Maalmuhu kala mudan oo kala maamuus badan, Maanta oo Jimce ah waxa bilaabmi doona maalmihii ugu qiimaha badnaa maalmaha sannadka oo dhan. 10 maalmood oo sheeggan, 10 maalmood oo Ilaahay ku dhaartay kuna dhaato, والفجر وليال عشر
10 maalmood oo camalka iyo samaha la sameeyaa ka qiimo badan yahay dhammaan maalmaha kale wixii la sameeyo.
“ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام”
Dedaalkeenna ugu badan waxa aynu samaynnaa bisha Ramadaan, Soon, salaad, duco, Qur’aan akhris iyo sadaqo intaba, intaas iyo wixii kale ee wanaag ah ee aad ku dartaba maalmahan ayaa ka ajar iyo qiimo badan maalmaha kale oo dhan macal Ramadaan.
Waxa ka sugan Nebiga Scw inuu yidhi “ma jiraan maalmo camalka wanaagsan Ilaahay ka jecel yahay maalmahan tobanka ah” waxa la waydiiyay Nebiga Scw “Jihaadkana?” Wuxuu ku jawaabay “Jihaadkuna maalmahan camalka la sameeyo kama fadli badna, nin nafta iyo maalkaba huray oo labadaba waayay mooyee”.
Diyaar garaw, sii dejiso jadwalka, qorshee waxa aad qabanayso 10kaas