Wanaag Bile

@wanaagbil


"إنَّمَا الأعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ ، وَإنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى"

«اللَّهُمَّ رَبَّنَا اجْعَلْ أعْمَالَنَا خَالِصَةً لِوَجْهِكَ الكَرِيمِ»

" Waari Meysidee Wax Ha Kaa Haraan ".

Wanaag Bile

27 Sep, 14:47


قال رسول الله ﷺ:-
{ اقْرَءُوا القُرْآنَ ؛ فَإنَّهُ يَأتِي يَوْمَ القِيَامَةِ شَفِيعًا لِأصْحَابِهِ }.

 Rasuulka Illahay {NNKH} wuxuu yiri:-
" Akhriya Qur’aanka, Maxaa yeele  waxa uu shafeeco u yahay asxaabtiisa maalinta qiyaame."❤️


╭┈──────────────
╰┈➤. Ißraahim Haaji Salath.

#WanaagBile.

Wanaag Bile

22 Aug, 14:26


DHAB UGA FIKIR.

Dhab uga fikir waxa Niyaddaada Ku jira iyo waxa si muuqata kaaga dhacaya , maxaa yeelay labaduba Alleeysan ka qarsoonaan Karin wuuna kaa abaal marinayaa.

{ قُلْ إِن تُخْفُوا مَا فِي صُدُورِكُمْ أَوْ تُبْدُوهُ يَعْلَمْهُ اللَّهُ ۗ وَيَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ }

U sheeg in waxa ay laabahooda Ku qarinayaan iyo waxa ay muujisanayaan Alle isku si u wada ogyahay labadubana Aakhiro ayeey kaaga horreeyaan waana lagaa abaal Marin doonaa waana sababta aan kuu leeyahay dhab uga fikir.


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

03 Aug, 11:53


اللهم اجعل هذا البلد آمناً.🤲


Allah SWT Ha unaxariisto Inta ku dhimaty inta dhawacna alle ha caafiyo 🤲😭

Shabaab iyo inta Af ku taageraysabo Maalin weyn baa dambeesa oo rabbul caalamiin kahortaganyhy markaas bee ka jawabi doonan sababta shacabkas musliminta ah dhiigoda ubaneesten ?


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

31 Jul, 11:34


Allah SWT ha u naxariisto Ismaaciil Haniyah.

wuxuu qaadday Wado ay adag tahay in qof hadda jooga uu qaaddo.

Waxaa la dilay caruurtiisii iyo caruurtii uu awoowaha u ahaa isma dhiibin, intabadan dalalka aduunka oo idil ayaa ka soo xirtay albaabadooddii hadana isma dhiibin, sumad kasta oo xun oo ay qof ku shaabadayn karayeen sida argagaxisnimo, IWM.. way ku shaabadeeyeen hadana Maanta markii uu shahiiday qof kasta oo damiir muslimnimo uu ku jiray geeridiisu waxay ku noqotay Musiibo iyo naxdin si gaar ah u taabatay.

Allah SWT Ha u gargaaro walaalha Muslimiinta Reer Falastiin 🇵🇸, Cadowgane Alle haka dul qaado 🤲.


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

30 Jul, 11:41


Irsaaqad uu qofku heli lahaa ayuu ku waynaa danbiga uu galayo dartiis

إنَّ العَبدَ ليُحرَمُ الرِّزقَ بالذَّنبِ يُصيبُه... الحديث

Walaalka muslimka ahow ogow danbigu wuxuu sabab u noqdaa cariiri aduunyo iyo cadaab aakhiro

Walaal dunuubta ka dheerow oo adeecida Allaah u dag dag.


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

16 Jul, 11:26


Fadliga Soonka Caashuura:

Nabigu wuxuu yiri: "Soonka maalinta Caashuura waxaan Ilaahay kaga Rajeynayaa inuu ku dhaafo danbigii sanadkii hore." maashaAllah.

وعن أبي قتادة رضي اللَّه عنه ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: " صيام يوم عاشوراء، أحتسب على اللَّه أن يكفر السنة التي قبله" .

bal maxaa ka wanaagsan inuu Ilaahay kaa dhaafo danbiyadaadii sanadkii tagay oo dhan gaar ahaan kuwa yaryar sababtoo kuwa waaweyn Ilaahay wuxuu ku dhaafa toobad In lala yimaado.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu ina waafajiyo soonka maalintan iyo inuu inaga yeelo kuwa loogu danbi dhaafo danbiyadooda.
Aamiin.🤲


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

07 Jul, 05:16


Hambalyo dhammaan umadda muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed dhalashada sanadka cusub ee hijriyada.


