Jacayl aan dhamaanayn

@jacayl_aan_dhamaanayn


   ❀▬▬▬▬✪▬▬▬▬❀
𝕁𝕒𝕔𝕒𝕪𝕝 𝕒𝕒𝕟 𝕕𝕙𝕒𝕞𝕒𝕒𝕟𝕒𝕪𝕟..
   ❀▬▬▬▬✪▬▬▬▬❀       
             ♡ ㅤ    ❍ㅤ            ⌲
Qisooyin jacayl ah ayaan kusoo gudbiyaa channel ka, inaad kusoo biirtaana farxad wayn bay ii tahay💚        

Jacayl aan dhamaanayn

03 Oct, 05:42


Ma u xiistay wakhtigii aad seexan jirtay 8 habeenimo, 7 subaxnimana aad kici jirtay adigoon wax hawl ahi ku sugayn...?

Jacayl aan dhamaanayn

02 Oct, 04:56


Waa xagee deegaanka ama goobta aad jeceshahay inaad wakhti ku qaadato markaad kaligaa tahay?

Aniga:koonayaasha magaalada.

Jacayl aan dhamaanayn

01 Oct, 19:27


Qoraaladii jacaylka masoo fasaxaa🙌

Jacayl aan dhamaanayn

01 Oct, 18:50


Waan idin salaamay saaxiibayaal🙌 wakhti badan baynu kala maqnayn runtii waxaan rajaynayaa inaad fiicantihiin

Jacayl aan dhamaanayn

05 Jun, 12:35


Khalifki 5 e dawlada cabasiyinta.

Qormada1.
Qisadi dhexmartay isaga iyo sharlman.

''Waqti waqtiyada kamid ah ayuu Haaruun Rashiid udiray Sharlman oo aha poqorka Roomka ee Franciska hadyad taaso cadaynaysa ilbaxnimada iyo awooda islaamka hadyadaasna waxa ay ahayd saacad aad ubaaxad wayn oo ay waxba ka garranayn reer yuribiyanku taaso gudaha qasriga codkeda lagawada maqlayo marka ay gadho 12 :00 taaso ay hogamiyayaashi iyo Ruhbanti kinisaduhu ayba yidhahden shaydan aya ku dhax jiro oo ka dhadhaqajinaya dabadeedna ay jabiyeen ayna xaqiiqsadeen jahligooda ugu danbayntiina lataliyayaashi sharlman usobandhigeen in haaruun rashiid uu udirro dhanbaal kaaso ah in uu usoo dirro khubarro muslimin ah o hagaajisa saacada ay jabiyeen sharlman uukadiiday taasu u arko quudhsi nafsadeed''

-Taasi waxa ay ahayd ilbaxnimadii u kala dhaxeysay labadaas dawladood .
-Halka ay tarikhdu sheegto waqtigaas umada muslimka e badiyaha iska dagan in ay wax akhriyi jireen qorrina jireen,taas lidkeed ay iyagna farlaawayaal ahayen ila inta siyasada iyo kuwa kinisada joogta mahine.
-Marwalli ood islamka sida hadda loo liidayo eegtid ha quusan ee tarikhihi an lahayn raac taaso rajo aad uwayn ku yeelaysa.

W/Q: hamdaorah.👇

https://www.facebook.com/zumich.med

Jacayl aan dhamaanayn

31 May, 19:14


DACAW.
Dadka qaarkood xataa ma raadiyaan sabab ay kuu la murmaan.

Waa sidii dacawadii fuulay biyashubka halka uu kasoo rogmanayo ee wanka hoostaagan halka uu biyaha ku shubayo ku eedaynayay, in biyihii uu cabbi lahaa uu wasakhaynayo , wankiina uu ku yidhi ''war biyuhu Korna way ka imanayaan hoosna way usoo dhaadhacayan,adiguna waad iga sarraysa oo waad iga hor cabaysaa.'' Dawaciina uu ugu war celliyay '' miyaadan ahayn kii gugii hore icaayay ?!.''
Wankii''war gebigayguba lix bilood ayaan jiraa''
Dawacii''haddaba aabaha ayaa icaayay''
Wankii''agoonnimo ayaan ku dhashay oo aabahayba ma garanayo!''.
Ee inta uu xanaaqay dacawadii uu ku yidhi ''haddaa awowgaa ayuu ahaa kii icaayay !''.


