Darren @darrrrrrrreen Channel on Telegram

Darren

@darrrrrrrreen


Dawo weeye heesuhu
Nafta lagu dabiibee
Hay dayso murugtuye
Cumar dhuule iidaar.๐Ÿ˜ญ๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน (Somali)

Darren๐Ÿฅน channel, also known as @darrrrrrrreen, is a platform dedicated to the beautiful Somali culture and music. This channel is a hub for those who appreciate traditional Somali songs and poetry, as well as those who enjoy exploring the rich history and heritage of Somalia. Whether you are looking to discover new Somali artists or simply want to immerse yourself in the melodious tunes of the region, Darren๐Ÿฅน is the perfect place for you. Join us on this journey to celebrate and preserve the unique musical traditions of Somalia. Let the soulful melodies and heartfelt lyrics of Somali songs transport you to a world of beauty and nostalgia. Don't miss out on the opportunity to connect with fellow Somali music enthusiasts and share your love for the rich cultural heritage of Somalia. Subscribe to Darren๐Ÿฅน today and start your musical journey with us!

Darren

13 Feb, 08:23


Jacaylku waa Sida neefta oo kale, nolosha uu ka maqan yahay jacayl waa nolol mugdi ah xata haday jiran kun ifriin oo kale.โค๏ธ๐Ÿซ‚

Darren

11 Jan, 14:06


Darren pinned ยซSharafta ayaa ka weyn jacaylka ..! Wuxuu ahaa Qof aan aad u jeclaa, ma anan is lahayn maalin ayaad nici doontaa isaga, codkiisa, aragtidiisa, ehelkiisa, asaxaabtiisa iyo wax waliba oo aan dartii u jeclaa. Mudo sanad ku dhow ayaan xidhiidh wadaag ahaynโ€™โ€ฆยป

Darren

11 Jan, 13:48


Sharafta ayaa ka weyn jacaylka ..!


Wuxuu ahaa Qof aan aad u jeclaa, ma anan is lahayn maalin ayaad nici doontaa isaga, codkiisa, aragtidiisa, ehelkiisa, asaxaabtiisa iyo wax waliba oo aan dartii u jeclaa.

Mudo sanad ku dhow ayaan xidhiidh wadaag ahaynโ€™ maya aan anigu jeclaa isaguna been igu sheekeyn jiray, Haa been ayay ka ahayeen markii hore ilaa uu ii jecladay markaan ka tagay isaga, wuxuu ahaa Qof aan anigu uun raadiyo anigu uun aan ka fikiro, mudadaan dabo socday wax waliba aniga ayaa lahaa dadaalkooda, aniga ayaa codsan jiray kulamada, aniga ayaa codsan jiray wax waliba oo qof wax jecel u bahan yahay, ma aqaano sababta uu ii tusi jiray daneyntaa faraha badan, hadana uu ii tusi jiray ficilada nooca kale ah, mooyi.

Waxaa dhici jirtay inuu Talefankiisa igu dhagaysto si kas ah, hadhowna aan anigu dib u raali galiyo oo aan ka raali galiyo madamoon xanaqay, xanaaq aan loo bahneen anigu og in layga khaldan yahay ayaan ahaan jiray qof u dulman qof kale oo aan dan ka lahayn.

Habeen ayaa dhacday in aan arko isagoo meel fadhiya, ka dib waan wacay se igamuu qaban oo Taleefanka Wuu damiyay, Waxaan wacay mar kale si aan u hubiyo Waxaan aan arkayo inay run tahay iyo in kale laakiin waan xaqiiqsaday oo waan garowsaday waxa dhacaya oo dhan, xagii aan tagnaa ayaan go,aan ku qaatayโ€™se, waxaan rabay isaga insan hor tago oo aan u sheego wax waliba in ay iga soo dhamadeen.

Waan sameyay wanan kulanay una sheegay intaa in ka badan anan qaadin kareynin jaceylkiisa, laakiin isagu been ayuu iga moodayay oo kun mar oo kale ayaan sidaasi oo kale ku dhahay, anigoo rajo ka qaba in uu is badaloโ€™se markan waa iga run aniga.

