ILA QOSOL

@ilaqosol22


Kanalka ILA QOSOL waa kanaal aad ka heli doonto Sheekooyin ๐Ÿคฃila qosol ah๐Ÿคฃ


๐Ÿ˜‚JOIN DHEH๐Ÿ‘‰ https://t.me/ilaqosol22

ILA QOSOL

03 Oct, 19:51


Beri ayaa nin damcay inuu warqad ingiriis ah u qoro saaxiibkii oo jooga London.
ninku inyar oo ingiriis ah ayaa uu ka bartay buug la yidhaahdo, English for africa, isaga oo isticmaalaya intiisii yarayd ayuu saaxiibkii uqoray warqadan:

waxu yidhi:

You cut my leg(waad ilug gooysay)

my shop stands up(dukaankaygii wuu kacay)

and i opened my wife (xaaskaygiina waan fury)๐Ÿ˜‚

ILA QOSOL

06 Sep, 10:13


Gabadh ayaa jeclaatay wadaad muโ€™adim ah (Masaajid ka adima) markasta oo aadaankiisa ay maqasho waxey tiraahdaa alla wadaadku cod macaanaa. Nin naagta qabay ayaa ku dhibsaday arintaan wuxuuna mudo ka fikiraayay siduu uga reebi lahaa isagoon cidna u sheegin.

Markaasuu habeenkii dambe wiil yar fariin u faray kuna yiri โ€œHebla waxad ku tiraahdaa waxaa ku doonaya wadaadka masaajidka ka adima wuxuuna kugu sugayaa meel heblaayo ee u tag. Naagtii inta si hal haleel ah u labisatay ayay dag-dag ku tagtay halkii looga wacay, ninkii oo isna iska dhigaya wadaadkii ayaa inta soo xirtay dhar cad cad oo iska qariyay baa soo istaagay meeshii.

Naagtii oo ordeysay ayaa ugu tagtay halkii balantu aheyd, markaasey ku tiri, Alla waa wadaadkii codka macaanaa, Asc see tahay sheekhow? Isna isagoon u jawaabin buu ul

ku bilaabay markaasey ka carartay iyadoo aad u yaaban. Maalintii dambe ayuu adimay wadaadkii markaas baa ninkii yiri โ€œAlla waa wadaadkii codka macaanaa oo adimayo ee xaajiyo ma maqashaa?โ€ Naagtii baa inta soo booday tiri, โ€œMa cod macaanee balaayada naaguhuu dilaa ayaa meelaha laga sheeg sheegayay.

ILA QOSOL

12 Aug, 19:18


Sheko qosol badan

nin ayaa maalin kasta wuxuu cuni jiray rooti iyo basbaas lacag la'aan(shiid) darted muddo shan sano ah.
maalintii dambe ayaa waxaa u yimid sheydaan careysan ama xanaqsan markaasuu ku yiri garacow garac dhaley lawo mid soo gal.
in aad cuntada badasho ama aad bismillhi ku bilaawdo maalintaan ku bartey ayaa baabasiir iigu horeysay
ninki naxdin ma tiraahdaa, yaab ayuu meel la fadhistey.

