Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

@wacdi_waano


Halkaan waa kanaalka wacdi iyo waano diini waxaana kugula wadaagaynaa wllo khayrka iyo wanaaga fadlan hadad taasi
Jeceshahay taas nagu soo biir oo join dheh โค๐Ÿ˜

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

08 Jul, 21:27


ูŠู‘ุขุฑุจู‘
ูŠู‘ุขู„ูŽู„ูŽู‡ู ุขุฌูŽู€ุนูŽู€ู„ูŽ ูˆูููุขุชููŠู‘ ' ' ูููŠู‘ ุตูู€ู„ูŽุขู‡ู. .
ุจู‘ู€ูŠู‘ู†ู [ ุณู‹ู€'ุฌูŽู€ุฏูู‡ู ] ูˆู [ ุชูุณู‹ุจู‘ู€ูŠู‘ุญู‹ ู€ ] ูˆู [ุฑูƒูˆูุนูŽ ู€ ] ห
ูˆู ุขุฌูŽู€ุนูŽู€ู„ูŽ ุขุฎูŒู€ุฑ ูƒู„ูŽุขู…ููŠู‘ ูููŠู‘ ุขู„ูŽุญู‹ู€ูŠู‘ุขุฉู‘ . . ู„ูŽููุธูŒ ู‚ูŽูˆูู„ูŽ ห ุขู„ูŽุดู‘ู€ู‡ูุขุฏูู‡ู' ูููŠู‘ ุฎูŒู€ุดู‘ู€ูˆูุนูŽ ู€ ุขู†ูุข ูˆููƒู„ูŽ ู…ูู†ู ู‚ูŽุขู„ูŽ ุขู…ูู€ูŠู‘ู†ู ๐Ÿ’œ

Rabbiyow
Ilaahow, geeridayda ka dhig 'salaadaada dhaxdeeda '. .
inta u dhaxeeyso [sujuuda] iyo [tasbeex -] iyo [ rukuucda -]  
Ilaahow ka yeel kalmada ugu danbeysa ee nolosheyda shahaadada ู„ุง ุงู„ู‡ ุงู„ุง ุงู„ู„ู‡

ุงู„ู„ู‡ู… ุกุงู…ูŠู†

@ wacdi iyo waano Diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

08 Jul, 21:26


Ha yaraysan nicmada aad qofka siiso, waayo nicmadan "yar" waxa laga yaabaa inay qayb "weyn" ku lahayd qalbigiisa @ wacdi iyo waano Diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

08 Jul, 21:26


Badanaa Oo Badanaa Dad Dhulka Dushiisa Ku Dul Socdey Xiranjirey Dhar Qurxoon, Ku Socon Jirey Gawaari Qurxoon, Cuni jirey Cunto Kala Nuuc Ah, Loogu Yeeri Jirey Magac , La Sharfi Jirey, La Amaani Jirey La Sheg Sbeegi Jirey, Mantase Dhulka Ka Hoseeya, La ilaaway, Waxba Aan Heysan, Wuxuu Uu Hormarsadey intii Uu Nolaay Ma Ahee

@ wacdi iyo waano Diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

05 Jun, 16:33


10 FAAIDO UGUNA FAAIDEEY DADKA KALE

1=Meel Alle meel Aad joogtidba Waxaan kugula Talinaaya Weyso La'aan Hasocon, Adkaarta Ka sugnaatey Nabi Maxamed NNKH Haka Daalin Akhriskeeda Oo Marwalba Gabaad Ka Dhigo Rabi Ayaa Ku iLaalin Doonee insha Allah,

2=Guriga Marka Aad Ka Baxaysid Waxaad Akhrisaa Adkaartii Laga soo Guuriyey Nabigeena Suuban Scw Oo Ah
ุจุณู… ุงู„ู„ู‡ ุชูˆูƒู„ุช ุนู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ูˆู„ุง ุญูˆู„ ูˆู„ุง ู‚ูˆุฉ ุฅู„ุง ุจุงู„ู„ู‡
Wax Walbo Ku Dhibaya Ayey Kaa ilaalin Doontaa insha Allah,

3=intaad Sii Socotid Afkaaga Haka qaadin istiqfaarta oo Ah inaad Rabigaa Denbi Dhaaf Weydiisatid Sidookale Akhri Laaxoola Walaa Quwwata illaa Billaah, inaad Mashquul Tahay Ma Ahane

4=Waxaad Badisaa Salliga Nabiga Scw Waayo Salliga Nabiga Scw Wuxuu Kamid Yahay Waxyaabaha Baabi'iya Murugada Welwelka Walbahaarka iyo Wixi Lamida,