Waan kasoo dhaqaaqay naftaydina waxaan tusay karamadeedu inay ka weyn tahay jacaylkiisa, loona bahan yahay inan sharaftayda iyo qofnimadayda anan geyn meel hoose oo aan noqdo qof ka marmi karta isaga, mudo bil ah ma anan wicin laakiin badalkayga isagaa ayaa ahaa mid isoo wacaya maalin iyo habeenba,
Aniguna waan adkaystay xanuunkan maray oo dhan ayuu maray balse taasi badalkeedii aniga ayaa xor noqday,aniga ayaa dulmigii ka xoroobay noqdayna qof cusub wax waliba dib ayaan u helay xata naftaydii.

Durba isaga waxaa haleelay nabsigaygii oo wuxuu ahaa mid xaaladiisa si maalinle ah igu soo sheega,laakiin anigu kor uunban ka eegi jiray ila aan gaadhay heer aan iska badalay wax waliba oo uu igala soo hadli jiray.

Hal sano ka dib ayaan si lamo filan ah ugu arkay xafladii meherkayga, markii ay indhahayga iyo indhihiisu isku dhaceen anigu wan faraxsanaa isaguna Wuu murugoonayayโ€™se ma aqaano waxaa keenay meesha, anigu waan ilooway wax waliba xataa jacaylkii aan wax waliba ku waayay, waxanan ku faraxsana noloshayda cusub iyo sageyga aan jeclahay.

Waxaan jeclaaday intii loo bahnaa in uu qofโ€™ii qof kale jeclaadoโ€™se wuxuu ii dayacay ila heer aan la dayacin xayawaanka.

Darren

31 Dec, 17:48


Darren pinned ยซWay dhamaan donaan wax kaste Marka ay naftu ka baxdo ee jidhkaga la maydho, kafankana lagugu xidho xabashana lagu soo dhigo ee ciida lagugu rogo ka dib laga soo dhaqaaqo, ma jirayso cid dambe oo sidii markad nooleyd lagu xasuusanayay ku xasuusan doonta,โ€ฆยป

Darren

31 Dec, 17:43


Way dhamaan donaan wax kaste

Marka ay naftu ka baxdo ee jidhkaga la maydho, kafankana lagugu xidho xabashana lagu soo dhigo ee ciida lagugu rogo ka dib laga soo dhaqaaqo, ma jirayso cid dambe oo sidii markad nooleyd lagu xasuusanayay ku xasuusan doonta, hadii aay jirana waa in yaro kooban, aduunaydu waa maalimo yar oo kooban.

Aduun iyo akhiraba u shaqeyso intaa aad wakhtiga haysto, hadii aay maalimuhu adag yihin way dhamaan,hadii xanuun jiro Wuu dhamaan,hadii aad ku jirto khilaaf iyo dagal joogto ah oo dhinaca qoyskaga Wuu dhamaan, wax waliba way dhamaan xata maalimaha aynu nool nahay way dhamaan.

Samir oo Illahay xasuusnow inaad adoonkiisaโ€™ adoontiisa tahay, ogow in maalimaha adag iyo maalimaha xuniba aay ku dhaafi doonan hadii aad illahay wax waliba ku xidho. Shaqadaada, waxbarshadaada,gurigaaga, caruurtaada, hamigaaga,iyo riyooyinkaaga aduun oo dhan.

Sida uu sanaadkani iyo sanadadii hore u dhamadeen ayay wax waliba u dhamaan, murugtadu way dhamaan, xanuunkaagu Wuu dhamaan, qofka aad jeceshahay ee aad iloobi laadahay wuu ka dhamaan jacaylkiisu, riyooyinka xunxun way dhamaaan, maalimaha aan ku Wanaagsaneyn way dhamaan,

kaliya dadaal oo badal qofka aad tahay, isku day inaad xakameyso oo aad ilaaliso xanaaqaga, isku day inaad badiso naxariistaada, isku day in aad badiso dulqaadkaga, isku day inaad naftadaa aaminsanato xili kaste iyo xalaad kaste, aamin in waxa xun oo dhan wax fiican ka dambeeyaan, sida aduunaydan dhibta badan , imtixaanka badan, murugta badan , geerida badan, naxdinta badan, kurbada iyo xanuunka badan , aay uga dambeyso jano aad ku waarayso bila dhib ah, bila dhimasho ah, bila naxdin iyo warwar ah, bila murug ah.

