Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya) @macmacan Channel on Telegram

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

@macmacan


Kafarxi Qoyskaga๐Ÿฅฐ

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya) (Somali)

Hadda kugu soo gudbiya barashada cunta karinta(Hablo Kaliya) waxaa lagu magacaabi karaa macmacan. Kanalkan waa mid ku filan oo si kale loo kala hadlayo barashada cunta karinta iyo habka loo isticmaalo in lagu cunto. Waxaa si rasmi ah looga dalban karaa macmacan in ay inoo soo gudbiso xogta iyo wararka ugu danbeeyay ee ku saabsan cunta karinta

Macmacan waa mid ka mid ah habeenkii ugu macaan ee Qoysasku kaga mid noqon karaan. Waxaad ka heli kartaa heeso cusub oo ku saabsan cunto karinta, tusaale ahaan heesihii caadiga ahayd ee lagu tarjumayayo af Soomaali

Intaa waxaa dheer, macmacan waxaa si fudud loo aqriyaa iyo loo kala hadlaa, kuwaas oo kuu fiicanaya cunto karinta ee aad ka heli kartid. Haddii aad rabto in aad barasho cunto karinta si aad u ogaato habkayaga iyo sirta cunista, halkan kula soco kanalkan si aad u heshid xogtaada

Macmacan waxaa ku siin kara macaamiisha fursad ay ka helaan cunto karinta xog lagu turjumo si loo badalo dabeecadaha la xiriira cunista. Sidaa daraadeed, haddii aad rabto in aad aqriso heeso cusub, ka heli cuno cusub, iyo in aad wax badan oo cusub ku barato cunto karinta, ha dhammaatina kanalkan macmacan

Dad badan ayaa hadda ka mid ah kanalkan macmacan, waxaa loo sifeeyay in ay ku siin doonaan fursad ay ku heli karaan qoraalo iyo wararka ugu danbeeyay ee ku saabsan cunto karinta. Haddii aad rabto in aad ka heshid xogta ugu fiican oo ku saabsan cunto karinta, tafadhal isla wac kanalkan macmacan iyo ka farxi Qoyskaga ๐Ÿฅฐ!

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

14 Sep, 16:54


BISMILLAH โค๐ŸŒน๐ŸŒฟ

Muufo casri ah oo aad u macaan.๐ŸŒน๐ŸŒน๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ

Wuxuu ka koobanyahay
1.Bur 2 koob
2.sokor 2 qando
3.qamiir 1 qando
4.Biyo diiran hal koob iyo bar
5.caano 1 qando
6.cusbo nus qando
7.saliid 1 qando

๐ŸŒน๐ŸŒน๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ

Sidan u sameyso

Soo qaado weel godan ku shub Biyo diiran,sokor,Qamiir intaas isku qas dabool sug 5 daqiiqo kadib ku dar bur,caano budo,cusbo,saliid si fiican iskugu xash dabool meel dhig sug hal saac kadib soo qaado birtaabo dabool leh mari saliid Ama subag kadib soo qaad cajiinka xoogaa yar isku celi kadib kuus ee dhexdhig birtaabada la egey sisin ku dul firdhi cajiinka dabool sug 15 daqiiqo markoo soo kaco dabka saar bir canjeelo dul saar birtaabada dabool dab hoose ku dub hoos markoo gaduudado u gadi dhankale kadib waa kuu diyaar .

๐ŸŒน๐ŸŒน๐ŸŒน๐ŸŒฟ

Markaa sidan usameysatid muufada aad ayey u macaan badan tahay ku casuum familgaga.

๐ŸŒน๐ŸŒน๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ

Pageka like comment and share gaarsii qof walbo

Mahadsanidiin๐Ÿฅฐ๐ŸŒน๐ŸŒฟโค

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

20 Aug, 11:28


Bismillahโค

Jumca mubarak asxabta qiimaha badan๐Ÿ˜

Popcorn caramel๐Ÿ˜˜

Salool caramel

waxay ka koobantahay

1.Daango 1 koob
2.Tumin sokor
3.Caano 1 koob
4.butter 1 qaando
5.cusbo yar


โฃDigsi dabka saar ku shub saliid yar ku dar daangada oo ku dub markay wada bucato ku shub weel godan,soo qaado birtaabo dab hoose kadhig dabka ku shub,

โฃsokor ee walaaq ilaa ey ka dhalaasho ku dar butter marnaba haka daynin qaanda inaad ku walaaqdo ku dar caanaha si tartartiib ah kuwada dhameey caanaha sifiican usii walaaq markay kuu noqoto shukalaato camal ku dul shub daangadii kuu diyaarsan isku walaaq waa kuu diyaar.

โฃmarkii sidaan loo sameeyo daangada/ saloolka aad ayee u macaan badan tahay.

โฃhadii aad ka heshay casiriyadan la wadaag asxabta aad u jaceshay saloolka.

follow garey page like saar share gare

mahadsanidiin๐Ÿ˜

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

13 Aug, 15:18


๐ŸŒฟ Rooti farmaajo (honey bread)

๐Ÿ€Sidan usameyso rooti macaan.

1.saddex koob oo bur ah
2.caano qasan(hal koob iyo bar)
3.hal qando oo qamiir ah
4.qandada yar oo cusbo ah
5.hal qando baking powder
6.hal qando sokor ah
7.hal xabo ukun ah.

๐ŸฒBร qule soo qaad ku shub canaha+qamiirka+cusbo+sokor+ukun+baking powder๐ŸŒทisku qas intaas kadib burka ku dar si fiican iskugu qas saliid yar ku xash dabool oo meel dhig inta oo kasoo qamiirayo. Markoo qamiiro soo qaado saxanka foornada kadib si qiyaasa u kuus kuus rootiga saxanka ku wareeji markaa dhameysid rootiga caano qasan dusha ka mari foornada gali inta oo gaduud ka noqonayo sugโฑ hal saac. Kasoo bixi foornada oo ku shub rootiga dusheesa canaha macaan (condense milk) iyo malab (honey)

๐ŸŒดHada diyaar waye ku casuum xaaji iyo caruurta wey ka heli doonร na hadii aad sidan ugu sameyso (honey bread).

๐ŸŒฑFollow garey pageka hadaa ka heshay postigan la wadaag asxaaptada hadii aad wax ka faiday waxii su aal aad qabto commentiga noogu reeb mahadsanidiin.

๐ŸŒฟIsku day in aad sameyso wax walbo waad sameyn karta.๐Ÿ™Žโ€โ™€๏ธ๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿฆณ๐Ÿ„โ€โ™‚๏ธ

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

29 Dec, 15:38


๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’Š๐’Š๐’” ๐’Š๐’š๐’ ๐’‰๐’Š๐’๐’Š๐’ƒ
Ka koobanyahay:
๐Ÿ”ถ๏ธBasal 1 xabo
๐Ÿ”ถ๏ธYaanyo lasoo shiiday
๐Ÿ”ถ๏ธKarooto 1 xabo
๐Ÿ”ถ๏ธToon iyo kabsar
๐Ÿ”ถ๏ธCusbo 2 qaaddo ama qayaas
๐Ÿ”ถ๏ธXawaashka hilibka
๐Ÿ”ถ๏ธXawaashka caadiga ah
๐Ÿ”ถ๏ธQarfe iyo heel shiidan
๐Ÿ”ถ๏ธJoos shiidan qaaddo haafkeeda
๐Ÿ”ถ๏ธFilifil shiidan qaaddo haafkeeda
๐Ÿ”ถ๏ธDhegayare qaaddo haafkeeda
๐Ÿ”ถ๏ธZabiib 3 qaaddo yaryar
๐Ÿ”ถ๏ธRiixaan budo ama caleen
๐Ÿ”ถ๏ธSaliid ama subag 4 qaaddo oo weyn
๐Ÿ”ถ๏ธBariis basmati nus kiilo

Qaabka loo diyaarinayo:
1. Hilibka iyo khudaarta si fiican usoo dhaq.
2. Hilibka kaligii biyo ku saar.
3. Saliidda ama subaga digsiga ku shub kadibna basasha iyo toonta ku shub inta ay ka gaduudaneyso basasha, kadibna hilibki biyaha ka soo saar ee ku dar oo isla gedgeddi asaga iyo basashi ilaa uu ka shiilmo, cusbana ku dar.
4. Ku dar kabsarta iyo yaanyadi shiidneyd iyo xawaashyadi budada ahaa oo dhan kadibna waxyar kabacdi ku shub biyahii aa kusoo karisay hilibka ee karkarsanaa, ee shib ka dheh cabaar intey ka karkarayaan.

