Aqoonkaal Media @aqoonkaalmedia Channel on Telegram

Aqoonkaal Media

@aqoonkaalmedia


Hoyga Xikmadda iyo Aqoonta ujeedkeennu waa inaan kuu soo Gudbinno maqaallo iyo qormooyin faa'iido kuu leh

Waari mayside war hakaa hadho

Aqoonkaal Media (Somali)

Aqoonkaal Media waxaa kala soocaysa taariikhda, asxaabta, iyo waxyaabaha ku saabsan xulashada cilmiga. Kan ugu horreysa waa magaca xarunta. Waxaa lagu fahmayaa afka, iyo, berbera waxaa lagu qori karaa qoraal sax ah. Qoritaanka waxaa lagama maarmaan ah inuu ka kooban yahay kun hal oo qayb ka mid ah. Waxaa soo jeedinta waxaa laga yaabaa inuu ka jawaabo su'aalo sida maxaa loo samayaa? Magacaas waa; 'Kani waa aqoonkaal media'.nnAqoonkaal Media waa xarunta ugu weyn ee nidaamka xulashada cilmiga ee Soomaaliyeed. Waxaa loo isticmaali karaa si looga dib u eego waxyaabo dhamaystiran oo ku saabsan cilmiga iyo xikmadda. Kan waxaa loo isticmaali karaa hal xarun xarun, waxaa loo isticmaalaa faa'iidooyin iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira xaruntaada iyo soo dhaweyntaada. Aqoonkaal Media waxaa loogu talagalay inuu kuu shaqeeyo cilmiga iyo xikmadda si loo helo wacyi galinta iyo macluumaadka ku saabsan cilmiga. Waa xarunta ugu hufan ee waxyaabaha ku saabsan xikmadda iyo cilmiga Soomaaliyeed.nnAqoonkaal Media waxaa loo isticmaali karaa si loogu talagalay in laga helo macluumaad cilmiga ah iyo waxyaabaha ku saabsan xikmadda. Kan waxaa loo isticmaali karaa qoraal cilmiga ah oo laga soo codsado in lagu daabicin taariikhda iyo hababka dhisitaanka nidaamka xulashada cilmiga. Waxaa laga yaabaa inuu kuu soo gudbiyo maqaallo iyo qormooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xikmadda iyo cilmiga. Xarunta waxaa lagu gudbiyaa waayaha cilmiga iyo xikmadda ee ka soo baxa xaruntaas. Waxaa loo isticmaali karaa in la xidho macluumaad aqoonyahana oo ku saabsan cilmiga iyo xikmadda Soomaaliyeed.nnMarka aad ka tagto Aqoonkaal Media, waxaad ka heli kartaa macluumaad cilmiga ah ee lagu daray xikmadda iyo cilmiga. Waxaa looga fadhiyaa qoraal xikmadda ah oo laga soo codsado in lagu daabicin xiriirka xikmadda iyo cilmiga. Waxaa looga fadhiyaa faa'iidooyin iyo macluumaad cilmiga ah oo lagu daray xikmadda iyo cilmiga. Waxaad ka heli kartaa si aan dhamaystirn waxyaabaha ku saabsan xikmadda iyo cilmiga. Aqoonkaal Media waa xarunta ugu weyn ee macluumaadka cilmiga iyo xikmadda Soomaaliyeed.nnWaari mayside war hakaa hadho, Aqoonkaal Media waxaa loo oggaya inuu ka talaabo inuu kuu soo gudo cilmiga iyo xikmadda Soomaaliyeed. Waxaad ka heli kartaa macluumaad cilmiga ah oo laga soo codsado in lagu daabicin xiriirka xikmadda iyo cilmiga. Waa xarunta ugu hufan ee cilmiga iyo xikmadda Soomaaliyeed. Waxaad ka heli kartaa faa'iidooyin iyo macluumaad cilmiga ah ku saabsan xikmadda iyo cilmiga. Aqoonkaal Media waxaa loo isticmaali karaa in la xidho macluumaad aqoonyahana oo ku saabsan cilmiga iyo xikmadda Soomaaliyeed. Waa xarunta ugu weyn ee waxyaabaha ku saabsan xikmadda iyo cilmiga Soomaaliyeed.

Aqoonkaal Media

29 Oct, 20:19


Hablaha raba inay xifdiyaan Quraanka kariimka ah, group-kaas haku biiraan, waa dumar bes.

https://chat.whatsapp.com/DG34f8pfc64E4xcYSp5MxQ

Aqoonkaal Media

29 Oct, 20:16


Baro - Marinka Qasa, Falastiin.

