Coldoon (@cabdimaalik_coldoon) के नवीनतम पोस्ट टेलीग्राम पर

Coldoon टेलीग्राम पोस्ट

Coldoon
11,260 सदस्य
64 तस्वीरें
49 वीडियो
अंतिम अपडेट 01.03.2025 16:35

Coldoon द्वारा टेलीग्राम पर साझा की गई नवीनतम सामग्री


Xanuun weynaa

Muuqaalka oo dhamaystiran halkan ka daawo:

https://youtu.be/TWW0FA_SVg4?si=-jrFJfmMO-7hVKA3

Caawa waa habeen weyn,waa habeenka kala badha bisha Shcabaan ee uu Allaah fidiyo dambidhaafka ballaadhan.
Allaah waxa aan ka baryayaa in uu dambigeenna dhaafo .
Waxa aan ka codsanayaa qofkasta oo farriintaydani gaadho oo aanu laabta xumaan isugu hayno in aanu is cafifino.

عَنْ أَبِي مُوسَى الْأَشْعَرِيِّ، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ قَالَ: ( إِنَّ اللَّهَ لَيَطَّلِعُ فِي لَيْلَةِ النِّصْفِ مِنْ شَعْبَانَ فَيَغْفِرُ لِجَمِيعِ خَلْقِهِ إِلَّا لِمُشْرِكٍ أَوْ مُشَاحِنٍ )

Waxa jira dhigane (buug) aan jeelka ku qoray Sannadkii 1443 (2022)oo aan baahin doono dhawaan inshaa Allaah.
Magaciisa waxa la yidhaahdaa (Talisyada kufriga)
Dhiganahaasaynu ku wada sheekaysan doonnaa maalamahan dhow inshaa allaah.

Ciidamada isbahaysiga ah ee ka dagaalamaya dhulka soomaaliyeed ee ka kooban amxaraada,soomaalida,maraykanka , iyo afrikaanka kale ee halka god ku wada jira,ma ciidan gaaleed baa mise waa ciidan islaameed? Ma waxa ay ku dagaalamayaan jihaad Allaah dartii ah mise mid shaydaan dartii ah? Kooda lagu dilo dagaalka ma shahiid baa mise ma aha?

Su’aalahaasi waa su’aalo diini ah oo jawaab u baahan !

Askariga soomaaliyeed ee u dagaalamaya danaha Maraykanka iyo talisyada kufriga ee adduunka sidee buu u noqon karaa shahiid marka la dilo?!

Gaalada Liyuu booliska ee ka midka ah ciidamada taliska Itoobiya inta ay weerar gaadmo-fulaynima ah ku soo qaadeen dadka deegaanka Dacawaley oo ay laayeen ayey haddana ku eedeeyeen dadkii ay laayeen in ahaayeen “Argagixiso” “Nabad-diid iyo wax la mid ah,erayadaa oo ah erayo lagu bannaysto dhiiga muslimiinta.
Waaba tabtii taliskii (TPLF) iyo u adeegehoodii Cabdi Iley oo aan biyo is marin. Itoobiya waa Itoobiyadii un layuuguna waa kuwii un.

Aynu ka gaalowno diinta la yidhaahdo “Soomaalinimo” ee ay ku wada jiraan gaalka iyo muslimkuba oo aynu u kala baxno muslimiin iyo gaalo barii kala noqday.
Erayga “soomaali” waxa uu noqday eray bahal galeen ah iyo waddo halaq oo halisteeda leh.
Soomaalikastaa muslim ma aha , muslimkastaana soomaali ma ah.
Dad baa aaminsan in aanu gaal noqon karin qofkuba haddii uu yidhaado “Soomaali baan ahay” yaa yidhi ma noqon koro ? wuu noqn karaa,oo imisaa jira soomaali gaalo ah .
Soomaali baan ahay ma aha micneheedu muslim baan ahay.
Diinta islaamku abtirsiimo laguma joogo ee waxa lagu joogaa raacis la raacayo waxa gudeheeda lagu farayo.
Muslimiinta waxa ka dhaxeeya islaamnimo ee kama dhaxayso soomaalinimo,carabnimo,afrikaannimo iyo waxa la midka ah.
Amxaariga muslimka ah iyo soomaaliga muslimka ah ayaa is xiga oo iska xiga soomaaliga gaalka ah.
Aynu ka kufrinno ‘’soomaalinimada”oo aynu u kala safanno muuminiin iyo kaafiriin.