Cassariye!.

Jacayl aan dhamaanayn

30 May, 08:55


Waxay yidhahdeen '' Hooyada falastiiniyada ee uurka leh iyadaa khaldan sababto ah maxay markuu madfacu soo socday teendhada uga bixi wayday''


Rabigiin idinma moogana.

Jacayl aan dhamaanayn

24 May, 20:55


''Loollanka nafta aya ka qurux badan Loollanka dadka''.

Wa in aad kudadasha joogtada maanta ahi inay ka fiicantahay tagtadii shallay ahayd,ey noqon loollanka dadka kale.

Jacayl aan dhamaanayn

23 May, 17:11


Samaha iyo xumaha.

Ma jiro qof aan dhibaabaha nololeed wax ka dhadhamin.Ifkani waa arlo kadeed iyo rafaad.....

Waxa lagu soo tebiyay buugaagta sooyaalka , in Dulqarnayn markii uusoo gaadhay Baabil uu aad uxanuusaday , uuna dhaaday in ay seeftii malaggu ku dhacday ,madi ay keligii hooyadii dhashayna wuu ahaa.
Markaasuu hooyadii udiray wan wayn oo u raaciyay dhambaal ah , in ay wankaas haysato , haddii uu dhintana ay qasho oo ay kariso ,kadibna ay dadka uyeedho oo ay ku tidhahdo ''QOFKII AY MAALIN UN DHIBAATO KU HABSANOW CUN KII KALOWNA KATAG...''

Markii ay warkii dhimashadiisu soo gadhay ayay ilahay mahadisay ,fulinta dardarankiisana way uguntatay.
Kadib sidi uu faray dadkii ayay iskugu yeedhay,waxa ayna la amakaagtay in ceeshki halqofna usoo xaadirrin!.

Markasay fahantay dhanbaalki wiilkeeda ,een in ay jirrin qof aan rafaad iyo kadeed lakulmini, ilkasta oo noolina ay maalin ilmaysay.



Dhiganaha Casariye
Boga:89

Jacayl aan dhamaanayn

19 May, 17:05


https://t.me/addlist/dskn1hSr4pBiMTU0

Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. 😇

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼o 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻, 💙😘



▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂ 
➦ SPONSORED BY
  ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿
↪️ @jaceylqore
↪️ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
↪️ @learn_english012
↪️ @Hagaajinaftaada
↪️ @Wadada_Guusha
↪️ @Arabic023
↪️ @taladaqoyska
↪️ @Caafimaad2
↪️ @Xikmadle
↪️ @kadisaqoon
↪️ @kalandarka_Hijriyada
↪️ @wadnojacayl
↪️ @Lamaane24h
↪️ @Qalpijaceyl42
↪️ @mustaqbal7
↪️ @jowharadi1ifeysay
↪️ @Iibiye_online
╚═══════ - ════════╝

♧Guddoomiyaha kooxda♧
http://t.me/Wll_musab

Jacayl aan dhamaanayn

19 May, 17:01


وقل رب زدني علما


Linkiyadaa hoose ku dhufo 👇👇👇

Jacayl aan dhamaanayn

14 May, 20:30


Waxaan La Noolaa Qolfoof 💀 Qaybtii u dambaysay..

Dadkii buu ka dhex baxay, laba kalmadood hadii aad is waydaarstaan waxaad ahayd qofka ugu badan ee ay maalintaa wada hadleen, wax badan waxaan kula taliyay inuu iska ilaabo naftiisana samirsiiyo balse hadalkaygaasi mabuu ahayn mid wax ka tarayaa naftiisu heerka ay gaadhay.

Wuxuu ii sheegay inay jirto oo ay dhacday maalmo ay iska soo hor baxeen gabadhii uu jeclaa oo reer yeelatay mar iyadoo caruurteedii wadata mararkalena iyadoo ninkii calmaday la socotay, habeenadaasi waxay u ahaayeen habeenada ugu murugada badan barkintiisuna ilmo ayay qoyi jirtay......

