Mohamet Ahmet

@mohametahmed


Ha sugin soo laabashada qof tagay, qofkii dhab kuu jecel lagama yaabo inuu maqnaado.!!!

Mohamet Ahmet

22 Oct, 10:45


Waa muuqaal malxami ah oo taariikhdu xusi doonto, soo muuqashadii naadirka aheyd ee halyeyga Yaxya Sinwaar, oo ahaa hoggaamiyaha dagaalkii weynaa ee Duufaanta Al-Aqsaa uu soo muuqday isaga oo dhaawac culus ka soo gaaray gacanta midig, wejigiisuna uu daboolanyahay iyadoo indhihiisa oo kaliya muuqdaan una eg indhaha shabeel udiyaarsan inuu ku boodo ugaartkiisa.

Arrintan waxay na xasuusinaysaa halyeygii Qacqaac bin Camar oo uu Abuu Bakar Ass-Siddiiq RC ka yiri: "Ciidan uu ku jiro Qacqaac ma jebayo, dhawaaqiisa goobta dagaalkana wuxuu ka kheyr badanyahay kun nin".

Asaxaabigii Qacqaac oo keligiis ahaa ayuu amiirkii muslimiinta Abuukar gurmad ahaan ugu diray Khaalid bin Waliid si ay uwajahaan ciidankii Furus ee xoogga badnaa.

In kasta oo uu usoo gaaray dhaawac daran jirkiisuna sii daciifayay haddana Yaxye Sinwaar isma dhiibin isagoo aan dulliga ogolayn kuna taagan wadada toosan ayuu gacantiisa bidix ku qaaday Ul si uu ugula dagaallamo diyaarad Drone aan duuliye lahayn ah oo si dhuumasho ah ugu gashay goobtii uu dhaawaciisa kula tacaalayay.

Ushaas uu dagaalyahanka dhaawacan ku gemay diyaaradda waxay mid mid ulliqday ama ubaabi'isay dhammaan been-abuurkii iyo buhtaankii Sahyuuniyadda&sheekooyinkoodii marin-habaabinta ahaa iyadoona beenisay dacaayadoodii aheyd in hoggaamiyahan geesiga ah uu ku dhuumanayay dad rayidka ah dhaxdooda ama uu u isticmaalayay maxaabiistii yahuudda lagasoo qabtay gaashaan uu uga gambado xabadda ciidanka Yahuudda si uu isugu difaaco, ceebna maba ahan in qaa'idku tago meel nabadoon si uu halkaas dagaalka uga hago balse Sinwaar sidaas ma sameynin ee wuxuu joogay mid kamida meelaha ugu halista badan dunida, isagoo dagaal kula jiray mid kamida ciidamada ugu qalabka iyo sirdoonka wanaagsan caalamka ,khatarahaas uu ubareeray wuxuu uqaatay si uu udhiirigeliyo dagaalyahannadiisa dagaalka hayaynimo kula jira Sahaayinada oo ah cadowga ugu daran ee muslimiintu leeyihiin.

Ushii hoggaamiye Yaxye waxay si maldahan u weerartay Sahaayinada Carabta oo wejigoodu madoobaaday kuwaas oo been iyo nacasnimo ka muujiya diintooda iyo iimaankooda waxayna mutaysteen Lacnadda Alle, malaa'igta iyo dadka oo dhan, Waxay si cad u muujiyeen in ay shaydaanka daacad uyihiin ayna u qalmaan in lageliyo meelaha ugu hooseeya ee cadaabta waana calooshood ushaqeystayaal kuwa ugu xun ee dunidan kunool.

dagaalka maanta socda ee kasoo billaawday howlgalkii duufaanta Al-aqsaa lagama noqon karo dhax dhaxaad ee waa dagaal udhaxeeya Iimaanka iyo Kufriga.

Ushaas uu diyaaradda Drone-ta ku tuuray Yaxye Sinwaar isagoo dhaawac ladhiigaya kaligiisna ah waxay farriin guud utahay Muslimiinta niyadda wanaagsan leh balse aan garanayn sida loo wajaho kaafirka xarbiga ah iyo daaqiga mujrimka madaxa adag, waaba farriinta oo leh "usha sii dhacaysa waxaa laga yaabaa in in ay kiciso damiirka sii dhimanaya ee ruuxda muslimiinta, saalixiinta ayay gelinaysaa khaanadda muslixiinta halka mutakhaadiliinta ay gelinayso khaanadda munaasiriinta.

