Zakariye Timacadde @zakariyetimacade Channel on Telegram

Zakariye Timacadde

@zakariyetimacade


Kala soco wararka Caalamka iyo Soomaaliya

Zakariye Timacadde (Somali)

Zakariye Timacadde waa kanal tani oo loogu talagalay inaad ka warqabto wararka Caalamka iyo Soomaaliya. Kanalkan waxaa ka qaybqaadashada dad badan oo dhagahiisa ka timid wararka caalamka iyo waxa ka qaybqaadashada kuwa Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda. Waxaa jira warar xidhiidh ah oo ku saabsan siyaasad, dhaqan, iyo waxyaabo kale oo bulshada ku saabsan. Zakariye Timacadde waxaa loo yaqaan mid ka mid ah kanalada ugu faahfaahsan ee ku saabsan wararka caalamka iyo Soomaaliya. Haddii aad rabto inaad ka hesho wararka ugu dambeeya iyo muhiimka ah, waxaad ku raacsan kartaa Zakariye Timacadde. nnWaxaad ka heli kartaa wararka caalamka oo dhan oo si fiican u warqabad ah, waxaa na soo bandhigaysa xogta dhabta ah ee ka saabsan arrimaha caalamka iyo qaar ka mid ah wararka Soomaaliya. Sidaa daraadeed, haddii aad rabto inaad ku heshid wararka ugu dambeeya iyo muhiimka ah, kasoo daawo Zakariye Timacadde iyo ka warqab wararka caalamka iyo Soomaaliya.

Zakariye Timacadde

21 Oct, 17:22


Xasan Sheekh oo loo bixiyay magacyo badan sida Xasan Qabyaaliiska Ama Xasan Baahane ayaa Dhawaan Yiri qabyaaladu waa Uf ee isaga taga.

Odayga isagoo sidaasi Yiri ayuu Safarkiisa uu ku marayo dalalka Ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan wuxuu uwatay Abgaal Miiraan oo ah beesha uu ka dhashay.

Zakariye Timacadde

21 Oct, 17:18


Degdeg kooxda Alshabaab ayaa caawa degmada Afgoye ee shabeellaha Hoose waxay ku dileen Aadan Geelle oo ah Ninka Sawirkiisa idiin Muuqda oo katirsanaa Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya

Zakariye Timacadde

20 Oct, 17:16


Waa la Afduubtay waa la qalay jirkiisa qeyb qeyb ayaa loojar jar heer xitaa labada indhood laga soo baxsado.

Yusuf Husein Ahmed Xilidhbaan Da’yar ah oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dalka Kenya Muda ayaa nolol lagu wayay kadib marki laga Afduubtay Nairobi.

Waa Xildhibaan matalo dadka dagan degaanka Wajeer wuxuu ahaa Soomaali da’yar ahaa oo aqoon yaan ah Alla Yaraxma .

Zakariye Timacadde

20 Oct, 15:35


Degdeg:Kooxda Alshabaab ayaa Goor dhaw oo Maqribkii xiliga Soomaaliya ah baahisay Sawirada Abwaan Nageeye Cali Khaliif iyo Abwaan Cabdiwaaxid Gama-diid oo dhawaan ku biiray Xarakada Alshabaab.

Waxaa La arkayaa iyagoo labisan tuutaha ciidamada kuna hubaysan qoryaha AK-47.

Sawirada Laga helay Abwaanada ayaa Muujinaya iyagoo dusha ka saaran gaari gaashaaman oo laga gubay ciidamada Itoobiya.

Zakariye Timacadde

28 Aug, 16:42


Dawladda Itoobiya ayaa ku hanjabtay in aanay faraha kala laabanayn kooxo ay ugu yeertay in ay carqaladaynayaan nabadgalyada gobolka.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ka digay cawaaqib-cumo ka dhalan karta qorshaha lagu beddelayo ciidammada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“Itoobiya waxa ay si dhow ula socotaa xiisadaha soo kordhay gobolka oo ka dhan amniga qaranka Itoobiya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Bayaankan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay Masar gaysay Soomaaliya diyaarado sida qalab millateri.

Zakariye Timacadde

28 Aug, 03:51


Daahir Calasow ayaa ka hadlay saameynta ka dhalan karta amarkii Alshabaab ee ahaa in Todobaad lacagaha loogala baxo Bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta

Zakariye Timacadde

28 Aug, 03:38


Goordhow waxaan soo qori doonaa xog ku saabsan kulamadii madaxda shirkadaha iyo Bankiyada ee ku aaddan go'aankii AS haddii Rabbi idmo.