Marinka Qasa waxa uu ka kooban yahay shan gobol, waxaa u wayn Khaan Yoonis waxaana u yar Daaral-Balax

Si guud Marinka Qasa waxa uu dherer ahaan yahay 41km, halka ballacuna yahay; dhanka Masar 12km dhanka Waqooyigana 6km, badkuna wuxuu noqonayaa 365km²

Qaybaha ama gobollada Qasa waa shan waxayna kala yihiin sidan;

Gobolka Rafax: waa kan ugu kooneeya una xiga dhanka Masar. Waxa uu ka kooban yahay degmkoyinkan;
1. Al-Bayuuk
2. Al-Mawaasi
3. Al-Qarya As-Suwaydiya
4. Xaafadda Rafax
5. Shookat As-Suufi
Waxaa kale oo ku yaalla laba xero qaxooti oo kala ah; Kaamka Qaxootiga ee Rafax iyo Talaal Al-Suldaan.

Gobolka Khaan Yoonis: waxa uu u dhexeeyaa Daar Al-Balax iyo Rafax waxa uu ka kooban yahay degmooyinka;
1. Abasan al-Kabira
2. Bani Suhayla
3. Degmada Khaan Yoonis.
Magaalooyinka yar yar ee la xusi karo waxaa ka mid ah; Abasan al-Saghira, Khusaa'a, Al-Qaraara, Alfukhaari iyo Umm-Al-Kilaab.

Gobolka Daaral Balax; waxa uu u dhexeeyaa gobollada Gassa iyo Khaan Yoonis. Waxa uu ka kooban yahay Degmooyinka;
1. Daaral Balax
2. As-Sawayda
3. Wadi Alsalqa
Waxa kale oo ku yaalla gobolkan xeryaha qaxootiga ee;
1. Bureyji
2. Xerada Qaxootiga ee Daarul Balax
3. Magaasi iyo
4. Nusayraat.

Gobolka Gassa; Gobolkani waa kan ugu dadka badan waxa uuna ka kooban yahay;
1. Degmada Qasa
2. Al-Sahra
3. Madinatul-Awda
4. Abu Maydaan
5. Juhuur Ad-Diik
Waxa halkam ku yaalla Xeryaha Qaxootiga ee Alshaati.

Gobolka Waqooyiga Qasa; gobolkan waa kan ugu Waqooyisan Marinka Qassa. Waxa uu ka kooban yahay;
1. Degmada Albadawiya
2. Beyt Hanuun
3. Bayt Laahiya
4. Jabaaliya iyo
5. Isbaat-Bayt-Hanuun.

Waxa qoray: Zakariye Hagarlaawe

Aqoonkaal Media

27 Oct, 15:09


📣 Ma tahay arday jaamacadeed oo ku jira sanadkii u danbeeyey, qof ka shaqeeya hay’ad ama shaqsi gaar ah oo rabo in uu barto ama siyaadiyo aqoontiisa la xiriirta statistics, maadama cilmiga statistics ku uu muhiim u yahay cilmibaarinta ama dabagalka iyo qiimeynta mashariicda (M&E)?

Hadaba, Macadka Maan Professional College wuxuu arday cusub u qaadandoonaa course-ka Descriptive Statistics iyadoo la isticmaalayo SPSS.
👉 Halkan iska diwaangeli: https://forms.gle/ncCjS6T7m24QmM7y9


.

📧 Wixii faahfaahin naga so xiriir:
Email: [email protected]
📞 Telefoon: +252907457963 / +252906031138
💬 Ku biir groupka WhatsApp si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah: https://chat.whatsapp.com/Hb8WtB06vwm5padUz91fQ7

Aqoonkaal Media

02 Oct, 06:20


9 MEELOOD 18 KULA NOOLOW!!
1. Xaaskaaga Ad-adayg iyo Debacsanaan kula noolow.
2. Dadka dhexgal iyo ka fogaansho kula noolow.
3. Saaxiibada dhab iyo dheel kula noolow.
4. Ardayda furfurnaan iyo xirxirnaan kula noolow.
5. Ilmahaaga Naxariis iyo Cadownimo kula noolow.
6. Calooshaada dhereg iyo gaajo kula noolow.
7. Jirkaaga raaxo iyo daal kula noolow.
8. Naftaada siismo iyo diidmo kula noolow.
9. Rabbigaagana Cabsi iyo Rejo kula noolow.

