Latest Posts from Budbud academy (@budbudacad) on Telegram

Budbud academy Telegram Posts

Budbud academy
https://budbudacademy.com/
6,779 Subscribers
146 Photos
18 Videos
Last Updated 01.03.2025 04:13

Similar Channels

Duceysane forex academy
6,979 Subscribers
ERIK UNIVERSITY
2,070 Subscribers

The latest content shared by Budbud academy on Telegram


https://vm.tiktok.com/ZMk7bAHRt/

Galabta Waxaa Soo Baxay Warbixinta ADP

Shaqooyin cusub: 183,000 (filashada: 150,000) 📈
Dib u eegis lagu sameeyay Diseembar: 122K → 176K 🔄
Fariinta warbixinta: Suuqa shaqada Mareykanka wuxuu weli aad u xooggan yahay, taasoo muujineysa koboc dhaqaale oo xooggan.
📌 Saameynta Forex:

USD wuu xoogaystay kadib markii tirada ADP ay ka fiicnaatay saadaasha.
Warbixintan waxay sare u qaaday rajada laga qabo NFP oo la sugayo Jimcaha.

Warka ISM Manufacturing PMI ee Maraykanka ayaa soo baxaya berri,

ISM Manufacturing PMI waa tilmaame ka turjumaya xaaladda warshadaha Maraykanka, gaar ahaan heerka wax soo saarka iyo shaqooyinka warshadaha. Waxaa lagu cabbiraa qiimeyn 0 ilaa 100, iyadoo qiimaha 50 uu tilmaamayo xadiga u dhexeeya kororka iyo hoos u dhaca.

PMI Sare (kor u kaca): Haddii PMI uu ka sarreeyo 50, waxay muujineysaa koror dhaqaale, taasoo keeni karta in USD uu xoogaysto.

PMI Hoos u Dhaca: Haddii PMI uu ka hooseeyo 50, dhaqaalaha warshadaha ayaa dhibaato ka soo gaartay, taasoo USD hoos u dhigi karta.

Daqiiqado kadib waxaa soo baxaya labada war ee kala ah:

📌 1️⃣ Core PCE Price Index (m/m) – Cabbirka sicir-bararka (inflation) ee Fed doorbido. Haddii uu sare u kaco, USD wuu adkaan karaa sababtoo ah Fed waxay kordhin kartaa dulsaarka. 📈💵

📌 2️⃣ Employment Cost Index (q/q) – Cabbirka mushaharka iyo kharashaadka shaqaalaysiinta. Mushaharka oo kordha wuxuu keeni karaa sicir-barar dheeraad ah, taasoo Fed ku riixeysa sare u qaadista dulsaarka. 🚀

⚠️ Saameynta Forex Market:
🔹 Haddii labada war ay ka sarreeyaan filashada → USD bullish 📈
🔹 Haddii ay ka hooseeyaan filashada → USD bearish 📉

Wararka Forex ee Maanta (30-ka Janaayo 2025) 📊

1. GDP-ga Mareykanka (Q4)

Advance Report: 2.8%
Saameynta: Haddii GDP uu hoos uga dhaco filashada, USD wuu daciifi karaa.

2. Claims-ka Shaqo La’aanta

Saadaasha: Tirada dadka shaqo la'aanta codsaday.

Saameynta: Haddii Claims-ka ay kordhaan, USD wuu daciifi karaa.

3. ECB - Monetary Policy Statement

Saadaasha: Euro wuu xoogeysan kartaa haddii ECB ay sii wadaan siyaasadda lacagta adag.

Sow Forex mahan xirfad ay Qasab tahay in dhalinyaradu bartan , Anaguna joojin meyno inan siraheeda siino🤗🧠🤮

https://vm.tiktok.com/ZMkXGg4Ks/

https://vm.tiktok.com/ZMkXt1xnS/

https://vm.tiktok.com/ZMk9yw9Hc/

https://vm.tiktok.com/ZMkaxpb1y/