Radio Muqdisho

@raadiyomuqdisho


Radio Muqdisho (راديو مقديشو‎) is a station radio broadcasting in Somalia. The headquarters for Radio Muqdisho is located from Mogadishu.

Radio Muqdisho

17 Oct, 18:09


Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta booqasho dhiirrigalin ah ugu tagay Ciidanka Qaranka ee ku sugan deegaanka Geerile ee Gobolka Galgaduud oo dhawaan Cadowga khawaarijta lagu jabiyey .
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalada sida ballaaran uga socda gobolada dalka.

Radio Muqdisho

14 Oct, 18:36


https://www.facebook.com/share/v/j6EK6Nm1bf7LdbDR/

Radio Muqdisho

08 Oct, 10:01


Ku dhowaad 60 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howgallo culus oo ka dhacay aagagga deegaanada Cowsweyne iyo Xawaadley ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. https://youtu.be/a0XXOpm8kfw

Radio Muqdisho

08 Oct, 08:38


WAR SAXAAFADEED

Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale Khawaarijta jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Muqdisho, October 08, 2024: ilaa iyo 59 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagar-qabe ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagar-qabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu cadowgu isku aruursanayay.

Hawlgalada bartimaameedka ah ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa la kordhiyay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si wayn cadowga loogu naafeeyay.

-Dhammad-

Radio Muqdisho

07 Oct, 12:35


Prof. Cismaan Dufle oo ka sheekeeyey sidii loo helay Isbitaalka Keysaney oo markii hore ahaa Xabsi, xiligii ay dagaallada sokeeye ka socdeen magaalada Muqdisho. https://www.facebook.com/sntvnews/videos/511449988376447

Radio Muqdisho

24 Sep, 12:51


Cabdishariid Khaliif Xaashi "Qof Soomaali ah oo cadowgiisa doortay inuu u nacamleeyo yaan waqti la isaga lumin, Soomaaliya hadafkeedu waa muuqdaa, qofkii doqonimo doorta isagaa khasaaray."

Radio Muqdisho

24 Sep, 07:26


Cabdishariid Khaliif Xaashi "Qof Soomaali ah oo cadowgiisa doortay inuu u nacamleeyo yaan waqti la isaga lumin, Soomaaliya hadafkeedu waa muuqdaa, qofkii doqonimo doorta isagaa khasaaray."

Radio Muqdisho

20 Sep, 14:58


Madaxweynaha JFS "Ka ganacsiga hubka waa mamnuuc, dowladana go'aan adag ayaa uga yaal, cidii lagu qabtaa kuna dagaalanto waalala dagaalayaa iyagana."

Radio Muqdisho

15 Sep, 09:22


Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose ayaa soo af-jaray koox Khawaarij ah oo doonaysay in ay dhibaateeyaan dadka deegaanka.

Warbaahinta Qaranka ayaa heshay sawirrada meydadka shan ka mid ah Khawaarijtii lagu dilay howlgalka, waxaana weli socda baacsiga firxadka Khawaarijta soo dulaan tagtay.

Radio Muqdisho

07 Sep, 10:50


Dareenka ardayda lacag la'aanta ku dhigata iskuullada ay maamusho dowladda Soomaaliya iyo bilowga sanad-dugsiyeedka 2024-2025 | Warbixin.

Radio Muqdisho

07 Sep, 09:56


Iskuullada dowladda oo saakay dib u furmay iyo dareenka ardaydaan wax ku barata canshuurta shacabka | Warbixin.

Radio Muqdisho

07 Sep, 09:38


Hawlgallo lagu ciribtiyo Khawaarijta oo ka bilowday Hiiraan.https://youtu.be/B0RmNKNm8Ug

Radio Muqdisho

01 Sep, 15:13


Madaxweyne Xasan Sheekh"Itoobiya annaga ayaaba dhul ku sheeganeyna ma waxa ay keentay in ay Soomaaliya oo xor ah dhahdo cad ayaan ka rabnaa ma suurabeyso taas."