Hadal kasta oo uu ka sheego iyada toos ayay u taabanayaan waayo waxay usoo joogtay habka ay noloshiisu noqotay intii dambe iyo miskaxdiisu siday ay noqotay, sidoo kale habeenadii uu u dhawaan jiray geerida ee gogoshu ilmada qoyi jirtay wixii keenayay bay ogaatay.....

"Alle hakuu naxariisto dar xumo waad soo dhamaystee", bay niyada ka tidhi iyadoo ilmadu ka qubanayso...

Qolfoof Baan La Noolaa intay tidhi bay iyadoo xejin kari la' nafteeda gurigeedii tagtay dhinicii uu gogosha kaga seexan jiray baanay jiifsatay iyadoo qaabkiisii u ilmaynaysa.


....Dhamaad..

Qof aad dhaawacday baa waxa laga yaabaa inay ku dhib mutaan dad kale...

Qalinkii Yahye Faisal.

Jacayl aan dhamaanayn

13 May, 19:04


Waxaan La Noolaa Qolfoof. Q:5aad

Ayaamihii geeridu markay dhamaadeen maalin waxa iskugu imid gurigii qoyskiisa dhamaan xubnihii qoyskiisa, waxa sidoo kale yimid wiil ay saaxiibo lillahiya ahaayeen dhankoodana aan la kala mari jirin, sheeko wadaag wakhti badan qaatay baa ka dhacay meesha, qofkii ugu kalmada dheeraa intuu hadalka wadayna dadka meesha joogaa ay dhabanka iyo gacanta isku hayeen marna ilmadu ay ka qubanaysay dhabanada dhamaan dhagaystayaasha wuxuu ahaa wiilkii ay saaxiibka ahaayeen, hadalkiisuna wuxuu ku saabsnaa waxyaabo aanay xitaa hooyadii ka ogayn wiilkeeda balse uu saaxiibkii ogaa.... wuxuu ka sheekeeyay xaaladii noloshiisa dhamaan majareheeda badashay kuna keentay inuu noqdo shakhsiyad gebi ahaanba kasoo hor jeeda cidii uu ahaa....

Wuxuu jeclaa iyaduna jeclayd gabadh ay isku fac ahaayeen, wakhti aad uqurux badanna ay soo wada qaateen, isaga halka dhalinyarta la xiliga ahi haklay dumar badan la sheekaysan jireen ugu yaraanna ay qof hore soo mareen isaga wuxuu ahaa jacaylkiisaasii kii koobaad ee uu sameeyo, wuxuuna ahaa ka kaliya ee uu wado, markastana fikirkeeda ayuu ahaa, xiligaasi waxay ahayd xiligii uu ugu tamarta badnaa talaabooyinkii ugu fiicnaanaana uu qaaday, wuxuu markasta ku fikiri jiray siduu horumar degdeg ah u gaadhi lahaa si uu hore ugu guursado qofta uu naftiisa u hibeeyay si aanuu wakhti badani ugaga lumin wada hadalka badan.

Markaliya ayuu joogsamay isna badalay wajigiisii furnaa, gebi ahaanna dumarku ay noqdeen cida uu ugu necebyahay aduunka hadii uu awood u heli lahaana gebigoodaba wuu layn lahaa, qoftii ay mudada wada socdeen baa banaysay booskii ay ku jirtay ee ay noloshiisa ku lahayd..

Jacayl aan dhamaanayn

13 May, 06:10


Waxaan La Noolaa Qolfoof...Q.4aad

Waxaan go'aansaday inaan u sheego arintan waalidkii bal in ay wax iiga sheegaan xaaladan si ay wax isku badalaan, way iisoo laab qaboojiyeen waxayna igu idhaahdeen iska samir isagana anagaa la hadlaynalee.

Dhowr cisho kadib waxbaa is badalay wuxuuna bilaabay inuu isticmaalo woxoogaa kalmado ah sida ma waxbaad u baahantahay oon dibada kaaga soo iibiyaa markaan soo noqdo iyo xaal waraysi markuu imaado inuu I waydiiyo xaalkayga iyo sidaan ahay, sidoo kale wuu kasoo guuray qolkii uu daganaa waxaanaan wada dagnay qolka hurdada, mudo ayaanaan sidaa ku wada noolayn.