5=Haka Tagin Ama Ha dib dhigin Salaadaha Waajibka Ah Sunaduna Ha hilmaamin Salaada Qofka Tukada oo Wakhtigeeda ilaaliya iyo Midka iska Tukada un ilaahay Agtiisa isku Darajo Ma Ahan Sababtuna Waa niyadooda Kala Duwanaanshaheeda Tuko intan Laguugu Tukan)

6=Salaad Kasta oo Aad Tukatid Ataxiyaadka Gadaashiisa ILAHAY Ka Magan Gal Afar Waxyaabood Cadaabka Qabriga Masiixiddajjal Fitnadiisa Nolosha Fitnadeeda Geerida Fitnadeeda,

7=Salaad Kasta Oo Waajib Ah Gadaasheeda Akhri Aayatul-Kursi, Xadiis Ayuu Ku yiri: Nabiga Scw Qof Walbo Akhriya Aayatul-Kursi Salad Kasto Waajib Ah Gadaasheeda Kama Reebaayo Gelida Jannada Geeri Ma Ahane

8=Akhri Adkaartan Subixii AMA Galabtii
ุงู„ู„ู‡ู… ุฃู†ุช ุฑุจูŠ ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุฃู†ุช, ุฎู„ู‚ุชู†ูŠ ูˆุฃู†ุง ุนุจุฏูƒ ูˆุฃู†ุง ุนู„ู‰ ุนู‡ุฏูƒ ูˆูˆุนุฏูƒ ู…ุง ุงุณุชุทุนุช ุฃุนูˆุฐ ุจูƒ ู…ู† ุดุฑ ู…ุง ุตู†ุนุช ุฃุจูˆุก ู„ูƒ ุจู†ุนู…ุชูƒ ุนู„ูŠ ูˆุฃุจูˆุก ุจุฐู†ุจูŠ ูุงุบูุฑ ู„ูŠ ูุฅู†ู‡ ู„ุง ูŠุบูุฑ ุงู„ุฐู†ูˆุจ ุฅู„ุง ุฃู†ุช.
Nabiga Scw Xadiis Ayuu Ku Yiri: Qofkii Akhriya Adkaartan Subixii Ama Galabtii Asigoo Yaqiinsan isla Habeenkaasna Dhinta Jannada Ayuu Galayaa,

9=Waxaad Badisa Akhriska Adkaartan
ุญุณุจูŠ ุงู„ู„ู‡ ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ู‡ูˆ ุนู„ูŠู‡ ุชูˆูƒู„ุช ูˆู‡ูˆ ุฑุจ ุงู„ุนุฑุด ุงู„ุนุธูŠู… (ุณุจุน ู…ุฑุงุช)
Rasuulkii ILAHAY NNKH Wuxuu Yiri: Adkaartan Subixii Ama Galabtii Qofkii Akhriya 7,Mar ILAHAY Wuxuu Ka Kaafinaya Hamigiisa oo Kamid Ah Arimaha Aduun iyo Aakhiro,

10=Kurbo Ama Culeys iyo Dhib Hadaad Dareentid Akhriso Adkaartan,
ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุฃู†ุช ุณุจุญุงู†ูƒ ุฅู†ูŠ ูƒู†ุช ู…ู† ุงู„ุธุงู„ู…ูŠู†.
Waa Ducadii Nabi Yoonis Cs Uu Ku Duceystey Markuu Nibirigu Liqey, Rasuulkeena Scw Wuxuu Yiri: Ducadan Kuma Duceysto Qof Muslim Ah illaa Haduu Ku Duceysto Allah Ayaa Ka Ajiibaya Baryadiisa,

@ wacdi iyo waano Diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

30 Apr, 18:42


Waxa laga yaaba inaad ku aragtay Kitaabka Quraanka Kariimka Laakiin aad iswaydiisay maxay utaagan tahay?

Calaamadan waxa layidhaah "Sujuudu Talaawa" adigoo akhrinaya Qurโ€™aanka hadii aad soo gaartid Aayada ay ka danbayso calamadaas meeshaada adoo fadhiya ayaad Qiblada u jeedsan Kadibna dhihi Allaahu akbar waad "sujuudi " oo waxaad akhrini ducada sujuudu talaawa hadaa taqaan, hadii kale adkaarta la akhriyo sujuuda akhri, โ€ฆ..

Ducadan ayaana lagu akhristaa Sujuudda.

