LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠 @laylintaruuxda Channel on Telegram

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

@laylintaruuxda


𝙌𝙤𝙛𝙠𝙞𝙞 𝙩𝙖𝙖𝙧𝙞𝙞𝙠𝙝𝙙𝙖 𝙖𝙠𝙝𝙧𝙞𝙮𝙖, 𝙦𝙖𝙡𝙗𝙞𝙜𝙞𝙞𝙨𝙖 𝙦𝙪𝙪𝙨 𝙢𝙖𝙜𝙖𝙡𝙖𝙮𝙨𝙤, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙖𝙧𝙠𝙖𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙞𝙨𝙗𝙖𝙙𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙖𝙙𝙪𝙪𝙣𝙠𝙖, 𝙪𝙢𝙖𝙙 𝙩𝙖𝙗𝙖𝙧𝙙𝙖𝙧𝙣𝙖𝙮𝙙 𝙞𝙣𝙚𝙮 𝙭𝙤𝙤𝙜𝙖𝙮𝙨𝙖𝙣𝙖𝙮𝙨𝙤, 𝙢𝙞𝙙 𝙭𝙤𝙤𝙜𝙖𝙣𝙖

𝙇𝘼𝙔𝙇𝙄𝙉𝙏𝘼 𝙍𝙐𝙐𝙓𝘿𝘼✨️ 🧠 (Somali)

LAYLINTA RUUXDA waxaa ka mid ah qofka taariikhda akhriyaha, qalbigiisa quus magaalaysa, wuxuu arkayaa isbaadalka aduunka isbadalka ah, umadda ka duwanaya jirka iyo guurka, mida xooggaansan. Laylinta Ruuxda waa xubin ka mid ah xirmada xogta ah ee dunida. Kan ayaa ku shaqaysa si fiican si ay uga faa'iideystaan dadka qaar ee jirka iyo guurka awoodo, iyo ku saabsan xoojinta iyo howlaha kajakisnimo. Channelka waxaa loo diyaariyaa qof walba oo doonaya in uu wax ka ogaado taariikhda jirka iyo guurka, ayaa marka hore dib u eegaya si fiican, qof walba waxaa laga yaabaa inuu ka faa'iideystaan qoraalkii loogu talagalay qalbigiisa.

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

03 Feb, 21:05


‏﴿ وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَى ﴾ 🦋
~Rabbi uu kay siin doonaa Adna waad qanci doontaa🤎✍🏽

Bal qiyaas hadalka Rabbi caalamka ee qalbiga ku xasilin jiray , ee ku sabra dhibka iyo kakanaanta adduunyada, anna waxaan ku siinayaa wax aad rabto, oo aan kugu badali wax qurux badan. Waxaan ula jeedaa hadii Eebaha Caalamka idiin balan qaaday dhamaantiin xoog yeesha oo samir ,Eebaha caaalmakana waan idin qancin doonaaye maxaad cabsi
iyo werwer ugu nooshihiin ❗️
Way ka qurux badan tahay hadiyadaha Allah I rumayso,Allah wuxuu nagu arsaaqi doonaa waxa aan jecel nahay oo aan rabno, laakiin waxay nooga baahan tahay dulqaad niyad fiican , waana inaan samirnaa.

Ilaahow naga yeel kuwa aad raalli ka tahay oo waxay rabeen hela 🥹🤍

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

23 Jan, 03:46


Ku bullaali garaadkaaga caadooyinkan.

Maskaxdeennu waa sida xubnaheenna kale, waxa ay ku kortaa/waynaataa waa hadba sida looga shaqaysiiyo. Xataa haddii aad tahay qof aan u dhalan maskaxbadnaan haddii aad si wanaagsan u adeegsato oo si wayn uga shaqaysiiso maskaxdaada waxa aad Garaad badan kartaa qofka aan isagu maskaxdiisa adeegsan.