Markii uu sidaa ahaa isagoo ul wata kuna wajahaya diyaarad ee aan is dhiibin iska caabinna ku jira daqiiqadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa, waxaa muslimiinta agtooda yaqiin unoqonaya macnaha ku saabsan in ay dhammaan juhdigooda iyo awooddooda bixiyaan taas oo fasiraad cad oo muuqata u aheyd hadalka Alle (لا يكلف الله نفسا إلا وسعها)، iyo (وأعدوا لهم ما استطعتم من قوة) iyo (وجاهدوا في الله حق جهاده)،
sidaas darteedna ma jiro wax cudur-daara oo u haray qofka muslimka ah ee ka fadhiya halganka socda, cudurdaar walba oo uu layimaad waxaa meesha ka saaraya gummaadka Qaza iyo naf hurnimada halyeeya falasdiin.

Ha gablammaano indhaha Fulayada

ولا نامت أعين الجبناء

Mohamet Ahmet

20 Oct, 18:11


Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Xamze Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Turkigu Soomaaliya ka sameysanayo saldhig laga tuuro gantaallada ridada dheer, taasoo uu ku sheegay iney tahay horumar ballaaran.

Xamse Cabdi Barre, ayaa isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay tallaabada ay qaadeyso dowladda Turkiga, oo uu sheegay iney mareyso meel wanaagsan.

Bishii September ayay ahayd markii wakaaladda wararka ee Blomberg, oo kasoo baxda dalka Maraykanka ay baahisay warbixin ay ku sheegeyso in Turkiga uu saldhig laga tuuro gantaallada ridada dheer ka sameysanayo dalka Soomaaliya.

Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo isku dayo xoogan oo ay dowladda Turkiga wado, taasoo ay ku dooneyso iney ku ballaariso galaangalkeeda milliteri ee dalkan Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay, in masuuliyiinta Turkiga ay kala hadleen Dowladda Federaalka, sidii Turkigu Soomaaliyga uga dhisi lahaa, saldhig ballaaran oo laga diro gantaallada ridada dheer.

Ilo wareedyo diiday in magacyadooda warbaahinta loo adeegsado oo la hadlay Bloomberg, ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhacda goob muhiim ah oo u dhow dhul-baraha, ay ku wanaagsantahay howlgalaha diritaanka gantaallada ridada dheer, sidaasi darteedna ay Turkigu daneyneyso.

Maadaama gantaallada ay u baahanyihiin tijaabooyin, waxay dowladda Turkiga is tuseysaa in Soomaaliya ay ku wanaagsantahay tijaabinta, maadaama ay leedahay badweyn ballaaran, oo marti gelin karta howlgallada tijaabada, sida ay sheegeyso warbixinta.

Mohamet Ahmet

20 Oct, 12:03


Seddex middood – mid wey iheysaa, midna waan is-heynaa, midka dambana wuu ihaayaa.

Inaan waxqabsado wey iheysaa, dadaalna waan is-heynaa – waqtiguna wuu ihaayaa.

Mohamet Ahmet

16 Oct, 20:44


Waa sidee caqliyadda dhalinyarada Soomaaliyda ee qarnigan 21aad nool?
Qaab sidee ah ayey u fikiraan? Waa maxay maanhagahooda ay ku halbeegaan wax kasta?

Weydiimahani waxay bud-dhig u yihiin dood muhiim ah oo ka qabsoomi doonta telegram-ka

Goobta: kanaalka Dareenbulsho
Goorta: habeenimada Axadu soo galayso 9:00 xiliga Geeska Afrika

Mohamet Ahmet

14 Oct, 07:37


Ururka shiiciga ah ee la baxay Xisbullah ayaa weerar argagax badan abuuray ku qaaday saldhigga ciidanka Yahuudda ee magaallada Binyamina ee koonfurta Xayfa.
Weerarkan ayaa dhaliyey khasaare culus oo lagu gaadhsiiyey ciidanka sahayuuniyada, kaaso oo dhimashadu gaadhayso 4 askari oo Yahuud ah, 67 kalene lagu dhaawacay, kuwaas oo qaarkood ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo garaab ah, sida Yahuuddu ay qiratay.

Xisbullah ayaa sheegtay inay weerarkan oo ay u adeegsatay raxan diyaaradaha bilaa duulliyaha ah, kuwaas oo beegsaday bartilmaameedkoodii loo qorsheeyey. Waxaanay arrintani fajaciso ku noqotay Yahaadda oo warbaahintoodu xaqiijisay in nidaamkoodii difaaca cirku aanu dareemin dhaq-dhaqaaqqa diyaaradahan.