W/Q Cabdiqaadir Maax

Aqoonkaal Media

07 Sep, 11:35


Asalaamu Calaykum mudane/marwo,

Xarunta Dhaxalreeb waxay kaa codsanaysaa inaad kala qaybqaadato cilmibaarista isbarbardhigga qaamuusyada af Soomaaliga iyo Isticmaalkooda

Waad ku mahadsan tahay ka qaybqaadashada daraasaddan, Jawaabahaaga waa la ilaalin doonaa waxaana loo adeegsan doonaa keliya ujeedooyinka daraasaddan. Ma jiro wax xog shaqsi ah oo lagu soo ururin doono ama la shaacin doono.

Cali Cabdikarem Cawed
Cilmibaare
Xarunta Dhaxalreeb

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSecBj0TcHuRzm3P5EtFHigUppnB--yrJykaiVu-EyVVwGCDPA/viewform

Aqoonkaal Media

10 Aug, 10:13


Dhawrkii sannadood ee u danbeeyay haddii uu jiro dhaqan aan joogteeyay, waa in aanan seexan aniga oo aan wax sii akhrisan. Ugu yaraan 10 ilaa 20 bog oo buugga markaas ii furan ka mid ah ayaan ku sii luqluqdaa inta aanan hurdo u jeesan. (Ku ma jiraan buugagga aan ujeeddo degdeg ah u akhrisanayo ee aan waqti kooban isu qabto iyo maqaallada/curisyada maalinlaha ahi). Taas maxaan ka faa’iday? Aniga oo aan dhaaddanayn ayuu kordhay akhriskaygu. Buug weyn oo boqollaal bog ah ayaa muddo kooban iigu dhammaada, oo aan is arkaa aniga oo mid cusub uga gudbay. (Xisaab fudud weeye: celcelis ahaan haddii aad 15 bog habeenkii sii akhrisatid, soddonka maalmood waxaad maraysaa 450 bog!)

Hiddaha akhrisku sidaas doqoni-magaratayda ah ayuu ku abuurmaa. Wixii la caadaystaana wuu xasilaa. Bal tijaabi.

~Aw Guudcadde

Aqoonkaal Media

05 Aug, 18:56


Magaalo Afar baa lagu joogaa

1. Maro kaa badan- Dhar aad isku bed-beddelato
2. Minin kaa badan- guri leh qolal martidu kuu seexato 3. Maskax kaa badan- Cilmi iyo Caqli kugu filan
4. Maal kaa badan- Shaaha iyo bajaajta inaad iska bixin karto

~ Cabdulqaadir Maax

Aqoonkaal Media

11 Jul, 08:39


Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis
Dhamaan Ardeyda dhameysatey dugsiga sare ee daneynaya inay ku biiraan Bahda Culuumta Caafimaadka iyo ardeyda horey u dhiganayay kulliyadaha kala duwan ee Culuumta Caafimaadka waxaa la ogeysiinayaa in la qabanayo Webinar la talin ah oo ku saabsan doorashada kulliyada saxda ah ee Culuumta Caafimaadka.
Sidoo kale waxaa lagu lafa guri doonaa mawduucyadaan hoose.  
1) Kulliyadaha kala duwan ee Culuumta Caafimaadka.  
2) Doorka kulliyad kasta ay ku leedahy daryeelka Caafimaadka.  
3) Takhasuska kulliyad walba lagu diyaarin karo.  
4) Fursadaha ku haboon ee Master lagu diyaarin karo.

Wuxuu ka dhacayaa webinar kaan Aalada Google Meet habeenka Axadu soo galeyso oo ay taariikhdu tahay 13/July/ 2024 saacaduna waa 8:00 pm
Iska Diiwaan geli What's app number ka hoos ku xusan ama +252906078769, ama raac Linkigan (https://chat.whatsapp.com/DqEwAQs4evTIqXsrP2MxZS)

Aqoonkaal Media

30 Jun, 14:02


Waxaa cajiiba in 26kii June, 64 sanno ka dib xilligii xornimadda la qaatay, inaan ku waabiraysano saddex fariimood oo cajiiba:

1. Ciidanka federaalka Itoobiya oo shalay Sitti ku hor istaagay Liyuuga Soomaalida iyagoo leh “dhulka Canfarta” galimeysaan. Hadda waa Candhuufa iyo dhul Soomaaliyeed.

2. Hargeysa oo looga heesayo “Garoowe iyo kuwa xintama, waxa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool.” Indheeh?

