IMBIYOW @imbiyow21 Channel on Telegram

IMBIYOW

@imbiyow21


Graphic Design
Video Editing
E-learning

IMBIYOW (English)

Welcome to IMBIYOW, your one-stop destination for all things graphic design, video editing, and e-learning! If you're looking to sharpen your skills in the digital realm or enhance your creativity, you've come to the right place. IMBIYOW is a Telegram channel curated by talented individuals passionate about visual arts and education. Our channel provides a wealth of resources, tips, tutorials, and inspiration to help you excel in graphic design, video editing, and e-learning. Whether you're a beginner looking to learn the basics or a seasoned professional seeking to stay updated with the latest trends, IMBIYOW has something for everyone. Join our community of like-minded individuals and explore the endless possibilities of digital creativity. Don't miss out on this valuable opportunity to elevate your skills and unleash your potential. Subscribe to IMBIYOW today and take your creative journey to new heights!

IMBIYOW

14 Nov, 09:17


https://www.facebook.com/share/r/18yysNmZ15/

IMBIYOW

03 Nov, 08:34


https://www.facebook.com/share/r/uvDeD8KPSG7dVbQy/

IMBIYOW

30 Oct, 14:50


https://www.facebook.com/share/r/XGPVqX7zeGXKHFhr/

IMBIYOW

30 Oct, 07:54


ASC

IMBIYOW

13 Oct, 19:35


๐Ÿญ๐Ÿฐ ๐—ข๐—ฐ๐˜๐—ผ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿญ๐Ÿณ

waxay aheed maalin murugo u ah dhamaan ummada Soomaaliyeed waa maalintii kuumanan shacab soomaliyeed oo biri magaydah lagu gumaaday qarixii ka dhacay isgooska soobe ee magaalada muqdisho.

Inta ku dhimatay ale ha unaxariistee, dad rayid ah oo isugu jira hooyooyin aabayaal dhalinyaro caruur nockasta dadkaas oo waxba galabsan.

An u ducayno walaalaheenii ku nafwaayay qarixii zoobe

14/October/ 2017

IMBIYOW

24 Aug, 11:37


1: "Qofna markii uu dhalanayay ma uu dooran midabkiisa, nasabkiisa, hantidiisa iyo cidda uu noqonayo; ee haddii aadan abuurka ixtiraamayn, abuuraha ixtiraam."

-Sheekh Axmed Diidaat

2: "Cadowga ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah. Kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya, falalka sumcad-darrada usoo jiidaya Islaamka. Dadka kalena marka ay arkaan, waxay moodayaan inuu Islaamku yahay isaga oo kale."

-Sheekh Axmed Diidaat

3: "Anigu Muslim baan ahay, Islaamkuna waa diin dhamaystiran. Laakiin, anigu ma ihi insaan dhammaystiran. Haddii aan gef ku dhaco Islaamka ha canaananina, ee aniga i cansanta."

-Sheckh Axmed Diidaat

4: "Qofka gudaha ka wasakhaysani, ma suuraysto in ay jiraan dad wanaagsani."

-Sheekh Axmed Diidaat

5: "Dadka kuwa ugu dhaqanka xumi waa, kuwa marka ay kaa cadhoodaan wanaaggaaga inkira, sirtaada faafiya, noloshaadana diida, wax aanad ahaynna kaa sheega."

-Sheekh Axmed Diidaat

6: "Annagu ma nihin, kuwa ka dib dhacsan reer Galbeedka. Balse, waxaynu nahay kuwa ka dib dhacsan Islaamka.

