SkillSom Academy

@somskills


Halkaan waxaad ka heli doontaa course free ah iyo casharo wax tar u leh inaad barato skills ku anfaca noloshaada

SkillSom Academy

21 Oct, 04:22


Fikradaada Ka dhiibo Hadalka Bilaal bulshaabi makula saxanyahay

Yaa muhiimsan Xirfada iyo wax barashada Nidaamiga ah?

SkillSom Academy

31 Aug, 03:38


Asc subax wanaagsan sxbyal

Isbuucan Maanta bilaabanaya waxaad tijaabisaa inaad sameyso Dopamine detox, oo ah inaad jirkaaga ka nadiifiso hormone-ka dopamine.

Dopamine waa dheecaan maskaxdeena usoo dayso abaalmarin ahaan marka qofku wax uu jecelyahay sameeyo sida: inaad cunto macaan cunto, ama filin daawato, ama sigaar cabto ama muuqaalada xunxun daawato IWM.

Marka dopamine-taadu badato, tusaale marka aad maalin kasta tiktok ku jirto uun maskaxdaadu waxay yeelanaysaa inay la qabsato oo ay kaa doonto inaad wixii sii badiso ama ay waxaasi balwad kuu noqdaan, kadibna waxyaabaha wanaagsan sida buug aqrintu kugu adkaato.

hadaba isbuucaan waxaad samaysaa inaad ka soonto dopamine intaan sameey. (WIXII ADIGA KUGU BADAN ISKA JOOJI)

1. Social media 90% yareey ama jooji.
2. tiktok, youtube iyo instagram iska saar.
3. heeso ha dhagaysan.
4. cuntada caafimaadka u daran ha cunin.
5. sigaar hadii aad cabto iska jooji.
6. iwm

intaas badalkeeda waxaad sameysaa.

1. markaad social media u xiisto Kitaan Qur'aan ah ama buug yar soo qaado oo yara aqri intaad ka caajisayso.
2. laws soo iibso marka gaajo yar dareento afka gasho.
3. hadii aad youtube u xiisto muxaadaro shido.
4. dadka la sheekeyso marka caajisto
5. soo lugeey oo iska socsoco.
6. intaad meel fadhiisato kaligaa iska fikir.
7. INTAAD shaah ama kafee cabi lahayd biyo caagad kusii qaado oo iska cab

Marka dopamine detox sameyso adiga dhan wada caajis ayaad noqon doontaa, laakiin hadii aad sidaas ku wado mudo ilaa 30 maalmood ah maskaxdaada waxyaabaha qaar raaxo kama raadinayso, oo waxad is arkaysaa adigoo buug aqrinta ku raaxaysanaya halka aad tiktok ku raaxaysan jirtay.

WQ: Abdirahman Aseer

SkillSom Academy

10 Aug, 19:39


https://wa.me/message/GZLEHV7FTNXTI1

Waa Kan what'sappka

SkillSom Academy

10 Aug, 06:26


Guusha waxaa Ka sokeeya kufid Fara badan ha quusan waligaa

SkillSom Academy

09 Aug, 05:13


Ka Faaideyso Qiima dhismita Jimcaha Courseka Cryptocurrency

Ku hel $8 Kaliya

24 Hours Discount

SkillSom Academy

09 Aug, 05:08


https://wa.me/message/GZLEHV7FTNXTI1

Waa Kan what'sappka

SkillSom Academy

27 Jul, 11:13


inta bilood ee ka hadhey sanadka so socda waxad u baahantahay inad barato mawducyadan oon midkiiba dhowr cisho ama sacado kula dhaafayn

1- Communication skills:-
xirfada is gaadhsiinta ama aan si ilbaxnimo leh u odhan karno aftahanimada oo ah in aad afkaarta iyo waxa aad aaminsantahay si raganimo leh uso gudbin kartid iyo sido kale in aad xog so gudbin kartid ama in aad xog lagula wadago aad si fudud ugala baxdid muhiimada si guudna qodobkani waa hagaajinta xirfadada dad la dhaqanka

muuqalkan youtube wuxu ku noqon bilow wanagsan " https://youtu.be/xr1q-uBtIH4 "

2- Critical thinking -
waa u fikiritanka si qotodheer adiga oo kala saaraya , baadhaya kala horaysiinaya fikradaha sida ay ukala muhiimsan yihiin , fikrad walbana waxay marta dhowr wado oo kala ah 1- analytical thinking( gorfaynta fikirka) 2- divergent thinking ( kala duwananshaha fikradaha ) 3- creative thinking ( fikir hal-abuur leh )

muuqalkan bilow wanagsan ayuu ku yahay
" https://youtu.be/4V5LXrGuwkI "

3- Emotional intelligence -
mawduucana waa awooda lagu fahmo , ama maareeyo shucuurtada si aad u yarayso walbahaarka, ula xiriirto si wax ku ool leh , u damqato dadka kale , kaga gudubtid caqabadaha una xalisid khilaafadka

Muuqalka " https://youtu.be/D6_J7FfgWVc "

4- public speaking ( fagaare ka hadal) :-
waa farshaxanka dadka loogu so gudbiyo xog waana awood aad muhiim u ah inkasto mawduucan uu qadan wakhti si aad ula qabsato hadana waxan odhan kara waa kan ugu muhiimsan eed u bahan tahay dhalinyaro ahaan