Halkan waxa aan kuugu soo gudbin doonaa shaqooyin haddii aad qabato aad maskax ahaan u kori doonto. Waxa aynu ku dadaalnaa innaagu in aynu jidhkeenna dhisno innaga oo samayna shaqooyin aad u culus iyo jamicsiyo badan, laakiin waa ay innagu yar yihiin inta maskaxdooda boodhka ka jafta ee ka shaqaysiisa kuna dadaasha sidii ay u bulaalin lahaayeen. Si uu baarka sare u gaadho heerka garaadkaagu iyo shaqada maskaxdaadu, samee inta aad awoodo shaqooyinkan adiga oo qaadanaya talaayinkan.

•Haku mashquulin in aad ogaato heerka uu joogo garaadkaagu, kaliya aamin in maskax badnaantu tahay, hab-dhaqankaaga, wacyigaaga, iyo hadba sida aad u dhaqanto.
•U fiirso waxa ay sameeyaan dadka maan-gaabka ah, isku day in aad ogaato Sababta ay u gafaan, iska day in aad ka barato aqoon khaladaadka ay galayaan. Ogow kuwa maan-gaabka ah waxa ay neceb yihiin in ay khaldamaan, laakiin dadka garaadka badan khaladkooda laba goor ma-galaan. Waxa ay rumaysan yihiin xadiiskii uuu Suubbanuhu S.C.W, ku yidhi: “qofka mu’minka ah laba goor hal god lagamawada qaniino.”

•Dooro saaxiibo leh oo ku tilmaaman garaad badnaan, si aanad dareemayn ayay saamayn kuugu yeelan doonaan, waxa aad noqon mid Garaad badan sida iyaga oo kale. Ka dhigo wax Akhriska, daawashada kanaalada aqoonta, caado maalinle ah, ama todobaadle ah, ama Bille ah. Wakhtiga aad wax Akhriyaso ayay kaa noqon akhris qudha, laakiin adiga oo soo jeeda akhri, lafa-gur falanqee, u fiir-fiirso, baadh meelaha laga keenay xogaya maskaxdaada galaya. Isku day in aad naqdin karto waxa aad akhriyaso. Ciyaar, ciyaaraha u baahan ka shaqaysiinta garaadka, sida Shaxda. (الشطرنج) (chess) U samee Naftaada wakhti aad u barato xirfado (skills) wax kugu soo biirnaya.

•Ka guur afkaaraha aad ka dhaxashay Bulshada aad ku dhex nooshahay, oo samayso afkaaro Adiga kuu gaar ah. Ku dayo dadka aad u aragto in ay aqoon ahaan, garaad ahaan, wacyi ahaa, intaba kaa sarreeyaan. Laakiin middaasi ayayna kaa dhin in aad wax walba oo laguu sheego sidoda u liqdo, u yeel maskaxdaada shaandho-miir, kaa kala haadisa oo kaa kala hufta qashinka iyo inta miida ah. Inta miida ah qaado wixii kale iska daadi. Ku bulaali aqoontaada su’aalo badan, ku kori kaskaxdaad wax si waydiiyo badan. Su’aashu waa wax aynu aqoon u kororsan karno, wax is waydiintuna waa waxa aynu ku ogaan karno hadba heerka garaadkeenna.

•Cidna haku nicin afkaarteeda, ee afkaarta qudheeda nac. Marka aad aragtiyaha maankaaga ku lafo-gurto haddii aad jeclaato aragtida qaado cidda ay doonto ha-tidhaahdo, haddii ay ku raaligin waydan barteeda ku dhaaf. Mudnaanta malaha qof yidhi ee waxa mudnaanta leh waa waxa uu yidhi. Cun wax yaabahay aad ka halayso dheefta (Vitamins) iyo cuntooyinka dabeeciga ah, ogow cabista Biyaha. Biyuhu waxa ay koriyaan maskaxda waxa ay qurxiyaan jidhka.