IMBIYOW

23 Aug, 11:44


๐Ÿƒ๐ŸŒนXadiith Nabi๐ŸŒน๐Ÿƒ


๐ŸŒดNabigu ๏ทบ(ANKH) waxa uu yidhi:
(Maalin ay Qorrax soo baxdo, waxa ugu khayr badan:
๐Ÿ‘‰ Maalinka Jimce
โœ… waa maalinkii la abuuray Aadam (Cs)
โœ… waa maalinkii laga soo saaray Jannada, ee Adduunyada lagu soo dajiyay
โœ… waa maalinkii laga toobad aqbalay
โœ… Waa maalinkii uu dhintay Aadam (Cs)
โœ… Waa maalinka ay dhacayso Qiyaamadu
โœ… mana jiro san ku neefle Arlada dul socda, illaa wuu u dheg-raaricinayaa, oo dhagaysanayaa, sugayaa-na Maalinkaa Qiyaamada, laga bilaabo marka uu waaggu dillaaco, illaa Qorraxdu ka soo baxayso, cabsasho uu ka cabsanayo Qiyaamadu in ay dhacdo aawadeed, jinka iyo insiga mooyaane
โœ… Waxa-na ku Jirta Maalinkaa jimce saacad, aanu waafaqayn oo la kulmayn Addoon Muslim ah, oo tukanaya, weydiisa-nayana ilaahay Baahi iyo Arrin, illaa ilaahay wuu siiyaa)

๐Ÿ“š waxa soo saaray xadiithka Imaamu Abii Daawuud, waxa-na saxiixiyay Imaamul Albaani

IMBIYOW

21 Aug, 04:06


Ogow guuushu majirto nimay  la dhalatey
Waa mid la gaaro balse waxay kaa rabtaa dadaal inaad la timaado waligaa, wixii aad kuguuldareysatey lagama tago waa lagu celiyaa waayo waad guuleysaneysa barito
Hadaad maanta guul dareysatey

IMBIYOW

18 Aug, 16:40


โ€œAfrika uma baahna Bangiga Adduunka, IMF, Yurub iyo Maraykan. Ma horumari karo dhaqaalaha Afrikaanku inta ay addoomo u yihiin daymaha Reer Galbeedka.โ€

Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traore

IMBIYOW

17 Aug, 09:18


Isbeddelka xawliga ah ee teknoolojiyaddu waa mid markale qaabaynaya muuqaalka guud ee ganacsiga caalamka, Geeska Afrikana kama reebna arrintan. Technologygani waxay la imanayaan fursado badan oo horumarineed iyo caqabado, kuwaas oo xallintoodu abuuri karto fursado dhaqaale oo wax ku ool ah iyo fikrado ganacsi oo ugub ah

Si ganacsiyadu uga faa'iideystaan horumarkan teknoolojiyadeed, waxa laga maarman ah inay si firfircoon isku diyaariyaan diiradana saaran teknoolojiyadaha sida xawliga ah u koreya ayna ugu horeyso caqliyada macmalka ah (AI).

Durba waxaynu ka soo gudubnay xilligii AI-gu ahaa fikrad mustaqbalka ah, waayo wuxuu durba ku dhex milmay waaxyaha kala duwan ee nolosha. Laga soo bilaabo chatbots-ka bixiya adeega macaamiisha ilaa heerka maanta la joogo, AI-gu wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka beddelo habka ganacsigu u shaqeeyo. Qaarad ahaan Arrintan waxaa si weyn horumarin uga socotaa Bariga iyo Geeska Afrika, halkaas oo laga bilaabay in AI-ga loo isticmaalo waxyaha kala duwan sida beeraha, caafimaadka, maaliyadda, iyo waxbarashada.

Si kooban blockchain, cryptocurrency, 5g technology, renewable energy, fintech, digital platforms, e-commerce, advanced manufacturing iyo wixi la mid ahiba waa technologies ka ay tahay dhalinyar ahaan,bulsho ahaan iyo ganacsi ahaanba inan isku diyaarino ka faa'iidaysigeeda.

IMBIYOW

16 Aug, 10:46


Jumaca kariim:
dhamaan dhalinyarada meesha ku jirtey,Fadligaa jimca halaga faa'iidayto saliga nabigana hala badiyo (SCW).

IMBIYOW

14 Aug, 11:39


Muuqaalka aad wada sugayseen.

IMBIYOW

14 Aug, 11:38


FACEBOOK POSTER IN PHOTOSHOP.

IMBIYOW

12 Aug, 08:40


https://www.facebook.com/share/AFrv8phuvab5sKym/?mibextid=CTbP7E

IMBIYOW

12 Aug, 07:07


Ninkii gacantiisa dul dhiga qof dumar ah oo aan u bannaanayn isagoo shahwo iyo dareen ula jeeda wuxuu imaanayaa maalinta qiyaame gacantiisoo qoorta ugu xiran! ........

