Yaxye Yeebaash

@yaxyeyeebaash1


Halkan waxa aan idiinku soo tebin doonaa xogaha ku saabsan suugaantayda iyo warxbixinaha ku saabsan nololmaalmeedkayga. In aad ila joogto oo aad ii samirto ayaan jeclaan lahaa. Mahadsanid

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 19:21


Bog arrimaha caafimaadka iyo wacyigelinta lagaga hadlayo oo Af-soomaali ku baxaya ayaa la inoo daahfuray. Ummad kastaa afkeeda ayay wax ku fahantaa. Kaalay oo boggan raac (follow sii) adiga oo la wadaagaya dadka aad asxaabta tihiin. https://www.facebook.com/DhakhtarSoomaali

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 17:10


Waxa aan idinka soo salaamayaa mid ka mid ah magaalooyinka Itoobiya oo la yidhaa Jimma. Halkee ayaad adigu joogtaa akhriste?

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 16:48


Marka holac qabsado
Dhisme qaab wacnaa,
Qiiqu ba dabkuu
U yey qaylodhaan,
Adna qaac ku shidan
Qalbigaaga iyo
Rabitaan qasnada
Runtu kama qaddee,
Xaqiiqada qayaxan
Qafullada u jabi,
Cabbir qodobka jira
Qumi faral ku sudhan,
Qarandiyo ma tihid
Dhidar qoda godkee,
Qof waxaad ku tahay
Qorituur ha gelin.

Hiyi qori-is-maris
Sidan qayb-ku-hele
Tagto qiil ka daye
Haye qabax-ku-kore
Codsi guul-qawade
Sacab qalad-ku-dhege
Qosol boog rogroge
Qabka ficil ma kece
Qushi kama qasnaha
Waxa quus ku jira
Qaamuuska jira
Xaraf qaaf ku jiro
Ku qor kama qor tide

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 11:29


Xayaatada meertadeedu
Siduu yidhi Mawleheennu
Hawiyo madadaaladeedu
Mid weeyaan soo dhammaane,
Makeeki is-diidadeeda
Fogee murankiyo ladhkeeda,
Mashaakilku waw astaane
Muggaa xal u waara raadi
Mihiimaddu waa hayaane
Ka miiso wixii dan kuu ah,
Ka maaran intii karaana,
Adoon miyirkaaga raacin
Ku noolow mahadnaqeeda

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 11:16


Gugoo xili omos ku xaytay
Kob siigo xidhoo xagaaya
Intuu waqal xooggan xoortay
Cirkii ku xijaabay xeego,
Dhulkiina ka xaaqay xaabka
Xareedda toggoo xammaarta
Dhirtoo midab xidhan xariira
Xidhbaad tahay wada xayaaba!

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 09:19


Takhasuska Aqoonta

Adduunyada imika la iskuma qaado oo lama barto mawduuc ballaadhan sida caafimaadka, IT-ga, Engineering-ka, IWM haddii aanad takhasus ku gebagabaynayn. Caafimaadku, tusaale ahaan, waa midka aan toddoba sano baranayay. Haddana qofku waxa uu noqdaa uun GP ama dhakhtarka xanuunada guud. Xanuun kasta inyar baa wax lagaaga sheegayaa. Se midna kuma tihid khabiir.

Toddobadii sano waxaan baranayay imika aaladdaas yar ee iga dambaysa (microscope) ayaa la isugu keenay. Waxa la yidhi shaqadadaadu wa in aad unugyada (cells) eegto oo ka buka, ka bedka qaba iyo ka qalaad kala gurto. Aqoontan laftarkeeda ayaa takhasus dheeri ah leh (sub speciality).

Dhallinyarada jaamacadaha gelaysaa ha doorteen aqoon ballaadhan oo ay takhasuskeeda kansho iyo karti u hayaan. Ama ha galeen aqoon kooban oo hore xirfad u noqonaysa. Haddii kale se dhakhtar guud, IT guud iyo wada engineer guud oo buugaag la qulaamiyay ayaynu wada noqon.

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 09:15


Erey maanka dhiirriya
Aanse dhaafin bishimaha
Waxba lagama dheefoo,
Falka iyo dhaqaaqaa
Ka cod dheer odhaahdiyo
Hadalkiyo dhawaaqee,
Adigoon ku dhibin ruux
Wacdigiyo dhegaysiga
Dushaaduu ka dheehdaa
Waxaad dhihi karaysee,
Dhab u noqo tusaalaha
Laga dheegto waanada.

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 09:08


Ii keen qudhaydii!

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 09:00


Waxa aanu idiin keennay kadarro ama frame-yo casri ah oo aad gashan karto qoraal, sawir iyo wixii la hal maala. Fadlan soo dalbo adiga oo la xidhiidhaya Whatsappka +252636860426

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 09:00


Se ninkan waxa la yidhaa Xuseen Sataar. Waa nin reer Baakistaan ah oo buuni ku ah dhigista cilmiga Pathology-ga. Waxa uu wax baray kumannaan iyo kumannaan qof oo si toos ah iyo si fogaal araga ba wax uga bartay. Buug caan ah iyo taxano muuqaallo ah oo soo kooba cilmiga Patholog-ga ayuu yahay mu'allifkeeda (Pathoma). Waxa uu wax ka dhigaa hadda jaamacadda University of Chicago isaga oo ku guuleystay billado tiro badan.

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 08:56


Fadlan daawada muuqaalkan.

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 08:56


Sawir dareen weyn xambaarsan

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 08:54


Samirka xaddigiisa baro
Falkana xudduntiisa dhugo
Xurmadu talantaalligay
Ku tahay shay xaasilee
Aduu keli xiiq ha mudan.

Naftaada xuquuq u fidi
Waxaan geyin xaal ka mari
Ku xeer dad ilaashadoon
Ka xagan beerkiyo wadnaha.

Xaqdhawrkiyo samo falkaa
Xurmada aadmiga unkee,
Haddaad dar xanuun qabiyo
Is tidhi godob xanaf le bii,
Xalkeeda holloo wax qabo.

Haddaad ku xabeebatoo
Caal-waa yahay xaalka kani,
Xilbaad gudday kaa dhecee
Intaad xuslin layd bannaan
Dhiraandhiri xeelad kale.

Yaxye Yeebaash

20 Jan, 08:09


Hadba heerbaa
Hirku joogaa,
Hadba haadbaa
Hanku qaadaa,
Hadba haabbaa
Higsi doonaa