‏ุฏุนุงุก ุงู„ุณุฌุฏู‡ ููŠ ุชู„ุงูˆู‡ ุงู„ู‚ุฑุงู† ๐Ÿ’›:

ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูู…ู‘ูŽ ู„ูŽูƒูŽ ุณูŽุฌูŽุฏู’ุชู ูˆูŽุจููƒูŽ ุขู…ูŽู†ู’ุชู ูˆูŽู„ูŽูƒูŽ ุฃูŽุณู’ู„ูŽู…ู’ุชู ุณูŽุฌูŽุฏูŽ ูˆูŽุฌู’ู‡ููŠ ู„ูู„ู‘ูŽุฐููŠ ุฎูŽู„ูŽู‚ูŽู‡ู ูˆูŽุตูŽูˆู‘ูŽุฑูŽู‡ู ูˆูŽุดูŽู‚ู‘ูŽ ุณูŽู…ู’ุนูŽู‡ู ูˆูŽุจูŽุตูŽุฑูŽู‡ู ุชูŽุจูŽุงุฑูŽูƒูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุฃูŽุญู’ุณูŽู†ู ุงู„ู’ุฎูŽุงู„ูู‚ููŠู†ูŽ..

Xasuusi walaala kale

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

25 Mar, 17:46


Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:

1. Dhiig qof loo shubo
3. Qubeyska
4. Cadaysiga
5. Candhuufta
6. Cunid & cabid aan loo qasdin - hilmaan
7. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba

Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:

1. Cunid & cabid
2.Jamaaca maalinkii
3. Matag kas la isaga keeno
4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
6. Caadada & xeydka dumarka
7. Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman
8. Haddii uu waasho isagoo soomman

Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka

Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur'aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro

Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
1. Uu yahay musaafur
2. Uu xanuunsado
3. Uu ummulo
4. Uu caadoodo
5. Uu caqligiisu tago
6. Uu u cabsado ilmaha caloosha ku jira

Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

04 Mar, 17:27


29: Nabiga Waxaa Kale Uu lacnaday Ragga Dumarka isku Shabaha iyo Dumarka Ragga isku Shabaha Sido kale lama Ogolo inaad istaag biyo Ku Cabto Ama Ku dhex Neefsato Koobka biyaha Ku Cabeysid.

30: Ugu dambeeyn Nabiga Waxaa Uu Diiday in Ma'muumiinta Imaamka Gadaashiisa istaagan aygoo taagan imaamkiina fadhiyo.
ูˆุตุฏู‚ ุงู„ุฑุณูˆู„ ุงู„ูƒุฑูŠู… ุญูŠู†ุง ู‚ุงู„: { ุจู„ุบูˆ ุนู†ู‰ ูˆู„ูˆ ุงูŠุฉ } :
Waan Ku Soo gaarsii Adigane gaarsii Walaalahaa Kale Ajar Aan Ka dhamaan doonin ilaa Markaad Dhimato ka dib Kuu Soconaya.
Markad dhameyso aqriska Allah Ka bari in Uu Calaamo Kulul Oo dag dag ah Ka Soo Muujiyo Kuwa Nabiga Aflagaadeeyo Ee gaalada ah.

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

04 Mar, 17:27


Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw Kuu diiday inaadan Mar dambe Sameeynin Marka Laguu Sheego Wixii Ka dambeeyo Waajib tahay in Aad Ka fogaato:

1: Nabi Muxamed Waxaa Uu Kaaga digayaa inaad Raashiin Cunto Adigoo janaabo qabo janaabadas Hakaaga timaado galmo Xalaal ah Oo adiga iyo Zowjadada idiin dhax martay ama Hakaaga timaado gacan Ama Riyo Dhamaan Adigoon Ka qubeysan Ha isku taaban Raashiin
Sababtu Waxeey tahay Waxeey Ku dhaxal siineysaa faqiirtinimo iyo Saboolnimo

2: Waxaa Kale Oo Lagaaga digayaa inaad Ku dul Kaadiso Geed Miro Leh Amaba Aad Wadada Dad Weeynaha Adeegsado Ku dhax kaadiso Waa Akhlaaq Xumo Meeshii Ugu dambeeysay

3: Lama Ogolo inaad bidixdaada Ku Cunto Sido Kale Waxaa ayadane Mamnuuc ah inaad Jiif Ama Sateecsi Wax Ku Cunto iska jir Caafimad ahaan Ma Wanaagsano

4: Dumarka Looma Ogola in ay Janaazada Meydka Raacaan
5: Nabiga Waxaa Uu Kaaga digayaa Sawirada Maxaa yeelay berri Qiyaamaha Waxaa Lagu Oranayaa Ruux Ku afuuf inteed Ruux Ka keeni

6: Waxaa La Ogoleen in Ruux Dab lagu gubo ilaa Uu Ka dhinto Ha ahaado Beni Aadam Ama Xayawaan Labadaba Lama Ogolo

7: Waxaa Uu Kalo Ka digay Nabiga in Diinta La Caayo Allah Wax Laga sheego Ama Nabiga Ama guud ahaan Diinta islamka