Haddii uu shummiyay ama dhunkadayna dibnaha ayaa dab looga shidayaa!
Haddii uu u galmoodana bowdyiniisa ayaa ku marag furi doona maalinta qiyaame iyagoo oran doona 'xaaraan ayuu nagu fuulay'!

Markaas ayuu Eebbe si caro leh u eegi doonaa, kaddibna hilibka wajigiisa ayaa daadan doonaa! Maxaad samaysay? Ayuu Eebbe waydiin doonaa..
Carrabkiisa ayaa oran doonaa 'waxaan bannaanayn ayaan ku hadlay'
Labadiisa gacmood ayaa dhihi doona 'xaaraan ayaan taataabtay'.

Indhaha ayaa sheegi doona 'meel aan noo bannaanayn ayaan eegnay'
Lugaha ayaa ku warcelin doona 'xaaraan ayaan u socdaalnay',
Xubinta taranka ayaa qiran doonta 'wax aan la oggolayn ayaan sameeyey'

Mid ka mid ah Malaa'igta ilaalada ah ayaa oran doona 'waan maqlayay'
Kan kale ayaa dhihi doona 'anna sidoo kale waan qoray'

Eebbe ayaa oranaya 'Anna waan arkayay oo waan u ceeb qariyay! Ee Malaa'igtaydaay, qaada oo cadaabkayga dhadhansiiya caradaydu waxay ku dhacdaa ciddii aan iga xishoon e!'

Balse, haddii addoonku Eebbe u noqdo xittaa isagoo sinaystay; Eebbe waa dambi dhaaf badane naxariis badan. Wuxuu yiri Eebbe wayne ' ุงู„ุง ู…ู† ุชุงุจ ูˆุงู…ู† ูˆุนู…ู„ ุนู…ู„ุง ุตุงู„ุญุง ูุงู„ุฆูƒ ูŠุจุฏู„ ุงู„ู„ู‡ ุณูŠุฆุงุชู‡ู… ุญุณู†ุงุช ูˆูƒุงู† ุงู„ู„ู‡ ุบููˆุฑุง ุฑุญูŠู…ุง'

Kitaabul Kabaa'ir, Imaam Shamsudiin Dahabi.

Mohamed Jama Diriye (๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ถ ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฒ)

IMBIYOW

11 Aug, 14:38


IMBIYOW pinned Deleted message

IMBIYOW

11 Aug, 06:19


Hadda, waxaan ku jirnaa heerka LLMS, halka AGI iyo ASI ay weli yihiin mustaqbalka. Waa maxay sida ay heerarkan u kala duwan yihiin?

1. Basic AI
Basic AI waa heerka ugu hooseeya ee sirdoonka macmalka (AI). Waxaa loo yaqaanaa Narrow AI ama Weak AI sababtoo ah waxay ku takhasustay hawl yar ama shaqo gaar ah. Basic AI ma fahmi karto macnaha guud, mana awooddo inay wax ka barato kana hawlgasho meel ka baxsan waxa loogu talogalay.

Tusaale
Siri ama Google Assistant. Waxay kaa caawin karaan inaad telefoonkaaga ku raadiso macluumaad ama aad dejiso alaarm, laakiin ma awoodaan inay ka fikiraan oo ay isbeddel ku sameeyaan waxkale adiga aad rabto ayaga iskood.

2. LLMS (Language Learning Models)

LLMS waa model AI ee si gaar ah loo tababaray si ay u fahmaan una soo saaraan luuqadda dabiiciga ah. Waxay leeyihiin awoodda ay ku fahmaan macnaha qoraalka waxayna soo saari karaan qoraal cusub oo ku saleysan xogta ay heleen. Tusaale ahaan, GPT (Generative Pre-trained Transformer) waa mid ka mid ah models ka.