Sidaasi ayay wax waliba isku badali doonan marka aynu ta akhiro iyo ta aduunkaba aynu u dadaalno, if iyo akhiraba guulaysta, noqdo kuwii guulaysta labada daaroodba, illahay acmasha iyo khayrka ha inaga aqbalo, illahayna ha inaga dhigo kuwii akhiiro janada ku noqdo kuwii ku kulma. Allahumaโ€™ameen ๐Ÿคฒ๐Ÿป

Waxaan idiin jeclahay illahay dartii โค๏ธ

Darren

23 Dec, 09:29


Hadii aad rabto inad aragto janada aduunka eeg hooyada, walashaa, xaaskaga, inantaada, uma bahanaysid inaad jano kale aduunka dushiisa ka raadiso intaa iyaga aad arkayso,Dumarku waa jano.โค๏ธโ€๐Ÿฉน

Darren๐Ÿฅน

28 Jun, 23:38


Darren๐Ÿฅน pinned ยซIsaguโ€ฆ! โ€œIn walow oo anan u jeclaan sidaan ku jeclaa,adiga Hadana isagu wuxuu ii noqday, wax waliba oo aan rabay inaad ii noqoto adiguโ€ Wuxuu ii sameyay wax anaad waliga i sameyn adigu,wuxuu ii jeclaaday sidii aan jeclaa in lay jeclaado,wuxuu ii ilaaliyayโ€ฆยป

Darren๐Ÿฅน

16 Jun, 19:49


Ilaaliya bukanada ๐Ÿ’”''


Waxaan arkay isaga oo labo ilmood oo yar-yar labadiisa gacmood uu midkiiba haysto, wuu faraxsanaa waliba aad anna markan arkay inuu dholacadeynayo ayaan waxaan is waydiiyay ma indhahaga mise waa run inaad arkayso qof aad hore u taqanay oo is badal weyni ka muuqdo ?

Kun su'aalod ayaan is waydiiyay se jawaabtoodii aniga oo anna helin ayaan ku noqday baradii aan degnaa, waxaan galay xasuus waxaa markiiba niyadayda kusoo dhacday su'aal kale oo miyuu guursaday ? Ciyaalkii yaa dhalay? Waxaan hal mar is arkay aniga oo indhahayga ilin ka socoto waan fahmi wayay micnaheeda iyo sababta keentay.

Telefankayga ayaan soo qaatay waxaan wacay walashii oo ahayd qof aanu meel wada dhigan jirnay isaga ka horna annu asaxaab fiican ahayn, sabab kale uman wicin ilintayda ayaan doonayay in aan ogaado sababta ay usoo daa'datay! Hallow ? see tahay amran ma fiicaan tahay walaal? Waanu isa salaanay si kaftaana ayay i waydiisay in badan maynu wada hadal ismanaynu arage caawa waxa xiligan ikaa soo xasuusiyay wax yar maaha?Miyaad xanuunsanaysa codkaga maxa helay'se?

Markaay intaasi i tiri ayaan xaqiiqsaday in ilintaydii run ahay oo aan ooyey , waxaan ugu jawaabay mayaa ma xanuunsanayo se waayahay aduun ayaa midkeenba mashquuliyay in badan ayaan rabay in aan kuso waco se may suurto galin adna imaad soo wicin, maanta ayaan arkay Haaruun iyo caruur
Yar-yar suuqa jooga anna waan iska dhaafay oo ma anan haleelin in aan salaamo se yay ahayeen caruurtaasi miyuu guursaday su'aalo anna loo bahneen ayaan si isdaba jooga u waydiiyay hal mar" inta ay cabaar aamustay ayay igu tiri oo miyaanad ogeyn arooskiisii meel aan ogahay ayaa si anan filaynin ii xanuuntay se waan is nasakhay oo walee miyuu guursadayba? ayaan ugu jawaabay isla markiiba, haa wuu guursaday sadex caruur ayuu dhalay oo labo mataano yihiin, haa masha'allah ayaan ku idhi telefankiina wan jaray oo waan macalsameyay.

Intaa aan sariirtaydii ku noqday ayaan is waydiiyay su'aalo kale oo ay ka mid tahay miyaanu ku odhan adiga iyo anniya haddii uu waayuhu ina kala qaado dabadaa lagama yaabo in aan nolol sameysto meeeday balantii? Maantana si hadalkaasii ka duwan ayaad soo aragtay oo waad rumeysan wayday xaqiiqadiina wad iska indho tirtay xataa waad arkaysay u eekanshaha ciyaalkiisa iyo siday ugu faraxsanayeen oo abahood gacmaha haystaay isaguna u ilaalilanayay sidii aabo ciyaal jecel uu u ilaaliyo? Talow xaaskiisa miyuu jecel yahay se miyay jeceshahay isaga? oo isagu ma ruux la jeclaan waayo ayuu ahaa soodigaa aad arkayso afartii sano ee laso dhaafay in aad wali jeceshahay oo aad ilaawi laadahay maaha sidayna u jeclaan karin gabadh uu caruur ka dhalay oo isaga u dhaxday?isagu wuu u qalmaa in la jeclaad haa wuu u qalma.

Eedanka salada subax ayan maqlay oo aan garan wayay xili la gaadhay intaan aan kacay oo aan salaad galay ayaan u duceyay isaga iyo reerkisaba, maalintaa aniguna si niyada ayaan u duceytay maalintii ka dib iskuman arag dareenkii aan u hayay.

Ma jirto sabab keenaysa in aan ku naco in uu reer yeeshay se maan jeclaan laheyn in ninkayga gabadh kale jeclaato anna aan haysto nin gabadh kale u dhibatoonayso isaga dartii isaguna uuna ka war qabin dambigaasi uu galay iyo gafkaa gabadhaasi.

Ilaaliya bukaanada "Bukaanku oohintiisu waa cabsiye."๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

15 Jun, 03:22


Xaqiiqada Kaliya Ee aan Ogaday Ayaa Ah In Wax Waliba Oo Innaga Dhaxeyay Ay Ahayen Sidii Riyo Qurux Badan Oo Lagu Riyooday Ka Dibna Intaa Hurdadii Laga Kacay Dhamataay.14๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

01 Jun, 20:17


Mar hore ayaan aqbalay wax waliba inay dhamadaan, laakiin waa maxay sababta aan wali u dareemayaa xanuunka.?!๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

16 May, 19:50


Gobanimadaadii

Ma aqaano wax aan cudur daar ka dhigto si aan mar labaad ku helo laakiin waxaan ogahay in aan qirsanahay gunimadii aan kugula kacay iyo wixii anad iga mudneen ee aan kugu sameeyay oo idil.

Waan ogahay kun jeer hadii aan ku raali galiyo ma bogsiinayso halkii aan dhawacay se gobanimadii aan kugu aqaanay iigu garaab gunbaan noqday aniguye..๐Ÿ˜“

Darren๐Ÿฅน

09 May, 22:08


Ilaa intee ayuu soconayaa dulmigu..'


Ilaa intee ayaynu beenta run ka dhiganaynaa si aaynu ugu noolaano nolol madow,?

ilaa intee ayaynu dawadayaal ka ahanaynaa tacadigaa ruuxiga,?

Ilaa intee ayaynu eeganaynaa qofkeeni oo qof kale yeeshay,?

Ilaa intee ayaynu odhanaynaa waanu fiicanahay inagoo midkeena aanu bad qabin,?

Dulmigu ma dhamaanayo ilaa inta aynu ruuxdeena been ka sheegayno, inaga oo dhan ayaa wax dulminay intii ayna cid kalaba ina dulmin.๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

07 Apr, 23:47


Ballan,


Waxaa laga yaaba in wax kaste sidoodi iska badaleen xataa dareenkeeni jaceyl, waxaa laga yaaba in anad sidii hore ii daryeelin anna anan ku dareemin.

waxaa laga yaaba in buuqeeni batay anna aan rabo in aan xal keeno adna aad rabto inad i xoreyso oo aad i cidlayso, waxaa laga yaaba inaad igu caajistay oo aad rabto inad agtayda meel ka duwan in aad tagto, si aad ugu soo nasato.

Waxaa laga yaaba inaad baratay qof kale oo aniga iga kaa wanagsan, oo waxaad agtayda ku dareemi jirtay wax ka wanagsan inaad agtiisa ku dareemayso.

Aniga si kaste oo maalimahaygu u xun yihiin waxaan ku faraxsananayaa in adiga maalimahagu ku fiican yihiin anad faraxsan tahay adigu, waxaan daganan iyo nabad ku dareemaya inaad xoriyad dhinacayga ka qaatay oo waxa aad jeceshahay aad sameyso imka, meesha aad jeceshahayna aad tagto, waxaan ku niyad samahay in anay ku dhibi doonin ficiladaydii aan kugu ilaashan jiray oo dhan in anan kuso wici doonin adigo asaxabtada la jooga, adigoo hawlo kale wada,.


Waxaan sido kale aan ku nafisayaa in aanad ka baqan doonin in aan qof kale kugu arko, in aan kaa celiyo meelahad jeclayd oo dhan, in anan ku odhan doonin guriga hore u tag wa xili dambe adna aanad been ii sheegi doonin adigo oo ana guriga tagin.

Ballantii aan qaaday waan kaso baxay, intaad ila joogtay wan ku jecladay si anan qof dambe u jeclaan doonin, markuu dareenkad i haysay dhamadayna in aan ballantii ahayd dib kuu dhibi maayo aan kaso baxay oo anan dib ku dhibin.

Waxaan ku faraxsanahay, In anan dookhaga iyo waxaad necebtahay midkoodna anan kugu khasbi doonin, in anan ku sheegi doonin wixii ku fiican oo adna anad iga cadhoon doonin.

Laakiin u sheeg qofkii ku waydiiya waxaa aan noloshada uga baxay, in ay ahayd inaad aad ii ilaalin jirtay anna anan ku daryeeli jirin oo aan kugu caajisay, u sheeg in aan si xun kula dhaqmi jiray u sheeg in aan dhibsaday wax walba.

ka dib iyaga ayaa ku sheegi doona in aan nasiib xumahay oo aan garan waayay qofkii sida dhabtaa i jeclaa, in aan lumiyay fursad aan cid walba soo marin ilamayo qof nasiib badan mahane.

Ka dib adiga ayaa arki doona sida aad u nasiib xun tahay iyo qofkii aad wayday adiguye " nabad galiyo walaal.

Darren๐Ÿฅน

12 Mar, 15:53


Waxaan u xฤฑฤฑsay maalฤฑmahaad ฤฑ jecleed,

Waayo dabadaa maan helฤฑn jaceyl dhameys tฤฑran๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

27 Feb, 21:06


Inaad qof kaa tagey sฤฑฤฑ jeclaatoo, ayaaba cadeyanaysa ฤฑnaad ahayd ka kalฤฑye sฤฑda dhabta wax u jeclaa.๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

05 Feb, 23:07


"Waa caadi, weligayba keligay baan ahaa."๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

23 Jan, 09:52


Ma jiro xanuun aan dareemo oo aan ka aheyn, fogaanta aad wadan kale la joogto, qeyb wadnahayga ka mida .๐Ÿฅนโœˆ๏ธ

Darren๐Ÿฅน

21 Jan, 17:32


Isaguโ€ฆ!