8: Waxaa Laguu diiday inaad Ku Cawo Barido Meelaha Qashinka lagu daadiyo Maxaa yeelay Waa Goob ay Shayaadiintu Ku Caweeyaan

9: Waxaan La Ogoleen Gabadha Muslimada Xaaska ah ineeysan Ka bixin gurigeed ayadoon Ka idin qaadan Zowjkeeda Haddii ay baxdo Fasax la' aan Waxaa lacnad Ku riday makhluuq samada Saaran iyo Waxa Makhluuq dhulka saaran Xitaa geedaha iyo jinka ayaa lacnaday ilaa ay guriga Ku laabato

10: Gabadha Xaaska ah Lama Ogolo in ay isku qurxiso Waxaan Ninkeeda aheeyn Kaliya Asiga ayeey isku Qurxin Kartaa

11: Waxaa Kale Uu Nabiga Kaa reebayaa inaad Dadka Kale Xamato Ama Qof La Xamanaya dhageysato

12: Waxaa Kale Oo laguu Ogoleen inaad Dadka isku dirto Ama dhageysato " ู„ุง ูŠุฏุฎู„ ุงู„ุญู†ุฉ ุงู„ู†ู…ุงู…"

13: Weelasha Ka Sameysan Dahabka iyo Qalinka Nabiga Waa diiday in Wax lagu Cuno ama lagu Cabo

14: Waxaa Kale Oo Rasuulka diiday khamrada in la cabo la iibiyo la beero laga ganacsado qofka khamrada ballan iyo marqaati ma galo

15: Waxaa Sido kale lacnad dusha looga tuuray Kuwa Ribada cuna Marqaati beenaa lah

16: Waxaa Kale Uu Rasuulka csw diiday in Xayawaanada Wajiga laga garaaco

17: Waxaa Kale Uu Nabiga diiday Qofka muslimka ah in Uu fiiriyo walaalkiisa kale Cowradiis

18: Gabadha muslimada ah ma banaano in ay daawato cowrada Walaasheed kale Ee muslimada ah

19: Lama Ogolo inaad afuuftid Raashiinka Ku hor yaallo Ama biyo Wax Kaaga dhaceen Kaliya Sug inta raashiinka Kaaga qaboobo Ama Biyaha iska saar Waxa Kaaga dhacay
Mar Ha Afuufin goobta Aad Sujuuda dhigeysid Markaad Salaada Ku jirtid.

20: Waxaa la diiday in Qofka Ku dukado Xerada geela Kacbad Korkeed jidadka Waayen iyo Waadiyaasha biyo mareenka ah

21: Nabiga ma Ogoleen in shinnada la dilo
22: Waxaa Mamnuuc ah in Allah Wax aan aheeyn lagu dhaarto Ma banaano inaad Ku dhaarato Hooyada ama Aabahaa
ูˆู‚ุงู„: " ู…ู† ุญู„ู ุจุบูŠุฑ ุงู„ู„ู‡ ูู„ูŠุณ ู…ู† ุงู„ู„ู‡ ููŠ ุดูŠุก."

23: Waxaa aydane Xaaram ah in La Hadlo Maalinta Jimcada ayado Khudbada Imaamka Socoto Qofka Ku dhax hadlo Maalintaa jimco Uma jirto.

24: Lama Ogolo in Salaad La dukado Marka Qorraxda Soo baxeyso ilaa ay ka soo Kor noqoto Waran Cabirkiisa in la eg.

25: Waxaa Kale uu Nabiga Diiday in Lix maalmood La soomo Waxaa Ka mid ah Maalinta Ciida fidriga , Maalinta Shaki Ka jiro dhalashada bisha , Maalinta Ciida Al-Adhxa iyo Sadaxda Maalin Ee Loo yaqaano
' ayaamu tashriiq "

26 Lama Ogolo in Xusulada Wax Lagu Cabo Waxaa Ka Fiican Inaad Labadaada gacmood Wax Ku Cunto Haddaad Awood U leedahay.

27: Waxa Kale Oo banaaneyn inaad Ruux Shaqaaleysiiso Adigoon U sheegin Waxa Uu Ku shaqeeynay Qarash ahaan

28: Waxaa Kale Oo Nabiga diiday Ragga in ay Saraawiishood Dhaafiyaan Canqawga hoostiisa Waxaa Ku soo aroortay Waciid Shadiid ah

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

01 Mar, 09:22


#Ramadan

Waa Maxay Faaโ€™idooyinka Caafimaad oo ay leedahay Bisha Ramadaan

Faaโ€™idooyinka Caafimaad uu soonka leeyahay waxaa ka mida:

1 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurrada Kansarka.

