Últimas Postagens de malikat maria🥰✨❤️ (@anagalee) no Telegram

Postagens do Canal malikat maria🥰❤️

malikat maria🥰✨❤️
"🍁qiimaha nolosha wa inaad lahata hadaf ka duwan Kan ay dadku leyihin.....😇🥰🦋🥀

💝🦋💙
2,237 Inscritos
651 Fotos
46 Vídeos
Última Atualização 06.03.2025 14:37

O conteúdo mais recente compartilhado por malikat maria🥰❤️ no Telegram

malikat maria🥰❤️

06 Mar, 05:56

21

waa arrin yaab leh soomahan!?
Wuxu yidhi; An kaaga waramo xaqiiqada qadhaadh ee aad badankiin iigu so dhaweysaan,malinka ugu horeysa ee booqashadeyda waad is xaal wareysataan anigo idinla jooga ayaadna ka warantaan manta dhibkii aad iigu qabteen!
Soodhaweenta cibaadoyin sharaf leh ayad iigu so dhaweysan, ammin dhowrah ka dibna niyada ayad iska tidhaahdan;
" Oo waanba daale halahan kadib siima wadi karaayo!"😮‍💨
Soo cajiib maahan adigo 11 bil aad jecleed inan kuu imaado,malinkan ku imina aad jeclaanayso inan ciyow dhamaado.?
Bal kawaran hadii malmahaygaas kooban aadku noqoto ilmo yar oo bilaa dambi ah!..?
Soo lagama yaabo inuu rabi kaa dhaafo dhamaan dambyadaadi aad so gashay 11 ga bilood ee laso dhaafey😯
Waan tagi rabaa malmo yar oo kaliyaata ayay siyaaradeydu ahaatey ha dhayaleysan barakada gudahayga ku sugan, hana yareysan hal dambi oo aad gashay maxayelay ajarku waa laba laab dambiguna sidookale!🤐


#lasheekeysiga_ramadaan
@kalimaatzahra
malikat maria🥰❤️

04 Mar, 18:29

50

wuxu igu yidhi:
Waa maalin kale walina waan kula jooga,iima aanad xiisin sanadkii hore soomahan!?
Waxad la yaaban tahay dagdaga aan kuugu imi adigoo aanad inbadan Ii hiloobin!
Khayr ayaan kuula imi iyo inaad kamid noqoto kuwa cutaaqiinta ah ama kuwa alle qoor xureeyay oo ka xureeyay kuleelka io cadaabka naarta❤️
Waan ogahay dadka ayad u muujineysa inaad aad ii xiiseeneyso lakin xaqiiqada gudahaaga waxay ii muuqata marki malinka kala badhkiisa la joogo...!
Ha'is waydiin sidaan ku ogaadey.waxan ku arka malinka intiisa dambe adigoo gidaarada haysta oo leh " Alla muu sheekhu mar_qudhaata codkiisa qurxoon ku adimo?".
Huno; waan fahansanahay uma jeclid codka sheekha adimaya si'aad salaada ugu dagdagto ee waxad u hinqal taageysa cunadaas udgoonka iyo aragtida qurxoon ee hortaada taala...!🙃
Soo layaab maaha inaan kuu imi adigoo illa heerkas ineceb anigoo kugu odhanaaya;
" war kaalay oo dambi dhaaf u kaalay,naxariis Allena ukaalay"🧐

#lasheekeysiga_ramadan
@kalimaatzahra
malikat maria🥰❤️

02 Mar, 16:12

63

Ramadaanka ayan la waramey; wuxuna ii shegay malinta uu ila joogayo kaliya inay manta uun tahay,bari uusan iigu soo laban doonin si'an u saxo qaladaad keyga!
Waxan isla judhaaba kaga hormaray waydiin ah;
" waan ogahay inaan siwacan kaga faaideysan shalay lakin manta fursadan an heysto soo igama kaa fineyso arrinmahygi io qaladadkaygi shalay!?"

Wuu Iidhoola cadeeyay; haa!
Midna yaysan unugyadaada caqlibadnida ahi faarujin huno bari anigu kuso laaban maayo, mantana waxan ku siiyay hadyado ee ha dib dhigin furitaanka hadyadeheeyga.🙂
🗣Ramadaanow mid ayan la yaabanahay...!🧐
Uma baahni inaad iigu dhawaaqdo waan ogahay!🤓
Hadyadeheyga ayaad donaysa somahan inan kuu magacaabo;
•shaydaan ku mashquulinaya majiro.
• Albaabada janada adigay kuu furan yihin.
• Albaabada naarta cidina kugu tuuri mayso intan aniga kula joogo.
• waxad haysata waqti aad alle kaga dalban karto inu kaa dhigo kuwa la qoor xureeyay.

Layaab badanida ereyadaadana cajiib sana...🥹

#Zahra bint ciisa
#lashekeysiga_ramadanka
malikat maria🥰❤️

06 Feb, 10:09

202

😊❤️
malikat maria🥰❤️

29 Jan, 16:46

276

Qalbiyadu aadanuhu waa uu jilcanyahay badanaana uma adkeysan karo xanuunada aan daawada laheen ee qalbiyada ku dhaca,balse adoonka midka naxariista hada tahay majirto arin ku xanunjin kareysa oo caro edegan dul haadeysa amaba saaran...
Inyar u eegma badi aayadan uu nabi nuux leyahay;
" waxa aan ku idhi( qoomkeyga) alle dambi dhaaf waydiista maxayelay waa dambi dhaaf badane"...
Fahanbal macnaha aayada ku xigta iyo faaidada ay leedahay istiqfaartu;
"يُرْسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا"
Cirkana Roob badan ha idinka keenee"
"وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَٰلٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّـٰتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَـٰرًا ;
Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal"

Bal eeg midhaha istiqfaartu iyado jeexday moowjado badan kawatan sooma kaa kafin karayso inay murugadaadu dabarjarto...!?

"Marwalboon murugoodo dambigeyga ayaan xisaabiya Allena dambi dhaafna waydista si'uu iigu naxariisto..."

@kalimaatzahra
malikat maria🥰❤️

24 Jan, 04:56

262

Waa aduun tani!
Kuwa wanaga badani waa dulmanayaal...
Kuwa diinta dadka ugu yeedhana waa tuugo isu qarisay go'aha wawen....
Kuwa illaliya saladaha waqtigooda waa bila camal...
Kuwa hadalka yari waa munafiqiin...
Kuwa aduunka ka haajirayna waa mashaqesteyaal....

Wax ino hadhay oo dhimani ma jiro,qofkasta alle si buu u abuuray wuxuna u yeelay sifoyin gaar ah. Inaad isu shuqlisa egmada dadka waa dulinimo adiga kuu sugnatay,inaad iska fogeysa dhaqamadooda guracana waa geesinimo adiga lahaadey.

"Cibaadada ayaa marwalba caadada ka horeysa"


@kalimaatzahra
malikat maria🥰❤️

07 Jan, 19:33

319

Sheikh Sacid Raage ayaa yiri

"Gabadhu Nin wanaagsan oo ay jeceshay oo ay u dhimanayso way ka tagaysaa haddii ay aragto nin ka lacag badan ama ka maqaam sareeya gabdhuhu keliya Maslaxadooda ayey dabagalaan".



Halka Raga gabadha uu jecelyahay uusan uga tagaynin daruuf dhaqaalo ama wax kale qaar baa xittaa guursada gabdho aanan reerkiisa u fiicneyn, ilmaha xittaa aanan u rooneyn sidaas awgeed Raggu waxay keliya dabagaal Jacaylkooda...!!"

…..!

@JIILKA_WACYIGA1
malikat maria🥰❤️

05 Jan, 06:37

277

" Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Waxaa halaag ama waadi naareed u sugnaaday midka sheekada ku soo daraya been si uu dadka uga qosliyo halaag baa u sugnaaday, halaag baa u sugnaaday.»😢😢

‎Beentu ma bannaana Haba ahaato mid qosol ah ama kaftan "
malikat maria🥰❤️

05 Jan, 06:36

259

قَالَ النَّبِيُّ ﷺ: "إِنَّ لِكُلِّ دِينٍ خُلُقًا، وَخُلُقُ الإِسْلَامِ الْحَيَاءُ"

"Diin kasta waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka."🧡💯
malikat maria🥰❤️

05 Jan, 06:35

218

Doqonsanaa qof la yiri waxaad rabto iweydiiso waan ku siinaye, Hadana Meelaha gacan hoorsi la taagan😪

Raxmaanka wuxuu idin leeyahay ibarya aan idin ajiibe  Halmar si niyad ah u dheh Yaa rabbi oo waydiiso alle waxaad ubaahan tahay❤️

د