Waxa ay igu yidhaahdeen raalligali ciidamada gaalada ah ee Liyuubooliska oo dheh:Liyuu boolisku ma aha gaalo.
Aniguna aniga oo Allaah raalligalinaya waxa aan leeyahay sidan soo socota:
“Ciidamada Liyuu boolisku waa gaalo ku dagaallamaya jidka daaquutka.
Waxa ay ku gaaloobeen ka mid ahaanshaha ay ka mid noqdeen ciidamada taliska gaaleed ee Itoobiya ee dagaalka ba’an kula jira muslimiinta geeska afrika.
Allaah waxa uu aayadda 51aad ee suuradda Almaa’idah ka reebay muuminiinta in ay la jiraan yuhuudda iyo kiristaanka iyga oo ka dhiganaya gacal iyo sokooye isu hiiliya.
Allaahu caza wajal waxa uu yidhi:
﴿يا أَيُّهَا الَّذينَ آمَنوا لا تَتَّخِذُوا اليَهودَ وَالنَّصارى أَولِياءَ بَعضُهُم أَولِياءُ بَعضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِنكُم فَإِنَّهُ مِنهُم إِنَّ اللَّهَ لا يَهدِي القَومَ الظّالِمينَ﴾ [Al-Mā’idah: 51]
aayaddaa oo micneheedu yahay :
Kuwii rumeeyow, ha ka dhiganina yuhuudda iyo kiristaanka xigaal iyo gacal aad isu hiilisaan.
badhkood ba badhka kale ayey ka dhaxaysaa gacaltooyo,xigaal iyo hiil.
Ka idinka idnka mid ah (waa muuminiinta) ee iyaga (yuhuudda iyo kiristaanka)xigsada,jeclaada,u hiiliya,iyaga ayuu ka mid yahay.
Allaah na ma hunuuniyo duulka daalimiint ah”

Ciidamada ashahaado la dirirka ah ee Liyuu boolis ayaa 119 qof ku xasuuqay 150 kalne ku dhaawacay deegaanka Dacawley ee dhulka Soomaali galbeed ee ay Itoobiya haysato.
Xasuuqan fulaynimada ah oo ahaa weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen ciidamada gumaystaha Itoobiya u shaqeeya ee Liyuu boolis ayaa dhacay 20 iyo 25 December 2024.

بسم الله الرحمن الرحيم


Waxa jirta gabadh ku jirta Xabsiga Gabiley tan iyo sannadkii 2017 oo magceeda la yidhaahdo Aamina Ibraahin Cali laguna naanayso Aamina-Shiikho.
Sannadkii 2017 ayaa lagu xukumay 2 sano oo xadhig ah iyo in ay bixiso lacag dhan 35 kun oo doollar.
Xadhigii waxa uu ka dhammaaday sannadkii 2019 lamana siidayn illaa, xadhigii wuu ku muddo dhaafay,Waxa ay u xidhantahay illaa iyo hadda lacag dhan shan iyo sooddon kun oo doollar ($35000) haddii ay bixin waydo waxa lagu wadaa in weligeed halkaa ku jirto !

Howsheeda ayaan ku jiraa , waxa aan bilaabay in aan ururiyo lacagta ay Jeelka ugu xannibantahay si ay u soo baxdo inshaa Allaah.
Waxa jira lacago i soo gaadhay oo aan dhawaan faahfaahin ka bixin doono inshaa Allaah.

Sidaa awgeed waxa aan idiinku baaqayaa in aad ka qaybqaadatan soodaynta walaasheen Aamina-shiikho oo aad ka bixisaan lacgta loo haysto kana faydaan kurbadda .

Fadlan igala soo xidhiidha labadan lambar ee kala ah 0634431955 iyo 0654431955 ama WhatsApp-kan :
+252634431955

Allaah mahadleh

Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon