Barashada Cafimadka @barashadacafimadka Channel on Telegram

Barashada Cafimadka

@barashadacafimadka


☆Channel kaan waxan kusoo bandhiga
☆wax yabaha cafimadka la xiriro
☆ xanuunada&dawadooda
☆ Fadlan Nagu soo biir Si aan saxib ku wada noqono halkaan
☆☆please join isoo dheh
Waa kuwan qaar ka mid ah faa'iidooyinka caafimaad ee ugu muhiimsan adiga
Ku soo

Barashada Cafimadka (Somali)

Barashada Cafimadka waa koox ka soo bandhigaya wararka, wax yabaha, xanuunada, iyo dawadaha ku saabsan caafimaadka. Channel-ka waxaa laguugu soo bandhigayaa macluumaad adag oo ku saabsan sida loogu caawi karo in aad daryeesho caafimaadkaaga. Halkan, waxaad ka heli kartaa faa'iidooyin caafimaad uga weyn adiga iyo qoyskaaga. Fadlan ku soo biir si aad u hesho macluumaad cusub oo ay ka turjumayaan barasho caafimaad iyo waxyaabaha kale ee caadi ah. Barashada Cafimadka waxaa laga yaabaa inaad ka hesho nolosha caafimaadkaaga oo dhan, sidaas darteed fadlan, ku soo biir si aad u hesho faa'iidooyin caafimaad ah.

Barashada Cafimadka

07 Sep, 07:05


Soomidda laba maalmood isbuucii waxay kor u qaadaa caafimaadka maskaxda iyo weliba dareenka nafsadeed. Marka qofku soomo, waxaa yaraada hormoonka cortisol, oo mas'uul ka ah cadaadiska iyo walbahaarka, taas oo keenta in qofku dareemo degganaan iyo nasasho maskaxeed. Sidoo kale, soonka waxaa lagu yaqaan inuu kordhiyo soo saaridda hormoonka BDNF, kaas oo muhiim u ah kobcinta iyo ilaalinta unugyada maskaxda, una fiican xasuusta iyo barashada. Nidaamkaas ayaa qofka ka caawiya inuu yeesho maskax fiyow iyo fikir nadiif ah.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan..

Barashada Cafimadka

06 Sep, 03:57


Hadaba Sheeg Cilladaan Waxa Loo Yaqaano?

Qeybta Comentska Ka Aqriso!!!.

Barashada Cafimadka

01 Sep, 17:30


🩺 Galmada inta aad samaynayso ma dareentaa culees kaasoo fuula xabadka ama in xabadku ku xanuuno? 👇


🩺Inta lagu jiro galmada, haddii aad dareento xanuun ama culeys ku fuula xabadka, waa calaamad muujineysa yaraanta oxygen-ta jirka, taasoo sababi karta culeys dheeraad ah oo ku yimaada wadnaha.

🩺Tani waxay keeni kartaa in wadnaha uu xanuuno ama uu ku yimaado barar, taasoo u baahan in si degdeg ah loo joojiyo hawsha.

🩺Marka aad la kulanto xaaladdan, waxaa muhiim ah inaad qaadato nasasho 30 daqiiqo ah, inta lagu jiro muddadaasna waa lagula talinayaa inaad cabto caano ama shaah diiran si loo kordhiyo oxygen-ta jirkaaga oo culeyska laga yareeyo wadnaha.

🩺Si looga hortago dhibaatooyin caafimaad oo la xiriira wadnaha inta lagu jiro galmada, waa muhiim inaad la socoto caafimaadkaaga guud ahaan

🩺Marka aad dareento in xanuunku kaa haray, kaliya markaas dib u bilow galmada, adigoo muhiimad siinayo caafimaadka wadnahaaga si looga fogaado xaalado caafimaad oo halis ah.

Qodobkaan % meeqo ayuu ku anfacay?

100%
75%
50%
25%

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan..

Barashada Cafimadka

22 Aug, 17:07


Toonta oo la mariyo cirridka dhaawacan waxay caawisaa in ay bogsato oo ay yareyso bararka cirridka.

Inkastoo dad badan ay u isticmaalaan toonta sida dhadhan iyo daawo dabiici ah oo cudurada laga hortago, waxaa jira aragtiyo sheegaya in toonta si toos ah loo mariyo cirridka ay ka caawiso dhimista caabuqa iyo xanuunka.

Maadada allicin ee toonta ku jirta ayaa leh astaamo lid ku ah bakteeriyada, taasoo la rumeysan yahay inay caawiso bogsashada cirridka dhaawacmay.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan..

Barashada Cafimadka

21 Aug, 18:28


Haben wanagsan Asxaabta!!