adiga maxaa kaa qosliyey
  aniga waxaa ku qosley babasiirka๐Ÿ˜

ILA QOSOL

06 Aug, 15:12


๐ŸคฃSheko qosol badan ๐Ÿ˜‚๐Ÿ™ˆ๐Ÿ˜‚
Mamo gaarob ahayd ayaa waxaa uu joogtay gabar yaaroo aaad u qurax badan Raag badan ayaana kasoo doontay gabadheda laakinse waxay shardi uga dhigtay inay meherkeeda ka dhigaan 50 million runti lacagtu aaad bay uu badneyd cid ku dhiiraatana wa laa waye mamadana goankedu way ku adkeysatay
Wilka ayaa aad u jeclaadey gabadhii intuu dadaali kaaro ayuuna dadaley lacagta 30 million ah ayuuna so aruriyey aaabihis ayuunba sheegay Inu gabadhas doonayo waxa kale oo u shegay  shuuruda hoooyaded ee aheyd 50 million ka Yar nin wata inaysan siineyn gabadheda
Aabihi waxa uu  ku yiri wilkisa dhib malaha wilkeygow keen intaad heysid
Wilkii ayaa ku celiyey lakiin aaabe mamadas ana kaga aqoon badan 50 million ka Yar aqbali meyso
Aabihi ba hadana yiri adi wilkeygiyow keen haduu inad heysid raabii ayaana no fuduudeyne naakeena aan ku doone gabadha
Waxay tageen guriga ay gabadhas ka doonan lahayen is wareysi kadib aabihi waxa uu ushegay mamadi garobka aheyd Inu gabadheda wilkiisa uso Dooney 10 million ka dhigayan meherka
....mamadi aya isla markiiba hadalka dhexda ka gashoo tiri war maxaad shegii 10 million aaa
Aabihi baa hadalkii qatoo yiri ha iga dhex galin warka walalo 10 million kalena meherkaagi oo adiga ana ku raaba โ˜บ๏ธ
Mamadi intay dhoosha ka qoososhey tiri rabbi ha isu keen barakeeyoo Wana ogalahay wax kasta โค๏ธ
Markay deriskii weydiiyen sababta ay uga taanasushey goankedii ahaa 50 million in lagu mehersado gabadheda waxay tiri badeecaduba marka jumlo iyo tafariq lagu kala gadaanayo isku qiimo ma aha ๐Ÿ˜‚
Wilkina aaabihis buu 10 million ee so hartay  weydiyey aaabihi kulaha hoooyada ayaan maseer tir uga dhigaa intaas ๐Ÿ™ˆ๐Ÿ˜‚

Share ina dhahdid gacaantadu ha barato

ILA QOSOL

03 Jul, 18:05


โœ…Buugii aad wada sugayseen


๐Ÿ’ŽKani waa buug kaa caawinaya sidii aad u ilaalin lahayd caafimaadkaaga misna kaaga digaya waxayaabaha dhaawici kara caafimaadkaaga.

waxa uuna ku siinayaa Talooyin qiimo badan oo aad ku ilaalin karto caafimaadkaaga, waxaana qoray caalimkii waynaa ee ibnu Qayyim RX.

Waxa aan jeclaystay in aan ku turjumo afkeena hooyo.
๐Ÿ“—Akhri oo caafimaadkaaga ilaasho!


โ”โ”โ”โ”| ๐…๐š๐š๐ก ๐…๐š๐š๐ก๐ข๐ง |โ”โ”โ”โ”
๐—•๐˜‚๐˜‚g๐—ด๐—ฎ:  โž  50 Talooyin caafimaad ah
๐—ค๐—ผ๐—ฟaa:     โž  Abdullahi Abdirahman Ali
๐—ก๐—ผ๐—ผ๐—ฐ๐—ฎ:  โž  PDF
๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ฟ:    โž  1.0 MB
๐—•๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ:  โž  19
๐—•๐˜‚๐˜‚๐—ด๐—ถ๐—ถ:  โž 
#3aad


โ”|
@Mucjisoyinka_Quraanka|โ”

ILA QOSOL

07 Jun, 12:03


Caafimaadku waa shay qaali ah, waxa uuna ka mid yahay nimcooyinka aad u wayn oo ilaahay SW ina siiyey.
Waxaana dareemi kara nimcadaas wayninkeeda qofka aan haysan oo xanuunsan.
Waxaa inala gudboon in aan mar waliba ilaahay uga mahadnaqno nimcadaas.

Sidoo kale waxaa inala gudboon in aan ku dadaalno sidii aan u ilaalin lahayn caafimaadkeena.

Kani waa buug kaa caawinaya sidii aad u ilaalin lahayd caafimaadkaaga misna kaaga digaya waxayaabaha dhaawici kara caafimaadkaaga.

waxa uuna ku siinayaa Talooyin qiimo badan oo aad ku ilaalin karto caafimaadkaaga, waxaana qoray caalimkii waynaa ee ibnu qayyim.

Waxa aan jeclaystay in aan ku turjumo afkeena hooyo, waana turjumay ilaahay fadligiis.

Inshallah dhawaan ayaan halkaan idin kula wadaagi doonaa isaga oo pdf ah.



