Baraarug bulsho @qolkasomalia Channel on Telegram

Baraarug bulsho

@qolkasomalia


Baraarug bulsho (Somali)

Baraarug bulsho waa telegaramkaaga ugu wanaagsan ee ku saabsan bulshada Soomaaliyeed. Kanalkan ayaa loogu talagalay in lagu wacyi geliyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhammaan arrimaha bulshada, siyaasadda, dhaqanka, iyo waxyaabaha kala duwan ee ku saabsan bulshada Soomaaliyeed. Qolkasomalia waa xubin ka mida qoysaska iyo ehelada Soomaaliyeed ee fadhiga u gaar ah ee bulshada. Waxaa ku jira warar muhiim ah oo ku saabsan arrimaha bulshada ee Soomaaliyeed, sida islaamka, siyaasadda, dhaqanka, iyo waxyaabaha ka dhaxeeya bulshada. Haddii aad rabto inaad ka faa'iideysid macluumaadka aan jabinayno, qolkasomalia waa kanalka aad u fiican oo aad ka heli karto warar faro badan iyo tusaale ahaan waxyaabaha aanu arki karno ee ku saabsan bulshada Soomaaliyeed. Xusuuso macluumaad cusub oo ku saabsan siyaasad, dhaqan, iyo bulshadeena Soomaaliyeed, kuna dhiiri geli macluumaadka aad u baahan tahay qolkasomalia kanalka ku saabsan bulsho Soomaaliyeed.

Baraarug bulsho

22 Jun, 18:45


Furaha Nabaddu Waa Caddaalad:

Nabadda Iyo Caddaaladdu, Runta iyo Cilmigu wey ka sarreeyaan inta diinota la inoogu sheegay mana gaar karno waayo maa magacyada iyo sifaadka Alle. Inta diinta laguugu sheegay caqligaaguna gaaro oo keliya ayaad ka fahmi kartaa ee kulligood ma wada fahmi kartid. Kowniyah (Cid ila qabta ma jirto laakin anigaa qaba).

Sidee Nabad Lagu Helaa?

Nabaddu waa arsaaqad Alle xaggiisa jirta. Shuruud beyna ku xirantahay soo degisteeda. Waa maxay shuruuddaasi? U feker si criticas ah ama poetic ah. Mar haddii aad nabadi arsaaqad ka dhigtay maxaad ku matali kartaa nabadda oo noloshaada maaddiga ah la xiriira? Arsaaqad ka soo qaad in ay tahay badar kuu baxay oo Alle kugu irsaaqay. Badarku ma cirka ayuu ka soo daayay? Maya? Waa la tabcay.

Intaa ka dib is weyddii nabadda beerteedu waa tee aan tabcane? Feker ahaan u raadi beerta nabadda. Si khiyaali ah madkaxda u tuuji. Is weyddii goormaad adiga iyo qof kale nabad kuwada noolaa kartaan, kuwada shaqaysan kartaan, wax ku kala iibsan kartaan, kuna kala baxi kartaan?

Maxay Noqon Jawaabtaadu?

Jawaabtaadu waxay noqonaysaa Caddaaladda. Waxaad ogaanaysaa in meel walba oo ay nabadi taalo ay caddaaladi ka jirto. Meel kastoo aad nabad ku martay in aad caddaalad ku martay, cid kastoo wanaag idin dhexmarayna ay caddaalad idin dhextiilay.Hadda jawaabti beynu helnay. Beerta Nabaddu waa caddaalad. Beertuna in laga shaqeeyo ayey u baahantahay, ma aha beer lagu nasto. Weligaa ma aragtay beer lagu raaxaysto oo irsaq ka soo dhashay adduunka korkii? Ha sheegin. Beertaasi waa beerta aakhiro ee jannada ah oo adiga oo raaxaysanaya ay miro kaaga soo go'aan, Allana uu ku leeyahay ادْخُلُوهَابِسَلاَمٍ آمِنِينَ.

Beerta Nabadda Adduunka

Beerta Nabadda ee adduunka tacabkeedu waa caddaalad iyo cibaado. Dawladdu waa qalabki aad ku shaqaysan lahayd. Dalkeena waxaa rogay mid wadaad ah oo cibaada mooye aan caddaalad ka hadlayn iyo mid siyaasi ahoo aan labadaba ka hadlayn.

Baraarug bulsho

24 Nov, 13:30


Xubinnimada EAC Waxay Soomaaliya iyo Gobolkaba u Horseedi Doontaa Waa Cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo ah

Waxaa qoray Daud Aweis

Hoggaamiyeyaasha Wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (East African Community) ayaa dhowaan go'aan ka gaaraya in Soomaaliya ay ugu dambeyntii noqoto xubintii 8-aad ee Urur Goboleedkan Ioo hadda ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo iyo Konfuurta Suudaan.

Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi. Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaargarowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wadahadallo ah. oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada.

Muddo dheer ayay Soomaaliya sugeysay inay mira dhaliso hammigeeda ah inay ku biirto Urur Goboleedkan Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay markii ugu horreysay isku dayday inay ku biirto sannadkii 2012-kii. Baadigoobka ku biirista Urur Goboleedka EAC waxay ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15 bishii May, 2022. Haddii la ansixiyo sida la wada filayo. waxay noqon doontaa gaarista ama meel marinta riyo 11 sano ah iyo sannado shaqo iyo hawlo adag loo soo marey

Oggolaanshaha ku biiritaanku ma ahan mid bishaaro u noqoneysa Soomaaliya oo keliya, balse waa mid ay ku baraari doonaan guud ahaan waddamada gobolka ku yaalla. Soomaaliya waxay horey u deristay una aqoonsatey faa'iidooyinka ku biiritaanka EAC, iyadoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka ay qeyb ka yihii Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya - AMISOM (oo haatan loo yaqaano ATMIS) -ciidamo dalalka EAC ka mid ahna ay Soomaaliya waqtigan xaadirka ah joogaan. Hawlgalkan Midowga Afrika uu garwadeenka ka yahay, ayaa ku shaqeeya qaraar uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramamada Midoobay. Wadamada Bariga Afrika ayaa si dhow oo wadajir ah ugu jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaa aan shaki ku jirin in walaalaheena dalalka gobolka ay door weyn oo muhiim ah ka cayaari doonaan dib u dhiska Soomaaliya nabad ah, xasiloon, wax badan oo wanaag ahna ku soo kordhisa Gobolka Bariga Afrika, sannado badan oo colaado iyo caqabado kale kadib.

Soomaaliya wax badan ayay ka faa'iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa awaxa ku nool in ka badan 200 oo milyan oo qof, taas oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

Baraarug bulsho

24 Nov, 13:30


Tallaabada ay dowladda muhimad gaar ah ku siineyso ururkan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay uga go’an tahay inuu mudnaanta siiyo dadaallada kor loogu qaadayo heerka nololeed ee qof kasta oo Soomaali ah.

Waxaa jira halhays Af Sawaaxili ah oo oranaya, ‘Umoja ni Nguvu’, oo macnaheedu yahay “Midnimadu waa Awood”. Haddii ay Soomaaliya rabto in ay meel fog gaarto, waxaa Khasab ah inayna keligeen iska duulin. Waa inaan gacmaha is qabsanaa dhammaan wadamada gobolka oo aan si wada jir ah u horumarno una barwaaqowno. Waxaan si weyn u dhowreynaa dhammaadka bishan November si rasmi ah na loogu aqoonsado inaan noqono xubinta cusub eek u soo biireysa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community). Tallaabadan ayaa abuuri doontaa waa cusub oo rajo leh, xasilooni, iskaashi iyo horumar wadaag ah. Waxaan rajeyneynaa inaan qeyb ka qaadano kulanka lagu soo bandhigi doono Hiigsiga 2050 ee Urur Goboleedka EAC ee wanaajinta ka faa'iidaysiga kheyraadka gobolka si loo dardargeliyo wax soo saarka iyo samafalka dadyowga gobolka ku nool.


Viva, EAC, VIVA!

Baraarug bulsho

24 Nov, 13:30


Xubinnimada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa fursadaha la socda waxaa ka mid ah isu socodka dadka iyo isku gudubka badeecadaha gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Tani waxay wax weyn u noqon doontaa dhaqaalaha maadaama ay horayba u joogeen boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka ganacsanayay gobolka. Marka la eego heerka dhaqan-bulsho, wax-is-weydaarsiga dadka ma ahan oo keliya mid door ka cayaareysa kor u qaadista heerka nololeed ee muwaadiniinta, balse waxay sidoo kale wax badan ka tari doontaa xaqiijinta riyada is-dhexgalka ee waddamada gobolka ku yaalla.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in la wadaago aqoonta hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee dimoqraadiyadda, dawlad wanaagga, sharci-dejinta, sinnaanta iyo xasilloonida deegaanka. Dalkeenu wax badan ayuu ka baran doonaa si uu u gaaro xasilooni buuxda, sannado badan oo qalalaase ah kadib. Wadamada Bariga Afrika ayaa taageero iyo garab istaag ku dheehan derisnimo iyo walaaltinimo u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dagaalka uu kula jiro argagixisada si meesha looga saaro Khawaarijta Al Shabaab dhammaadka sanadkan. Taageeradaasina waa mid aan si weyn abaal uga hayno hoggaamiyeyaasha gobolka.