5. Bariiska soo dhaq kadibna biyo kusoo radi(biyo lasoo dhig)cabaar.
6. Weel kale ku shub saliid, toon iyo kabsar, xawaash yar, cusbo, Qarfihi, heelki, jooski, filfishi, reexaanti iyo dhamaan waxaa hayso.
7. Bariiska ku dar qeybtan bilaa hilibka ah ee si fcn ugu walaaq.

8. Qeybti kale oo hilibka ku jiray oo dadka kuu saarneyd ku dul shub bariiskan shiilmay, lkn hilibka waa inaa ka bixisaa oo weel gooni ah ku riddaa.
9. Bariiska markuu bislaan rabo hilibka dusha ka saar saar oo ku dabool 5 daqiiqo, oo dabka u gaabi si uu u huuro.
10. 5 daqiiqo kadib tartiib qaadada ugu gedi bariiska oo hilibka dhexda geey.
11. Zabiibka haddaa jeceshahay ku darso.
12. Ku gur saxanka cuntada oo caafimaad ku cun.
๐ŸŒธJooska waa midka kuukuusan ee xalwada aan ku darsanno oo la shiiday.
๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

13 Dec, 10:14


๐ŸŒธShurbadda baradhada iyo karoontada.
Ka koobantahay:
๐Ÿ”ถ๏ธKarooto 5-10xabo
๐Ÿ”ถ๏ธBasal hal xabo
๐Ÿ”ถ๏ธBaradho 3 xabo
๐Ÿ”ถ๏ธCaano 1 koob
๐Ÿ”ถ๏ธSubag ama saliid 2 qaaddo
Qurxinta:
๐Ÿ”ถ๏ธKarooto lasoo hoolay ama la yaryareeyay
๐Ÿ”ถ๏ธJubn ama cheese
๐Ÿ”ถ๏ธBasal baar

Saliidda weelka ku shub kadibna basasha iyo kaarootada ku shub oo walaaq muddo 6 daqiiqo ah.

Caanaha iyo baradhada ku dar oo dabool illaa ay ka bislaadaan oo caanaha kuwo adag noqdaan.

Makiinadda cabitaanka kusoo shiid kadibna weelka lagu cuni lahaa ku shub.

Kor kaga shub waxyaabo lagu qurxiyo sida yaanyo qalalan karooto iyo cheese(frmjo).

Rooti ku cun ama sideeda ku cab cuntada kadib.

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

25 Nov, 07:38


Channel name was changed to ยซBarashada cunta karinta(Hablo Kaliya)ยป

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

25 Nov, 07:28


๐™Ž๐™ž๐™™๐™š๐™š ๐™œ๐™ช๐™ง๐™ž๐™œ๐™– ๐™ก๐™ค๐™ค๐™œ๐™ช ๐™จ๐™–๐™ข๐™š๐™š๐™ฎ๐™–๐™–
(๐™‹๐™š๐™–๐™ฃ๐™ช๐™ฉ ๐˜ฝ๐™ช๐™ฉ๐™ฉ๐™š๐™ง)( ุฒุจุฏุฉ ุงู„ููˆู„ ุงู„ุณูˆุฏุงู†ูŠ) ( ๐™Ž๐™ช๐™—๐™–๐™œ๐™– ๐™ก๐™ค๐™ค๐™จ๐™ ๐™–) ๐ŸŒธ

๐Ÿ’  Soo qaado 2 koob oo loos qolof la'aan ah.
๐Ÿ’  Wax yar birtaawada dabka la saar oo soo dub.
๐Ÿ’  Khalaadka ama makiinadda cabitaanka ku shub oo shiid.
๐Ÿ’  Ku dar in yar oo saliid macasaro ah.
๐Ÿ’  Iyo 1 qaaddo oo malab ah.
๐Ÿ’  Shiid illaa uu ka noqonayo kareem.
๐Ÿ’  Ku shubo weel dabool leh oo ilmaha subixi ku sii quraacda.

๐ŸŒธCaanaha iyo mooska iyo shuufaanka aan qeybt hoose uga soo hadlay waad ku dari kartaa.
๐ŸŒธ Labo waqti ilmaha ku sii cuntada.
๐Ÿ”บ๏ธ Hana ka badinin.

Faa'iidooyinkiisa maxaa ka mid ah:

๐Ÿ”น๏ธ Waxaa la siin karaa ilmaha ka weyn 1 sano, waxay ka dhistaa dhan jireed iyo dhan maskaxeed. waa haddii loo siiyo si nidaam ah oonan laga badin.

๐Ÿ”น๏ธ Waxaa laga helaa awood oo waxaa ku jira Carbohydrate iyo Protein Fats.

๐Ÿ”น๏ธ Waxay qani ku tahay Vitamiino iyo macdan fara badan. sida Vitamin E, B3, B6 iyo Magnesium.

๐Ÿ”น๏ธ Waxay hoos u dhigtaa miisaanka, maadama ay ku dareensiineyso dherganaan oo ay baahida yareyneyso.

๐Ÿ”น๏ธ Sokorta jirka ayey xakameysaa.
๐Ÿ”น๏ธ Caafimaadka qalbiga ayey u fiicantahay.
๐Ÿ”น๏ธ Lafaha ayey xoojisaa.
๐Ÿ”น๏ธ Kansarka (allaha naga haayee) ayey dhalashadiisa ka hor tagtaa.
๐Ÿ”น๏ธ Maskaxda iyo caqliga ayey u fiicantahay.

Maxaa dhibaatooyin ah oo ka dhalan karo:

๐Ÿšซ Waxaa khalad ah inaa iska badiso ama ilmahaaga ka badiso waayo haddaanan si nidaam ah loo siin ilmaha koriinkooda ayey yareyneysaa.
๐Ÿšซ Haddaa xasiisiyo ku qabto ama ilmahaagu ku qabo waa inaa ka dhaafto.

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

02 Nov, 12:07


ุดูˆุฑุจุฉ ุงู„ุนุฏุณ ๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงกโš˜โš˜โš˜โš˜
Shoraba ama mashaariyada laga sameeyo digirta jaalaha ah ( misirta ).
โ—พโ—พโ—พโ—พ
1. Waxay xoojisaa lafaha
2. Waxay ka ilaalisaa qofka xanuunada qalbiga
3. Waxay u fiicantahay hooyada uurka leh, waxayna ilaalisaa muuqaalka canuga caloosha ku jiro.
4. Dhiiga qofka ayey xakameysaa
5. Calool xanuunka ayey u fiicantahay.
โ—พโ—พโ—พโ—พ
๐Ÿ’Ÿ Maxaa ka sameynee:
1. Digirta jaalaha ah
2. 2xabo baradho
3. 1xabo basal
4. 2xabo karooto
5. 2 xabo toon
6. Xawaash iyo wax allaala wixi carfis ah oo kuu yaalla
7. Biyo iyo in yar oo saliid ah
8. Basbaas haddaa jeceshahay
๐Ÿ’Ÿ Sidee loo sameynaa:
โ—พSaliid yar dabka saaro, Basasha ku dar.
โ—พBaradhada, karootada, toonta iyo xawaashka, nasbaaska, waxaa haysoo dhan ku dar.
โ—พ Markaa sidi bariiski u diyaariso digirti ama misirti ku dar.
โ—พ Markaa isku walaaqdo, biyaha dusha uga dar, ka kor mari biyaha sidi bariiski oo kale.
โ—พBiyaha yeysan ku yaraan, markey bislaato waa iney xoogaa biyo ah ku jiraan gudaheeda.
โ—พ Khalaadka ama makiinadda cabitaanka ku shiid ayadoo kulul.
โ—พ Rooti canjeelo ama sambuus waxaa hayso ku cun, ayada kaligeed xataa qaaddo ku cab cuntada kadib.
โ—พ Waayeelka iyo xaamilada aad bey ugu fiicantahay.
โ—พ Ilmaha iyo dadka waaweyn waa ay cabi karaa.
๐Ÿ’Ÿ Caafimaad ku cuna ๐Ÿ™
๐Ÿ’Ÿ Intee u socotaa hee qali share bes kuu dhimanโš˜๐Ÿ’Œ

Barashada cunta karinta(Hablo Kaliya)

21 Sep, 04:48


Hadii aad rabto canjeero qurux badan aadna uqafiif ah jilicsana kudarso #Bakpulver #Bakingpowder kaas qamiir kama yeelaneyso

qofkastana waacuni karaa xitaa dadka gaaska qaba ee dhaho canjelada gas bay nagu kicisa waxba kama dhibayo

1,578

subscribers

22

photos

1

videos