•Yarayso wakhtiga aad ku bixinayso Baraha Bulshada, si ayna maskaxdaad dhaawac u soo gaadhin. Ku buuxi wakhtigaag madhan wax faa’iido ku leh. Sida in aad dhagaysato Buug cod ah, wakhtigii aad wado gaadhigaaga. Haka cabsan in aad wax ka ogaato afkaaraha kugu lidka ah, waxa ay kugu Kuu horseedi karaan in ay aqoontaadu kobocdo. La dood asxaabta aad aragtiyaha ku kala duwan tihiin, asxaabta aad isku aragtiyaha tihid wax buuran ku darsan maayan kobaca garaadkaaga. U safar waddamo aanad hore u tagin, oo aad kala dhaqamo duwan tihiin, waxa ay ka qayb qaadanayaan kobaca wacyigaaga iyo sida aad dunidan u aragto.

•Habee waqtigaaga, samayso qorshe aad si maalin leh ah uga shaqayso, qorshee waxa aad samayn lahayd todobaadkan soo aadan, halkee ayaad rabtaa in aad gaadho maxaad doonaysaa in aad fasho. Baro luuqad qalaad oo aan ahayn midaada Hooyo, waxa ay kuu furaysaa luuqadaas cusubi arrid kale oo aqoon ah, iyo duni kale oo aanad aqoon u lahayn.

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

23 Jan, 03:46


U abuur Naftaada Caadooyin Wanaagsan, oo aad joogtayso, sid in aad maalin kasta wax akhrido, haku fikirin Guul Adiga oo aan samaysan caado toolmoon. Ku dadaal in ay aqoontaadu isku dheeli tirnaato, haddii aad meel qudha xooga saarto wax badan ayaa kaa dheeh-galaya.

Aragtida kooban.

•Dadka garaadka badan hal mar ayay khaldamaan.
•Qofka aan aqoon sida ay dadka kale u fikiraan waxa uu is moodaa in uu isagu dunida ugu garaad badan yahay.
•Garaadkeenna waxa haga waa hadba in uu leeg yahay, wacyigeennu.

"كتاب نظرية الفستق." للكاتب فهد عامر الأحمدي.
Maxamed-Ashraf.

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

14 Jan, 08:26


𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚.
𝚌𝚊𝚚𝚕𝚒 𝚊𝚑𝚊𝚊𝚗, 𝚓𝚒𝚍𝚑 𝚊𝚑𝚊𝚊𝚗 𝚒𝚢𝚘 𝚍𝚊𝚛𝚎𝚎𝚗 𝚊𝚑𝚊𝚊𝚗.

Qofku wuu iska daallan yahay waqti kasta, marba marka ka dambaysa. Badankooduna uma muuqdaan kuwa haysta tamar ay maalin qudha ku dhammaystaan iyaga oo aan cabbin dhawr koob oo bun ah ama cabitaan tamarta siyaadiya. Cabitaannada noocaas oo kale ah inay si fiican u gadmayaan ayaa caddaynaysa loollanka jidheed ee ay dadku ku suganyihiin iyo tamar darradooda!

Sidoo kale waxa kor usii kacaya isticmaalka daawooyinka ay dhakhtarradu qoraan ee loogu tala galay qulubka iyo werwerka iyo xanuunada kale ee maskaxeed. Tv-yadana xayaysiimaha ugu badan ee ka baxa ayay noqdeen daawooyinkaasi hadda. Waana wax argagax leh!

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

09 Jan, 03:23


Saddex-dan camal,ila yara dhugo adoo raaliya;
1-Dadka Oo layska Cafiyo: Allah Wuxuu yiri.
[فمن عفا واصلح فأجره علي الله].

2-Sabarka badan: Rabbi Wuxuu yidhi
[انما يوفي الصابرون اجرهم بغير حساب].

3 -Soonka badan: Ilaahay(SWT ),ayaa xadiisul qudsi ku yidhi:

[كل عمل ابنءادم له الاالصوم فانه لي وانا اجزي به ].

"Banko Carafo Waxaa la oradhanayaa
"Aaway kuwii ajarka Allaah ku laaha?.
Waxaa soo bixi doono Kuwii soonka badnaa , Sabarka badnaa, Cafiska badnaa.

