Jawaab:
Maya, kol haddii qeyb kamid ah maalinka miyirkiisu joogay, soonkiisuna waa u ansax.
225. Qofku isaga oo sooman dhiig ma shubi karaa? Sidoo kale dhiiga baadhitaanka ma iska qaadi karaa?
Jawaab:
Haa, labada dhiig midna majabiyo soonka, laakiin waxa fiican in qofku habeenkii iska shubo; si aanuu udaciifin.
226. Aniga oo sooman haddii aan is idhaahdo iska afur, haddana aan iska daayo, soonku miyuu iga jabay?
Jawaab:
Maya, kol haddii aanaad waxba cunin, soonku niyadda kuma jabo.
227. Aniga oo soon la igu leeyahay haddii ramadaantii kale soo gasho, maxaa la igu leeyahay?
Jawaab:
Haddii aad wakhti helaysay aad ku qalleysid se aad dayacday, waxa lagaa rabaa in aad qalleysid , fidyana bixisid, laakiin haddii aanay kuu suurtagalin oo aad xanuusanaysay ama safar aad ku jirtay qalle kaliya ayaa lagaa raabaa.
228. Haddii la adimo ma la suxuuran karaa?
Jawaab:
Maya, haddii uu yahay eedaankii salaadda subax, wixii aad afka ku haysana waad tufaysaa.
229. Haddii anoo sooman oo salaad ku jira ay xaako isoo qabato maxaan sameeyaa? mana tufi karo mana liqi karo'e!
Jawaab:
Haddii maro ama wax lamida aad helaysid waad ku tufi, haddii kalena salaaddaad kabixi oo waad soo tufi, kadibna waad ku noqon salaadda.
230. Kaanoole ayaan ku qaataa daawooyin ee soonka wax ma yeelayaan?
Jawaab:
Haddii aanay ahayn daawooyinka udhigma cuntada iyo cabitaanka waa caadi, laakiin haddii ay yihiin daawooyinka qofka awoodda siinaya ee tamarta usoo celinaya maya, waad xanuusanaysaa ee iska afur, oo dib kasoo qallee.
#Soonka
#Salaadda