Xafiiska warbaahinta ee ururka Xisbullah ayaa sheegay in weerarkani uu jawaab u yahay weerarradii Sahaayuuniyada ee koonfurta Lubnaan iyo Beirut Khamiistii. Waxaanay ku goodiyeen inay sii wadi doonaan weerarrada haddii Sahayuuniyadu ay joojin weydo dagaalka ay kusoo qaaday Lubnaan.

Ciidamada Yahuudda ayaa bilaabay baadhitaanno ay rabaan inay ku ogaadaan sababaha ay u fashilmeen nidaamyada difaaca hawada, iyagoo dhanka kalena isku dayaya xakamaynta ogaanshiyaha xaddiga dhabta ah ee khasaaraha, balse sawirro baraha bulshada lagu faafiyey ay muujinaya burburka baaxadda leh ee gaadhay goobihii diyaaraduhu ay beegsadeen.

Mohamet Ahmet

10 Oct, 18:01


╔═════•✭•❀•°♛°•❀•✭•═════╗
𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊 𝑷𝒓𝒐𝒎𝒐𝒕𝒊𝒐𝒏
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
❶ @Diinteenna_Macaan
❷ @Al_xakiim
❸ @QuruxdaIslaamka
❹ @Hidaayatu_Rabi
❺ @Hogaan_Dumar
❻ @Dhaqan_Wanaag
❼ @TamarsiintaRuuxda
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 & 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
❶ @XikmadoSom
❷ @Dhiiragaliye
❸ @AishaAhmed99
❹ @QalbiDhaye143
❺ @KalimaKariim
❻ @XaqiiqadaNolosha
❼ @Albaanichannel252
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
🌷 𝗝𝗔𝗖𝗔𝗬𝗟𝗞𝗔 & 𝗢𝗥𝗔𝗔𝗛𝗬𝗢 🌸
❶ @Dareen_side
❷ @Hasancaashaq
❸ @Daren_Jaceyl
❹ @MohametAhmed
❺ @Noqoxiddig
❻ @DunnidaSuugaanta
❼ @Ruuxda
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
🎓 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡 & 𝗙𝗔𝗦𝗔𝗔𝗟𝗢 🎓
❶ @MaanHage
❷ @Farsamada
❸ @KobciAqoontaada2
❹ @Guuleyso11
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
📚 𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 📚
❶ @SomaliBooks
❷ @SomaliLibrary
❸ @KobciyeBooks
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
💫 𝑱𝒐𝒊𝒏 𝑨𝒍𝒍 𝑪𝒉𝒂𝒏𝒏𝒆𝒍𝒔
https://t.me/dareenbulsho
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
❝ Ma doonaysaa in ganacsigaaga lagu xayeysiiyo?
Hadda waxaad fursad u haysataa inaad adeegyadaada
ama badeecadaada u soo bandhigto dadweyne badan
oo ku jira kanaalada kala duwan.👇👇👇

⌨️𝗧𝗔𝗔𝗕𝗢 𝗛𝗔𝗟𝗞𝗔𝗡
📧 @XayaysiisBot

💫 𝑲𝒖 𝑺𝒂𝒍𝒊 𝑵𝒆𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑺𝑪𝑾
╚═════•✭•❁•°❀°•❁•✭•═════╝

Mohamet Ahmet

06 Oct, 09:15


Markii Islaantii wiilka Umulisay wiilkii ogaatey inuu xog mooge yahay ayay tidhi.

Wiiloow godob baan kaa galay adiga iyo hooyadaaba, Aabbahaa ayaanna igu jujuubey ee Islaanta darxumeysan baa ku dhashay oo Hooyadaa ah, Tan kale muquunaa, laguu siiyey wiilkeediina waa dhintey. Anigaana haddimadaa ka shaqeeyey ee ama i dil ama iska kay cafi. Wiilkii ayaa jidhku dubaaxiyey, waxa uuna dareemay laxawgii uu hayn jirey in uu jirey dhiig isu jiidayey, waxaa u soo baxay, Hadalkii Aayadii ama Eedadii Aabbe ee nin ku jecel dad nool nool ayuu kuu huri karaa.

Waxaa marag u noqday godobta laga galay hooyadii in xoolaha oo dhan ay ku magaacaban tahay Aayadii, hooyadiina Xayn adhi ah oo Ahminka ama Jarka ka soo baxa lagu maamulo, Irmaankeedana lala leeyahay.