2 .Soonka waxa uu kor dhiyaa awoodda jirka baniโ€™aadamka.
3 . Soonka waxa uu ilaaliyaa Maqaarka jirka, waxa uuna ka hortagaa cudurrada ku dhaco Maqaarka.

4 . Soonka waxa uu yareeyaa cudurrada Xasaasiyadda iyo kuwa ku dhaco saableyda.

5 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka/ sokorta.

6 . Soonka waxa uu daawo u yahay cudurrada ku dhaco lafaha iyo sidoo kale xanuunada kala gowsyada.

#Preparation of Ramadaan

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

12 Jan, 14:59


Sh/ markuu maqley geerida wiilkiisa wuxuu oga jawaabay si wurux badan.

Wadaadka carabka ah wuxuu ku dhahayaa: *"Sh/na waxaan kuugu imaanay inaan kuu tacsiyeeno lkn adigii baaba inoo tacsiyeeyey ee sideed dareemaysa?

Wuxuu ku jawaabay sh/a kalmada ah ุงู† ู„ู„ู‡ ู…ุง ุฃุฎุฐ ูˆ ู„ู‡ ู…ุง ุงุนุทู‰ "ilaahay baa leh wuxuu qaato isana uun baana leh wuxuu ku siiyo oo kuu daayo"

Tankale wuxuu dhahay "wax walba waxana ku hilaamaa geeridii xanuunkeena (SCW), musiibadaas mid ka weyna ummada masoo marin mana soo marayso."

Imaanku waa shey qaaliya m.a ๐Ÿคฒ

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

16 Dec, 04:38


Qaar ka mid ah xikmadaha Sh.Mustafe X. Ismail

8-| " Dadka kuwa ugu hantida badan
Ayaa ah kuwa ugu hurdada yar "

9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay lakiinse ma oga intay ay dulmiyeen ee ay Aakhiro udireen ".

10-| " Quraanka Haddii aad Akhrido ; qof Rabigii u waramayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaya " .

11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af muslim, waa luuqad kamid ah Luuqadaha muslimiinta, waa af diin iyo dadnimoba xambaarsan ".

12- | " Meesha Qiimaha leh oo ubaahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto, qofkaad qalbigiisa furi kari weeydayna,?caqligiisana ma furi karaysid; qalbigana waxaa lagu furaa jacayl , naxariis iyo Hadal wanaagsan "

14-| " waxa laga yaaba inad Saacado badan ku bixiso iskuulka yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddaad saaqido (khasaartid) maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin "

โ€œ NOQO QOF WAX TAR LEH โ€œ

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

15 Dec, 11:19


10 wax yaabood oo qofka salaada subax ka taga uu waayayo.

1: waxa uu waayayaa (certificate) kii ama shahaadadii uu alle kaaga beri-yeelayey munaafaqnimada
ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡๏ทบูŽ: [ุซู‚ูŽู„ ุงู„ุตู‘ูŽู„ุงุฉู ุนู„ู‰ ุงู„ู…ูู†ูŽุงููู‚ููŠู†: ุตูŽู„ุงูŽุฉ ุงู„ุนูุดูŽุงุกุŒ ูˆุตูŽู„ุงูŽุฉ ุงู„ููŽุฌุฑุŒ]
{ Nabiga๏ทบ waxa uu leeyahay: Salaada ugu adag munaafuqiinta ee ay dhib ku tukadaan ama aysan tukan waa salaada Cishaha iyo salaada Subax }

waayo salaada cishuhu waagii hore waxa ay ahayd salaada ugu adag ee la tukado maadaama aanu caalamku sidaan ahayn oo meel walba layr ama iftiin aysan lahayn oo ay adkayd in qof kusoo tukado masaajidka, Salaada subaxna waxaa la tukadaa waqti qaboobe ah oo hurdadu aad u macaantahay, sidaa daraadeed qofka munaafaqa ah ee aan lahayn iimaan salaada usoo kiciya wuu iska sii hurdayaa.

2: Waxa uu beel-dareeyey/khasaariyey/lumiyey sababtii ugu weyneyd ee janada lagu galayey.
ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡๏ทบ: ยซู…ู† ุตู„ู‰ ุงู„ุจูŽุฑู’ุฏูŽูŠู’ู†ู ุฏุฎู„ ุงู„ุฌู†ุฉยป.
ุงู„ุจูŽุฑู’ุฏูŽูŠู’ู†ู: ุงู„ูุฌุฑ ูˆุงู„ุนุตุฑ
{ Nabiga๏ทบ waxa uu leeyahay: qofkii tukada labada qabqabow( laba qaboobe ) waxa uu galayaa janada}
labada qaboobe: culimadu waxa ay ku macneeyeen salaada subax ama fajarka iyo salaada casar.

Dadku marka ay galinka hore soo shaqeeyaan ee ay soo daalaan ayey duhurkii nastaan oo seexdaan, waxaana suurto gal ah in salaada casar dadka badankooda ay ku dhaafto hurdo, laakiinse hada sabanku sabankii ma aha oo way yartahay cid duhurkii seexata.
Salaada 2aadna waa salaada subax oo laydha waaberi baa soo dhacda oo qof walba waxa uu jeclaysanayaa inuu sii jiifo.

3: Sidoo kale qofkaas waxa uu lumiyey sabab kamida sababaha ugu weyn ee naarta lagaga badbaado.
ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡๏ทบ: ยซู„ูŽู†ู’ ูŠูŽู„ูุฌูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽุงุฑูŽ ุฃูŽุญูŽุฏูŒ ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ู‚ูŽุจู’ู„ูŽ ุทูู„ููˆุนู ุงู„ุดู‘ูŽู…ู’ุณูุŒ ูˆูŽู‚ูŽุจู’ู„ูŽ ุบูุฑููˆุจูู‡ูŽุงยป
{ Nabiga๏ทบ waxa uu leeyahay: Naarta ma galo ruux/qof tukaday inta aysan qorraxdu soo bixin ka hor iyo inta aysan dhicin ka hor }
inta aysan qorraxdu soo bixin: waa salaada subax
inta aysan dhicinna: waa salaada casar

Casarkii indhaha ayaad kala haysaa oo waad soo jeedaa balse subaxa u kac wll oo ha iska beel-darayn fursadaas.

4: Sidoo kale qofka aan salaada subax tukan waxa uu dayacay ilaaladii uu alle swt ilaalinayey.
ู‚ูŽุงู„ูŽ ุฑุณูˆู„ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ ๏ทบ: [ู…ูŽู†ู’ ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุตูŽู„ุงุฉูŽ ุงู„ุตู‘ูุจุญู ููŽู‡ููˆูŽ ูููŠ ุฐูู…ู‘ูŽุฉู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡]
{ Nabiga๏ทบ waxa uu leeyahay: qofkii tukada salaada subax waxa uu ku jiraa maganta alle, oo alle ayaa ilaalinaya }
Istaaf aadane ah iyo ciidan ayeynu isku aaminaa ee bal kawaran ilaalada ilaahay. -> ilaalada ilaahay hadii aad doonayso salaada subax yaaney dhayal kaaga tagin.

5: Sidoo kale qofka aan salaada subax tukan waxa uu dayacay ama khasaariyey inuu helo ajarkii uu heli lahaa qof habaynkii oo dhan salaad u soo taagnaa.
ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ๏ทบ: [ู…ูŽู† ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ุนูุดูŽุงุกูŽ ููŠ ุฌูŽู…ูŽุงุนูŽุฉู ููŽูƒูŽุฃู†ู‘ูŽู…ุง ู‚ูŽุงู…ูŽ ู†ูุตู’ููŽ ุงู„ู„ู‘ูŽูŠู’ู„ูุŒ ูˆูŽู…ูŽู† ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ุตู‘ูุจู’ุญูŽ ููŠ ุฌูŽู…ูŽุงุนูŽุฉู ููŽูƒูŽุฃู†ู‘ูŽู…ุง ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽูŠู’ู„ูŽ ูƒูู„ู‘ูŽู‡ู]
{ Nabiga๏ทบ waxa uu leeyahay: qofkii tukada salaada cishaha jamaaco dhexdeed ama dad jamaaco ah la tukada, waxa uu ka dhiganyahay sida qof habaynka kala barkii salaad usoo taagnaa oo qiyaamu-layl tukanayey,, qokii tukada salaada subax jamaaco dhexdeed waxa uu ka dhiganyahay sida qof habaynkii oo dhan salaad u soo taagnaa }

Wall hurdadu ma istaahisho in waxaas oo fadli ama ajar ah ay ku dhaafiso e' haka tagin wll salaada subax kuna tuko waqtigeeda lana tuko jamaaco oo masjidka aad.


@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

21 Nov, 20:56


1=Gabadhii ugu horeysan ee muslimada ahayd ee la dagaalanta Yahuud waxa ay ahayd Safiya Bintu Cabdi Mudalib

2=Gurigii ugu horeyay ee dacwada illaahay laga bilaaba waxa uu ahaa Gurigii Arqam Binu Arqam

3=Gurigii ugu horeyey ee Nabigu ๏ทบuu dago markii uu Madiino degay waxay ahayd Gurigii Abi Al Ayuub Al Ansaari

4=Khaliifkii ugu horeyay ee qabta talada islaamka waxa uu ahaa Abu Bokor Sidiiq

5=Ninkii ugu horeyey ee ka saara Yahuuda kana tirtiray riyadii ay ku riyoonayeen jasiirada carabta una diray Shaam waxa uu ahaa Cumar Binu Khadaab

6=Qof kii ugu horeyay ee dar illaahay loo dilo intii ay dacwadu socotay waxa uu ahaa Sumaya Bintu Khubaab

7=Qofka ugu horeya ee ka mid ah umada Nabi Maxamed ๏ทบ ee geli doona jana waxa weeye Abu Bokor Sidiiq

8=Qofka ugu horeyay ee dadka isku keenay si ay u tukadaan taraawixda bisha ramadaan waxa uu ahaa Cumar Binu Khadaab

9=Qofkii Ansaarta ugu hor islaama waxa uu ahaa Ascad Binu Saraara Al Ansaariya

10=Qofkii dumarka ahaa ee Nabiga ๏ทบ ugu hor Rumeeyay waxa ay hayd Sayidatul Khadiija Bintu Khuwayla

Hadaad ka heshay la wadaag Asxaabtada

@ wacdi iyo waano diini๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

13 Nov, 17:41


FAA.IDOOYINKA XUSKA ALLE๏ทป

1=Allah ayaa kaaga raali noqon shaydaanka ayaa kaaga fogaada murugada ayuu daawo ka yahay wajiga ayuu iftiimiyaa qalbiga ayuu daawo u yahay

3=irzaaqda ayuu waasiciyaa umuuraha ayuu sahlaa dambiga ayuu tirtiraa xasillooni ayuu ku dhaxalsiiya dhibaatooyinka ayaa lagaaga fududeeya qalbiga adkaaday ayuu jilciyaa

4=Allah๏ทป Ayaa ku xusa markaad xusto munaafaqnimada ayuu kaa leexiyaa xumaanta ayuu kaa reeba xidhiidhka Allah iyo adoonka ayuu xoojiyaa.

5=cibaado kasta oo Allah๏ทปdadka amray danta laga leeyahay waa in isaga la xuso, salaada, soonka, sakada, xajka, sadaqada iwm

6=xuska Allah๏ทปwaxuu sababaa in aad ka guulaysato cadawgaaga baahidaada ayuu daboola Awoodaada fahmo, garasho, caqli wax qabad iwm wuu xoojiyaa

7=Allah๏ทปayaa ku faana dadka xusa Allah ayaa in badan jeclaada dadka xuskiisa badiya,maalinka qiyaamahana Allah swt si gaaraha ayuu u maamuusa dadkii badin jiray xuskiisa markiii aduunka la joogay

8=Xuska Allah๏ทปwaxaa ugu fadli badan aqrinta quraanka iyo subxanallah wal xamdullillah, wallahu akbar, salliga Nabiga ๏ทบ

9=Wallalayaal digri kasta oon wax daliila ku soo aroorin aqrintiisa digri ma ahan, oon ku oollin kitaabka quraanka Ah, ama sunnada nabiga ๏ทบ sababtoo ah digrigu waa cibaado, cibaadadana in la aqbalo waxaa loo shardiyaa 2 shardi oo kala ah inaad dar Allah u qabato cibaadada inuu nabigeenii sameeyay ๏ทบ Waxii ka baxsan labadaa shardi lama ogolo. Maanta laga billaabo walaal aynu xuska allah๏ทปwaqtigeena wax ka siino walaw 20 daqiiqaba ha noqotee.

@ wacdi iyo waano diini๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

27 Sep, 14:42


Ku saliya ุงู„ู†ุจูŠ ๏ปฃ๏บค๏ปค๏บช SCW.

Dhalasha wanaagsan Suubanahenna, ุงู„ู†ุจูŠ ๏ปฃ๏บค๏ปค๏บช naxariis & nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Xuska dhalasho ee nabigeenna waa maalin weyn, waana maalin aan dood la gelin karin in la xuso munaasabada dhalasho ee suubanaheenna Maxamed (Naxariis & nabadgelyo korkiisa ha ahaate)

Kan diidan weyneenta dhalashada nabiga waxaan leenahay annagaa kaa badan oo jecel oo u dabaaldegeyna maalintan weyn.

Ku saliya ุงู„ู†ุจูŠ ๏ปฃ๏บค๏ปค๏บช SCW.