Nagu dhiirigeli oo inoo badi ๐Ÿ‘  ama โค๏ธ  &  ๐Ÿ’ฌ

ILA QOSOL

27 May, 10:58


ILEEN QOSOL LOOMA DHINTO๐Ÿ˜ƒ๐Ÿ˜ƒ

Beribaa Ri baa dheri madax la gashay. Ninkii reerkaa odayga u ahaa ee caqliga la bidayey baa yidhi "Rida ha la qalo" Kolkaasa hadana madaxii ku hadhay digsigii kolkaasuu hadana dherigii yidhi ha la jebiyo. Iyadoo uu Ridii iyo dherigiiba reerkii ka galaaftay ayaa uu hadana isagoo isu khushuucsan uu yidhi "Tolow hadday tayda noqoto maanta, tolow yaa reerka u talin doona" Eeshqiyaasak yaab, amakaag iyo af kala qaad ayaa bulshaddii u xigtay. Ismabuu akhrisan wadaadku inuu Ridii iyo dherigiiba galaaftay.๐Ÿคฃ๐Ÿ˜€๐Ÿคฃ๐Ÿ˜€๐Ÿคฃ๐Ÿ˜€

Adigu maxaad ku talin lahayd si ri'da madaxa looga saaro๐Ÿ˜๐Ÿ˜

@ilaqosol22

ILA QOSOL

26 May, 18:44


Maalin dhawayd baan iska so hor baxnay macalin xisaabta ii dhigi jiray, kadiban waanu isa salaanay dabadeedna waxa uu i weydiiyey bangiga dahabshiil xaga uu ku yaalo? Dabdeed waxaan ku idhi "macalin 360 degree wareeg, dabadeena soco masaafo 1.57m oo boqolka ugu dhaw loo duubay. Waxaad arkaysaa pharmacy weyn, kaas oo xagal qumman ku ah midigtaada, xagal daacsan uga dhaqaaq bidixdaada ka dib bangigu waxa uu kuu jiraa masaafo 144m oo xididka laga saaray labana lagu dhuftay". Subaxii hore ee saaka ayaan idaacada ka maqlayey, macalinkii oo la baafinaayo. Ha dareemo dhibaatadii anu dareemi jirnay xiisadiisa.๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

@ilaqosol22

ILA QOSOL

24 May, 18:57


Nin oday ah baa maalin walbaa marka uu salaada tukado, waxa u ku duceysan Jiray:

ILAAHOW: Naag Labaad ii sahal.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa markuu salaada ka baxay xaaskiisa soo ag istaagtay.

Saaxiibkaa kulahaa โ€œIlaahow siddii aan isku ogeyn lee ha inoo ahaato........
๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…

ILA QOSOL

17 May, 06:38


Hada ka hor baa juxe la yiri adaa cod macaan lahe kaalay salaada cishaha na tuji, markaasu aqbalay wuuna tujiyay.
Kadib dadkii baa kala dhamaan waayay oo mar waliba ku dhaha alle juxe cod macaanidaa.
markaas buu yiri:
Waliba ma aanan wayso qabinee hadan wayso qabilahaa waa la yaabi lahaa๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

ILA QOSOL

23 Apr, 18:00


๐Ÿ’ŽTafsiirka suurada al_Naas

๐ŸŽคSh maxamed cabdi umal

ILA QOSOL

30 Nov, 17:29


โœ… Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyeyโ‰๏ธ

Mucjisooyin badan ayaa ku duugan sababta rabbi innooga xaaraamtinimeeyey cabidda dhiiga.

Halkan ka akhriso cilmi baaristaan oo dhamaystiran ๐Ÿ‘‰ mucjisooyin ๐Ÿ‘ˆ

ILA QOSOL

30 Sep, 10:07


SHEEKO QOSOL BADAN ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ

Haweeney ayaa Go'aansatay iney Ogaato qaabka uu Ninkeedu Uga Falcelin lahaa Haddii ay Guriga ka tagto iyadoo aan u Sheegin.

Ka dib waxey u qortay warqad waxeyna ku tiri:- waan kaa tagay mana rabo inaan kula noolaado intaan ka badan", ka dib Warqadii waxey Dul saartay Miiska. iyadana waxey gashay oo ay ku dhuumatay Sariirta Hoosteeda.