Muuqalka somali ah https://youtu.be/iGPunjhb42c

Muuqal english ah
" https://youtu.be/962eYqe--Yc "


WQ: Mohamed Sharif Muktar

SkillSom Academy

27 Jul, 11:08


Buuga-Fagaara-Ka-Hadalka-WQ.-Cabdiraxmaan-Xuseen-Jaamac-2016.pdf

SkillSom Academy

27 Jul, 11:08


Hadii aad jeceshahay inaad Barato Xirfado Fagaara Ka HADALKA ( Public Speaking πŸ—£οΈ )

Buugaan waa afsomali aadan kuu anfici doona inaad hormariso xirfadaan Fagaara Ka hadal

SkillSom Academy

23 Jul, 03:16


Waa 10 Waano qaado intaad yartahay kuna dhaqan sxb

SkillSom Academy

22 Jul, 19:36


Wax walba ood u baahantahay si aad iskugu diyaariso imtaxanka IELTS.

Hadii english ku ahayn luuqada koobad ee lagaga hadlo wadankaga fursad walbood uga baahato meel ka baxsan deegaankaga hadey tahay mid shaqo iyo mid waxbarashaba waxay ku xidhantahay qadashada imtaxanada xaqiijinaya heerkad ka joogto luuqada english ka, gaar ahaan IELTS ka, article kan waxan idinkula wadagayaa waxwalba oon isleeyahay uu caawin doona inta ay ku guda jiraan isku diyaarinta imtaxankas.

Hadii heerkaga luuqadu yahay mid hoose youtube channels kan waxay ka caawin doonan barashada luuqada si dhammaystiran.

[1] ka koobad waxa la dhaha ieltsliz halkan ayad ka raaci kartaa: https://www.youtube.com/user/ieltsliz

[2] ka labaad waa IELTSDaily waxa si maalinle ah loga bixiyaa cashirada luuqada sido kale waxa lagu waraystaa ardayda maalmahas imtaxanka qadatey si ay ula wadaagan ardayda waxay kala kulmeen miiska imtaxanka, halkan ayad ka raaci kartaa:
https://www.youtube.com/channel/UC39W_uzNjIAIYrimiKkI-rA

[3] ka saddexad waa AcademicEnglishHelp waxana ku xidhan 2.57 million oo qof aad buna ku caawin intad barashada ku jirtid halkan ka raac:
https://www.youtube.com/channel/UCQ3A7Dnyz1_Fxaa5BCzAPMA

[4] Dhanka barashada kan u dambeeya een idin xulayaa waa FasTrackIELTS halkan ayadna ka raaci kartaa: https://www.youtube.com/channel/UCRA4UOCBRgv2w9b59pDMyvQ

Markad barashada so dhaafto ama aad tahay qof horey u aqaaney luuqada talabada xigta waa inad heerkaga sii tijaabisid inta adan aadin imtaxanka rasmiga ah(pre-test) afartan website ee hoose waa kuwo ka caawinaya inad isa sii tijaabisid.

[1] kow waa British Council waxadna isku tijaabin dhamman afarta qaybood ee imtaxanka( dhagaysi,qoraal,akhris iyo ku hadalkaba) waxad sido kale ka heli cashiro ku kaba halkan ka raac:
https://takeielts.britishcouncil.org/take-ielts/prepare/free-ielts-english-practice-tests

[2] Laba waa IDP: https://ielts.idp.com/prepare/article-free-practice-tests

[3] Saddex oon ugu dambaysiinayo dhanka tijaabadana waa ieltsbuddy halkan ka raac: https://www.ieltsbuddy.com/ielts-practice-tests.html

Sido kale ka warhay saddexdan wargays todobado ama bil kahor inta adan imtaxanka galin si aad u yeelato khibrada fahanka iyo akhriskaba madama ay ku tababarayaan inad sida dhaladka(native) luuqada u isticmaasho

[1] BBC world:https://www.bbc.com/news/world

[2] National Geographic : https://www.nationalgeographic.com/

[3] Economist : https://www.economist.com/

Dhanka dhagaysiga labadan podcast oy bbc iyo voa leeyihiin gaarna u ah barashada englishka ayaa kaga filan.

[1] bbc english podcast:
bbc.co.uk/learningenglish/podcasts

[2] Voa english learning podcast:
https://learningenglish.voanews.com/z/1689

Ugu dambayn markad diyaar u noqoto galista imtaxanka hadad joogto deegaanka somalida iyo deegaamada ku dhaw sida somaliland waxad imtaxanka uso doonan kartaa jamacada Jigjiga University oo exam center leh, sido kale intan jigjiga joogin halkan ayay booking kaga samaysan karaan oo si online ah iskoga diwaangalin karaan:
shorturl.at/MFt3K

WQ: Mohamed Sharif Muktar

SkillSom Academy

20 Jul, 13:06


Asc sxbyal halkaan waxaan idiinku soo gudbinayaa 6-Book aad ka baran karto erayada ugu muhiimsan luuqada englishka ,

mid ogow luuqadaada waxey ku xirantahay inta eray ee aad taqaano,

isku day inaad jadwal sameysato oo aad maalin walba ugu yaraan barataa 10-Eray ama ka badan,

lkn ogow hadii aad xamaasada ficil ku darin waligaa halkaa joogta ka dhaqaaqi meysid,

koleey guushaada adigaa isku haaya,


GUUL WACAN. ☝️☝️☝️☝️