Habeen buu kusoo daahay dibada xili dambe ayaanu imid iimanuu sheegin waxa ku dhacay, Anna War badan kuma sii furinba, waxba muu cunin siduu usii socdayna gogoshuu isku tuuray wuuna seexday, anigoo yaaban baan jiifsaday Anna, hadii aanu cabaar hurudnay markay maraysay saqdii dhexe ayuu bilaabay hadal aan erayo la fahamayaa ku jirin, lagana dheehanayo daal gudeed, waan baqay markii hore waxaanan mooday inuu dhimanayo waxaan sameeyana waan garan waayay, madixiisa ayaan taabtay waxaad moodaa girgire dab ah in lagu shidayo, labadiisa indhood muu kala waxase ka qubanaysay ilmo aad moodo biyo qasbad kasoo boodaya...

Subixii markii la gaadhay waxba umaan sheegin isaga waxbana kamaan waydiin waxa helay waxaanse wacay hooyadii anigoo u sheegay xaaladuu ku jiray waydiiyayna inay hore u dhici jirtay iyo inay imika uun tahay. Waxay ii sheegtay inay jiraan xiliyo uu sidaa noqdo sababtana aanay garanayn, sidoo kale waxay iisheegaty talo ahayd inaanan waydiin waxa ku dhacay ee aan ugu dul qaato uun iskalana noolaado ciladaas.

Maalintii iigu naxdinta badnayd ayay ahayd sababtoo ah maaha wax yar waxa aan xalay arkay gurxanka iyo taaha laabtiisa kasoo baxaysa waxaad moodaysay libaax cadho kix ah, ilmadu iyadu qiso kale ayay ahayd oo waxaabad mooday ilmo yar oo hooyadii waayay siduu u eekaa.

Xaalkuu sidaasuu ahaa mudadii aanu wada noolayn ee 10 ka sanno ahaa way jireen waxyaabo kale oo naxdin ah oon ka arki jiray balse maalinna dhibtaas ilamuu wadaagin aniga dhankaygana wax dhibaato ah kalamaan kulmin.....

Waxa u timid tiisii adduunkii baanu macasalaameeyay, dhan marka laga eego nafis bay u ahayd isaga oo waxaasoo dhibaato ah buu ka nasanayaa.....

Jacayl aan dhamaanayn

12 May, 05:48


Waxaan La Noolaa Qolfoof. Q:3aad

Waxaan go'aansaday inaan u sheego arintan waalidkii bal in ay wax iiga sheegaan xaaladan si ay wax isku badalaan, way iisoo laab qaboojiyeen waxayna igu idhaahdeen iska samir isagana anagaa la hadlaynalee.

Dhowr cisho kadib waxbaa is badalay wuxuuna bilaabay inuu isticmaalo woxoogaa kalmado ah sida ma waxbaad u baahantahay oon dibada kaaga soo iibiyaa markaan soo noqdo iyo xaal waraysi markuu imaado inuu I waydiiyo xaalkayga iyo sidaan ahay, sidoo kale wuu kasoo guuray qolkii uu daganaa waxaanaan wada dagnay qolka hurdada, mudo ayaanaan sidaa ku wada noolayn.

Habeen buu kusoo daahay dibada xili dambe ayaanu imid iimanuu sheegin waxa ku dhacay, Anna War badan kuma sii furinba, waxba muu cunin siduu usii socdayna gogoshuu isku tuuray wuuna seexday, anigoo yaaban baan jiifsaday Anna, hadii aanu cabaar hurudnay markay maraysay saqdii dhexe ayuu bilaabay hadal aan erayo la fahamayaa ku jirin, lagana dheehanayo daal gudeed, waan baqay markii hore waxaanan mooday inuu dhimanayo waxaan sameeyana waan garan waayay, madixiisa ayaan taabtay waxaad moodaa girgire dab ah in lagu shidayo, labadiisa indhood muu kala waxase ka qubanaysay ilmo aad moodo biyo qasbad kasoo boodaya...

Jacayl aan dhamaanayn

10 May, 17:30


Q.2aad

Aamusnaanta iyo maqanaan joogista ay dadka iyo cid kastaaba ka arki karayso waxa u dheeraa waxyaabo aan kaligay arki jiray oo habeenkii uun ku khaas ahaa....niska dambe ee habeenkii kulaylka jidhkiisu aad buu u siyaadi jiray,taah cod hoose ah iyo hurdo xumana way u wehelin jireen, habeenada qaar waxa u dheeraa kalmado aan la fahmayn micnahooda laakiin isku mid ah.