Dhankeeda, Bulshada Bariga Afrika waxay ku naaloon doontaa suuq ganacsi oo la ballaariyay oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo ka badan 17 milyan oo qof. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo wax soo saarka guud ee Bariga Afrika. Gobolka wuxuu fursan u helayaa inuu manaafacaad weyn ka helo ka faa'iidaysiga ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah iyo macdan aad u badan oo ay ka faa’ideysan karaan dalalka deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay leedahay awood beereed baaxad leh oo looga faa’iidaysan karo danta Bariga Afrika oo dhan. Maanta, beeruhu waxay wax ku biiriyaan 65% GDP (Gross Domestic Product), ahna isha ugu weyn ee shaqa abuurka .Ka faa’iidaysiga iyo casriyaynta kheyraadka beeruhu waxa ay wax badan ka tari doontaa ma aha oo kaliya arrimaha sugnaanshaha cuntada ee Soomaaliya, balse kuwa gobolka oo dhan ayay dabooli kartaa. Wadamada Bariga Afrika waxay sidoo kale ka faa'iidaysan doonaan shacabka Soomaaliyeed oo intiisa badan ka kooban dhalinyaro wax weyn ku soo kordhin karta koboca dhaqaalaha gobolka.

Siyaasad ahaan, kordhinta tirada xubanah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC waxay kordhin doontaa saamaynta ay ku leedahay gobolka, waxayna kor u qaadi doontaa codkeeda siyaasadda Afrika iyo tan caalamka. Soomaaliya waxay awood saameyn ku yeelan doonta go;aamada masiiriga ah ee arrimaha Bariga Afrika iyo sidoo kale Geeska Afrika. Xubinimada Soomaaliya ee ururka waxay sidoo kale wax ka tari doontaa xal u helista caqabadaha amni ee Geeska Afrika.

Waxaa jira kooxo yar oo dhaleecaynaya ama si xun u fasiraya doonista Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC. Waxay kooxdaasi ku doodeysaa in Soomaaliya weli aysan diyaar u ahayn ka mid noqoshada Ururka Bariga Afrika, balse xaqiiqadu waa ay ka duwan tahay fikirka ay qabaan. Kooxda khubarada ah ee xaqiijinta sameeyay ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay buuxisya dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee heerka ku biirista ururka, taasina ay soo dedejisay in madaxda waddamada EAC ay meel mariyaan warbixinta khubarada, tallaabadaas oo muujineysa sida ay ugu kalsoon yihiin Soomaaliya iyo diyaar u ahaanshaheeda ku biiritaanka Urur Goboleedka EAC.
Kuwa iska indha tiraya xaqiiqada dalka taalla, waxaa muuqata inay jeclaan lahaayeen in aysan Soomaaliya ka soo bixin dambaska mugdiga ay soo martay. In aynan horumarin. In aynan ka faa'iidaysan siyaasadda gobolka, Afrika iyo caalamkaba. Laakiin Soomaaliya hadda ayay fursad iyo waqtiba haystaa. Waa inaan marnaba lag fikirin in Soomaaliya ay horumar ku sameyn karto iyadoo ku jirta xaalad go’doon ama keli ah. Waxaana mar walba horumarka uu ku jiraa wadajirka ama iskaashiga waddamada ay dantu ka dhexeyso.

Baraarug bulsho

18 Nov, 10:38


Nafta kugu jirtaa waa Cilmaani, ninki doonaya inuu noloshiisa cilmaaniyadda ka saaro, nafta ha iska gooyo, ha is qarxiyo. Waayo? Jawaabta hoos ka aqriso.

Nafta kugu jirta waa mid ku farta xumaanta,
۞وَمَآ أُبَرِّئُ نَفۡسِيٓۚ إِنَّ ٱلنَّفۡسَ لَأَمَّارَةُۢ بِٱلسُّوٓءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّيٓۚ إِنَّ رَبِّي غَفُورٞ رَّحِيمٞ Sura Yusuf.

