Boqortooyo @bintimohammed1 Channel on Telegram

Boqortooyo

@bintimohammed1


30/3/2022 ❤️

BOQORTOOYO🦁 (Somali)

BOQORTOOYO🦁 waa qayb ka mid ah Telegram kanallada ugu dhow ee ku saabsan waxyaabaha bulshada Soomaaliyeed. Kanalkan ah waa meesha qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee ku hadla afka Soomaaliga iyo kuwa kale ee carabta.

Binti Mohammed, ee ka dhigaysa username-ka 'bintimohammed1', waa adminka kanalkee, oo ah qofka ugu muhiimsan ee ka qaybgalaya bogagga iyo fikirrada kanalada. Waxa uu si toos ah uga faa'iideysan karaa dadka kale ee ka qayb qaadaya kanalka inay ka heshay hab nala wadaagi karaan fikradda iyo waxyaabaha ay ku jiraan.

BOQORTOOYO🦁 waa meesha go'aanka iyo fikirrada dadka Soomaaliyeed, wax siyaasadeed, iyo wax kala duwan oo ku saabsan dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka wada hadlaan. Waxaa jira wararka cusub, barnaamijyo, iyo qaababka ugu habboon ee ku saabsan arrimaha Soomaaliyeed.

30/3/2022, oo ah tan iyo maalmahan ee ugu dambeeya ee lagu soo daabacay wararka iyo fikirrada kanalada, waxaa loo yaqaan maalin aan ka soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee ku hadla afka Soomaaliga.

Sida kanalka u dhow, BOQORTOOYO🦁 waa go'aan dheer oo lagu wada hadli karo arrimaha Soomaalida, waxaa hubaal ah inuu ka mid yahay kanalka ugu caansan ee ku saabsan fikirrada iyo barnaamijyada Soomaaliyeed.

Haddii aad rabto inaad ka faa'iideysato iyo ka qayb qaadato hadalka iyo fikradaha dadka Soomaaliyeed, fadlan kala sooc kanalkan iyo mar kale booqo 30/3/2022 si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay iyo barnaamijyadii ugu cusub ee ku saabsan Soomaalida. Waa kanalkaaga ugu wanaagsan ee ku saabsan arrimaha Soomaaliyeed!

BOQORTOOYO🦁

14 Nov, 08:49


https://t.me/Balaashaan

BOQORTOOYO🦁

30 Aug, 18:40


Dadka hadalkooda waa sida dhagaxanta waaweyn oo kale, hadii aad dhabarka ku qaado wey ku dhaawacayan , hadii aad jaranjaro ka dhisatana meel sare baad gareysaa wadna ku guuleysaneysa 🥀

Imaamu Shaafici Raximahullaah

BOQORTOOYO🦁

25 Aug, 19:48


Guusha cidna lama dhalan heys dhibin

BOQORTOOYO🦁

24 Nov, 10:57


Jimcaha waxa dhax ahaaday sacaad adoonka alle waxoo weydiisto siiyo duceysta saliga suubanaha salalahu caley wasalam badiya❤️

عن أبي هريرة رضي الله عنه أنه قال
‏.
‏قال رسول الله ﷺ
‏.
‏إن في الجمعة لساعة لايوافقها مسلم قائم يصلي يسأل الله خيراً إلا أعطاه إياه .
‏.
‏صحيح مسلم 852
‏.
‏⁧ #يوم_الجمعه ⁩

BOQORTOOYO🦁

19 Oct, 21:06


Nasiib badanaa qof gacmaha u taagtay rabigii wakhti madow oo saqbadh ah iyaga oo dadku badidiisuna ku jiraan hurdo tii ugu macaanyd kaas oo ilaahy baryaya, lana hadlaya rabigii oo uga waramaya wax kasta uu tabanayo iyo noloshisa oo dhan adoomhana ka kaaftoomay wax waydiisigooda

#قيام #الليل

BOQORTOOYO🦁

17 Oct, 21:11


Turkiga ayaa diray maraakiib aad u waaweyn oo ay ku raran yihiin 4,500 oo tan oo khudaar iyo miro ah, kuwaas oo maanta ku soo xirtay dekedda magaalada Haifa si ay u daboolaan baahida Israa'iil 🇮🇱 oo ay waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah dalagyadii beeraha mudadii dagaalka.


Nifaaqnimo intaas ka wayn majirto caawa dad badan bay dacartu kukacaysaa oo turkiga rajo kaqabay.

BOQORTOOYO🦁

12 Oct, 18:15


Gabadha waxa lagu weyneeya aqoonteeda baaxada leh, garaad badnideeda muuqata iyo sooyaalkeda dhowrsan.

~Imaam Qasaali.

BOQORTOOYO🦁

09 Oct, 18:53


"Feminist kuwaasi waa gaalo iyo gacmo gaalo

waana cadowga koowaad ee dumarka, Waxay doonayaan in dumarka muslimaadka guryahooda kasoo saaraan masuuliyaadka bulshada ku dhex lahaayeen seejiyaan reerkooda iyo ilmahooda dayacaan, sharafkooda iyo qiimahooda burburiyaan, fisqi iyo fasaad u horseedaan, cadow kuwaas ka weyn ee ay dumarka muslimaadka leeyhn maba jiro ayaa la dhihi karaa halaga digtoonaado dadkana halooga digo

BOQORTOOYO🦁

07 Oct, 14:19


-(وَيَشْفِ صُدُورَ قَوْمٍۢ مُّؤْمِنِينَ

BOQORTOOYO🦁

07 Oct, 11:43


Guusha iyo libinta filan-waaga ah ee u dhalatay shacabka dulmi diidka ahee falastiin, miyaanay tusaale nool, yididiilo iyo rajo weyn u ahayn shacabka soomaali galbeed iyo NFD?

BOQORTOOYO🦁

07 Oct, 11:26


Maanta waa malin muslimiinta reer Palestine guuleysten Yahuudana alle u jabiyey kibirkooda 🇵🇸

Qof walbo muslim dhaba manta wuu faraxsan yhy
Alhamdullilah

BOQORTOOYO🦁

06 Oct, 11:32


"Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha".

~Shiikh Mustafe.

BOQORTOOYO🦁

27 Sep, 14:27


Maanta oo kale waxa dhacday musiibadii ugu wayneeyd oo ah geerida Nabigeena Muxammad Sallalaahu Caleyhi Wasallam, sidoo kale Maanta waxay ku beegan tahay maalintii ay dhacday fidnadii ugu wayneeyd ee Islaamka soo martay oo ahayd fidnadii dad badan diinta uga baxeen oo Riddoobeen heer xitaa islaamka uu gaaray in la waayo balse Allaah usoo saaray islaamka (diinta) isla markaana Allaah uu ku badbaadiyay gacanta Abuubakar Sadiiq Allaah ka raali noqdee ka dib geeridii Nabiga SCW, markaas baa dad qaar u dabaaldagayaan waxay ugu yeereen dhalshadii Nabiga oo xitaa aan udabaal DAGIN saxaabada. Miyaynu ka jeclaan badan nahay Saxaabada Nabiga SCW, ma diidani in Nabiga la weyneeyo Balse waxa la diidaayo ayaa ah in Hal maalin oo kaliya loo shardiyo bes inta kale aan Nabiga SCW la waynaynin.

Ku saliya Suubaneheena Sallalaahu Caleyhi Wasallam.

BOQORTOOYO🦁

26 Sep, 18:36


Waan idin salaamay akhyaarta .

"Is-barbardhiga ku dhaqanka shareecada Islaamka, Dimuqraadiyada, Libraaliyada iyo Calmaaniyada".

Waxa aynu ku lafa-guri doonaa kala duwaanshaha u dhexeeya xeerarka shreecada iyo kuwa Dimuqraadiga ee ku dhisan hanaanka Libraaliyada iyo calmaaniyada.

Dood aqooneedeedani waxay dhici doontaa habeen dambe oo arbaco ah 9:00 fiidmo saacada bariga Afrika, kana qabsoomi doonta barta kanaalka @cilminafsiga.

Kasoo qaybgal wacan.

BOQORTOOYO🦁

18 Sep, 17:11


Markasta oo da'daadu kororto, waxaa kugu batay wax qariska oo waxyaabo badan ood yaraantaadii isaga sheekayn jirtay ayaad ka ceebsataa, ama macno darro kula noqda.
Dadka ayagoo waayeel ah sida caruurtii isaga hadaaqa ee aan waxba qarin, waa qolo aan weli korin oo qolofta uun weynaatay, balse qalbigu caruurnimadii joogo, iyo qolo yaraantii la cabburiyey ee hadda hadalkii ku baaqday soo megaya.

Adigoo furfuran ayaad haddana arrimahaada gaarka ah naga haysan kartaa, dadnimadaadana nagula joogi kartaa.

@lion_woman10

BOQORTOOYO🦁

14 Sep, 14:19


Ereyada qaarkood waxay qalbiga galaan idan/ogolaansho la'aaan. Sida inuu qof kuu sheego oo kale "Labadaada indhood way qurux badan yihiin", "Dharkaagu waa xarago", " Qosolkaagu wuu ka duwan yahay ka dadka kale", "Waan jeclahay habka aad u fakartid", "Waan u xiisay maqalka codkaaga", "Midabkaan wuu kugu haboon yahay/ waad kusoo baxaysaa", "Waxaan taaganahay dhinacaaga wax kasta oo dhaca", "Waxaad boos ku leedahay ducadayda". Keliya waa ereyo fudud, laakiin awooda inay ruux nooleeyaan/ celiyaan, daawayso/bogsiiso dhaawac abuuraysana dareen farxadeed oo aan wax loo dhigo jirin. Hala bakhaylina xarfihiina, noqda kuwo ehel u ah jaceylka. Noqda kuwo hoy u ah naxariista.🤍

~Rahem Al oran.

BOQORTOOYO🦁

01 Sep, 16:51


- waxaad kaliya ku dadaashaa in aad qiyamkaaga nololeed aad dhawrto ,dadkana aad ixtiraamto tajaaribta noloshana aad wax kabarato, qisooyinka kusoo marayana aad intooda muhiim-ka kuu ah aad xusuus waayo aragnimo ka reebato.

BOQORTOOYO🦁

21 Aug, 16:51


لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي كَبَدٍ (4)
"Bini'aadamka waxaan ku abuurnay dhibaato iyo adayg dhexdood". Dhibkaas wuxuu ka bilaabmayaa meesha uu ku beermay oo ah uurka hooyadiis ee mugdiga iyo cidhiidhiga ah. Ka dib wuu soo dhalan, wuu kacaa kufi ugu danbayn wuu socod baran. Ilkihii baa u soo bixi kuwaas oo uu dhib ka marayo kadib iyagii baa ka daadan, hadana kuwo kale baa u soo bixi. Marxalado caruurnimo oo iska adag buu mari. Tacliin iyo waxbarasho baa u bilaaban oo adaygeeda wadata, malintii uu dhameeyo buu is dhihi waad nasan, balse adayg kale baa u sii bilaaban oo ah inuu shaqaysto oo lamaane helo. Ugu danbayn hadana mas'uuliyad baa fuuli iyo inuu caruurtiisa tarbiyeeyo oo koriyo. Wuxuu noloshaas ku jiraba hadana wuu duqoobi, dadka qaar baa u laabta "Ardalal Cumar" oo ah in sidii caruurtii mar kale looga war hayo oo wax loo siiyo. Ugu danbayn wuu geeriyoon halkaas oo iyadana ay adayg kale iyo caalam kale oo caalam barzakh uga bilaabmayo.

Ugu danbaynta adaygaas iyo dhibaatadaas meesha uu uga nasan karo keliya waa marka uu Ahlu Janada ka mid noqdo (Ilaahay ha nagu daree) hadii kalena adayg intii kasii daran baa u bilaabmaya oo Naar ah ilaahay ha naga nabad geliyee.

Qof kasta maanta buu jaanis haystaa oo uu masiirkiisa danbe iyo aakhiradiisa ku wanaajin karo oo uu camal wanaagsan ku qabsan karo, nasiinana ku heli karo nolosha danbe.

@Moohaa10