Mukhtaar Cishqi ❤ @mukhtaarcishqi Channel on Telegram

Mukhtaar Cishqi

@mukhtaarcishqi


Kuma odhanayo qoraaladaydu waa kuwa ugu wanaagsan, lknse waxaan hubaa inaanad akhrintooda ku khasaarayn.

Mukhtaar Cishqi ❤ (Somali)

Haddii aad jeclaan lahayd kala socodka qoraalka, markaa waxaad ka helaysaa kan aad u jeclaatay. Kan ugu wanaagsan waxaa lagu magacaabay Mukhtaar Cishqi ❤. Kanalkaas waxaa loo yaqaan @mukhtaarcishqi iyo waa meesha aad ku heli karto qoraalo dhab ah oo wanaagsan. Mukhtaar Cishqi ❤ waxaa looga faa'idaysan karaa dadka aad jeclaan lahayd qoraalka, habka ay wax u qoraan, iyo waxyaabo kale oo kuu sahlan. Haddii aad rabto inaad ka heli karto qoraalo cusub iyo wanaagsan, waxaad ku soo dhawaataan Mukhtaar Cishqi ❤. Awoodda qoraalkaaga waxaa ku jira dhammaan adeegyada iyo tusaalayaasha loo yaqaan qoraalada ficilka ah. Soo booqo kanalkaas markaa si aad u hesho kala socodka ugu wanaagsan ee qoraalka!

Mukhtaar Cishqi

24 Mar, 17:59


15 Ramadaan🌙

Alloow na cafi oo nagu asturmasuuliyadda qofnimo ta qoysnimo iyo ta bulsheedba Ilaahoow nagu astur filashooyinka wanaagsan ee la noogu hanka wayn yahay hammigana noorumee Ilaahoow nagu astur cibaadadaada 0o iimaanka noo adkee noloshana nagu guulee if iyo aakhiraba Insha'Allaah
❤️

Mukhtaar Cishqi

24 Mar, 14:57


Adaa qurux la daawado daauska baacdheer , Adaa dumar dhamantod Duni ugu sharaf badan . 🌍🤍

Mukhtaar Cishqi

23 Mar, 14:38


Galabta waxa laygu qoray inan kariyo timirta iyo saanbuuska, Alla kululaa gijadu😂

Mukhtaar Cishqi

22 Mar, 15:00


RAMADAN MUBARAK🌙

Wada jirkeena iyo wehelnimadeena iyo lajaanqaadkeena waxa u qalma cida inagu aqbsan sida aynu nahay🫶🥰

Mukhtaar Cishqi

10 Mar, 15:49


Ramadan mubarak🌙
Rabi ramadantan ramadaanteeda caafimad haynagu gaadhsiiyo🤲

Mukhtaar Cishqi

07 Mar, 20:28


Anigoo cusbitaalka cumar dhuule u yimid booqosho ayaa la iisheegay inan ahay bukaan socod u baahan in la seexiyo.🤦‍♂

Mukhtaar Cishqi

15 Feb, 04:15


Qalbigaad nadiif ka tahaye
Abidka ha nusqaamin👸🥰.

Mukhtaar Cishqi

10 Feb, 06:31


Loogada qalbiga saaran iyo loofku adi weeye marwo❤️

Mukhtaar Cishqi

01 Feb, 21:38


Ruun ahanatii qof aan u bogay baa tahay Akhlaaq ahaan iyo qiyam ahaan kuma qaasaarin doorashadii iyo damaci igaga ka soo marin hababay Sidan hore kuugu sheegayna waxa tahay amaba aad noqotay dookhyagii Nabiga Scw ayaa lagu yidhi dadka yaad u jeceshahay wuxu yidhi caasha Anigana adaan ku jecelahay marka laga yimaado waalidka oo xag aad u mudan inagu leh❤️🥰

Mukhtaar Cishqi

10 Jan, 18:04


Ma jiro qof caalamka ku nool oo kula mida❤️

Mukhtaar Cishqi

31 Dec, 14:37


Maanta waa malintii u dambaysy 2023 nala wadaag wixii kugu samaynta badnaa ee aad la kulanto sanadkan dhamanaya ama aad xaqiijisay?

Mukhtaar Cishqi

13 Dec, 18:37


Inaan waasho mooyee
Wadnahayga ruux kale
Siin maayo abidkay🙅‍♂

Mukhtaar Cishqi

11 Dec, 20:24


Boqoradaydii waad ku mahad santahay sida aad safarka noloahayda ugu soo biirtay waad ku mahad santahay sida aad wehel aad iiga noqotay cidladii, waad ku mahad santahay sida bilaa shurudu qlabigaga iigu furtay, Waad ku mahad sanatahay sisa hareertayada aad u joogtid😘 11/12/2023

Mukhtaar Cishqi

24 Aug, 02:26


Yaad guursan lahayd nin bakhiil ah iyo nin beenaale ah?😂

Mukhtaar Cishqi

23 Aug, 21:39


Murugada ku haysataa waa laga gudbayaa, ee ha qaadan in aad jiifato adoo awood leh oo wax qabsan Kara . ❤️



https://www.facebook.com/abdirisakidiris.zhacrawi

Mukhtaar Cishqi

16 Aug, 22:01


Unug kasta oo wanaag ah kuna jira naftaada iyo noloshaada waxu samayn ku yeeshay ruuxdayda🥰.

