Hamda_ Nourツ‍

@hamda_nour


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.  🤍

Hamda_ Nourツ‍

22 Oct, 21:31


Xanuunada dawadooda
Kartida soo dira qofkaaga
Maalmaha kala daadsanaanta
Dugsiga laga galo culayska
Dabiib dhab ah baad ahayde
Hadeer waan diiqadooday

Adoon nafsi soo dareemin
Dartay adigoon xanuuno
Dayoobin ayaan qudhaata
Dararay xiisuhu dhankaaga
Xaqiiq waan doonayaaye
Dib noo kulansii macbuudku!

Cilaajka Caashaqa.

Hamda_ Nourツ‍

22 Oct, 14:46


"Allahayoow haween daa."

-Anna wali dab kama shidan
-Dugsi aanay joogine,
-Meel aanay dumar jirin
-Haygu dilin Allahayoow.

—Busi.


Jannada la sheegaaba waa haween! Haa waa haweenka , run ahaantii haweenku— waa geed hadhac leh oo hadh qabow. Aan lahayn hanfi iyo dabayl ; laydh macaan oo aad ku nagaan karay abidkaa. Haddii aan isku tagno mayee aan ad-duunka waxa saaran oo dhan hortooda keeno— billaahay ma gudi karno abaalkooda. Khal-khal iyo qilaaf kama dhamaadeen haddii aanay darafyada ku hayn maamulkeeda. Dumarku waa isha keliya ee laga heli karo— nolol waasic ah oo aan wax shuruud ahi ku xidhnayn. Naf hurid aan shardi ku xidhnayn iyo jacayl daacadnimo ku suntan oo raxmaanku inoogu abuuray ayay ayay innagu habaan— nin walba oo heer gaadhay shaqsiga ka dambeeyaa waa ruux haween ah. Dadaal iyo dhiiri-gelin bay inna siiyaan aanay wax shardi ahi wehelin ; waxay halgan dheer u galaan sidii aan heer u gaadhni lahayn. Qof walba oo caqli leh waa garan karaa qiimaha iyo innay yihiin ; toosiayaha qaabeeyaha— nolosheena. Darteen bay muunidaa dhadada arxanka darani da'ayso iyo gabadanada jiilaal iyadoon ka gashan dhaxan celiye— ayay dab u gashaaa sidaan u safrad beeli lahayn. Wallee haddii aan il naxariis leh ku eegi lahayn dareenkoodana la saaxiibi lahayn ; waxa hubaal ah in aynaan ilmada ceshan kari lahayn. Gacanteeda haddaan si tudhaalaysan u eegi lahayn— jeex-jeexa ay mididu u samaysay iyo duul-duulka saliida holcaysa oo dhu-dhumadeeda dubka kala degtay ; hubaashii waan dareemi lahayn kaalintay inoogu jiraan. Nacas miidhan oo innaga mid ahi muu sameeyeen waxyaabaha qaar! Muu sameeyeen inta uu si arxanimo— ka dheer tahay ula dhaqmo dhehona hadal qalbigeeda laba baladh ka kala dhiga ;dhaayaheedana ka keena togag ilmo ah. Ninkow aan ka dayno hagardaamada iyo u muruq sheegashada — aan awooda u sheeganayno. Intaa haddaan ka dayno abaal bay inoo hayn lahaayeen. Malaha haddii aynu waqtiyada adag ee noloshooda soo mara—aan u muujin lahayn jacayl dheeraad ah iyo u dhimirsanaan ; mayee iskaba daa jacayl e keliya tusno in ay muhiim yihiin koonkanina aanu kala socdeen— haddii aanay joogin ay abaal buur leeg inoo hayn lahaayeen. Sida aan agtooda luulka uga nahay—waxan ogaaday ; markay dhib yar inna soo gaadho ama ay maqlaan , "HAQ" keliya oo ay tidhaaahdo oo ay laabta gacanta saarto ayaa kaga xun xabad ku dhacda. Bal eeg sidaan agtooda uga qaaliyaysan nahay. Isku soo wada dabaal oo— Bil khayraad qiimo badan oo sharfan baa hadda la galay , waxan idinkula talin lahaa in aan caawino hablaheena —hooyooyinkeen waliba aan si weyn u garab galno. Iyagoo sooman bay haddana dab inoo galaan xilliga ay milicdu ugu kuluushahay. Aan ka korno dhaqanka ah " Intaan iska baxno game iyo laandhuu aanay dambi mooye wax kale inoogu jirin hadhowna— hadalo aynaan ka fiirsan iska nidhaahno oo qaylo ula nimaadno." Damiirku hayna shaqeeyo labkoow.