Allow naga dhigo Kuwa maalintaa loo yeedhii doono,Idamkaaga awgii.

Qalinkii:Dadaala✍️

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

06 Jan, 18:21


Kol haddii waqti badan innagaga baxo baraha bulshada. Mid ku baraarugsanow waxa jira wax la yidhaa. (Person Brand) oo ah in uu qofku dhiso shakhsiyadiisa, isaga oo meelo badan xooga saaraya, sida aqoonta, xirfadaha, iyo qofnimadiisa. Ka dibna Wax aad dhisaysaa madal kuu gaar ah taas oo aad ka dhisi karto meelo badan oo ah baraha bulshada. Youtube, Facebook, Instagram, iyo LinkedIn. Madashaas oo aad ku samaynayso koritaan si ay dad badan kugu soo xidhmaan.halkaas oo aad ku soo bandhigayso waxa aad taqaan iyo xirfadaha aad leedahay si toosa iyo si dadbanba.

Waxa ay kaa anfacaysaa in aad dhistaa madal kuu gaar in aad si fudud u gaadhi karto dad badan oo deegaanno kala duwan jooga adiga oo xataa haddii aad Ganacsi bilowdo si degdeg ah koritaan badan u samayn kara, waana sababta aynu u aragno dad badan oo ka soo caan baxa Tiktok in ay Ganacsato iskugu badalaan. Mid ku ogow waa in aad marka hore si wanaagsan u dhistaa sumcadaada qofeed oo aanad wax walba iska dhex boodin noqotaana qof la isku hallayn karo.

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

16 Dec, 06:50


Wuxuu yidhi sunnabihi : Waxaan kasoo baxnay Yemen annagoo u socdaalnay hijro si aan u gaarno Nebiga ﷺ. Markii aan soo gaarnay magaalada Madiina, waxaa naloo sheegay in Nebiga ﷺ uu dhintay shan habeen ka hor. 🥲💔
Dib u dhaca shan habeen kaliya ay habsaameen ayaa ka hor istaagtay sharafkii saxaabinimada oo rasuulka ma aaney arag . Sidaas darteed, u degdega oo dadaala, waayo waxaa laga yaabaa in daahitaan hal saac ahi uu idinka hor istaago janada!

-Adham sharqaawi 🤍

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

21 Nov, 07:19


EIGHT EFFECTIVE SKILLS;
Siddeed xirfadood oo wax- ku-ool ah
1. Isgaarsiin Wanaagsan (Communication Skills).
2. Maaraynta Waqtiga (Time Management).
3.Isbadal Laqabsasho (Adaptability).
4.La-qabsi Shucuuraha (Emotional Intelligence).
5.Dhegeysi Wanaagsan (Active Listening).
6.La-talinta (Coaching/Mentoring).
7. Sabar iyo Dulqaad (Patience).
8.Go’aan Qaadasho (Decision-Making).

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

17 Nov, 10:20


Cabsida sheyga intaadan bilaabin iyo marka aad bilowda iyo marka aad wado wax yar waxaa tilmaan u ah calmaada Cas

Halka kalsoonida si badaneyso markasta oo aad sheyga sii wado

Waa tilmaan tusaale u ah cabsida inay tahay inta aadan bilaabin

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

13 Nov, 05:26


سأل موسى ربه فقال ..؟
يارب كيف تعامل من عصاك ..؟
فقال ياموسى .؟
من عصانىأمهلته ،
فإن فعل ذنبا ..سترته،
فإن رجع إلىقبلته ،
فأن عادإلي الذنب..انتظرته ،
• فإن تاب ….غفرته وأحببته ،
• ولاخذلته…وإلي نفسه وكلته ،
• كى لايكون لعبدى حجة
• وما أنا بظلام للعبيد ✍️