Laba meelood kudadaal
Ilaalinta sharaftaada iyo
Ilaalinta cafimadkada...

Barashada Cafimadka

20 Aug, 14:19


Qajaarku wuxuu si weyn gacan uga geystaa miisaan dhimista, waa khudaar uu qofka isku caateyn karo isagoo nafaqooyin badan oo muhiim ah ka helaya.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan..

Barashada Cafimadka

19 Aug, 19:31


Dooqo Jawaabta Saxda Ah

Maxay tahay faa'iidada ilaalinta nadaafadda shakhsi ahaaneed?

😮 Waxay ka hortagtaa cudurrada faafa!!
❤️ Waxay hagaajisaa caafimaadka guud!!
😥 Waxay kordhisaa kalsoonida shakhsi ahaaneed!!

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan..

Barashada Cafimadka

18 Aug, 12:01


Taleefanka gacanta marka uu qofku agta dhigto xilliga jiifka, shucaaca uu soo saaro wuxuu sababi karaa xaalado caafimaad darro. Cilmi baarisyo kala duwan ayaa muujinaya in shucaaca elektromagnetic-ka ee taleefannada saameyn ku yeelan karaan maskaxda, wadnaha iyo caafimaadka guud. Waxaa lagu taliyay in taleefanka la dhigto meel ka fog jirka xilliga hurdada si loo yareeyo khatarta caafimaad.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan..

Barashada Cafimadka

17 Aug, 09:40


5 shey aad u baahantahay inaad ka ogaato cudurkaan halista ah MPox (MonkeyPox)

1. Waxa sababa iyo Faafitaankiisa: MPox waxaa keena fayraska monkeypox, oo ka tirsan qoyska orthopoxvirus. Waxaa laga qaadi karaa dadka ama xayawaanka la jiran fayraskan, waxaana lagu kala qaadaa xiriir toos ah oo maqaarka ah, dheecaanka jirka, ama waxyaabaha fayraskan ku sumoobay.

2. Calaamadaha: Calaamadaha waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, daal, murqo-xanuun, iyo finan ama nabro ka soo baxa jirka. Calaamadahani waxay soo baxaan 1 ilaa 2 toddobaad ka dib marka fayrasku galo jirka.

3. Khatarta iyo Daaweynta: Inkasta oo cudurku inta badan yahay mid sahlan, haddana wuxuu noqon karaa mid halis ah, gaar ahaan carruurta iyo dadka leh difaac-darro. Waxaa jira tallaal iyo daawooyin la isticmaalo si loo yareeyo khatartiisa.

4. Ka Hortagga: Ka hortagga waxaa ka mid ah in laga fogaado xiriirka tooska ah ee dadka ama xayawaanka cudurka qaba, in la isticmaalo agabka ilaalinta shakhsi ahaaneed, iyo in laga fogaado cunista hilibka aan si fiican loo karin.

5. Taariikhda iyo Meelaha Uu Ka Jiro: Cudurka MPox wuxuu markii ugu horraysay ka dillaacay Afrika gaar ahaan Dalka Congo, sanadkii 1971. Wuxuu ku faafay meelo kale oo caalamka ah, taas oo keentay in loo baahan yahay in si fiican loogu diyaargaroobo.

Waqtigaan aan kula hadlaayo. Cudurkaan Halista Ah Hay’adda (Africa CDC) waxa ay sheegtay in cudurka ku faafay 12 dal oo Afrikaan ah, iyadoo la xaqiijiyay 2,863 kiis iyo 517 dhimasho ah oo kaliya sanadkan 2024, taasoo muujinaysa sida degdega ah uu ku faafaya iyo sida bulshadu ugu baraarug saneen.

Wacyigelin iyo taxaddar ayaa muhiim ah si loo yareeyo faafitaanka cudurkan.

Barashada Cafimadka

16 Aug, 09:01


Cudurkaan Halista Ah Maxaa kala socotaa

Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (Africa CDC) ayaa ku dhawaaqday in faafitaanka cudurka Mpox uu yahay Xaalad Degdeg ah oo khatar ku ah Caafimaadka Qaaradda, taasoo ah tii ugu horreysay tan iyo 2017. Waqtigan ayaa cudurka ku faafay 12 dal oo Afrikaan ah, iyadoo la xaqiijiyay 2,863 kiis iyo 517 dhimasho ah oo kaliya sanadkan 2024, taasoo muujinaysa sida degdega ah uu ku faafaya iyo sida bulshadu ugu baraarug saneen.

