Neueste Beiträge von Bahja sooyaal♡ (@bahjasooyaalka) auf Telegram

Bahja sooyaal♡ Telegram-Beiträge

Bahja sooyaal♡
"Bahja sooyaal waa chanel aad kaheli doonto taarikho,xikmado,waraaqo turjuman,Qoraalo,iyo saliga nabigeena muxamed salalaahu calayhi wasalam , falanqaynta buugaagta ,aqoon guud iyo qayb kamid aH suugaanta"

Soo dhawaw mudane/marwo.🤍
9,267 Abonnenten
189 Fotos
6 Videos
Zuletzt aktualisiert 12.03.2025 02:13

Der neueste Inhalt, der von Bahja sooyaal♡ auf Telegram geteilt wurde.

Bahja sooyaal♡

04 Feb, 10:21

643

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍
Bahja sooyaal♡

03 Feb, 17:55

624

Dhambaallka 4aad

Ma awoodaa inaaga qariso wajigaaga?

Nebigu ﷺ wuxuu aqbalay towbaddii Waxshi oo ah ninki dilay adeerkii Xamse, mana jiro qof awood u leh in uu cidna hor istaago albaabka towbadda nebina ha ahaadee. Qofku isaga ayaa iska leh qalbigiisa, dhaawiciisuna isaga oo keliya ayaa uu khuseeyaa; sidaas aawadeed ayaa uu Nebigu ugu yidhi Waxshi: ma awooddaa in aad iga qariso wejigaaga?!

Cafisku wuxuu u dabran yahay awooddeenna, mararka qaarna dhaawaca ayaa ka tanbata awooddeenna cafiska! Waynu saamixi karnaa dadka, balse ma fiirin karno foolalkooda; waayo amminka aynu aragno, ayaynu soo xusuusannaa dhaawacii iyo xanuunnkii ay ina badeen. Qofka aan doonayn biyaha socon-ayaa in ay ku soo laabtaan marinkoodii hore, daruuri ma aha inuu yahay xaasid, balse dadka qaar baa og gundheerida dhaawacii loo geystay dartii, haddii ay biyahani ku soo laabtaan marinkoodii hore in ay ajoobayaan. Dhaawacyadu xurmo iyo xaqdhawr bay leeyihiin ee xushmeeya!

📖: Dhambaallada Nabiga | B: 12

🧏tiktok.com/@muhyadiin50
Bahja sooyaal♡

03 Feb, 16:20

605

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍
Bahja sooyaal♡

01 Feb, 18:04

691

Dhambaalka 1/300

Eebow, ila kulmi mid iga jecel naftayda!

Nebiga ﷺ ayaa maalinkii Xudeybiya arkay Salama bina Akwac oo aan hubaysnayn, dabadeeto gaashaan buu siiyay. Mar kale ayaa uu haddana isha ku dhuftay Salama oo faramadhan, ka dibna wuxuu weyddiyay: Salamow, mee gaashaankii aan ku siiyay? Salama ayaa ku yidhi: "adeerkay Caamir oo aan hubaysnayn baannu kulannay, dabadeeto hubki aad i siisay baan ugu deeqay! Nebiga ayaa qoslay oo ku yidhi Salama: waxaad tahay sidii qofki yidhi: Allahayow, ila kulmi mid iga jecel naftayda'!

Dadka ku dhiirri geli oo ku ammaan habdhaqanka togan. Ku dheh qofka u samafalaya waalidkiisa: waxaad tahay qof fiican oo ajar shaqaystay. U sheeg ninka naxariista badan in uu yahay gob la abaal-marinayo. U sheeg shaqaalaha aamminka ah in uu ku xus-uusiyay in ay wali sii nool yihün dadki dunta wanaagsanaa ee ammaanada lahaa. Ku dheh ardayga ku dedaalaya waxbara-shadiisa iyo insaanka ku guulaystay shaqadiisa: waxaad tihiin gob. U sheeg saaxibaddaada ku dheggan diinta in ay sugnaanteedani ku sugayso. Dadku waa sida balanbaalista oo mararka qaar ma arkaan qurunda baalashooda; sidaas awgeed ku bogaadiya meelaha ay u bilicdasan yihiin, waana dhaqan ay samayn karaan dadka qalbiyada fayoobi!