• Nabi muuse( cs ) Aya alle waydiiyay. (Swt )
• Wuxu yidhi n.muse c.s rabiyow sided ola dhaqanta adonkha marku ku caasiyo?
• Wuxu yidhi alle( swt )qofki icaasiya wan wan ukadiya wakhti ban siya,
• Hadu dambabo wan astura
• Hadu isoo labtana wan aqbala towbadisa
• Haduu dambigi kulabtana wan usugaa
• Haduu towba keenana wan udhafa dambiga oo wan jecalada
• Mana halaago naftisana wan kafala qaadaa
• Siuusan adonkygu xujo ugu noqon
• Mana ihi mid dulmiya adoomadisa

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

13 Nov, 05:13


Qofkii kuu laab xalnaada
Xogtiisana kuu baneeya
Xabiib baa laga dhigtaaye
Xundhiyo nacas looma qaato

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

11 Nov, 09:44


Qaraabadu gun weeyoo

︎Kolkii aad gargaar iyo

︎Garab siin u baahneyd

︎Gacan kuuma fidiyaan

︎kolkaad geeriyoote

︎Godka ay ku geeyaan

︎Geel baa la qalayaa.👤

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

10 Nov, 03:41


.|.Tallaabada wad ha jalleecin jabkii hore.|.

وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ وَامْضُوا حَيْثُ تُؤْمَرُونَ
{ الحجر: 65}

“Allaah-swt-isaga oo la hadlaaya Nebiyullaahi-luud-scw-iyo muslimiintii la socotay-waxa uu dhahay:Yaanu jalleecin mid idinka mid ahi gadaashiisa,una socda meesha laydin faray in aad u socotaan.”

–Waa hab cajiib ah oo Alle-swt-inoogu tilmaamaayo in aynu hore uga marno waxa aynu qabanayno,in aynaan jalleecin waxa caqabado iyo dib-u dhacyo ku hareeraysan ee ahaaday in lagu caayo,lagu aflagaadeeyo,lagu niyad jebiyo.Waxa la rabaa uun in aad joogtayso yoolkaaga,dibna aadan jalleecin,joojinna hadalkeedaba daa.”

—Tarjumaad
:@Ab0uDy7

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

02 Nov, 02:31


-الإهمال الزائد والاهتمام الزائد كلاهما يؤديان إلى نفس النتيجة وهي خسارة شخص أحببناه❤️‍🩹
🌱

- Danneyn la'aanta xad-dhaafka ah iyo dareenka xad-dhaafka ah labaduba waxay keenaan natiijo isku mid ah, taas oo ah luminta qof aan jecelnahay❤️‍🩹🌱

@Ab0uDy7

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

30 Oct, 12:05


>wiil yar. ayaa aba abihi way diiyay suaaal taas oo ah 👎

>wuxu yiri aabo. Nin Maxa laga wada ..?

@aabihi aya yiri Nin wa qofka musulka ka ah gurigisa iyo inta kunool kana fikira maslaxadoda iyo mustaqbalkoda.

#:wiilki yara Aya yiri :wan jeclaan laha marka aan waynado inaan noqdo Nin sida hooyaday ookale 🤏

#:: hdaba adigu Mxad kafahntay wilka yar halka uu wax kacabiray..?

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

28 Oct, 15:12


إذا أذّن المؤذّن لصلاة الفجر فأنت بين أمرين
إما أن تنام لتكمل أحلامك
أو تستيقظ لتحقق أحلامك _________________________________________

Marku Mu adinku aadamo salada subax
Adigu labo doorasho adiga iskaleh
Inaad iskasi jifto si ad u bogato riyadada
Ama inad ad kacdo siad uga rumayso riyadada

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

20 Oct, 16:29


“Hadalkaan daliil loo helayn waa duf iyo beene”
- Seyidka

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

09 Oct, 18:38


Waxay leedahay
Asc
Markii uu wiilkaygu dhameyey quraanka waxaan ku dhahay hadyadada dooro
Wuxuu dhahay :wuxuu dhahay hadyadaydu waa inaad adigu quraanka xifdisa hooyo hadana waxaan udhawahay inan dhameeyo
Allah bayna usugnaatey mahad iyo mano