3. In shir Minnesota ka dhacay ay Molly Phee oo Mareykanka arrimaha geeska u qaabilsan akhyaar shirka ka qeybgashay si gabad la’aana ugu sheegto “soomaaliyeey idinkaa halkaa is dhigay. Hadaydaan midoobin, Abiye Axmed iyo cid walbaa siday rabto idinka fali!”

W/Q Abdirizak M. Warfa oo bartiisa Facebook soo galiyay subaxnimadii maalinkii xoriyadda gobolada waqooyi ee aan soo dhaafnay 26 Juun 2024

Hadaba su'aal ayaa iswaydiin mudane, Soomaaliya isbuuca xornimada ayaa lagaga dabaal dagayaaye ma been iyo waxaan jirin baan isku akhrinaa mise sida dhabta ah ayaynu xaaladda Soomaalidu ku jirto u wajahnaa?!

Aqoonkaal Media

22 Mar, 18:15


SIXIRKA!
Qof walba oo muslim ahi waa in uu ka feejignaadaa halista shayaaddiinta iyo kuwa la shaqaysta. Kani waa sixir loo maleegay qof muslim balse ah badbaadisay suuradda Baqra. Hadda ba sixirrada khatarta ah waxaa lagu xiraa DNA 🧬 qofka, iyaga oo fudud buu ula soo baxa!

Fadlan ilaasho hana iska dayicin;

1. Timaha kaa go’a xilliga shanlada
2. Ciddiyaha aad iska jartay.
3. Dhiiggaaga
4. Hoosgashigaaga [Buumaha, Kastuumaha, iwm].
5. Shay kasta xawadaadu taabatay
6. Candhuuftaada & Xaakadaada.
7. Illintaada
8. Hooyadaa magaceeda
9. Waxyaabaha aad jeceshahay
10. Firaashkaaga.
11. Agabkaa saxarada ku tirtir [sida; warqadda suuliga, dhagxaanta iwm].
12. Kabahaaga [Jaanta, sigisaamaha iwm].

Intaas haddii aadan ilaashan waxa aad khatar ugu jirtaa dhibaatada shayaaddiinta. Intaan iyo ka badan bay u adeegsadaan sixirka. Haddii aan la helin DNA’daada wuu ku adkaan doonaa sixirkaagu, waa in ay soo helaan burjigaaga, magaca hooyadaa iyo waxyaabo kale. Sixirku waa shaqaalaysiinta shayaaddiinta iyo jinka kuwooda xun si ay dhibaato kuu gaarsiiyaan.

Qofka iyo Jinka waxaa u dhexeeya dahaar Eebbe ugu talo galay, aadanuhu markii ay fahmeen dahaarkaasna waa kuwa ikhtaaracay oo ay shayaaddiintu bareen cilmiga sixirka. Qof walba waxaa xogtiisa iyo sirtiisa bixiya jin loo yaqaanno QAREEN, sida malaa’uga garbahaaga ku lammaan oo kale an. Waxa uu ogyahay dhammaan xogtaada shaqsiga ah, xanuunnadaada, waxyaabaha aad jeceshahay, waxa aad neceb tahay, waxa kuu qorshaysan iwm. Si laguu dhibaateeyo waa in QAREENKAAGA la shaqaalaysiiyo. Haddii aad aragtid, qof iinnaan aqoon isku lahayn oo magaca hooyadaa ku weyddiinaya “HAA”, ha orane, maya, mooji ama waa laga yaabaa dheh. Sababta hooyada laguugu sixraya waa in la ogyahay hooyadu in ay ku dhashay.

Haddii aad isaga baqsan tahay sixir ama il mid uun fadlan akhriso suuradaha; Al Naas, Falaw, iyo Baqara.

Fadlan baro qaabka ay u shaqaystaan si aad isaga ilaalisid sixirooleyaasha, khalaawaysatada, fooxisooyinka iyo dhabarsalaaxu ba.

Eebbe ha innaga badbaadsho dhagartooda.