Naftu waa midda ku faraysa in aad hawadaada raacdid oo adduunyo ka dooratid aakhiro ﴿وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ﴾
Sura Wa Naziat.
Allena wuxuuba yiri ku dhaaranmaayo nafta eeddaaynta jootada ah iskula nool oo is eedaynaysa. Sura Al-Qiyamah. Nafa baniadamka ku jirta waa cilmaaniyad ku faraysa in aad adduunka jeclaatid, camalka aakhirana aadn ku mashquulin. Cilmaaniyaddu waa wax inagu beeran oo la doonayo in aan cibaada uga hortagno si aan u helno nolol adduun oo miisaaman iyo mid aakhiro oo lagu guulaysto.

Nafta wuxuu Alle soo raaciyay Ruux. Ruuxdu waa midda iimaanka qalbiga iyo Allahaaga isku xiraysa. Si nafta aad u xakamaysid waxaa loo baahanyahay in aad Ruuxda xoojisid. Alle in aad ku xirnaatid, baabu tasawufkana aad wax ka taqaanid. Mar walba oo ruuxdaadu sarreyso, naftaadu wey xakamaysantahay, laakin ruuxiyaatki ama qaybti spiritualka haddii aad meesha ka saartid waxaad aragtidna waad dilaysaa, waxaad aragtidna waad qarxinaysaa adigoo waxaasi ku sheegaya diin iyo Alle ka cabsi.

Qofka doonaya inuu qofka muslimka ah uu xagga diinta u wada kaxeeyo isagoo aan ruuxda dhisin, ha ogaado inuu dadka ku wado waddadi isqarxinta. Tani waa sababta ay argagixisadu isu qarxiso, waayo waxay doonayaan in ay qaybta cilmaaniyadda noloshooda ka saaraan, qeybtaasina waa qaybta nafta ee xumaha dadka faraysa. Qofka marka diin ahaan wax looga dhaadhiciyo, ruuxiyaadka oo dhana laga xiro, nafta wax ay agtiisa micno ka leedahay ma jirto, maba yaqaan wax uu ku sameeyo, wey dhibaysaa xakamaynteeda, naartana waa loo sheegay inuu galayo haddii uu xumaan sameeyo, guurna looma hayo, waana dhallinyaro shahwadu gubayso, xuuralcayntina filim ahaan loo tusay, maxaad filaysaa inuu samaynayo--- Is-Qarxin ayuu xal u arkaa.

Baraarug bulsho

12 Nov, 16:12


Somali ayagaaa isku maqan.!!

Baraarug bulsho

09 Nov, 08:38


Somalidaan damiirkii lumee diifta ku haraaday
War dadkaan ninkii door ahaa laga dulaaleyne
Daciifnimada duul qaayibaan darajo gaareyne
Dalka dihan ninkii daayacaan darajo gaareyne
Dulinimo markey qaayibeen laga dulaaleeye.

Baraarug bulsho

07 Nov, 10:47


Salaamaat

وَلَا تَشْتَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِى ثَمَنًۭا قَلِيلًۭا ۚ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَـٰفِرُونَ

Aayaddani wey dheertay waa midda ay koox-diimeedyadu ku gaalaysiiyaan dawladda iyo shacabka oo keenay fatwooyinka ay qaraxa ka dhasheen. Laakin qeybtan xukunka waxaa ka horeysa qeyb uu Alle leeyahay " Aayaadkayga ha ku iibsanina qiimo jaban" oo micnaheedu yahay aayaadkayga adduun ha ku doorsanina. Maanta muran kama taagna in koox-diimeedyadu ay aayaadka Allle adduun ku iibsadeen oo ay ka taajireen ku shaqaysiga diinta, marqaatina iyagaa isugu filan. Mid haddaad la sheekeysatid ka kale wuxuu diinta ka macaashay buu kuu sheegayaa. Intaanay anaga nala soo hor istaagin kitaabka Alle, oo ku dhaqankiisu aan uga fiicanahayba kana jecelnahay, horta iyaga ha noqdeen dad u qalma in ay wax xukumaan, hana soo kala lug baxeen. Dadku kitaabka Alle ma diiddana laakin gacanta sidda ayey diiddanyihiin. Hal urur-diimeed oo xaaladdiisa dhaqaale soo bandhiga ma jiro. Nin aan maanta waxba soo bandhigayn oo xisaabcelin aan aqoonin, oo masaajiddaan dhisayaa leh, oo agoon baan quudiyaa leh, oo maddaaris baan dalka ka furay leh oo haddana hal warqad oo xisaabcelin ah aan la qaybsanin shacabki uu xoolaha ka urursaday sidee kitaabki Alle loogu aaminayaa inuu dadka ku xukumo. Dadku ma indhahay la' yihiin? Waxa aan ka hadlayo ma aha dhaleecayn shaqsi ama koox ee waa maamul iyo maarayn xoolo dadweyne si dadku isu aminaan kitaabka Allena isugu hoggaamiyaan, aayaddana aan laga soo qaadanin inta xukunka lagu doonaye iyadoo dhan la wada qaato haddii kale aayad kale ayaa ku qabanaysa.