โ€œIn walow oo anan u jeclaan sidaan ku jeclaa,adiga Hadana isagu wuxuu ii noqday, wax waliba oo aan rabay inaad ii noqoto adiguโ€


Wuxuu ii sameyay wax anaad waliga i sameyn adigu,wuxuu ii jeclaaday sidii aan jeclaa in lay jeclaado,wuxuu ii ilaaliyay sidii aan jecla in lay ilaashado, wakhtigiisa oo dhan ayuu I huraa,wuxuu iga fikiraa sidii aan ahay badh jidhkiisa ka mida oo u muhiim ah,marka uu jawigaygu is badalo, ee aan cidhiidhi dareemo wuxuu ii noqdaa hooy aan kaga dhuunto dhibaatooyinka,wuxuu garab ii noqdaa markaa aan waayo ciirsi iyo cudud,wuu ii micinaa oo ii gargaara


Laakiin waxaaso tacaba oo uu dartay u hurayo,ma lihi dareenkii โ€œdareemi lahaa oo adiga ayaa wax walba oo aan ku noolan lahaa iga qaatay โ€œ

Ma sugayo soo noqoshadaada mana rabo la midowgaaga, ma jecli oo ma daneeyo wax walba oo ku khuseeya, ma raadiyo oo ma waraysto xaladahagaa iyo amuurahaga,

Waxaan ka qoomameynayaa oo aan aad uga xumahay in aan si xad dhaafa aan ku nacay, nacaybkaasina uu burburiyay dhamaan nolosheyda oo dhan, wax waliba oo aan jeclaado waxaan u Maleynayaa inaan waayi doono, in lay dhaawici doono, in mar kale kalsoonida layga dili doono, in qabrigii aan kaso baxay laygu celin doono, in xanuuno badan oo aan si dhib leh dawadooda ku helay mar kale laygu ridi doono.


Waxaan ilaa imka is waydinayaa , sideed qof Aad mar aduunkan kaligii ugu jeclayd aad sidano dhan ugu nici kartaa?

Wali Maan helin jawaabtaasi !

Laakiin waxaan Ogaday kumanan qof in ay I jeclaan karaan kumanan kalana I raadin doonan oo anay dunidu kaliga ayna ahayn, maalina dib ayan u heli doona dareenkii aan wax ku jeclaan lahaa mar kale iyo qof kalaba.

Darren๐Ÿฅน

12 Jan, 20:58


Gudahayga labo ciidan ayaa ku dhex dagalamaysa, labadaasi oo hal wadan wada dagan.


๐Ÿง : Noloshayda iga fogow oo iga tag

๐Ÿซ€: hayga tagin waa beentaye๐Ÿ’”๐Ÿ˜”

Darren๐Ÿฅน

30 Dec, 20:56


"Waxay murugadeeda kula dagaalantay hurdo, ilaa maalintii ay seexatay iyadoo niyad jabsan oo aanay soo toosin!"


-dhimashada lafteedu waa raaxo ๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

19 Dec, 22:01


Xanuunku wuu beddelaa qofka,sababtoo ah xitaa markaad
Bogsato,weligaa noqon meysid qofkii aad markii hore ahayd.๐Ÿชจ

Darren๐Ÿฅน

18 Dec, 21:35


Waxaa laga yaabaa in aanan wali garan waxa dhabta ah ee aan rabo noloshayda,
laakiin runtii waan garanayaa waxa aanan rabin,

Ma doonayo nolol walbahaar iyo jahwareer leh, xidhiidho sun ah, ujeeddooyin aan caddayn, dareen aan la hubin ama dad ku meel gaar ah,

Ma rabo ilmo badan hurdada ka hor, maalmo murugo leh, ama habeeno xanuun badan.Kaliya waxaan rabaa inaan wax walba iloobo oo aan dib u bilaabo.

Darren๐Ÿฅน

17 Dec, 11:23


Miyaanad arkaynin,! Haa iyo May Dhexdooda ayaan ku dhex lumeeโ€ฆ.๐Ÿ’”

Darren๐Ÿฅน

16 Dec, 21:56


๐Ž๐ซ๐š๐ ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ญ๐š๐ , ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐š๐š๐ง ๐›๐จ๐ช๐จ๐ฅ ๐ฃ๐ž๐ž๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐จ ๐ฌ๐ฎ๐ ๐ข๐ญ๐š๐ง๐ค๐š๐š๐ ๐ž.๐Ÿ˜”

Darren๐Ÿฅน

10 Dec, 17:05


KALA TAGEENII KA DIB !

669 maalimood ka dib Maalimo badan oo aan kuso qaatay farxad iyo dholocadeyn, waxaa laso gaadhay wakhtigii uu nabsigaagu igu soo garaacay albaabka, waxaan dhex muquurtay bad weyn anan garaynin sidii aan uga badbaadi lahaa, dhamaan falalkii aan ku kacay ayaa aniga dib igu soo noqday.


Dabadaa waxaan galay mowjado murugo ah, dhul cidlo ah oo cid iyo ciirsi midna aan laheyn ayan anbad ku noqday, dareen jaceyl ayan ku keliyaystay, la cataabay oo aan la caatoobay, wixii aaynu ku kala tagney in walow aan anigu sababteeda lahaa kala fogaanshaheena, hadana waagu wuxuu iigu bariya sidaan uga fikirayo ee aan kolba dhinac uga eegayo waxaa sidaaso dhan inoo kala fogeyay, marka aan ogaado in aan anigu khaladka u weyn lahaana ooyin ayaan sariirtayda kula keliyooba,


Ma seexdo ilaa iyo maalintaan arkay in aan wayay qofkii aan ku seexan jiray neeftiisa, โ€œ qofkii waagu marku baryo aan subax wanagsan gacaliye u qori jiray isna subax la mida gacaliso isoo qori jirayโ€ adiga dabadaa waxaan nacay xidhiidhadii oo dhan, waxaan wayay kalsoonidii iyo kartidii aan qof kale ku dooran lahaa mar kale , taasi waa abalkayga !ileen ma helayo qof sidaad i kalkoolin jirtay i kalkoolinayee, sidaad i karamayen jirtay i karameyn doonee.

Qof goba ah ayaad ahayd , waxaad garab i ahayd xili ay waayuhuu xoog ii qabteen, xili aan donayay laab aan ku ooyo, xili marxalado adag oo anan kaligay ka bixi karin aan ku jiray, ayaad ahayd awooda kaliya ee aan haysto, duruufo badan oo xanuuno i raacan ayaad ila joogtay jacaylkagu marnaba muu nusqaamin si kaste oo aan muuq ahan iyo xalaad ahaanba u badalmay, waad i dulqaadan jirtay in aan lay dulqateen , waxaad i buuxisay meelo loo bahna in ay i buuxiyaan dadkii aduunkan i keenay, si kaste oo aan u ahaa qof ay sameyeen xalado badan oo ay soo martay, hadana adigu maad ahayn qof igu nacaa oo igaga dheerada xaladaha aan galo mar marka qaar, kuwaaso lahaa xiliyo aan iska ooyo anigo oo ku dhawaqayaa cidna ma haysto anigo adiga ku haystaa.


ma dafirayo qofkaa aad ahayd, waligayna waan ku maamuusi doona oo aan ku magacaabi doona intaa qof wanagsan la maamuuso.


Hadii aan haysto hal cudur daar, oo aan hortada la imaado intaan ku hor imaado ayaan ku sheegi lahaa in aan si fiican uso ogaaday qofka kaliyeen lahaa in uu adiga ahaa aniguna aan ku dayacay, in annu jirin qof imka isoo wacaa, cid iga soo war-doonta sidaad iga war heyn jirtay oo kale, in aan soo waayo arkay oo aan soo arkay rag sheeganaya in aay i jecel yihiin,laakiin si kaste oo ay sameyaan ayna adiga oo kale noqon karin, inta u badan ee aanu haaso-wadag annu noqonaana, ayna tobaneeyo cisho dhameyn ama bil ,

Wan ku xiisay, waligayna wan ku jeclaan doona, waxaad tahay qofka keliye sidaa sirta aan u jeclahay bila sababna aan u jeclaan doono waligay, caafimaad iyo farxaad ku noolow waligaba ..

Darren๐Ÿฅน

25 Nov, 12:44


Wan ogahay in uu jiro qadar, laakiin ducooyinkayga oo dhan adiga ayan kugu ducaysanayaa, ilaa inta aynu ka kulmayno.๐Ÿ’—๐Ÿซ‚