#wixii ugu qurxada badnaa een arko caawa😭😭

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

30 Sep, 10:20


Maalin maalmaha ka mid ah ayaad ogaan doontaa in aanay farxaddu ka iman shahaadooyinka aad haysato, shaqooyinka aad ka shaqayso, hantidaada, xidhiidhadaada, qoyskaaga iyo bulshada aad ka dhalatay toona balse in ay farxaddu ka timaaddo iimaanka, kalsoonida, isku qanacsanaanta, khibradaha nolosha, wax cusub ogaanshaha, qalbigaaga oo aad raacdo iyo wixii aad jeceshahay oo aad samayso. 👌

Waxaad ogaan doontaa in farxadda laga helo naxariista, rejada, hadafyada nolosha, mustaqbalka, xorriyadda iyo caawinta dadka. 💗

Waxa aad ogaan doontaa in farxaddu aanay ku jirin gacmaha cid kale, balse ay ku jirto gacmahaaga! 💯✨️🙂

#Farxadda ❤️

╭┈──────────────
╰┈➤ - Dadaala🫡✍️ 👤

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

28 Sep, 06:39


Maalin kasta oo ay qoraxdu kuusoo baxdo waa deeq rabbi xagiisa kaaga timid, waa fursad aad noloshaada ku badali karto, ee kaga faa'iidayso cibaado cilmi iyo camal wanaagsan.

Wakhti san culimo ♡🍁

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

26 Sep, 16:23


Jumca mubaarak axbabi

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

18 Sep, 19:49


❝FAHANKA RAGANIMO EE QUR'AANKA❞

• Dahaaro dhameystiran mid muuqata iyo mid qarsoonba
‏﴿فِيهِ رِجَالٌ يُحِبُّونَ أَن يَتَطَهَّرُوا ۚ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُطَّهِّرِينَ﴾

• In dhibaatada dusha saarto waqtiga adag
‏﴿وَجاءَ مِن أَقصَى المَدينَةِ رَجُلٌ يَسعى.
• In uu ka run sheego balan-ta oofiyana
‏﴿رِجالٌ صَدَقوا ما عاهَدُوا اللَّهَ عَلَيهِ..﴾
• Xaqa inuu raaco kuna hadlo weedh xaq ah
﴿وَقَالَ رَجُلٌ مُّؤْمِنٌ مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَكْتُمُ إِيمَانَهُ أَتَقْتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّيَ اللَّهُ﴾

• Inuuna ka baydhin wadadiisa wax dagaya dartii
‏﴿رِجَالٌ لَّا تُلْهِيهِمْ تِجَٰرَةٌ وَلَا بَيْعٌ عَن ذِكْرِ ٱللَّهِ﴾
• Inuu is xilqaamo mahad-naqna uusan ubaahnayn
﴿فَسَقَىٰ لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّىٰ إِلَى الظِّلِّ﴾
• Inuu qoyska garab qabto dhinac kasta dhaqaale iyo maskax ahaanba
‏﴿اَلرِّجَالُ قَوَّامُوْنَ عَلَى النِّسَاۤءِ بِمَا فَضَّلَ اللّٰهُ بَعْضَهُمْ عَلٰى بَعْضٍ﴾
• Inuu alle ka cabsado oo adeeco
‏﴿إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ ﴾
~ wey tilmaamaha quraanka ku jire ee cadaynaya raganimada balse intaas wa qeyb kamida.