Aqoonkaal Media

22 Mar, 09:01


Waan konton jirsaday maanta, waxa aan xasuustaa wakhti aan soddonka gabow u haystay, afartanka cotosh u haystay, kontonkana wedkii oo tallaabo loo jirsaday. Maanta se waxa aan ahay 50 jir, waan ogaa in ay imaanayso maalintani, waxa uu ahaa hiraal fog hoosta se kaaga soo galaya si sibiq ah, waxa ay da'du kuugu soo gurguuran doontaa tartiib tartiib waxa aadna soo kici doontaa adiga oo konton jir ah. Da'da labaatanaad waxa aad ku dareemi doontaa daal iyo burbur ma na aad suuraysan kartid sida aad u sii xammili doontid soddon sano oo hor leh adiga oo xaaladdaas ku sugan. Si kasta oo ay ahaataba waa aad gaari doontaa, waa ku kaas, waa adiga konton jirsaday. Malaha waxaa jira hal wax oo aadan jeclaan lahayn in aad ka soo gudubto. Dhalinyaranimadaadii. Alla dhalinyaranimooy, maxay ku banaan tahay awood ay khasaarinayaan kuwa badan oo wali haysta! Ma ila socotaa? Waxa aan u hadlayaa sidii oday duqoobay oo konton jirsaday. Xiligan marka aad joogtid [konton jirnimada] waxa aad u baahan tahay in aad ku fara-adaygtid wax walba oo dhalinyaranimadaadii ka sii haray. Waxa aad u baahan tahay in aad qof dhalinyar u ekaatid, dhalinyaranimo dareentid, dhalinyarna ahaatid. Ma malayn kartid dhoolacadeynta beenta ah aad muujinaysid markii uu qofi ku dhaho "konton jir waa aad u yar tahay." Halkaa marka la joogo sir yar aan ku siiyee: mar ba haddii ay dadku bilaabaan in ay kuu sheegaan "da'da aad jirto in aad dhalinyar u tahay wali", hubaal waa aad gabowday. Bal suurayso adiga oo labaatan jir ah haddii uu qofi ku dhaho "labaatan jir waa aad u yar tahay", hubaal feer ayaa aad qabadsiin lahayd. Maanta waa aan konton jirsaday, waxaana aan joogaa maalin malaha aan sas ka qaaday aragtida wajigaygii oo coorcooray, iyo, malaha gacalkii ii dhawaa oo iigu laabqaboojinaya bal in aan "wax uun sameeyo" aan ku baabi'iyo laablaabka iyo cirrada. Iyaga oo waliba adeegsanaya erayadii caanka ahaa ee "si aad DHALINYARO ugu ekaatid." Haa, halka loo socdaa waa DHALINYARANIMADA. Si ay dhammaan baxdownimo iyo xoog u dareemaan xubnaheennii iyo dareennadeenii ba, wali ba si wadajir ah. Ogobeey anigu se taas waa aan ka biya diiday, waxa aan ahay konton jir, waxaana aan labada [dhalinyaranimada iyo gabowga] saaxiib la ahay coorcoorkeyga iyo cirradayda. Waxa aan la qaatay wakhti aysan cid kale la qaadan. Wakhtiguna waa uu igu lammaanaa intii ay igu lammaanaayeen, marka maxaan u tirtayaa [oo dhalinyar isugu ekaysiinayaa]? Maxaan isu tirtirayaa...anigu?

Shantii sano ee la soo dhaafay waxa aan qorshaynayay goobtii aan ku geli lahaa sawirkaygii dhalashada ee sinkayga kontonaad. Goob qurux badan oo si xirfad leh looga shaqeeyay, si aan dadka uga maqlo, weedhii caanka ahayd "wali waxa aad tahay dhalinyaro!" Balse maxaan ka dheefayaa? Waa isla anigii waxaanan ahay konton jir. Marka, iga hooya sawir kur ah oo aan ku galey telkayga. Sawir ka maran filtar, nashqadeyn iyo safar loo galo qab-been ah. Maanta waxa aan ahay konton jir. Waa aan noolahay. Waxa aan joogaa halkan, waxaana aan ahay mid aad u mahadnaqaya.

Bassem Youssef

Aqoonkaal Media

22 Mar, 09:01


Bassem youssef


Hoos akhri⬇️⬇️⬇️

Aqoonkaal Media

16 Mar, 16:02


Hoggaaminta iyo Dhallinyarada | Agaasimaha Xarunta Horumarinta Hoggaaminta Dhaxalreeb Dr. Abdi Axmed Baafo

https://www.facebook.com/share/v/eDG7GHNFM5YnnuDT/?mibextid=zGupDU

Aqoonkaal Media

10 Mar, 19:04


❤️

Aqoonkaal Media

10 Mar, 15:36


Ramadan Mubaarak 🌙

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال ❤️

Aqoonkaal Media

05 Feb, 20:29


Talooyin waayeel