Nolol adag baan kusoo koray anigu hooyo iyo aabo mid toona maan lahayn, waxaanan ahaa gabadh shaqaale ah oo u dhaqaysa reer ay qaraabo yihiin isaga qoyskiisa. Ma garan karo sababta saxda ah ee laygu dooray balse waxaan hubaa in ay jirtay cilad isaga ah oo ay aniga iigu dooreen maadaama aan ahaa qof hoose oon cid lahayn layna arkay fursad maadaama aan laftarkaygu ku hamin jiray inaan mar uun noqdo marwo guri ay leedahay ka shaqaysa intay dadka kale u shaqaynayso, qoyskoodu waa reer hanti ilaahay siiyay wakhti badanna may qaadan inaanu aqal galno, aniga shaki baa igu jiray iyo walaac ku saabsan qofka aan noloshayda inta ka dhiman la wadaagayo maadaama aanaan maalin qudha wada hadlin,waalidkiisuna ay ahaayeen cida kaliya ee arinta wada, dhanka kale farxad bay ii ahayd waayo marwo ayaan noqonayaa.

Mudo bil ah baanu wada joognay anagoon isku qol seexan jirin sidoo kalena wax hadala aanu na dhex mari jirin, kaliya wuu soo galaa waxbuu cunaa wuu seexdaa wuu baxaa maalinta dambena sidaa si leeg, maalhaha qaarna cuntaba muu cuni jirin waxaanu igu odhan jiray waan soo cunay ee uma baahni, arinta cajiibka ahi waxay tahay maalin maan arag qolkiisa oo wuxuu igu odhan jiray anigaa hagaajinaya ee iskadaa hana soo galin....

Jacayl aan dhamaanayn

10 May, 12:21


Waxaan La Noolaa Qolfoof. Q.1


10 sanno maalin maalin kamay duwanayn,gebi waxay ka sinnaayeen tijaabinta samirkayga, waxaan ku noolaa nolol wax jacayl ka madhan.

Muu ahayn qof ka madhan naxariista sidoo kalena dayac laguma arkin maalin qudha, baahi iyo dan soo baxday oo aanu gufayn may jirin kaliya marka laga imaado baahida jacayl een anigu qabay.

Qof kasta waxa jirta caqabad nolosha la deris ah una ah waxa ugu wayn ee uu jabin lahaa hadii uu awood u helo,walow ay jiraan dad ka baxay caqabadaas balse ay faro ku tiris yihiin.
Qofkasta oo arkaa wuu garan karaayay inay wax ka khaldanyihiin balse halka miskaxda uun bay cid kastaa u qaadan jirtay, in aanay dhanaystirnayn miskaxdiisu balse wax shaqo ah kumuu lahayn malaha iyo aragtida ay dadku ka qabaan, waxana tusaale kuugu filnaa siduu u daryeeli jiray caruurtiisa iyo arimaha guriga, sidoo kale muu ahayn qof dadka kale wax dhibaato kala kulmaan, af iyo addin ba wuxuu ahaa qof laga nabad galo.

Jacayl aan dhamaanayn

09 May, 15:55


100 subscription intee baynu ku gaadhi karnaa tolow?👆

Jacayl aan dhamaanayn

09 May, 15:54


https://youtube.com/@Picture_of_day__?si=m1LWBkGd1puwMGQL

Jacayl aan dhamaanayn

04 May, 18:49


Maallinta saxaafadda waxaa gobonimo guntaday, oo aan u hibeeyay wilka u dhashay arladi anbiyadda falstin, abu cubayda. Afhayeenka ururka gobonimo-doonka falastiin. Alle wayne ha idiin garab gallo. Allenna ha niga yeello kuwa guulaysta labadda darroodba. aadbay uu addag tahay muddo todoba billood in aad Soo taagnaatid dagaal dhinnacyo baddanna ku jirtid. Walibanna Hal adaygaaginna isbadellin—Swirkan waa isbedelka ku yimid muuqis, 2023 - 2024

..