Saaxiibbayaal, intan ayaan baraarujin ahaan jeclaystay inaan idiinku darsado sannadka cusub.
1- Naftiinna u debecsanaada:
Khasab maaha nolosha waxkasta inaan daโda dhallinyarada ku heshaan, khasab maaha in hadafyadiinna nolosha aad hal mar wada fahantaan. Tallaabo tallaabo hore u qaada, waxkastaa waqtigooda ayay iman doonaan.
2-Caafimaadkiinna maalgashada:
Jidhkiinna si maalinle ah dhaqdhaqaaq u siiya, cuntada iyadoo niyaddiinnu joogta cuna, biyo badanna cabba. Caafimaadka wanaagsani waa seeska waxkastoo oo kale oo noloshiinna ah.
3- ku xeera naftiinna dadka tayada leh:
Ka agdhowaada dadka wanaagga idinla jecel, dadka markasta fekradaha iyo horumarka ka sheekeeya, iyo kuwa si dhab ah ugu farxaya waxyaabaha aad xaqiijisaan. Dad yar oo tayo leh, oo aad is ixtiraamtaan ayaa muhim ah.
4-wax cusub barta:
Koorso aad inbadan rabtay qaado, wax uun aad xiisaynayso baro, buug inbadan aad maqli jirtay akhri, koritaanku hal goโaan ayuu ka yimaaddaa.
5- Baraha bulshada xaddida, nolosha dhabta ahna aad ugu noolaada:
Dhexmarmarka baraha bulshada yareeya, nolosha caadiga ahna ku noolaada, xasuuso abuurta, xasuuso aan duubis iyo sawirro u baahnayn.
6- wax kaydsada:
Si fiican lacagtiinna u kharash gareeya, hadba wixii idinka goโi karana save gareeya, waayo lacagta idin soo gasha waxa ka muhiimsan lacagta aad kaydsataan iyo caadooyinkiinma kharash garaynta.
7- ku-mahadnaqa waxyaabaha aad haysataan:
Maalinkasta qora saddex wax oo aad Ilaahay ugu mahadcelinaysaan inaad haysataan. Inaad ku mahadnaqdaan waxaad haysataan waxa ay qaabaysaa sida aad nolosha u arkayso, wanaagyo badan oo kalena way horseeddaa.
8- nasta oo ha isdhiibina:
Marka aad niyad ahaan iyo jidh ahaanba u daashaan, noloshuna ay adkaato, yara nasta maalmo, se ha joojinnina dedaalka.
9- waxyaabaha yaryar ku raaxaysta:
Koob shaah ah, cadceed dhac, maalin roobban iyo saaxiibada inaad waqti la qaadataan, ku raaxaystaa waxyaabahaas yaryar, waayo iyagaa nolosha macno u sameeya sida runta ah.
10- ruux ahaan aad isu quudiya:
Sunnayaal badan tukada, Rabbi la sheekaysta xilliyada danbe, dhegaysta sheekh aad jeceshihiin oo aayado Quraan ah akhrinaya, sajaayadda dusheedana ku nasta oo ku xasila.
Sannad cusub oo wanaagyo leh ayaan idiin rajeeyay saaxiibbayaal.