Dad badan oo khayrka jecel ayaa marka ay ramadaan soo gasho isku daya inay dajistaan jadwalka acmaasha ay kaga faa'idaysan lahaayeen ramadaanka.
Waa arin aad u wacan balse dhibku waa inuu qofku qorto acmaal badan oo aanu hore usoo samayn jirin, kadibna ay ku adkaato marka ramadaan la gaadho ama uu joogtayn kari waayo, waayo naftiisu lama qabsan.!
Ramadaanka intan ku dadaal:
1. Dhegeyso muxaadaraadka ka waramaya fadliga ramadaanka, soonka iyo axkaamtiisa, waxa laga rabo qofka sooman, iwm.
2. Ku dadaal salaadaha waajibka ah inaad masjidka ku tukatid.
3. Ku dadaal joogtaynta sunayaasha ka dambeeya salaadaha waajibka ah oo kala ah:
-
Afar ka horeeya duhurka iyo labo ka dambeeya.
- laba ka danbeeya maqribka iyo labo ka dambeeya cishaha.
- laba ka horeeya subaxa
4. Ku dadaal akhrinta qur'aanka intii aad awoodid.
5. Ka fogow macaasida waliba kuwa aad qabatintay sida balwadda iyo fadhi ku dirirka.
6. Faro badi xuska ilaahay iyo joogitaanka meelaha alle lagu xuso (masaajidda).