Waxaan rajaynayaa in sanadkani bilow ah unoqdo sanad badan oo Nabad, Horumar iyo Isku duubni muslimiinta iyo Somali🇸🇴 ku dakayso xaalada adagna aan ka diga rogono insha allah.

1446هجري


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

16 Jun, 14:48


Eid mubarak dhamantiin walalayaal, Farxad iyo cafimmaad ku ciida, Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan🤲.

عيد مبارك 🍂عيد الاضحى

الله أكبر، الله أكبر، الله أكبر، لا إله إلا الله،
الله أكبر، الله أكبر، ولله الحمد


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

14 Jun, 18:29


Fadliga iyo soonka maalinta carafo.

Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, waa maalin uu rasuulkeena Muxamad(NNKH) umada islaamka faray inay soomaan.

mar la waydiiyay uu yiri "soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda".

Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Allaah (SW) ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taaganyahay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in diintoodii loo dhamaystiray.

Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) naarta dadka ka xoreeyo.

Rabina adoomadiisa ugu dhow yahay,“Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabigeena suuban Muxamad(NNKH) yiri:-
"ma jirto maalin ka badan inuu Allah adoomanka ka xoreeyo naarta maalinta carafo ahayn".

Maanta oo ah maalintii 9aad ee bisha Dul-Xijjah (carafo) ayaa ah maalin aad u weyn fadligeeda. Maanta waa maalinta ay Xujeeyda ay u diyaar garoobayaan inay istaagaan buurta Carafa, tasoo ka mid ah tiirarka uu Xajka ka kooban yahay kan ugu weyn, oo la’aantiisu uusan ansax noqonaynin xajka,

sida uu Nabigeena Muxammad (NNKH) uu u yiriba: "Xajku waa Carafa".
taasoo loola jeedo istaagga buurta Carafa.

Ugu dambayntiina waxan eebaha awoodiisu sarayso ka baryayaa in uu naga mid dhigo aniga iyo dadka walaalahayga ah ee muslimiinta ah kuwa ka faaiidaysta maalinkaan ee loo dambi dhaafo.

Ißraahim Haaji Salath ✍️📝


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

02 May, 11:26


Gabar kasta oo Muslimad ah waa inay ogaataa Arrimahan:

1. Haku degdegin inaad ka guurto guriga waalidkaa. Way fududahay inaad guurto, laakiin way adag tahay inaad ku soo noqoto marka xaaladdu kugu xumaato. Arrin kasta ogaysii Waalidkaa oo kala tasho.

2. Ha sugin nin ku guursada, adiga oo aan baran inaad noloshaada dabarto. Waad noolaan kartaa nolol fiican adiga oo single ah. OGOOW, guur xalaal ah in aad hesho noloshaada waa u muhiim, laakiin guurka haka dhigan qorshaha kaliya ee aad sugayso.

3. Si haboon u labbiso: Muuqaalkaagu intaan lagula hadal ayuu sharraxaad ka bixinayaa nooca ay tahay shakhsiyadaadu.

4. Ka fogoow habeenkii inaad nin Hotel ama meelo cidlo ah haasaawe/Shukaansi ugu raacdo, Dumar badan ayaa sidaas lagu khalday, adna Dumarkaas waxba kama duwanid.

5. Ha adeegsan jirkaaga si aad usoo jiidato nin. Waayo ninkaas aad jirkaaga kuusoo jiidatay waxa uu rabaa waa jirkaaga/galmo, ma aha guur daacad ah.

6. Nin haku guursan lacag, haddii kale waxaad ka mid noqon hantidiisa.

7. Naftaada qiimo u yeel, aqoon baro, shaqo raadso hadday kuu suurto gasho. Haku talo galin dhib kasta in uu nin kuu xalliyo.

8. Quruxdu wax kasta ma aha, waxaad haysato hadday qurux kaliya noqoto, gabadh kaa qurux badan ayaa booskaaga buuxin karta. Markaa Isku day inaad aqoontaada Diineed, Maaddi iyo maskaxdaada dhisto.

U faa’idee Dumarkena oo sii Faafi.

Mohamed A. Kahn


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

03 Apr, 11:47


Appkaan haddii aad isticmaasho iska delete gareey. Waa App dad badan ay u isticmaalaan inay ka eegaan waqtiyada Salaadaha, Quraankana ka aqristaan. Horay waxaa loogu heystay danbi ah inuu xogta dadka Appka isticmaala iibsaday.

Waxaa taas ka daran xayaysiimaha ay halkaasi soo saaraan oo aanan munaasabka ku ahayn App Quraan iyo Salaad xambaarsan.

Waxaa intaasi kore ee dhan ka darneyd markii hadda ay soo saareen xayaysiin Israa'iiil ay leedahay oo arrimaha dagaalka ay waddo ah.

App dhaqan Islaam leh ma ahan, App Quraan aqris iyo waqtiyo Salaado ka fiirin loo adeegsan karana ma ahan.

Haddii aad isticmaashid iska tir.

F.G: Qofkii App uu ku bedesho raadinayo, haku bedesho Appka Mawaqit iwm


Ramadaan Mubaarak.❤️



╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

01 Apr, 19:09


FADLIGA TOBANKA DANBE EE RAMADAAN

Fadliga bisha ramadaan tobanka ugu danbeeya waxaa ku jira habeen aad u khayrbadan oo lamid ah adiga oo 1000 kun bilood cibaadaysanayey Allaha nawaafajiyo🤲

waxaa umada muslimiinta looga baahan yahay tobankaani danbe inay cibaadada aad ugu dadaalaan sida Nabiga NNKH uu ugu dadaali jiray oo Caaisha Allaha ka raali noqdee laga soo wariyey.

عن عائشة رضي الله عنها قالت: { إِذَا دَخَلَ الْعَشْرُ شَدَّ مِئْزَرَهُ، وَأَحْيَا لَيْلَهُ، وأيقط أهله }.
متفق عليه

CAAISHA (Allaha ka raali noqdee) waxay tiri:
" waxa uu ahaa Nabiga NNKH marka uu soo galo tobanka danbe ee Ramadaan, mid guntigiisa adkaysta, habeenkiisana nooleya, kiciyana Ehelkiisa "

[Bukhari iyo Muslim]


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

27 Mar, 18:58


Masjidka🕌 Ugu weyn Somaliya🇸🇴 .

- Masjid ka Cali jimcaale 🕌.

Muqdisho- Somalia 🇸🇴 ♥️


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

25 Mar, 15:06


قال رسول الله ﷺ:-
 { يا أيّها الناس، توبوا إلى الله، فإني أتوب في اليوم مئة مرة }.

Rasuulka Illahay {NNKH} wuxuu yiri:-
" Dadow u towbad keena Allah oo danbi dhaf weydista , Aniga waxan Alle u towbad keenaa Malintii 100 jeer " 🤲❤️



╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

21 Mar, 13:06


"Gobanimo kolkay baahatee, gunni wax siinayso Gacmahay wajigaa saarataa, saana loo garan'e"😢


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

15 Mar, 11:06


Dhaqan kan Halkuu kaso bilabmay ?
Xalkane waa maxay si loogu baxo ?

Dhaqankaan Waa mid kasoo bilowday guryaha iyo Habka loo koriyo Caruurta inta ay yar-yaryihiin.

Hadii lagu abaabiyo Wiilka oo la yiraahdo Waryaa Ha galin jiko oo alaab ha dhaqin oo shaqadaan adiga ma lihid waa shaqo dumar Ceeb waryaa ma gabarbaa tahay.

Qof sidaas lagu koriyay oo maalinti uu caqli yeshay ilaa uu ka qaangaaro kaliya arkayay howshaas oo aan looba ogoleyn ceebna looga dhigay in uuba qabto.

Maxaad ka filaneysaa marki uu reer yeesho wey adagtahay in uu fahmo sidi uu uga caawin lahaa xaaskiisa howlahaas guriga.

Sidaas darteed Hadii la rabo in dhaqankaas uu meesha ka baxo Waa in guriga iyo xiliga barbaarinta lagasoo saxo loona sheego in aysan ceeb aheyn in uu alaabta cunto karinta iyo shaqo kasta oo guriga taala hadii caawinaad looga baahdo.


╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.

Wanaag Bile

14 Mar, 16:21


Marmarsiyo Ma jiro ! Allah SWT ha nagu toosiyo Jidka saxda ah🤲.

╭┈─────────
╰┈➤. #WanaagBile.