Baraarug bulsho

02 Nov, 03:39


Maxaa lo dhistaa dowlad.?

Dowlad waxa loo dhistaa in sharciga samaawiga ka yimid iyo Aadmiga waxa uu degsaday aan ka hor imaanayn masaadirta islaamka inaan isku dhaqno sidaasna aynu ku helno nolol bini'aadantanimo oo bad-qabta aan lahayn mid isku xad gudubto, dowladduna ay caddaalada ka dhigato rukni ka mida tiirarkeeda koowaad.

Baraarug bulsho

01 Nov, 11:26


Labo dhibaato weeye balwad iyo qarash la'aan. Adiga oo aan lacag heysan haddii aad balwad ku sii darsato culeyska iyo caqabadaha ayaad isku sii siyaadisay. Culeyska iyo caqabadana dadka ayaad ku sii badisay. Waa haddii aad dad ku tiirsan tahay.
Haddii aadan ku filneyn qarashka balwadaada iska jooji balwadda. Waayo haddii kale dawarsi iyo tuugsi ayaad nolosha ku dhammeysan. La yaab ma laha qofka jeebkiisa ka maareeyo balwaddiisa, laakiin waxaa la yaab leh qofka rabo inuu jeebka dadka balwaddiisa ka maareeyo.

Baraarug bulsho

01 Nov, 05:26


The Lost Verse
Aayadi Luntay

Aayaddani waxay leedahay kuwii Alle iyo Rasuul Rumeeyow, haddii aad wax is ku khilaaftaan u celiya Alle iyo Rasuulkiisa haddii aad tihiin kuwo Aminsan Alle iyo youwmul aakhira.

فَإِن تَنَـٰزَعْتُمْ فِى شَىْءٍۢ فَرُدُّوهُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱلرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ
ٱلْـَٔاخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌۭ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا ٥٩

10ka koox-diimeed ee inoo dhisan mid mid kale nabad ka doona iska daaye, iyagii ayaan isku masjid ku tukanin, taageerayaashoodi baan meel kuwada tukan, wax gargaar ah oo ay isu yihiin ma jirto. Haddey heshiis samaynayaan waa koox walba dhexdeeda, waayo koox walba iyadaa isu aqoonsan in ay tahay tii muslimiinta matalaysay.

Sidaas bey aayaddani kooxahaasi inooga dhex lunsantahay, aayadda keliya ma ahee quraanki oo dhan baa kooxahaasi inooga dhex maqan. Aayaddu waxay soo degtay iyadoo muslimiintu midaysanyihiin, laakin khilaaf uusan ka marnayn dhexdooda. Khilaafkaasi wey ka heshiin jireen. Nolosha ayey ka mid tahay in la is-khilaafo la kala feker duwanaado la is qabto, la garraytamo, aayado iyo axadiis la isu adeegsado, dabadeedna la heshiiyo si ummaddi aysan u kala jabin.

Sababta ay kooxahani u heshiin la' yihiin waa maxay, ma garanaysa? Khilaafkoodu diin ma aha, waa adduunyo. Waxay doonayaan in ay diinta dalka ku xukumaan, laakin barnaamijo siyaasadeed oo kala duwan ayey wataan. Xitaa qaab xisbi isuguma biiri karaan inta siyaasaddooda mideeyaan waayo khilaafku wuxuu salka ku hayaa caqiiddo.

Khilaaf caqiiddo laguma daweyn karo diin waayo koox walba si bey Alle u fasiratay, towxiidki u kala fasiratay, aayadihi quraankana u kala fasiratay. Aayaddan kor ku qoran, waxa ay kala fasirteen iyada kuma jirto waayo banaanka ayeyba iska dhigeen. Weli waxay ku adkaysanayaan Kitaabka Quraanka ah waa in dalka lagu xukumaa. Waa kitaab iyaga ku dhexmaqan. Yasir Allah.

فَإِن تَنَـٰزَعْتُمْ فِى شَىْءٍۢ فَرُدُّوهُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱلرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ
ٱلْـَٔاخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌۭ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا ٥٩

Baraarug bulsho

02 Nov, 04:59


Misaajidka cali gaduud