DHAMBAALLADA NABIGA, B: 8

🧏 tiktok.com/@muhyadiin50
Bahja sooyaal♡

01 Feb, 12:30

570

Dhambaallada Nabiga 0/300 ﷺ:

Kolka aynu jeclaano qof, waxaynu jeclaanaa codkisa, urtisa iyo xuruuftuu ku qoran yahay magacusu! Laakin, haddi uu maqan yahay qofkani oo uu innaga soo gaadho dhambaal, si kal iyo laab ah ayaynu u soo dhowaynaa; waayo shay kasta oo la xidhiidha qofka la jecelyahay, isna waa la jecelyahay! Halkan waxaan ku soo gudbinayaa saddex boqol oo dhambaal oo ka yimid Xabiibka ﷺ kuwaas oo aan u doortay inay koobsadaan guud ahaan dhinacyada nolosha sida: xidhiidhada, wadashaqaynta, jacaylka, guurka, qoyska, deriska, shaqda iyo saaxubba-da. Farrimahan waxaan ku xidhay waaqica iyo nolosheenna; waayo düntani uma suubbana uun adduunkan oo keliya, balse waa mid uu manfaceedu jirayo xilli kasta. Sidaas awgeed, waxaad ku arkidoontaa buuggan wax ka mid ah quruxda diintan iyo cajaa'ibteedaba!

—Dr. Ad'ham Sharqaawi

Bartana ka dhagaysta: tiktok.com/@muhyadiin50
Bahja sooyaal♡

31 Jan, 07:44

617

Bismilaah:

Manta oo jimce ah baan jilbaha u labanayaa buugan; DHAMBAALLADA NABIGA ﷺ.

Waxaan idinku soo gudbin doonaa si xidhiidh ah kanalkeenan @Dhaqan_wanaag Bi'idni laah. Wakhtiga aan idiin soo gudbin doonana idinkaa go'aaminaya ee u codeeya:
Bahja sooyaal♡

29 Jan, 08:58

823

Waa inaad laba jeer akhridaa. 🫵
Bahja sooyaal♡

19 Jan, 19:23

49

https://t.me/addlist/06CMXlKGCwphNTdk



Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. 😇

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼o 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻, 💙😘



▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂ 
➦ SPONSORED BY
  ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿
↪️ @jaceylqore
↪️ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
↪️ @learn_english012
↪️ @Hagaajinaftaada
↪️ @Wadada_Guusha
↪️ @Arabic023
↪️ @taladaqoyska
↪️ @Caafimaad7
↪️ @Xikmadle
↪️ @kadisaqoon
↪️ @kalandarka_Hijriyada
↪️ @mustaqbal7
↪️ @Iibiye_online
╚═══════ - ════════╝

♧Guddoomiyaha kooxda♧
http://t.me/Wll_musab
Bahja sooyaal♡

18 Jan, 20:43

145

لا تكن أكثر من لازم فتفقد كرامتك واحترمك
Ha noqon qof si xad dhaaf ah u dabacsan kadibna aad weyso karaamadaada Iyo ixtiraamkaada.
Bahja sooyaal♡

16 Jan, 06:27

336

Sunnayaasha guurka ee maalmahan la dayacay...

1. In xaaskaaga jacaylka aad u qabto u qirtid waliba dadka hortooda.
2. In aad la qabaysato/Maydhato.
3. In habeenkii is raacdaan oo isla tamashlaysaan ama soo wada cashaysaan.
4. In aad si dhibirsan ugu baraarujisid wixii diinta u saabsan ee aanay dhaadanayn.
5. In gacantaada aad cuntada ku siisid.
6. In aad ka caawisid hawlaha guriga.
7. In aad iska baratantaan 🏃🏃‍♀️.
8. In aad dhabteeda ku seexatid.

Waa arimo basiid ah balse saamayntoodu wayn tahay, waana arimo uu nebigu sameeyey. #SCW

https://t.me/Sabiil40