KU DHIIRO ๐Ÿซต

@qalinka24


"Hadii Aad Caado Ka Dhigato Inaad Ka Carooto Wax kasta Oo Ku Raali Gelin Waaya, Ogoow Abidkaa Nolosha Kuu Xasili Meeyso,

YouTube ||www.youtube.com/@OGAALBULSHO

KU DHIIRO ๐Ÿซต

20 Oct, 16:33


""Dhibkayga haafkiis waa inaanan hadal badnayn, haafka kalana waa marka aan rabo inaan hadlo inaanan sheegan karin dhibtayda"

Ernest Hemingway.

KU DHIIRO ๐Ÿซต

15 Oct, 16:29


"Dunida Marti Ayeeynu Ku Nahay Waxaana Waajib Ah, In Aynu Is Kaashano๐Ÿ‘ฅ

KU DHIIRO ๐Ÿซต

13 Oct, 07:37


"Haddii Soomaali oo dhami Cadaabta aaddo, qabyaalad- du waxay ahaan doontaa gaadiidka geeyey halkaas!"

Maxamed Siyaad Barre

KU DHIIRO ๐Ÿซต

20 Sep, 18:22


"AFAR MAHMAAH OO BANAADIRI AH..๐Ÿ˜

1.Waaw ninkii dhaho usaa laga warsugaa.

2.Dabbaal haddii la dadaboolo lugahaa laga kasaa.

3. Buuma kaa weyn jinkaa ma ahan.

4. Mininkey iiga bax iyo maalkey isii meel loo moodo maleh.

KU DHIIRO ๐Ÿซต

14 Sep, 22:50


Mawliidka Suubbanaheenna Muxammad ๏ทบ waxa uu xasuusin u yahay farriintii bishaarada iyo naxariista ee Uu caalamkan keenay, iyo in aan sii fidinno Islaamnimadii, caddaaladdii iyo habdhaqankii suubbanaa ee uu ina faray.

Dhammaan Muslimiinta waxa aan u gu hambalyeynayaa munaasabadda Mawliidka Nebiga ๏ทบ.

KU DHIIRO ๐Ÿซต

13 Sep, 17:33


"Abuu Hureyrah Ilaahay haka raalli noqdee wuxuu yiri: Rasuulka CSW wuxuu yiri:

"Mu'minka lab iyo dheddig waxaa lagu imtixaami doonaa naftiisa, caruurtiisa iyo maalkiisa ilaa uu kala kulmo Ilaah isagoon dambi korkiisa sarneen"

Masjidka Al-Tirmidhi โœ

KU DHIIRO ๐Ÿซต

12 Sep, 11:12


DAACADNIMO

Dulmi iyo xasarad
Been iyo dowgeeda
Dambi ruux ka dhowrta
Daliilsha axaadiista
Duruusaha dheegta
Dantiisa ku foofa
Dibnaha ilaalasha
Daacadnimo ku hagaaga
Ayey dunidu deeqdaa
Daaโ€™in u kaalmeeyaa
Dadnimo ku noolaada abid

10/9/24

#Sanyaniisay ๐Ÿค

KU DHIIRO ๐Ÿซต

31 Aug, 07:39


"Noloshaada iyo dhibaatadaadu maaha filim xiiso leh oo aad dadka oo dhan uga sheekaysid.

Ku-dhiiro ๐Ÿซต

KU DHIIRO ๐Ÿซต

21 Aug, 17:55


"Markii Aad Bilowdo In Aad Dantaada Garato Ama Aad Danahaaga Raacato Waxey U Qaadanayaan In Aad Dadka Ka Go'aday Oo Buufis Kugu Dhacay, Dadka Marwalba Wey Iska Hadlaan Marnaba Ma Raali Gelin Kartid.

Alone ๐Ÿ‘

KU DHIIRO ๐Ÿซต

20 Aug, 09:39


"Ku Xidhnow Channel Keena YouTube Oo Subscribe Ino Saar Mahadsanid ๐Ÿ˜Š๐Ÿ‘‡

http://Www.youtube.com/@ogaalbulsho

Ogaalbulsho ๐Ÿ‘

KU DHIIRO ๐Ÿซต

18 Aug, 07:08


"Yaanu noqon werwerkaaga ugu weyn ee geeridu: goormaad dhimanaysaa? Xageed ku dhimanaysaa? Taasi kuma khusayso!, Laakiin werwerkaaga ugu weyn ee geeridu ha noqdo maxaad ku dhimanaysaa?

Nabigu Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato'e wuxuu yidhi: ยซWaxaa lagu soo saarayaa addoon kasta wixii uu ku dhintay.ยป
-Muslim

Qofka ku dhinta isaga oo samayna wax uu ilaahay raali ka yahay waa lagu soo saarayaa, qofka ku dhinta isaga oo samaynaya wax aanu ilaahay raali ka ahayna waa lagu soo saarayaa.

ุงู„ู…ูˆุชู ู„ู† ูŠู†ุชุธุฑ ุงุณุชู‚ุงู…ุชูƒุŒ ุงุณุชู‚ู… ุฃู†ุชูŽ ูˆ ุงู†ุชุธุฑ ุงู„ู…ูˆุช !
Geeridu ma sugayso toosnaantaada, toosnow adigu oo sug Geerida !

Maryama Said Nur โœ

KU DHIIRO ๐Ÿซต

17 Aug, 16:36


"Waan Jeclaan Lahayn In Aad Nagala Qeeyb Qaadato Hormarinta Kanaalkan O Aad Subscribe Dhahdo. Ogaalbulsho

http://Www.youtube.com/@ogaalbulsho

KU DHIIRO ๐Ÿซต

28 Jul, 12:48


"Xasuusnoow Nolushu Waa Imtixaan Islaamku Waa Nolol & Naxariis Salaadu Waa Nuur Soonku Waa Gashaan Zakadu Waa Xijaab Xajku Waa Dambi Dhaaf Sadaqadu Waa Keyd, Aakhiro Waa Lama Huraan, Qabrigu Waa Bandhigga Camalka, Aduunyadu Waa Dhalanteed ,

Mar Kasta ALLE Xasuusnoow Oo Raali Gali Waxaad Helli Liibaanta Aakhiro & Mid Aduunyo,

Si niyad ah Kusalli Xabibkeena {Scw}

KU DHIIRO ๐Ÿซต

14 Jul, 08:12


Nolosha farxad dhammaystiran majirto sida ayna u jirin murugo joogto ah.

U-Fiirso ๐Ÿซต

KU DHIIRO ๐Ÿซต

11 Jul, 07:47


Hanka kaabaay hooyo
Nafta hagaajay hooyo
Hooy lagu hirtaay hooyo
Ma huraaneey hooyo
Hiilkii noloshaydaay hooyo
Midaan isku hubaay hooyo
Hanfi igaba dhowrtiyo
Nafta ii huraay hooyo
Hubaal aadaan lagu helin
Habeen xaqaaga la gudin
Naxariistaadaan la helin
Hooyo daahiro luuley
Adaa horyaala hooyo
Haybad rabi ku sii hooyo
Sareedo ku waar hooyo
Darajana bal hano hooyo
Duni wanaag ku joog hooyo
Hoyguna Janada Hoooyo
Allah ha kuu hibeeyee hooyo

#mam๐Ÿซถ

@Umu_sulaymaan

KU DHIIRO ๐Ÿซต

06 Jul, 05:31


"Kacab wuxu yidhi: Qofkii geerida garta(xasuusnaada) masiibooyinka(dhibaatooyinka) aduunku way u fududaadaan. ๐Ÿ˜”

U-Fiirso ๐Ÿซต

KU DHIIRO ๐Ÿซต

22 Jun, 11:16


Abuu Hureyra Alle Haka Raali Noqde Wuxuu Dhihi Jiray,

"Qalbigu Waa Boqor, Xubnahana Waa Ciidankisa, Haduu Boqorka Wanagsanado Ciidankisana Wey Wanagsananayan,  Haduu Boqorka Xumaadana Ciidankiisa Wey Xumanayaan.

'Qalbiga Wuxuu Sameeyn Ku Yeesha Nolosha Qofka Bin Aadamka,  Wuxuu Ku Fikirayo Qalbigana Xubnihiisa Laga Dareemaya,  Wuxuu Go"aansado Xubahiisa Fulinaayan, Jiheeya Jirka Waa Qalbiga. โค๏ธ

Adoontii Rabbi โœ

KU DHIIRO ๐Ÿซต

15 Jun, 08:01


"Qof Walbow Alla Taladada Saaro  Kuna Kalsoonow Rabigaa Kuna Qanac Wuxuu Kuu Dooro, Qalbi Alla Tala Saartay  Ma  Jabo, Mana Duloobo, Ma hoogo, Mana Cabsado, Taladaada Rabbi U Dhiibo

Ku-Dhiiro ๐Ÿซต

KU DHIIRO ๐Ÿซต

15 Jun, 08:01


Qisadii Ninkii 99 Qof Dilay Mise 100 Kaga Dhigay Caalimka,

Sh Xuseen Cali
https://youtu.be/KNLSDx3d8x4?si=S3eTZDT_N--eZy9u

KU DHIIRO ๐Ÿซต

12 Jun, 09:19


"Dadka wax walba oo aad haysato ha u sheegin, dadka oo dhan ma niyad sama, dadka badankiisa xaasidnimo iyo masayr ayaa ku jira.


Oraahyoโœ

9,573

subscribers

957

photos

1

videos