Dhawaan waxaan idina wadaagi donaa, Tallooyin caafimaad oo ku aadan cudurkaan sida Calaamadahiisa, habka uu ku faafo, sida ka hortog ugu sameyn kartid, iyo cudurkaan daawo maleeyahy.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan..

Barashada Cafimadka

15 Aug, 16:50


Sweden ayaa maanta xaqiijisay in gudaha dalkaa laga helay kiiskii u horreeyay ee fayruska Mpox, oo loo yaqaanno furuqa daanyeerka, sida uu ku dhawaaqay wasiirka caafimaadka iyo arrimaha bulshada, Jakob Forssmed.

Barashada Cafimadka

15 Aug, 03:07


Xubinta Ragga Weynideeda iyo Yaraanteeda Ma Ku Xiran Tahay In Uur Xaaskiisu Dhaqso Qaado iyo In Kale?

Xubinta ragga weynideeda ama yaraanteeda si toos ah uma saameyso in Uur Haweyneeda qaado iyo Inakale. Uur qaadistu waxay ku xirantahay dhowr arrimood oo caafimaad iyo nololeed, oo ay ka mid yihiin:

1. Tayada Shahwada: Tayada iyo tirada shahwada ayaa door muhiim ah ka ciyaara uur qaadista.

2. Waqtiga Galmada: Galmada oo la sameeyo xilliyada dumarka ay yihiin bacrin (fertile) waxay kordhisaa fursadaha uur qaadista.

3. Caafimaadka Guud: Caafimaadka guud ee lamaanayaasha, oo ay ku jiraan caafimaadka jirka iyo maskaxda, ayaa saameyn ku leh uur qaadista.

4. Da'da: Da'da lamaanaha, gaar ahaan da'da haweeneyda, waxay saameyn ku leedahay fursadaha uur qaadista.

5. Iyo Arrimo Kale Kale muhiim ah: Dhibaatooyinka sida xanuunada, culeyska, iyo qaab nololeedka ayaa sidoo kale saameyn kara.

Haddii lamaanuhu ay la kulmaan dhibaatooyin uur qaadis ah, waxaa wanaagsan inay la tashadaan dhakhtar si ay u helaan talooyin iyo baaritaanno ku habboon.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan...

Barashada Cafimadka

14 Aug, 09:50


Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay xaalad caafimaad deg deg ah oo qaaradda oo dhan ah, taas oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka furuqa daanyeerka ee Afrika.

Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee Afrika (Africa CDC) ayaa ku sheegtay
heerka caabuqa fayraska ee faafitaanka uu ahaa mid naxdin leh, wuxuunna gaaray fayraskan 16 dal oo ka tirsan Afrika , tan iyo 4 bishan Agoosto, waxaa Afrika laga diiwaangeliyay 38,465 ee furuqa daanyeerka iyo dhimashada 517 tan iyo bishii Jannaayo.

Fiiro gaar ah;

Mpox, oo loo yaqaannay furuqa daanyeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan.

Barashada Cafimadka

27 May, 14:49


Asc

Barashada Cafimadka

08 May, 14:15


The owner of this channel has been inactive for the last 11 months. If they remain inactive for the next 17 days, they may lose their account and admin rights in this channel. The contents of the channel will remain accessible for all users.

Barashada Cafimadka

27 Apr, 10:36


Buskut Dhiiqo qofkii lagu arko isagoo cunaya wuxuu muteeysan karaa Xabsi.

Qaramada Midoobay ayaa digniintii u dambeeysay kasoo saartay in Buskut Dhiiqo aan la iibin karin, la iibsan karin, sidoo kalana qofkii lagu arko isagoo cunaya uu xabsi muteysan karo.

Buskutkaan ayaa loogu talo galay kaliya Caruurta nafaqo darada ay heyso. Oo dadka waaweyn aysan cuni karin.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan

Barashada Cafimadka

11 Mar, 12:38


Afur Cafimad Leh

Barashada Cafimadka

02 Feb, 19:03


UPDATE: Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa ku dhawaaqday inay dunidda wajihi doonto kororkii ugu sarreeyay ee cudurka kansarka heer illaa 70% ah. Warbixinta oo ay soo saartay Hay'adda caalamiga ah ee WHO u qaabilsan cilmi-baarista kansarka (IARC) ayaa ku tilmaantay tubaakadda, khamriga, cayilka (buurnaanta) iyo wasakhowga hawada inay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee kororka xannuunka ay ka dhalanayaan.

"In ka badan 35 milyan oo xaaladood oo cusub oo kansar ah ayaa la saadaaliyay sannadka 2050", warbixinta ayaa lagu sheegay, waa koror boqolkiiba 77% ah, marka loo eego 20 milyan oo xaaladood oo la helay sannadkii 2022.