Zakariye Timacadde

13 Aug, 12:33


Wada hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu kala kacay.

Wada hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu kala kacay ka dib markii laysla fahmi waayey qodobadii laysku hayey.

Wararka ayaa sheegaya in loo ballamay wareeg saddexaad oo dhici doona bisha September ee soo socota kaas oo mar kale laysku soo hor fadhiisinayo labada dhinaca.

Itoobiya ayaa gebi ahaanba diidday in ay ka noqoto heshiiskii is fahan ee ay la gashay Somaliland.

Weftiga Soomaaliya ayaa caawa ku wajahan dalka Masar halkaas oo ay wada tashi kula yeelanayaan Madaxda dalka Masar.

Zakariye Timacadde

11 Jul, 16:23


Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladii Farmaajo Cabdi Saciid ayaa iska diiday in AS urur argagixiso yihiin taa bedelkeeda ayuu ku sheegay inay iyaga kaliya la dagaali karaa Itoobiya.

Cabdisaciid ayaa soo noqday wasiirka Arrimaha dibadda iyo latalyaha Amniga Qaranka

Wareysi ayuu siiyay BBC Soomaaliya ayuu hadalkaan ka yiri...

Zakariye Timacadde

04 Jul, 14:45


Warbaahintii qaranka wey ka dhex bilaabatay.

dagaalka ugu horeeya wuxuu ka dhex qarxay Alcadaala wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo Cabdulqaadir Ciise.

Cabdulqaadir oo sano badan lagu soo shaqeystay ayaa qoray warkaan hosoe.

Hadda ka hor nin Oday ah laga sheegay “ kan in uu Reerka Har u jiidayo uma malaynayo” ‼️

Wiilasha iyo Gabdhaha Wariye hore Al-Cuquuba isku nabayo waxaan leeyahay is maqiiqa iska dhaafa, midna iska ilaawa, aniga iyo cuqdad, aniga iyo laangaabnimo, aniga iyo badhaa-badhaa kale meel iskama galno 😜

Sharci ma sheegin balse shan aadane leeyahay xitaa la igu ma fiiqo✌️
Kun Qof oo dulmane ah oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho ka yimid Gaalkacyo, Hobyo, Baxdo, Dhuusamareeb, Guricel ayaan u hadlayaa 👋

Cadaymo iyo Muuqaallo ayaan soo bandhigi doonaa

Zakariye Timacadde

04 Jul, 10:44


R/Wasaaraha Itoobiya oo khudbad ka jeediyay golaha baarlamaanka wadankiisa ayaa sheegay in ay weli ku taaganyihiin heshiiskii uu lagalay Muuse Biixi.

Abiy Axmed ayaa carabaabay in dowladda Xasan Sheekh ay lacag badan ku bixisay sidii heshiiskaas loo carqaladayn lahaa wuxuuna wacad ku maray in itoobiya ay ka go'antahay sidii ay uqabsan laheyd badda Soomaaliya.

isagoo sii hadlayay ayuu yiri "dhiigga ciidamadeenna ay ku daatay Soomaaliya wax ciyaar ah maahan"

Zakariye Timacadde

30 Jun, 17:42


Suxufiyiinta Turkigu waxay soo tabinayaan in dowladda Turkigu ay dalkeenna iyo xabashida shir u qabaneeyso. In Xabashida la siinayo marin dekadda Hobyo oo Galmuduga ah haddii ay xabashidu buriso is-af garadkii ay Somaliland la gashay.

Haddii warkani dhab noqdo waa dulmi iyo danbi labaad oo shacabka reer Waqooyi laga galay 1988 kadib waxayna u ekaan kartaa inaan xabashi la necbeeyn ee shacabka reer Waqooyi la necebyahay.

Cali Yare Cali

Zakariye Timacadde

19 Jun, 18:35


Boqolaal katirsan Ciidamada Jabuuti ayaa wareejinaya saldhig weyn oo ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Saraakiil sarsare oo ka kala socday #ATMIS, UNSOS, iyo saraakiil katirsan Maleeshiyaadka Calool uusta ah ayaa Talaadadii kormeeray Saldhiga ka hor inta aan lagu wareejin Ciidamada.

4,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa laga saarayaa Somaliya ilaa dhamaadka bisha June 2024.

Zakariye Timacadde

11 Jun, 17:59


daawo muuqaalka filimka

Zakariye Timacadde

11 Jun, 17:48


Sawiradaan waxaan kasoo jaray Filimka oo maxaabiista ay Shabaabku ku qabteen dagaalka