Maalinkaa kaddib ayuu go’ aansaday in uu Hooyadii hantida ku wareejiyo, Caanihii geela iyo lo’da ayuu haamo uga buuxiyey.
Gurigiina mid kii Aayadii ka weyn ayuu u dhisay, Dharkiina waa ka bedelay, Badarna waa u buuxiyey, Habeen walbana Adhigii xerada kale ayuu neef uga qalay.

Islaantii korsatey baa ka xanaaqday is beddelka wiilka iyadoo dareen ku jiro ayey tidhi, Islaantaan Qumayada ah, Aabbahaa iyo wiilkeediiba iyaday sababsadeene waa maxay naxariistan badan ee aad wadaa?

Wiilkiina waxa uu yidhi” Haddii Aabbahay shalay kuu eexday Eeddo ” Taf aan dhalin dharabi ma qabatee” Maanta adigaa Adeegto, xoola raac iyo xaasaminba lagaa rabaa, Hantidana Hooyadaybaa leh.

Islaantii talaa ku caddaatey”War hooge yaa kuu warramey bay tidh?
Markaasuu yidhi Islaantii Umulisada ahayd, ii hooyadey iga qaaday iina kaa soo xaday.

Naxdintii ayey islaantii Eedada ama Aayada ahayd la dhul dhacday, Carìgiina sheekadii baa ku faaftey, iyana waa ka hayaantay
Hooyadii dhibanaydna Nabsigaa u hiiliyey oo hantidii iyo wiilkeediiba iyadaa hanatey oo u hadhay.

Mohamet Ahmet

06 Oct, 09:15


QAYBTA (3)

DHAMAAD

Mohamet Ahmet

04 Oct, 12:17


Boqor Naasir Abul Mudafar oo caan ku ahaa Salaaxyddiin Al Ayuubi ayaa bishaan oo kale 0ct maalinteedi 2 sannadkii 1187 miilaadiga saliibiyiinta ka xoreeyay magaalada Barakeysan ee Qudus kadib 88 sano oo ay Kiristaanku haysteen.

Salaaxuddiin waxa uu dhashey 532hiriyada oo waafaqsan 1137-kii miilaadiga, waxa aanu ku dhashey Ciraaq gaar ahaan qalcadda Tigriit oo u dhaweyd magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Waxa uu ahaa hoggaamiyihii dhidibada u taagey Dawladdii Ayuubiyada ee meesha ka saartey Dowladdii Faadimiyada ee Shiicada ahayd taas oo Masar ka talinaysay in ku dhow saddex boqol oo sano. 

Boqor Salaaxuddiin waxa uu mideeyay Masar, Shaam, Xijaas iyo qaybi kamida Yaman, waxaana aqoonsadey Khaliifkii Cabbaasiyiinta ee xilligaas.

Waxqabadyadiisa waxa kamid ahaa in uu soo celiyey qaybo kamida Lubnaan iyo Quds ka dib dagaalki Xaddiin. Taariikhyahannadu waxa ay sheegaan in uu talada muslimiinta ee dhulalkaasi hayey 19sano.

Mohamet Ahmet

04 Oct, 11:04


Alle waa Naxariis badane sidaan ognahay wuxuuna kaa jecel yahay hoyadaada markuu ku yiri shaydaanka waan baadiyaynayaa Umadaada ilaa ay ka dhintaan
Wuxuu Alle SWT uga jawaabay bal eeg inta ay Naxariistiisa la' egtahay

Wuxuu yiri Allah SWT waan u danbi dhaafayaa  adoonkeyga intuu denbi dhaaf I warsanaayo
Anaga waxaa u baahanahay inaan ku duceysano Allow shaydaanka balan ayuu kula galay halkaa anagu maana joogin adiga ayaa noosheegay Halka ay naxariistaada la egtahay lama qiyaaso karo waxaad tahay Naxariisbaden

waxaan Allah SWT wey disanayaa qoraalkan ku waydiisanaaya Inuu Noo  denbi dhaafo intaan dunuub galnay
Waan ogahay waxaan Nahay  Adoomo  denbi badan   Aaqirana Alle inta badan wuxyuu unaxariista adoomadiisa ku layimid caml wanaagsan Iyo sida uu quraanka Noga sheegay Allah wuxuu yiri ha dhimanina idinkoo muslimiin ahayn wayo hadaad dhimatid Naxariis kuma taalo waa galka kaas

xitaa kan muslika ah siduu Nabiga Scw noo sheegay in uu naarta kasoo buxi doono qof Muslim ah
Waxaan alle ka magan galeynaa inuu nagu darin 2wdaba


Janiiska ugu wayn maanta ayaad haysataa ku duceyso sida tan  iyo kuwa aad taqaanid oo kale


Allow waan ognahay inaan aan wadan calmal wanaagsan
Aqirana aad nooga digtay anagoo aduunka joogna

Rabiyow maanta ayaan haystaa fursada ugu wayn maanta warkayga sifiican ayaad u maqleysaa waadna iga Ajiibeysaa wayo adoonka gacantiiso Maran Alle masoo celiyo maanta waa jime Ii danbi dhaaf ii naxariisto Janatul firdowsul aclaa isii

Maanta waan ku baryayaa
Aqirana camalkaaga meeshu ku geeyo waaye camalna laguma kalsoonaan karo ilaaa Naxariistaada mooye
jirkayga  Aaqiro naar ka ilaali
Aduuna igu sii cml wanaagsan oo Naxariistada ka Marney  Aqiro waa daarul imtixiin manta ayaan fursad u maskadeydana kusoo dhacaday allow waa jaanis aad igaradsiisay allow Aaqiro Naar waan ka magan galay aduuna risqi wanaagsan isii
Xumaanta indhahayga ka dad


Ku duceyso inta u dhexeysa
Salaad casir ilaa salaada maqrib dhexdooda wayo culimada intoodabadan waxay isku raacsan yihiin
Inay ku jirto saacada la ajiibo ducada


Fiiro gaara ma dheheyno Aqiro Alle dad uma naxariisto way jirtaa inuu Alle dadkamida uu  janada geliyo xitaa xisaab la'aan wayo wax waliba oo cuneyno halka aan ku dhimaneyo Alle xagiisa way ka qoran yihiin naar iyo janba kaad gali lahayd wey qoran yihiin

Marka ay zaxaabada ku yiraahdeen Nabi Allow maadama aqiro wax waliba ladiyaariyay kawarn hadaan midaan ku kalsoonaano oo maxaan isu dhibeynaa

Nabigeena Scw wuxuu ugu jawaabay qof waliba wixii loo abuuray ayaa loo fududeeyay
Adigoon ogayn waxaad gali lahayd
Jana iyo naar hadey fisqiga kuu fududaadan kawaran


Sidoo kale waxaa jiray xadiis uu nabigeena Scw uu leeyahay qof waliba wuxuu janada ku leeyahay
Boos sidoo kalana Naarta boos ayuu ku leeyahay

Alle wuxuu nadoorad siiyay 2
Inaan la imaan larno camal wanaagsan iyo mid xunba

Hadii aad iska ilaalisid camalka xun naxariina waydiisatid oo aad ducada badidid oo aad tiraahdid
Allow adoonka  doorasha malahan waa naxariistaada Rabiyoow maalinkaa kuwa shalayna ha igu darin kulama tahay inuu Alle iska kaa indha tiraayo walle ayey katahay qof alle barayay inuusan ducadiisa dayaceynin inuu hore ka hello in iyo danbigaas kadaran ay kusoo socotay uu Alle ka badbaadiyay iyo inuu Alle Mizanka aaqiro kuugu daray waa intaa


Sidee baad aduun ugu mashquul santahay iyadoo  ay aaqiro daarti lagu nagaanayay tahay
Sidee baad isku racisay guri aad marti ku tahay


Duceyso
Xanuuka ka duceyso
Libaan aaqiro ku duceyso
Riqi wanaagsan ku duceyso
Iimaan wuu lacilfaaye imaan wanaagsan ku duceyso 

Salaada casir iyo maqrib dhexdooda

Weliba waxaan kugula talin lahaa tan aaqiro inaad badsatid wayo halkaan safar ayaan ku nahay waqtiga ladhimanaayo lama oga
Intee dhalinyaro taqaanay dhimatay
Halkaa baad u socotaa kumana lihi aduun dhan inaadan ku duceysan wayo Nabiga Scw ayaa ka duceysan jiray Allow aduun wanaagsan iyo Aaqiro wanaagdsan isii


Waxaan qaladay Natayda iyo shaydan bay u sugnaadeen waxaan saxayne Allah SWT xagiisa ayey ka ahaadeen

Mohamet Ahmet

02 Oct, 10:26


https://t.me/OGAANSHAHANOLASHA67

Kala soco xigmado ku xiisa galiya