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan.

Barashada Cafimadka

31 Dec, 04:49


𝟭. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗗𝗮𝗱𝗸𝘂 𝗨 𝗫𝗮𝘀𝘂𝘂𝘀𝘁𝗮𝗮𝗻 𝟭 𝗫𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗫𝗶𝘁𝗮𝗮 𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗔𝗮𝗱 𝗦𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝗼 𝟵𝟵 𝗪𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴? 𝗝𝗮𝘄𝗮𝗮𝗯 𝗜𝗻 𝗕𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗔𝗮𝗱 𝗥𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮

1. Maskaxdeenu waxay leedahay wax la yiraahdo "Negative Bias" taas oo naga dhigaysa inaan xasuusanno waxyaabaha xun xun in ka badan inta aan xasuusano waxyaabaha wanaagsan. Hadii aad samayso 99 wanaag iyo 1 xumaan, dhamaan dadku waxay xasuusan doonaan halkii xumaan sababtana iayaga ma ahan ee waa Negative Bias

𝟮. 𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗲𝗲 𝗠𝗮𝘀𝗸𝗮𝘅𝗱𝘂 𝗨𝗹𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗝𝗶𝗿𝗸𝗲𝗲𝗻𝗮? 𝗤𝗮𝗮𝗯𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗠𝗮𝘀𝗸𝗮𝘅𝗱𝘂 𝗨𝗹𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗝𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗔𝘆𝗮𝗮 𝗙𝗮𝗵𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮

2. Dhinaca bidix ee maskaxda ( left hemisphere) waxay maamushaa dhinaca midig jirka, sidoo kale dhinaca midig ee maskaxda (right hemisphere) waxay maamushaa dhinaca bidix jirka, marka aad aragto qof dhinac midig dhacsan yahay ogow waxay dhibaato ka jirtaa maskaxda qaybta bidix xigta, bidixdan waa sidaas oo kale (Opposite)

𝟯. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶 𝗤𝘂𝗿𝗮𝗮𝗻 𝗔𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗨𝗴𝗮 𝗠𝘂𝘂𝗾𝗮𝗻 𝗗𝗮'𝗱𝗮? 𝗤𝘂𝗿𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗛𝗮𝗹 𝗦𝗶𝗿 𝗞𝗮𝗹𝗲 𝗔𝘆𝗮𝗮 𝗝𝗶𝗿𝘁𝗮

3. Kor u akhrinta waxay kor u qaadaa korriinka maskaxda waxayna yaraysaa stresska, dadka kor wax u akhriya waxay u muuqdaan dad da'da ay jiraan aad uga yar, qalbi ahaanna waa dad niyad ahaan u xasillan. U fiirso macalimiinta dugsiga dhakhsi ugama muuqato da'da, Quraanka kadib, macalimiinta mar kasta kor ayay wax u akhriyaan

𝟰. 𝗔𝗿𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿 𝗪𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗗𝗵𝗲𝗲𝗿 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗪𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗲 𝗜𝘀𝗮𝗴𝗮𝗺𝗮 𝗟𝘂𝗺𝗶𝗻 𝗗𝗼𝗼𝗻𝘁𝗶𝗱. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗧𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗔𝗿𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮?

4. Xiriirka Inuu waqti dheer socdo kama dhigna inuu noqon doono xiriir guulaysta ama la isku waari doono sidoo kale xiriirka gaaban kama dhigna inuu noqon doono mid fashilmaya, hadii aysan jirin cid kuu ballan qaadi karta in xiriirkaaga wanaagsanaan doono, ma jirto sabab aad waqti kale ugu sii lumiso sheeko aan miro dhal lahayn

𝟱. 𝗗𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝘂 𝗠𝗮𝗿𝗻𝗮 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗥𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗔𝘆𝗮𝘆 𝗨 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗿𝗻𝗮 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗗𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮? 𝗪𝗮𝗮 𝗚𝗼𝗼𝗿𝗺𝗲𝗲 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗗𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝘂 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗥𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗨 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗜𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗗𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗨 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗺𝗮𝗮𝗻?

5. Dumarku marna sida ragga ayay u dhaqmaan marna sida dumarka, marka ay aragto nin rag ah waxay u dhaqantaa sida dumarka balse marka ay argato nin dumar ah micnaha sida dumarka jilcan dhan kasta u jilcan gabadhu waxau u dhaqantaa sida ragga waayoo booska aad banaysay ayay buuxinaysaa, hadda adiga ayaa goaanka leh sida aad u dhaqmayso, sida ragga ama sida dumarka

Share dheh si Asxaabtada uga faaideystaan.

Xigasho: Dr Wahin