Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo marti ku ah barnaamijka Aljazeera ee Ayaamullaah ayaa waxa uu ka hadlayaa siraha quraanka ee bisha barakeysan ee ramadaan. Sheekha, inkastoo dhinacya badan uu faaleynaayo, haddana dhinacyada uu ka warramaayo waxaa kamid ah sida akhriska iyo tadaburka quraanka la isu waafajin karo gaar ahaan bisha ramadaan, weli ba ayada oo dad badani rabaan inay tira badan dhameeyaan quraanka!
Waxa uu sheekha na xasuusinayaa in asalka camalka quraanka uu ko kooban yahau saddex camal. Mid waa carabka oo waa akhris wanaagsan oo tajwiidka u horreeya. Labo, waa tadaburka quraanka oo ah inaad dhugatid, il-gaar u yeelatid oo aad dhuuxdid. Tan waa tan asalka ah sida ku cad aayadda; كتاب انزلناه اليك ليدبرو آياته وليتذكر اولو الالباب. Tan u danbeysana waa xubnaha iyo sida aad u fulin lahayd taas oo ah inaad maqalka, araga, iyo qalbiga u adeegsatid wax uu Ilaahay jecel yahay raali na ka yahay, adiga oo raacaayo sida uu quraanka ku faraayo.
Haddaba sheekha waxa uu na adkaynayaa in la dheelitiri karo labada qodob oo aysan is diidaynin, oo in akhriska badisid iyo inaad tadabur la timaadid la isku keeni karo, taasna waxaa riixaaya barakada quraanka. Tusaale ahaan, barakada quraanka waxaa kamid ah in canug yar oo quraanka tafsiirkiisa fahmeynin inuu ka ilmaysiin karo aadna u saameyn karo, sidoo kalena qof aan islaam ahayn uu saameyn karo gaarsiin kara na heer uu soo islaama; sidaas darteed kol walba kaliya akhrinta quraanka ayaa si iskeed ah saamaynteeda u wadata.
Dhanka kale sheekha waxa uu xusayaa mucjisaadka quraanka ee hadba dhinac laga fiirin karo. Mucjisaadkaas waxaa kamid ah kuwa aan la fahmi karin, sharaxaad na laga bixin karin oo kaliya Ilaahay ogyahay, sida xuruuftul muqadhac ee 'الم، حم' iwm, halka qaar kalena sida soo-noqoshada qisooyinka uu hadba qofka dhugto uu ka heli karo dhadhan iyo dux gaar ah. Tusaale ahaan, qisada nebi Muuse oo meelo kala duwan lagu xusay quraanka, ayaa sida uu Sheekha xusaayo, ayaan isku dhadhan ahayn marka suuratu al-Naml lagu soo tabinaayo iyo kolka lagaga qisoonaaya suuratu Dhaaha. Marka dhammaan qisooyinka quraanka waa hal, laakiin waxaa kala duwan tacbiirka iyo dhadhanka ay tabin walba sameynaysa marka la dhuuxo!
Waxaa suurtagal inay dadka qaar is weydiinayaan sababta salaada taraawiixda iyo qiyaam leylka loo dheereeyo, oo loogu akhrinaayo hal, labo, afar juzz ama ka badan, ayaga oo maanka ku haayo inuu nuxurka xadiiskii nebiga ahaa; salaadda hala fududeeyo. Sheekha waxa uu ina xasuusinayaa in salaadda la fududeynaaya ay tahay tan faradka ah, taas oo uu soo ajiibaayo caruur ilaa ciroole, mid caafimaad qabo ilaa mid xanuunsan. Haddaba salaadahani sunnada ah waxa ay u dheer yihiin waa in la doonaayo inay ruuxda ku noolaato, qalbiga ku raaxaysato, Ilaahay loo dhawaado, in dheeraad wanaag ah lala imaado oo aakhiro wax loo dhigta iyo in addoonka uu Ilaahay isu dhiibo.
Ugu danbeyn xasuuso in nebigeenna Muxamed NNKH oo danbigiisa hore iyo kan danbe la dhaafay haddii uu salaatu-leyl u taagnaa goor walba, marka la weydiiyayna uu ku yiri; افلا اكون عبدا شكورا. Isweydii annaga oo aan heysan hubanti danbi dhaaf islamarkaana aan heynin dadaal badan oo cibaado ah inay bishaan barakaysan dhayal nagu dhaafto annaga oo aan dheefsan! Ilaahay hana suga.
https://youtu.be/xpmBlwvcivs?si=Dxv_eot0F_QhudS6