Mukhtaar Cishqi

06 Aug, 12:59


Markii aan mudo yar joogay waan fooshay isbital ayuuna igeeyay cumar isla markii cumar hooyadiis iyo hooyadeey ayaa iigu yimid isbitalka saacado yar kadib waxaan dhalay wiil iyo gabar mataano ah aad ayaan ugu farxay in aan dhalay laba caruur oo caafimaad qaba waxaan fiiriyay cumar wajigiisa runtii ilin farxadeed ayaa dhabanadiisa qooysay

markaas ayuu yiri amiira ilmaha yaa magac ubixinayo ma adiga mise aniga markaas ayaan iri maadaama aay labo yihiin mid adiga ubixi Ana kan soo hara ayaan ubixinayaa

Kadib ayuu yiri gabadeyda ayaan magac ubixinayaa waxaana u bixiyay Hamdi

Markaas ayaan iri ana wiilkeyga waxaan u bixiyay farxaan...

DH A M A A D

Sheekadan saameyn intee la ega ayeey kugu yeelatay haddii aad lasocotay?

Mukhtaar Cishqi

06 Aug, 12:59


Rajadii rumoowday part:20💍

Waxaan iri marka hore soo gal gudaha kadib lee idheh waxaa doonto markiii uu gudaha soo galay ayaan fariisanay qolka fadhiga markaas ayuu yiri cumar amiira indhahaaga isku xir kadib ayaan iri maxaa dhacay anoo indhaha xirin isii waxaad isiin rabto wuxuu yiri maya isku xir marka hore kadib indhaha ayaan isku xiray'

Wax yar kadib ayuu yiri hadda waad kala furi kartaa indhaha halmar ayaan indhaha kala furay anigoo dhararsan hadyada uu cumar isiin rabo waxaan indhaha saaray dahab aad u qurux badan iyo ubax gaduudan aad ayaan uga helay markaas ayaan ubaxi ka qaatay cumar hab ayaana siiyay kadib ayaan iri cumar waad mahadsan tahay farxad badan ayaad isiisay nolosheyda adigaa iftiimiyay ' markii aanfariisanay ayuu yiri cumar lkn dahabka miyaad iloowday markii uu sidaas yiri ayuu dahabki igu soo dhacay markaas ayaan soo qabsaday kadib ayaan iri maya ma ilaawin xbbi sideen u ilawaa hadyad aad adigu iikeentay.

Markaas ayuu yiri cumar amiira waanka helay hadyada aan kuu keenay mid waa dahab oo waxaan kusoo iibiyay lacag fara badan lkn ubaxa waxaan soo siistay wax aad u yar haddane waxaan filaayay inaad ku hormari doonto dahabka balse ma aysan noqon sidaas oo waxaad durba qaadatay ubaxii taas waxaan ka helay farxad waayo waxaan ogaaday in aadan marnaba maal igu doorsaneeyn jaceyl dhabana aad ii qabto ana waa balan inaan ku dhoowrto inta aan noolahay amiira kaliya ma tihid xaaskeyga ee waxaa tahay sababta farxadeeyda quruxda nolosheeyda iyo xasiloonida nafteyda

Markaas ayaan iri lkn cumar ma fileeyn in ragu halkaas wax ka eegaan bal kwrn haddii aan dahabka qaadan lahaa ubaxana meeshiisa ku ilaawi lahaa maka xumaan laheeyd? Kadib ayuu yiri maya marnaba kaama xumaanaayo adiga wax walba waan kuugu dulqaadan lahaa.

Kadib ayaan iri mahadsanid lkn ma ogtahay hooyo inaa timid markaas ayuu yiri maya ma oga hadda ayaan aadayaa markii aan nasto kabacdi waxaan iri waayahay

Cumar hooyadiis gurigeeda ayuu ugu tagaa balse aniga ma aado iyaduna iima timaado ilmaheygi waxeey gaareen 8 bilood waan cuslaaday heer waxaan gaaray in aan cumar adeega udirsado iina soo adeego cumar hooyadiis waxeey maqashay inaan uur leeyahay waxeey cumar ku tiri gurigaaga igeey amiira ayaan soo arkayaa cumar wuxuu yiri waayahay isagoo an iisheegin ayuuna soo waday hooyadiis

Aniga waxaan iska joogay guriga halmar ayaa leeygu soo garaacay guriga durba waxaan soo aaday xaga ilbaabka waayo waxaan filayaa inuu cumar yahay maadaama aaney cidkalaba meeshan igu soo booqan waxaan indhaha saaray cumar iyo hooyadiis oo ilbaabka taagan

gudaha ayeey usoo galeen waan salaamay waxaan damcay inaan ka qariyo ilmaha ku jira caloosheeyda balse maba ahan wax qarsoomaayo markaas ayeey tiri amiira iiwrn? Waxan iri waan fiicanhy hooyo alxm wax dhiba majiraan markaas ayeey tiri adinku waad iga soo fogaateen balse aniga waxaan ahay waalid oo waan idin soo raadiyay