Tusaale
Chatbotska Shirkada hormuud ee adeega macaamiisha, waxey kaa caawin kara inaad u hesho jawaabo su'aalahaaga oo u dhaqmaan sidii qof aad la hadleyso oo okale oo kamid ah howlwadeenada shirkada.

3. AGI (Artificial General Intelligence)

AGI waa heerka AI ee leh aqoon ballaaran oo u dhaqma sidii qof bani'aadam ah. Waxay fahmi kartaa oo qaban kartaa hawlo badan oo kala duwan iyada oo aan loo baahnayn in si gaar ah loo baro hawl kasta. AGI waxay ka tarjumaysaa awooda maskaxda bini'aadamka inay ka fikiraan, bartaan, xalliyaan dhibaatooyinka, oo ay la qabsadaan xaaladaha cusub.

Tusale
Hal Robot, ayaa loo tababaraa si uu u noqdo dhakhtar, injineer, iyo bare, wuxuuna ku shaqeyn karaa dhammaan shaqooyinkan iyadoo la isticmaalayo fahamka guud ee aqoonta lasiiyey.

4. ASI (Artificial Super intelligence)

ASI waa heerka ugu sareeya ee sirdoonka macmalka kaas oo aad uga caqli badan dadka oo dhan. Waxay leedahay awood ka baxsan maskaxda bini'aadamka, waxayna xallin kartaa dhibaatooyinka aadka u adag, waxeyna sidoo kale abuuri kartaa tiknoolojiyad cusub, Taas oo keeni karto horumar fara badan oo xagga cilmiga iyo farsamada.

โœ๏ธ

IMBIYOW

10 Aug, 09:04


Israaโ€™iil iyo weerarka dugsiyada waxbarasho:

August 8 โ€“ Diyaaradaha ISR4โ€™L ayaa duqeeyey dugsiyada Cabdifataax Xamuuda iyo Sahra oo ku yaalla bariga magaalada Qasa, waxaana ku dhintay 17 qof oo rayid ah.

August 4 โ€“ Diyaaradaha dagaalka ee ISR4โ€™L ayaa weeraray iskuullada Al-Nasr iyo Xasan Salameh ee ku yaala xaafada al-Nasr ee galbeedka magaalada Qasa, halkaasi oo ay ku dileen 30 Falastiiniyiin rayid ah.

August 3 โ€“ Waxay duqaysay dugsiyada Al-Xamaam iyo Al-Huda oo hoy u ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool xaafadda Sheikh Radwan ee galbeedka magaalada Qasa, halkaas oo ay ku dileen 17 qof oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

August 1 โ€“ Ciidamada ISR4โ€™L ayaa duqeeyay dugsiga Dalal Al-Maqribi oo ku yaalla xaafadda Shujaaciya ee bariga magaalada Qasa, halkaas oo ay ku dileen 15 falastiiniyiin ah.

Saaka waxay dileen 100 qof oo intooda badan ku jiray salaad subax, dugsi ku yaalla degmada Al-Derej ee Qasa.

IMBIYOW

09 Aug, 07:55


Israaโ€™iil ayaa si rasmi ah ugu wargelisay magaalooyinka iyo deegaannada ku dhow xadka Lubnaan inay dadku galaan goobo amni ah illaa amar dambe.

IMBIYOW

07 Aug, 09:19


Qofka Somalia jooga Facebook lacag maka samayn karaa? haa laakiin waa inuu haysto.
โœ…Server, si uu location kale uga soo galo Facebookiisa.
โœ…Qof dibadda jooga Address kiisa waa inuu helo
โœ…Qof lacagta u qabta oo ku caawiya akoonkiisa waa inuu helo

Jidkaas ayaa la soo mari jiray, awal waxaa dadka qaar ku adkeed inay helaan account dibadda ah hadda laakiin fursadda ayaa sii badatay.

Somalia maxaa u diiddan dowladeenna? Madaxweyne Ruto isagaa shaqsiyan Maraykanka u aaday lana soo kulmay madaxda shirkadda Meta kadibna ku casuumay dalkiisa si uu uga dhaadhiciyo in adeeggaas ay ka faa'iidaystaan dadkiisa. aaway Xasan Sheekh?

6,896

subscribers

18

photos

1

videos