan u isticmaali kartid.

Fiid wanaagsan 😊

@faaristube

Faaris tube

10 Nov, 16:21


Facebook filinkaan cusub ayay keeneen.

Waxay ku leeyihiin bil walba €12.99 bixi, xayaysiimaha Facebook & Instagram si aadan u arkin, macluumaadkagana looma isticmaali doono xayaysiimaha.

Ama bilaash ku isticmaal Facebook & Instagram, xayaysiimo waad arkaysaa, macluumaadkagana xayaysiimaha waa loo isticmaali doonaa.

Facebook ayay rabaan inay guri cml bil walba aad kiro ka bixiso, qarashkaagana ku joogto. 😁

Raali ahaada dheh. 😁

@faaristube

Faaris tube

07 Nov, 04:14


Waxaa la baaray lana ogaaday in dadka WhatsGp-ga isticmaala ay yihiin:

1- Dad shaki badan wax walba oo loo sheego aanan aaminin, nafahooda xittaa mararka qaar ka shakiya.

2- Dad u nugul dambiyada sida inay wax xadaan oo kale, inay imtixaanada qishaan oo kale, waxaana lagu sababeeyey statusyada dadka intay fiirsadaan ayey hadana lasii dagayaan.

3-Dad jecel inay isqariyaan oo Noloshooda dhabta aysan banaanka soo dhigin, lkn jecel inay ogaadaan xaaladaha dadka kale.

Makamid tahay adiga dadka isticmaala hoos ka wac qof isticmaala..!!

@faaristube

Faaris tube

06 Nov, 05:38


Shirkadda 𝐎𝐩𝐞𝐧𝐀𝐢 ayaa ogolaatay in furaha Soomaaliya ee +𝟐𝟓𝟐 la iskaga diiwaangelin karo aaladda 𝐂𝐡𝐚𝐭𝐆𝐏𝐓.
Alaaddan ayaa ku shaqeysa garaad-ka macmalka ah (𝐀𝐫𝐭𝐢𝐟𝐢𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐥𝐥𝐢𝐠𝐞𝐧𝐜𝐞) waxaana la bilaabay sannad ka hor.

Barnaamijkan in uu suurto galo waxaa ka shaqeysay Eng. Munira Omar ahna Agaasimaha Filan Institute of Technology.

Fadlan tijaabi oo ka faa’ideyso.

#OpenAi #ChatGPT #Somalia

@faaristube

Faaris tube

29 Oct, 06:47


Maka war haysaa mase kusoo gaaray  Update ka cusub ee lagu soo kordhiyay Messenger


Messenger fur

1- Qeybta Settings tag
2- privacy & sefaty riix
3- Meesha ee ku qoran tahay   "applock" riix

4- riix After I leave Messenger


@faaristube