Horeba waa u soconayey waana socon doonaayee mar uu taagnaa kaanta roolka 1940 kii dadkii soo raacay hadda cidi kalama socoto oo way ka wada degeen marka laga reebo midhan daallan oo weli saarsaasan kana dul dhookaysan kuraastii ay salka dhigeen watiga ay muddada intaa le'egi ka soo wareegtay ka hor. Hase ahaate waxa jiray watqi ay dhammaantood wada saarnaayeen oo ay ku kulansanaayeen baskaa gudhihiisa iyada oo uu qafba kursi gaara iyo si u khaasa u fidhiyey. Tusaale ahaan mar uu marayay kaantarroolada dhawr iyo toddobaantankii ama siddeetanaadkii oo ay midh midh mooyiyee intooda badani saarnayd midba wuxu ku sugnaa xaalad gaara. Tasaale ahaan;
Kursi waxa fadhiyey mid fannaan ah oo dadka baska la saaran in ka mida u muusikaynaye macno gaarana u samaynayey. Kursi kale waxa fadhiyey mid wadaad ah oo dadka ku waaninayey sidii ay uga fekeri lahaayeen una hagaajisan lahaayeen meesha ay ku degi doonaan isla markaana ay uga fogaan lahaayeen waxa fannaanku ku wado iyo waxyaabo kale oo aan danbi mooyi ee dan kale ugu jirin. Kursi kale waxa ganbadhuudhay ganacasade rakaabka ugu qayban wax yaabaha ay u baahanyihiin inta ay safarka ku jiraan. Kursi kale waxa fadhiyay mid dhakhtara oo hadba qofka rakaabka ah ee ruxanka baska ku wareera kaniin u qorayey. Kursi kale waxa fadhiyay mid majaajilayste ah oo inta kale maaweelo iy majaajillo ku marawaxadinayey si ay isaga fudaydiyaan qardada iyo dhibaatada ka soo gaadhasay suudalka iyo safarkan aan nuuxsadka lahayn ee jiho keli u jeedka ah.
Kursi kale waxa yuururay mid kirishboy ah oo waxooga yar ka ururinayay isla markaana iska dhigayey mid dadka kala nadaaminaya si uu hayaankaasi si habsami leh ugu sii socdo. Kuraasi kale wax dul yuub yuubnaa kuwo ilaaliyayaal ah oo haddii rakaabku murmo ama isdagaalo kala dhex galayay difaacaayeyna haddii dugaagga kanta la dhexmarayo ku nooli isku dayo inu soo weeraro ama soo hugureeyo. Kursi kale waxa fadhiya tuug shaqadiisu tahay inu rakaabka xado oo calfaha iyo alaabaha kaleba la daba maro.
Sidaasuun u sii wad oo inta gaadhigaa la saarnaa wax kasta oo rakaabkaasi u baahdo qof baa ku qaybnaa iyada oo uu qofkaasina rakaabkaas ka mid ahaa.
Ha giririfleeyo oo marba qof ha soo rogo midna ha soo fuulo ee waxan ka mid ahaa; kuwo mar danbe soo koray. Dadkaa aan ka sheekaynayo ee hore, qaar badan oo ka mida waan ku soo gaadhay iyaga oo la socda, qaarna waxay ka degeen intaanan soo fuulin waxayna kaga degeen meel ka shishaysa halkaan ka soo raacay. Intii aan ku soo gaadhay iyaga oo baska saaran ee la rogay dhammaantood waxa la dejiyay anoo baska saaraan. Qaar aan u jeeday markii la rogayay oo aan indhaha ku hayey iyo qaar kaleba way lahaayeen. Qaar aan ka murugooday oo aan waayitaankooda la madoobaaday iyo qaar kale oo aan itaabanba way isugu jireenn. Sidii maalinba qayb loo dejinayayna hadda waxa ku soo hadhay oo nala saaraan midhadh tabcaan ah oo daalka iyo safarka ku dheeraaday iyo ruxanka gaadhiga awgii wada matagaya oo kol dhaw laga jiidii doono ama laga lalin doono baskan xiimaya albaabadiisa. Gaadhiga qudhiisu waa daallanyahay oo waxa la fahansanayahay inu mar uu qallibmi doono iyada oo weliba lala socdo.
Waa safar iyo rakaab dhib badan haddana uu qofku jeclelyahay inu gaadhiga iska sii saarnaado iyada oon loo oggalayn oo laga yeelayn inu iska sii fadhiyo. Meel lagu dhuuntaana ma jirto. Sida loo fadhiyayaana waa si waafaqsan sida ay oggashay cida baarbuurka maamulaysaa(ููู
ูุงู ุฃููุชูู
ุจูู
ูุนูุฌูุฒูููู ููู ูฑููุฃูุฑูุถู ููููุง ููู ูฑูุณููู
ูุงูุกู )
Aniga iyo inta hadda ila saaraanow midka kasta oo innaga mida waa la rogi doonaa goor iyo meel gaara iyadoon cidi ogaysiin raallina aanu ku ahayn in la dejiyo. Nabad gelyo korkiinna ha ahaato.
โญโโโโโโโโโโโโโโโ
โฐโโค - AL-BUURDHAABI ๐ค