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

08 Sep, 09:52


Noqo Qof u naxariista noole kasta sababtoo ah hadaba inta aad u naxariisto uunka Alle buu adigana kuu naxariisan ilaahayga abuuray samada iyo dhulka.๐Ÿƒโœจ

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

08 Sep, 01:00


Hadaba hadaadan salaad tukan seed ku heli caafimaad seed ku heli irsiq seed ku heli towfiiq cadaab iyo naar baadba muteysataye ๐Ÿ˜ญ

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

28 Jul, 10:04


Jimcaha Akhriso Suuratul Kahf, badina saliga

โ€œ ุฃูŽูƒุซูุฑูˆุง ุงู„ุตู‘ูŽู„ุงุฉูŽ ุนู„ูŠู‘ูŽ ูŠูˆู… ุงู„ุฌู…ุนุฉู โ€œ

Salliga Nabiga (Scw) Faaโ€™iidooyinka laga helo waxaa ka mid ah in laguu Danbi dhaafo, in wixii aad ilaahay waydiisatay lagu siiyo, in murugada lagaa qaado, in ilaahay kugu saliyo(naxariisto) iyo in malaaโ€™gtuna kugu saliso( Alla kuu baryaan)โ€ฆ

Haye aan ku Sallino xabiibkeenii ๏ทบ

Jumca wanaagsan akhyaareey

โ€œilaahay iyo Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaanโ€
Suurada Al-ahzaab (aayada 56)

๏ดฟ ๏ทฝ ๏ดพ๏ดฟ ุฅูู†ู‘ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูŽ ูˆูŽู…ูŽู„ูŽุงุฆููƒูŽุชูŽู‡ู ูŠูุตูŽู„ู‘ููˆู†ูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ุงู„ู†ู‘ูŽุจููŠู‘ู ูŠูŽุง ุฃูŽูŠู‘ูู‡ูŽุง ุงู„ู‘ูŽุฐููŠู†ูŽ ุขู…ูŽู†ููˆุง ุตูŽู„ู‘ููˆุง ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽุณูŽู„ู‘ูู…ููˆุง ุชูŽุณู’ู„ููŠู…ู‹ุง ๏ดพ

ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ๏ทบ :

ุฃูŽูƒุซูุฑูˆุง ุงู„ุตู‘ูŽู„ุงุฉูŽ ุนู„ูŠู‘ูŽ ูŠูˆู… ุงู„ุฌู…ุนุฉู
ูˆู„ูŠู„ุฉูŽ ุงู„ุฌู…ุนุฉ ูู…ู† ุตู„ู‘ูŽู‰ ุนู„ูŠู‘ูŽ ุตู„ุงุฉู‹ ุตู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุนู„ูŠู’ู‡ู ุนุดุฑู‹ุง ."

Nabigu swc wuxuu yiri โ€œ Badiya Salliga maalinta jimce iyo habeenkeeda, Qofkii igu saliya aniga (nabiga ah) hal Salli wuxuu ilaahay ku saliyaa toban (10) jeer ( salliga Alle waa naxariis)

ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูู…ูŽู‘ ุตูŽู„ูู‘ ูˆูŽุณูŽู„ูู‘ู…ู’ ูˆูŽุจูŽุงุฑููƒูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ุณูŽูŠูู‘ุฏูู†ูŽุง ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ ุขู„ูู‡ู ูˆูŽุตูŽุญู’ุจูู‡ู.

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

28 Jul, 10:03


Salaada see isku tihiin ?
Ma ka dib dhigtaa waqtigooda
Mise maba tukatid
Hadaba mid ogow dadka salaada waqtigeeda ka dib dhiga waxaa u sugnaadey waadi naar ah
Kawaran kuwaan Tukan marka maba ahan muslimiin kuwaas waa gaalo ehlu naar ah .

Hadaba hadaadan salaad tukan seed ku heli caafimaad seed ku heli irsiq seed ku heli towfiiq cadaab iyo naar baadba muteysataye

Hadaba quraanku qofkaan tukan wax aan khasaaro aheyn uma kordhiyo caafimaadna kama helo
Salaada salaada salaada hagaaji wax walba waa kuu hagaagayaan
Salaada katag kheyr iyo liban waad waayeysaa

@ wacdi iyo waano diini ๐Ÿ‘ˆ

Wacdi iyo Waano Diiniโค๏ธ

27 Jul, 14:32


Sacad bin bilaal ayaa yiri baa la yiri:

Addoonku hadduu dambaabo ilaahey subxaanahu wt wuxuu ku galladaystaa afar xaladood:

- Arsaaqdiisa kama jaro.
- Caafimaadkiisa kama qaato.
- Dembigiisa korkiisa kama muujiyo.
- Ciqaabtiisana kuma soo dedejiyo.


@ wacdi iyo Waano Diini๐Ÿ‘ˆ


โค

3,325

subscribers

255

photos

58

videos