_Dhagarta dumarka-_
Waxaa la sheegay in labo dumar ah ay u soo galeen xaakimkii Ibnu Abii Layla oo ahaa xaakim layaqaan oo waagaas caan ahaa waxa uu yiri:- yaa bilaabaya dooda?
Mid ka mid ah oo yareed ayaa tiri, xaakin, aabbahay ayaa dhintay anigoo yar, ka dibna hooyaday ayaa guursatay oo iga tagtay, anigana cidla ayay iga tagtay.
Tani waa eedaday, waa tii i korinaysay ilaa aan ka soo koray.Dabadeed waxaa ii yimid wiil aan adeer kay uu dhalay oo isoo doonay, markaas ayay ii guurisay isaga... eeddadayna waxay lahayd gabadh.
Markaa inantii way kortay oo. eeddaday ayaa u soo bandhigtay
Ninkeyga waxa ay rabtay in gabadheeda uu guursado ka dib markii ay aragtay seddex sano uu iqabay dhaqan wanaagiisa diintiisa akhlaqda allah ku aburay,.
Way u qurxisay gabadheeda ninkeyga si uu u arko, markuu arkayna wuu ka helay,
Eedadii waxay ku tidhi, โWaan ku guurinayaa lakin hal shardi, oo ah inaad ii dhiibto madaxa gabadha walaalkay, taasoo ah naagtaadii kowaad oo aniga ah . ..
Maalintii meherka ayaa waxaa ii timid eedaday, waxayna igu tidhi ninkaagii ayaa guursanay inantaydii, arrinkaagiina gacanta ayuu igasaaray.
Habeenkii, waana furantahay,!!!
Naxdiin iyo amankaag
ka dib
Muddo aan fogayn, eeddaday oo garoob eheed nin ayey isfahmeen oo gursaday wuxuu ka yimid safar
Markaasaan is argnay ninkii oo shekaysanna maalin ayaan ku idhi: eeddaday ninkeedii, ma i guursanaysaa, markaad eeda furto ka dib?
Madama aadan carur dhalayn nagtaanna ay wayn tahay,
Eeddaday ninkaan qaba waxa uu ahaa gabayaa weyn oo maalqabeen ah, wax carruur ahna ma dhalin,
In ay lacag ka dhaxasho bis ayey u guursatay eedaday,
Geeridii ninkeedii kowaad ka dib,
ninki eeddaday waa iga aqbalay, aniguna waxaan u sheegay
hal shardi kaas oo ah in aan eedaday u sheego in la furay anigu,
Ninkii eeddaday qabay ayaa oggolaaday shuruudda, markaasaan u diray eeddaday oo aan ku iri
Isagaa isoo wakiishay arinkaada oo waad furan tahay,!!!!
Ka dib waan guursaday
Markaa eedaday waxay noqotay mid lagatagay oo kali nolosha ku ah ilaahay cimriga ha kuu dheereeyo.
Xaakimkii markuu hadalka maqlay ayuu istaagay layaabka sida wax u dhaceen oo uu yidhi โIlaahoowโ!!!!!!.
Waxay ku tidhi fadhiiso, sheekadu weli may bilaaban.
Wuxuu yidhi, "Sii wad hee."
Waxay tidhi, โMuddo ka dib, ninkii abwaanka iyo maal qabeenka ahaa waa uu dhintay
Kadib waxaa timid eedaday iyadoo dalbanaysa dhaxalka ninkayga oo ah ninkeedii hore, markaas ayaan ku idhi.
Kani waa ninkaygii, ee maxaa kaa galay dhaxalka?
Markii ay dhammaatay muddadii sugitaanka ka dib markii uu ninkaygu dhintay,
eeddaday waxay keentay gabadheeda iyo ninka inanteeda, oo ah ninkaygii ugu horreeyay.!!!!
Wuu i furay aniga isagoon ka fiirsan oo guursaday inanta eedaday waxaa loo keenay in uu noo kala gar-qaado arrinta dhaxalka ah...markuu i arkay ayuu soo xusuustay waayihiisii hore ee aan isqabnay. Saan u koolkooli jiray
Wuu ii xiisa muujiyay oo indhihisaan ka arkay inuu idoonaayo.. markaasaan ku idhi ma igu laabanee oo mar kale ma igursee.. Haa buu igu yidhi.
Waxa aan ku idhi anigu hal shardi baan wataa oo ah in aad xaaskaaga oo ah ina-eedadaay arrinkeeda iiga tagto yacni furinkeda
Markaa wuu aqbalay igu raacay inaan iraa hebel wuu ku furay oo anuu ii kaa soo wakiishay,!!
Markaa waxaan ku idhi ina-eedaday, โWaa lagu furayโ.!!!!
Markaasuu Abuu Layla Al-qaadi madaxa gacanta saaray.. markaas buu yiri
Hadda... aaway su'aashii?
Eedadii baa tiri: โXaakimow, miyaanay xaaraan ahayn in aniga iyo inantayda nala furo, ka dibna naagtan la guursado waliba labadaii nin ee naqabay kaga daran kii dhintay dhaxalkisii ay qaadato kaligeed kii noolaana ay nin ka dhigato?!!๐ซข๐๐ถ๐ซ ๐ฅด๐ก๐กโน๏ธ
Ibnu Abii Layla wuxuu yidhi: โIlaah baan ku dhaartaye wax xaaraan ah uma arko arrintaas, nin laba jeer guursaday oo
Intaa ka dib, xaakimkii wuxuu u tagay khaliif Abuu Jacfar Al-Mansuur oo u sheegay
Sheekada https://t.me/awillm https://t.me/dsfuuh https://t.me/cagafm