Markaas ayaan iri waan ka xumahay hooyo inaan kusoo raadin waayay koley cumar isma moogaatiine markas ayeey tiri adiga xaq baad uleedahay in aadan isoo raadin waayo gurigeyga ayaan kaasoo eryay balsw maanta waxaan rabaa inaad i cafiso kadib ayaan iri maya hooyo aniga cidna uma careeysni calool ku qaadna ma aqaan durbabiida waan ilaaway wixii na dhex maray'

Markaas ayeey tiri waad mahadsan tahay hooyo waan kuu duceeyay ubadka aad dhashana kuwo sidiina u hagaagsan Allaha ka dhigo wiilkeyga cumar iyo adigaba waxaan rabo ayaan idin iri haddane waxaad iila dhaqanteen sidii dad aan wanaajiyay oo kale wiilkeyga cumar iyo adigaba waan idiin duceeyay adinkuna iska keey cafiya weeyna baxday cumar hooyadiis.

Markaas ayuu yiri cumar amiira waan aamini la.ahay nolosheena sideey isku badashay illahey awood badanaa !!

Markaas ayaan iri hala yaabin cumar Alle waa naxariis badane cidii wax weeydiisatana wuu siiyaa waxaa macquul ah ineey kaasoo daahaan balse waxaan aaminsanahy inaad heleeyso aniga wax badan ayaan Alle noo weydiiyay farxad bal fiiri maanta farxada aan helnay Alxmdulilah sabarkeeni kuma qasaarin cumar kadib ayuu yiri waa runtaa amiira Alle ayeey mahad usugnaatay!

Mukhtaar Cishqi

05 Aug, 07:03


Rajadii rumoowday part:19💍

Wuxuu yiri cumar amiira waxaan dhararsanahy inta aan kuu imaanaayo markaas ayaan iri adigoo ila jooga waxba ma dhaanto marba haddii aan farxada wada qeybsanay cumar jaradeeydi weey ii rumoowday kaliya waxa aan ii rumoobin weli waa riyadii aan arkay ee mataanaha

Kadib ayuu yiri cumar marba haddii Alle rajadii inoo rumeeyay riyada waxba maahan qali waxaa ii muhiim ah kaliya inaan waalid noqono waana rajeeynayaa ubad caafimaad qaba baariyaal ah inuu noo dhasho waxaan iri gabar ama wiil sida adiga baari u ah Allaha nooga dhigo cumar

Markaas ayuu yiri cumar adigaba waxaa tahay baariyad waxaan aaminsanahy in aaney jirin gabar kaa baarisan adiga dulqaadkaaga waa mid aad u sareeyo waan la cajabay dulqaadka iyo naxariista rabbi kugu maneeystay !

Run ahaantii waan ku farxay haddalka cumar markaas ayaan iri mahadsamid xbbi lkn goormeed soo baxeeysaa? Kadib ayuu yiri farxadeena aawgeed berito waan kuu imaanayaa xbbti markaas ayaan iri waayahay iisoo dhaqso adoo caafimaad qaba Allaha isku keen keeno cumar.

Nolosheeyda si dhaqsiyo ah ayeey isku badashay waxaan deris noqonay farxad wixii culees ihaaystay waxeey isku badaleen fudeeyd waxaan dareemay in Alle weeyne wixii laga baryo in badan kusiin doono mar uun samar walba iyo muruga walbana farxad ka dambeeyso.

Waan soo istaagay waan soo weeysa qaatay saliga ayaana dul tagay waxaan tukaday laba rakco salaad suno ah waxaana umahad naqay illahey waxaana iri oo aan ku duceeystay

rabiyoow waxaan kaa baryay owlaad inaad isiiso ee aad igu beerto maanta rajadeeydi waad aqbashay rabiyoow maantana waxaan ku weeydiisanayaa inaad iiga dhigto caruurta aad uurkeyga ku beertay kuwo caafimaad iigu dhasha baariyaal ah adduun iyo aaqiraba i anfaco rabiyow iiga yeel ubad hagaagsan oo ifarxad geliya.

Subaxii ayaa la gaaray wixii aan sugaba waxaa ilbaabka soo garaacay cumar markii aan ilbaabka ka furay waxaan arkay cumar oo aad iisoo fiirinaayo markaas ayaan iri sidaas dhan ha ii fiirin ileen ibaran meeysid haddee kadib ayuu yiri cumar saakay maba lagu moodo amiiradii hore waxaan iri sabab?

Markaas ayuu yiri quruxdaadi waxaa kuugu darsamay mid labaad waxa kaliya ee kaa maqnaa malaha waa farxad in kasto aanan dareemi jirin in qurux kuu dhimani jirto haddane waxeey noqotay laba jibaar..

Lasoco part:20

Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid