Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

@shariifhsheikh


Ex-President of Southwest State of Somalia, Ex-Speaker of the House of People of the Federal Parliament of Somalia and Ex-Minister of Finance of the Federal Government of Somalia.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

12 Oct, 20:31


إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan guud ahaan umadda Somaliyeed bulshaddeda qeybaheeda kala duwan gaar ahaan caruurtii iyo qoyskii Uu ka geeriyoodey ugu tacsiyadeynayaa Allaha SWT ha u naxariistee Yaaquub Hasan Haaji oo ka mid ahaa Odayasha dhaqanka koonfur galbeed oo caawa lagu diley Magalada Baydhabo.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

09 Oct, 14:21


INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxriistee marxuum General Abdinasir Mohamed Dalab oo ku geeriyoodey Magalada Muqdisho

Allaha ha u naxriistee marxuumka General Abdinasir Mohamed Dalab Waxaa uu ahaa halgamaa Ciidan wakhti badan geliyay dib u dhiska Qaranka soomaaliyeed.

Marxuumka oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay ayaa taariikh weyn ku leh Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waxa uu mudadii uu noolaa Ka shaqeynayey Tayeenta ciidanka Qeybihiisa kala duwan.

Waxaan Allah SWT uga baryayaa Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyska,qaraabadiisa iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

26 Sep, 16:59


‎إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan dhamaan reer Zoobe uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Ali Abduqadir Mohamed Adan (Ali Zoobe) Waxaan Abe Ali Abduqaadir m.Adan Alle SWT uga baryayaa inuu naxristiisa jano ka waraabiyo,kitaabkiisana uu gacanta midig, dhamaan ehelka iyo asxaaabtana u Samir iyo limaan ka siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

26 Sep, 11:23


INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxriistee marxuum Sharif Abdullahi Ali Sharif Iskuduub oo
Ku geeriyoodey Magalada Mugdisho casamada dalka

Allaha ha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa qof ahlu diin ah waxaana wakhti badana geliyay fafinta diinta islamka wuxuuna ahaa qof aad u ixtiraam badan.

Marxuumka oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay ayaa mug weyn ku lahaa Bulshada somaliyeed.

Waxaan Allah SWT uga baryayaa Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyska,qaraabadiisa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha haka siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

13 Sep, 15:30


‎إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaa halkan ugu tacsiyadeynayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allaha u naxariisto Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi ( Faracadde ) oo ahaa Ugaaska Beesha Murusade, waxaan si gaar ah tiraanyadda ula qeybsanayaa caruurtisa ,qoyskii iyo Qarabada uu ka baxay.

Allaha u naxariistee Ugaas C/llaahi Faracadde Waxuu si mug leh uga soo qeybqaatay geeddi socodkii dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo.

Aamiin Yaa Allah

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

07 Aug, 03:09


‌‎ إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan halkan tacsiyo ugu dirayaa dhamaan qaraabada iyo asxaabta allah u nahariste Abduqadir Sharif Xirow oo caawa Baydhabo ku geeriyooday. Qoyska, qarabada, bahda Ciyaaraha iyo Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Waxaan Allah uga baryeyaa Janatul Fardowsa , eheladii uu ka baxdeyna samir iyo iimaan Allah haka siiyo. Aamiin
‎انالله وانا اليه راجعون اللهم اغفر وارحمه واسكنه فسيح جناتك.

Waxaan Ilaaheey uga baryeeynaa inuu horteena cafiyo kitaab’kiisana gacanta midig kasiiyo, Jannadii fardowsa ka waraabiyo.

Aamiin Yaa Allah

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

04 Aug, 12:00


Waxaan ehelada,qaraabada ,guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee xildhibaankii hore ee golaha Shacabka Siidow Adan Abaadir oo geeriyooday Allah SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo dhamaan ehelada Iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna samir Iyo iimaan haka siiyo.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Siidow Adan Waxaa u ahaa siyaasi Uu Wanagsan Bulshada iyo deeganada Somaliyeed Sida Okale ,waxa uu ummada Somaliyeed dhexdeeyda ku lahaa taariikh mug weyn, Naftiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan, waxa uu u huray dib u dhiska dalka,

Waxa aan Alle SWT uga wada baryaynaa in uu jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

03 Aug, 12:37


Waxaan tiiraanyada  iyo xanuunka la qeybsanayaa Qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed  ee ku wax yeelaabay Qaraxii bahalnimada ahaa  ee xalay  Khawaarijta Alshabaab ay ka geeysteen Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

Waxaan Alle SWT u weydiinayaa in uu naxariistiisa janno siiyo dadkii ku shahiiday weerarkii koxada arxanka daran ay ku soo qaadeen dadka  Shacabka ah, inta ku dhaawacantay waxaan Alle uga baryayaa caafimaad deg deg ah.

Dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ugu baaqayaa in dadka Qarax ku dhaawacmay la badbaadiyo Isbitaalada la tago dadka loo shubo dhiiga, Alle waxaan ka baryayaa in Musiibadan naga dulqaado.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

02 Aug, 05:00


Allah SWT u naxariisto Abwaan Xasan Huburow. Oo tii rabi u timid geeridu waa xaq. Samir iyo iimaan Allah ka siiyo dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo ciidanka police Ka gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyoodey.

Waxaan Fanaan,Abwaan xasan Huburow Alle SWT uga baryayaa inuu naxristiisa jano ka
waraabiyo,kitaabkiisana uu gacanta midig, dhamaan ehelka iyo asxaaabtana u Samir yo limaan ka siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

28 Jul, 20:48


INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.
Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii ,Odeyasha dhaqanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Suldaan Maxamed Cusmaan Oorow

Allaha ha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa odayashii uso halgamey wakhti badana geliyay dhisida Mamulka Konfur galbeed.

Marxuumka oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay ayaa mug weyn ku lahaa Bulshada somaliyeed gaar ahaan reer Konfur galbeed.

Waxaan Allah SWT uga baryayaa Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyska,qaraabadiisa iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha haka siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

09 Jul, 11:01


Waxaan guud ahaan umadda Somaliyeed bulshaddeda qeybaheeda kala duwan gaar ahaan caruurtii iyo qoyskii ay ka geeriyootey ugu tacsiyadeynayaa Allaha SWT ha u naxariistee Hamiido Sheikh Adan Hussein oo manta ku dhimatey Magalada mogdisho

Hamiido Sheikh Adan waa sodoxda Daahir shariif Waxaan Alle SWT uga baryayaa in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskeeda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooteyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

09 Jul, 05:07


Waxaan murugada iyo xanuunka tacsida u dirayaa shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan qoyska iyo ehellada uu ka geeriyoodey Allah SWT ha u nahariste waxaa Uu ku geeriyoodey magalada melboon Ee Dalka Australia. marxuum Wasiirkii hore Wasarada arimaha dibada samaliya waxaa Uu so qabtey xilal kala duwan. Prof Mohamed Ali Hamud wuxuu noogu tagay dhaxal ma guuraan ah wuxuu ka mid ahaa odayaashii bud dhigey dhisidda Mamulka KGS, wuxuu hore u soo noqday wasiirka arimaha dibada, wasiirka maaliyada dowladdii dhexe, wasiirkii qorsheynta 2008, gudoomiyihii hore ee SDM. IWM.

Marxuunka oo ka mid ahaa halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Wasiirka oo muddo dheer u soo shaqeyey shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed, asagoo oo door lama ilaawaan ah ka soo qaatey geeddi-socodkii dowladnimada Soomaaliya.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo Marxuunka, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeyna samir iyo iimaan allah SWT uu ka siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

30 Jun, 21:15


Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda xuska sanadguurada 64-aad ee kasoo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalkeena iyo israacii waqooyi iyo koonfur.

Maadaama maalmahan xorriyadda ay aad inoogu weynyihiin waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay midnimo iyo wadajir muujiyaan. Xornimada iyo dowladnimada aynu maanta heysano dadaal badan iyo halgan dheer loo soo maray.

Sidoo kale waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay dowladooda garab istaagaan maadaamaa ay dowladda horumaro badan sameyneyso si dowladnimada Iyo horumaradaas loo sii adkeeyana ay muhiim tahay taageerada iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

28 Jun, 13:47


Waxaan ehelada,qaraabada Iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,Rabi SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo dhamaan ehelada Iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna samir Iyo iimaan haka siiyo. Allaha ha u naxriistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa u ahaa siyaasi odaytinimadiisa Iyo aqoontiisaba inta badan cimrigiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed,waxa uu ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ku lahaa taariikh mug weyn, Naftiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan, waxa uu u huray dib u dhiska dalka, waxa uu gacan weyn ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka. Waxa aan Alle SWT uga wada baryaynaa in uu jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

28 Jun, 10:14


‎ إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan guud ahaan umadda Somaliyeed bulshaddeda qeybaheeda kala duwan gaar ahaan caruurtii iyo qoyskii ay ka geeriyootey ugu tacsiyadeynayaa Allaha SWT ha u naxariistee Xajiyo xaawo arbow hilowle oo manta ku dhimatey Magalada mogdisho Xaajiyo Xaawo Arbow waa Eedada Abdisalan mohamed arbow (Abdisalan jiidow ) Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskeeda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooteyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

26 Jun, 05:55


Waxaan guud ahaan shacab weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadaha maalmaha xorriyadda oo ay ugu horeyso 26-ka June sanadkii 1960-kii maanta oo kale oo ah maalintii ay xorriyadda qaateen gobolada waqooyi ee dalkeena.

Wadankeena oo ilaa wakhtigaas marxalado Kala duwan soo maray waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa in ay garab taagnaadaan horumarinta dowladnimada Soomaaliyeed islamarkaana u hiiliyaan hanaanka dalkeena nidaamkiisa dowladnimo lagu horumarinayo.

Ugu dambeyn waxaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joog aan ugu baaqayaa in ay weyneeyaan maalmaha xorriyadda maadaamaa sidoo kale ay inagu soo food leedahay 1-da luulyo oo ah maalintii gobolada koonfureed ee dalkeena ay xorriyadda qaateen islamarkaana ay midoobeen gobolada koonfureed iyo waqooyi ee dalkeena.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

15 Jun, 20:37


Waxaan guud ahaan muslimiinta caalamka gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabada Ciidul-Adxa oo maalinta beri ah ku beegan islamarkaana ah munaasabad cibaado Iyo mid farxadeed.

Munaasabada ciida awgeed waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay is caawiyaan lana garab istaago qoysaska danta yar.

Ugu dambeyn Rabi SWT ciidan ciideeda ha inagu gaarsiiyo bashbash barwaaqo Iyo dalkeena oo horumar kan kasii balaaran gaara.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

29 May, 11:35


‎إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed bulshaddeda gaar ahaan caruurtiisa iyo qoyskiisa aan uga tacsiyadeynayaa Allaha ha u naxariistee Aadan Samow oo maanta ku geeriyooday dalka Masar halkaas oo uu u joogay xaalad cafimaad.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

23 May, 12:33


INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxriistee marxuum Ugaas Maxamuud Maxamed (Barbaar) oo
Hada geeridisa la iisoo sheegey.

Allaha ha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa halgamaa wakhti badan geliyay dib u dhiska Qaranka soomaaliyeed.

Marxuumka oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay ayaa taariikh weyn ku leh Qaranka Soomaaliyeed waxa uu mudadii uu noolaa soo qabtay xilal kala duwan.

Waxaan Allah SWT uga baryayaa Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyska,qaraabadiisa iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha haka siiyo.

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

06 May, 12:24


‎إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan halkan tacsiyo ugu dirayaa dhamaan qaraabada iyo asxaabta allah u nahariste malaqa manuur Yuusuf mahamuud 79 jiir ah oo maanta lagu diiley degmada berdaale. Waxaan Allah SWT uga baryeyaa Janatul Fardowsa , eheladii uu ka baxdeyna samir iyo iimaan Allah haka siiyo.

انالله وانا اليه راجعون اللهم اغفر وارحمه واسكنه فسيح جناتك.

Waxaan Allah SWT uga baryeeynaa inuu horteena cafiyo kitaab’kiisana gacanta midig kasiiyo, Jannadii fardowsa ka waraabiyo.

Aamiin yaa Allah