@M4chett

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

12 Sep, 16:23


Ma jiraan wax ku badbaadin Kara aan ka aheyn naftaada 😊

@LAYLINTARUUXDA

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

10 Sep, 12:05


Bal ufiirso Hadalka ALLE ❣️❣️

ومن يتق الله يجعل له مخرجا * ويرزقه من حيث لا يحتسب}
{ومن يتوكل على الله فهو حسبه}
{ومن يتق الله يجعل له من أمره يسرا}

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

09 Sep, 13:53


Wax kasta oo kugu dhaca marna ha moodin in lagu necban yahay,
"Ilahay waxa uu imtixanaa addoomada uu jecelyahay,
*Ha murugoon wall wax walba wa ay kuu hagaagi doonaan idinka ilaahay,

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

04 Sep, 15:44


"Niyad jabka ugu daran ayaa ka yimaada dadka ugu dhow qalbiyadeena, sababtoo ah waxaan ka fileyn jacayl iyo taageero iyaga."

- Gabriel Garcia Marquez

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

04 Sep, 02:52


1. Noloshu caqabad iyo tuuro in ay yeelato waxba kama aha oo waa sababka ay u jirtaba in la kala miirmo. Mushkiladdu in ay jirto maaha dhibku ee waa nooca saamayn ee ay inagaga tagayso, sidee innaga oo ah bay ina dhaafaysaa? Ma adiga oo u arkaya jaanis aad ku bandhigi karto kartida, aqoonta iyo qofnimada kugu jirta, mise adiga oo ay ku soo ridatay oo catow iyo ciil uun u qaba imaanshaheedii? Adiga ayay kuu taallaa!

2. Xaqiiqada nololeed ee ah in ay kala miisaan weyn yihiin mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ina soo gaadhaa ayaa dhalaya xeerkan cajiibka ah ‘Furfur oo xalli’. Awoodda qofeed, qoyseed, qabiil iyo qaranba waxa ka hor imanaya dhibaatooyin dhinacooda dhulka dhigaya-hadii aan looga hor tegin sida haboon. Tanina waa mid ka mid ah kuwa u mudan. Ururso cudud kasta oo dhinacaaga ah, burburi oo furfur dhib kasta oo kaa soo hor jeeda.

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

23 Aug, 10:35


Saddexda wax ee ay tahay inaad sameyso markaad caado cusub bilaabeyso.❤️

1=dicision= inaad go'aan ku gaadho caadadaad cusub inaad bilowdo adiga oo ay kaa go'antahay.

2=discipline=inaad ficil la timaado tusaaley hadii aad dooneysey inaad caado quraan akhris bilowdo inaad sameesato wakhti maalin kasta aad akhrineyso iyo inta jis ama xisbi eed maalinkii dooneyso inaad akhrido kadibna aad bilowdo.

3=determination= inaad ku celceliso ood ku dhagto waxaa cusub eed bilowdey ilaa inta aad la qabsaneyso dhibaatana saameynteedu aaney kugu noqoneyn waxa jirata aragti tidhaahda caado cusub oo kasta oo la bilaabo haddii 100 casho la wado waxay noqotaa midaad la qabsaneyso , lakiin hadana si guud waa lakula duwanyahay oo qofba wakhti gaara ayuu u baahanyahay si uu laqabsi u sameeyo muhiimaddu waa inaadan wixii siideyn.❤️

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

18 Aug, 18:21


"Wacyigelintu waxay ku jirtaa maskaxda, maaha da'da, da'du waa tiro ka mid ah maalmahaaga, maskaxduna waa midho-dhalka fahamkaaga iyo xukunnadaada nolosha."

WQ// @M4chett
@LAYLINTARUUXDA

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

17 Aug, 02:48


لوعلمتَ السُرعةَ التي سَينسَاك بها النّاسُ بعد الموتِ لن تعيشَ لإرضاء أحد سوی الله.

الشيخ علي الطنطاوي رحمه الله.

☑️hadaad ogaan lahayd sida dagdaga badan ay kugu hilmaami doonaan dadka markaad dhimatid kadib uma noolaan lahayn inaad raali galisid cid aan alla ka ahayn.

LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠

17 Aug, 02:41


Ma ogtahay? Mise taqanaa in xubin kasta oo ka mida xubnaha weesadu inuu leeyahay duco la akhriyo markii la mayrayo(dhaqayo)?