Hamda_ Nourツ‍

21 Oct, 02:12


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

20 Oct, 20:16


Halbowlaha dhiiga u kala qaada qaybaha jidhka ayaad ka samaysatay waddooyin iyo wadiiqo kuwaas oo ay hareerihiisa ahaadeen ubaxyo kala caynba cayn ah.

Hamda_ Nourツ‍

20 Oct, 10:05


Waxan ku idhi " _maxaa ku farxad geliya."_

_Waxay iigu jawaabtay , mawjadaha badda iyo sanqadhooda. Sagalka cadceeddu markay baalka sii dhigay; cirkana ay kaga tagto midab casuus oo saafi ah. Dayaxa needhiga ah iyo dirirka agtiisa ku naban ee ka qaata nuurka. Qayoodka roobku markuu qaado dabaysha wal-walka ah ee soo dhacda , waqalka iyo nuglada aroortii buuraha isku sharaxda. Cida shimbirha iyo yul-qanka geela barwaaqadii dhala ololkiisa._

Hamda_ Nourツ‍

20 Oct, 07:11


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

19 Oct, 06:38


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

18 Oct, 14:08


Maanta muraad baan leeyahay in ilahay khyr ka dhigo isoo duceeyo🤲🏿

Hamda_ Nourツ‍

18 Oct, 10:40


Qacdii hore ee aan arkay warka sheegaya in uu dhintay yaxyaa sinwaar aad baan u naxay oo anfariir ayay igu noqotay, mase niyad jabin oo waxaa igusoo dhacay markiiba hadalkii uu abubakar sidiiq ku yidhi markii uu nabigu dhintay cumar ibnu khadaab--asxaabtii, ee ahaa "Qofkii maxamed caabudi jirayow maxamed waa dhintay, kii ilaahay caabudi jirow ilaahay waa mid nool oo aan dhiman "

Reer qasi(muslimiintu) waa wada sinwaar dagaalka iyo xaq udirirnimaduna way soconaysaa ilaahayna hayna guuleeyo oo garabkeena ha galo yaxye iyo intii shahiideyba how naxariisto.

Hamda_ Nourツ‍

18 Oct, 08:33


Waxaad tahay ilwaadka
Quruxda leh asluubka
Anshaxiyo hubqaadka
Qof ku bilan edaabka
Akhlaaqdiyo xishoodka

Waxa tahay insaanka
Gobonnimada uunka
Qalbiyadda aduunka
Sharaf u ah abuurka
Ku suntanid ixsaanka

Waxaad tahay awaalka
Sawiradda oggaalka
Qalbigga iyo uurka
Unugyadda dareenka
Ku dhex uuman beerka

Waxa iga astaan ah
Iga aaminaad ah
Dood ii afkaar ah
Abbaar khaasa ii ah
Waxa aragti kuu ah

Waxa kuu ammaan ah
Islaamnimo rumayn ah
Qirashiyo ikhlaas ah
Dhabnimiyo adeec ah
Indheergarashaddii ah

Waxa kuu awood ah
Arrin gaar ah kuu ah
Faham aad iyo aad ah
Waxa tahay addoon ah
Ammakaag iyo yaab ah

Hamda_ Nourツ‍

17 Oct, 16:54


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

17 Oct, 08:42


Maalin Labaad iyo Farriin kale

Guuldarrada waxa ka dabqaata niyadjabka, waxayna ku sa leedahay aaminaada qofku ka haysto nolosha. Haddii aad aaminto in aadan guulaysanayn ama aadan ka bixi karin caqabaddaha nolosha waxa aad dabar ku xidhay awooddaada qofnimo. Aamin nolosha halka aad marayso in maalin kaa horraysay qof marayay, maalin kaa danbaysana qof mari doona isla jidka aad maanta ku dhibtoonayso. Sababta oo ah, nolosha caqabadduhu way qurxiyaan, waxana ay soo saaraan qof nolosha ka haysta waayo'aragnimo buuxda. Haddaba, ha u joojin caqabadda ee waxa aad ku dedaashaa jabinta gidaarka adag, waxana aad ka bilawdaa in aadan nolosha isu dhiibin.

Qof fulay ah ayaa isdhiiba waddooyinka hore caqabaddaha la tacaal, kuwa danbe guusha aad gaadho ayaad ku raaxaysan doontaaye.

"Mitid noqo abaabulan
Iyo lagamamaarmaan".

—Hadraawi

Hamda_ Nourツ‍

16 Oct, 08:05


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

15 Oct, 21:17


Duco aad qof muslim ah oo walaalka ah u ducaysay baa kurbadiisa ka qaadi karta caawa duco marti idin-ka nahay arin aad noogu wayn oo waayadan na haystay inaanu war farxad leh ka maqal'no kurbadaas rabbi naga faydo.

Hamda_ Nourツ‍

15 Oct, 14:37


Dhallinyarnimadaada ku dedaal in aad waqtiga ka faa'iidaysato. Waqtiga oo aad camal la'aan ku bixiso waxa ka iman kara in aad wax badan oo aan nolosha wax buuran ku soo kordhin aad barato.

Haddii aad waxbarato ku mashquul in aad waxbarashada ka gaadho heer sare, oo aad ku dedaasho ka midhadhalinta hawsha waxbarashada; haddii aad shaqayso ku dedaal in aad waqtigaaga bannaan ku bixiso wax kale oo aad kaga baxsanayso camal la'aanta; haddii aad camal la'aantahay ku dedaal in aad hesho caado aad waqtiga faraaqada ah ku baajiso. Sababta oo ah, waqtiga aynu firaaqada noqonno waxa uu keeni karaa in aynu fursad u helo barashada caadooyin aan la mahadin sida; fadhikudirirka, la jaalka macanadarrada, ku bixinta waqtiga u badan baraha bulshada iwm.

"Waqtigu waa seef ee inta uuna ku jarin adigu jar".

Hamda_ Nourツ‍

15 Oct, 07:45


Xiligan la joogo waa in qofka dhalinyarada ahi, uu laba arrin xooga saaraa.

Akhrinta Quraanka, si maalinle ah, intii uu ka awoodo. Iyo barshada tafsiirka quraanka ah, walow maalintii, hal Aayad ba ha fahmee.

Hamda_ Nourツ‍

13 Oct, 21:34


Walow uu axdigu lumo
Misna wacadku uu buro
Jacayl waayo soo jiray
Waligii ma baaba'o

Gobtu way is waydaa
Balse wada jirkoodiyo
Kaddib weheshigoodii
Wayska soo war doonaan

Laba waxa dhex yaallaa
xidhiidh uu ka wayn yahay
Is waydaarku maba dhibo
Waxba kama xumaadaan

Ruuxa wacan markii uu
Qof wanaagsan caashaqo
Ma waydoobu xiisuhu

farro

Hamda_ Nourツ‍

13 Oct, 20:42


Qalbi yaa ku dhaawacay,
Ii sheeg maxaa dhacay?
Yaa dhibaato kugu furay,
Farxaddaadi dhalan rogay?

Ma anaa wax kuu dhimay,
Ku idhi dhawaaq kulul?
Mise waan ku dhayalsaday,
Oo dhab baanan kuu hanan?

Hamda_ Nourツ‍

13 Oct, 07:43


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

12 Oct, 06:59


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