Hadaba waatan ee si fiican uga bogo

1: faro/calaacal dhaqashada; bilowga weesada waxaa lagu bilaabaa in faraha gacmaha iyo calaacasha ama sacabbada la dhaqo waxaana lagu ducaystaa
- "اللهم احفظ يدي من معاصيك كلها"
" Allow gacmahayga ka ilaali wixii aan kugu caasin lahaa oo dhan"

2: Luqluqashada; in la luqluqdo waa sunne dadka badankiisu ka tagaan, markaad luqluqanayso ku ducayso
- " اللهم أعني على ذكرك وشكرك وحسن عبادتك"
" Allow iigu kaalmee xuskaaga, mahadnaqaaga iyo wanaajinta cibaadadaada"

3: Sandaarsiga; sidoo kale sandaarsigu waa sunne dadka badankiisu ka tagaan, ku ducayso markaad sandaarsanayso ducadaan
- "اللهم أرحني رائحة الجنة"
" Allow i ursii udugga janada"

4: Wajiga ama foolka; waa xubin waajib ah ka tagidiisuna weeso ku ansaxi mayso, markaad wajiga dhaqanaysid ku ducayso
- "اللهم بيض وجهي يوم تبيض وجوه وتسود وجوه "
" Allow wajigayga caddee(nuuri/ifi) maalimka wajiyada qaar nuurayaan qaarna madoobaanayaan"

5: Gacanta midig; markaad dhaqayso gacanta midig ku ducayso
- "اللهم اعطني بكتابي بيميني، وحاسبني حسابا يسيرا "
" Allow kitaabkayga iga sii midigtayda, oo i xisaabi xisaabin fudud"

6: Gacanta bidix;
- "اللهم لا تعطني بكتابي بشمالي ولا من وراء طهري "
" Allow kitaabkayga ha iga siin bidixdayda hana iga siin dhabarkayga gadaashiisa" (¹)

7: Masaxidda madaxa; markaad madaxa masaxayso akhri
- "اللهم احفظ بدني وشعري من النار"
" Allow ka ilaali(xifdi) jirkayga iyo timahayga naarta"

8: Dhagaha; markaad dhagaha masaxayso iyagana dheh
- " اللهم اجعلني من الذين يسمعون القول ويتبعون أحسنه"
" Allow iga mid yeel kuwa hadalka dhagaysta ee wax maqla ee raaca kiisa wanaagsan"

9: labada lugood; labada lugood mar waa la kala qaadaa ducadooda oo midba duco u gaara ayaa la siiyaa, balse anigu hal duco oo labadooda lagu kulmiyo baan aqaan iyada ayaana idin la wadaagayaa.....
- " اللهم ثبت أقدامي على الصراط، يوم تزول فيه أقدام"
" Allow ku sug gommodahayga(cagta inta lagu socdo ee la dhaqo ayaa la dhahaa gommod) jidka siraad korkiisa maalinka ay ka daadanayaan gommaduhu"

(¹) dhabarkayga gadaashiisa; waxaa laga yaabaa dadka qaarkii in aanay halkaan fahmin, bal aan jilciyo, Alle swt waxa uu quraanka ku leeyahay
وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ وَرَاء ظَهْرِهِ
- Qofkii kitaabkiisa xisaabta laga siiyo dhabarkiisa gadaashiisa
فَسَوْفَ يَدْعُو ثُبُورًا
- Mar dambe ayuu u yeeran doonaa halaag.

Sidee dhabarka looga siinayaa???
Shiikhaygii tafsiirka ii mariyey wuxuu ku macneeyey: tani waxay tusinaysaa ku xeeldheeraanshaha cadaabkooda iyo sida aan loogu naxariisaneen oo toos kitaabkooda gacanta bidix lagama siinine inta caloosha laga dalooliyey oo gacantooda la galiyey oo dhabarka laga saaray ayaa dhabarkooda laga siinayaa kitaabka, isku soo duuduuboo waa nooc cadaabka alle ka mid ah.