Saacaddo ka dib waxaa yimid Ninkeedii, wuxuuna Aqriye Warqadii, ka dib waxuu Bilaabay inuu Heeso oo uu Ciyaaro isagoo leh "Anba waa ku Nacay, waana ku dhibsaday". ๐Ÿ™‚

Wuxuuna iska beddlay Dharkii, wuxuuna wacay Qof isagoo Faraxsan ayuu ku yiri "Gacaliso waan kuu imaanaa waan isla Cunteynaynaa tii Doqonta ahayd wey Ogaatay in aanan rabin, weyna baxday", wuuna baxay.

Xaaskiisa oo Sariirta ku hoos jirtay, wax walbana Maqleysay ayaa soo baxday iyadoo Niyad jabsan oo Go'aansatay iney iska baxdo, laakiin Warqadii ayey furtay, waxeyna Aqrisatay jawaaabtii uu qoray, balse waxaa Warqadda ku qornaa "Qaali waxaan arkay Lugahaaga, Taleefankana Been ayuu ahaa, Qofna lama hadlin ee naga daa ciyaarta Noocaas ah"๐Ÿ˜€๐Ÿ˜€ kkkkkk.

ILA QOSOL

07 Sep, 09:48


Bismillaahir-Raxmaanir-Raxiim
โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’โ–’
Assalaamu Caleykum, Mahad oo idil Allah ayaa leh, Naxariis iyo Nabad gelyona Nabigeena Muxammad korkiisa allah ha yeelo.
โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”โ–”
.... intaas ka dib;

Dhalinyaro Waxaan jeclaaday in an wax yar is dul taagno xadiis ka sugnaaday xabiibkeena nabad galiyo dushiisa allah yeelee.

โ–ช๏ธXadiiska waxaa nabiga inooga soo warinaya Saxaabiga Cabdiraxmaan ibnu cumar "Allah haka raali noqdee", wuxuu yiri : { Nabiga alle ๏ทบ, wuxuu reebay Qazaca }.

(yacnii timaha o qeyb laxiiro, qeybna laga tago)

Xadiithkan waxaa isku waafaqay
Bukhaari & Muslim.
~~


๐Ÿ”นHadaba waa maxay Qazac ?

โ€ข ๐Ÿ”ธ #Qazacu_culimadu waxay ku fasireen tamaha o qeyb laxiiro qeybna laga tago

โ€ข ๐Ÿ”ธ #Qazacuna wuxuu galaa: in la xiiro hal dhinac o Tinta ah, ama in la xiiro timaha qeybta kore lawada dhinacna sidooda loo daayo, ama in la xiiro dhinacyada qeybaha korna sidooda loo daayo o an la xiirin, ama sida ay sameeyaan dhalinteena wiilasha xitaa sidaa gabdhaha qaar wan maqlay sidaa in iyaguna sameeyaan.

๐Ÿƒ#Ogoow walaal ma banaana in timaha madaxa lakala dheereyo o qeyb la xiiro qeybna aan la xiirin nabigeena (Nnkh) waa diiday arinkaas.

Ama si siman uwada xiir ama iska wada-daa. Arinka noocas ah Karistaanka iyo Nasaarada ayaa uxiirata.

โ™ฆ๏ธ #Diinteena ma ogola in gaalo lagu deydo iyo in la jeclaado arinkaasna dhalinteena way ku badan tahay, waxaan filayaa in ay sabab u tahay diintooda ay jaahil ka yihiin, Barashadeedana aysan usoo jeedin lkn ay waqti u hayaan daawashada ciyaaraha gaalada iyo maala yacniga kale.


โ™ป๏ธ #Gunaanadka: Qofka muslimka marka loo cadeeyo arin ama xujo lagu oogo ma murmo, Uqaadan waana kuma noqoto , ee waxaa laga rabaa in uu yiraahdo wan maqlay waana qaatay.... mar hadii alle yiri rasuulkiisana uu yiri.

โ˜๐ŸปHogaansamid waxaa leh allah iyo rasuulkiisa, Nabad galyo ha usugnaato cida qaadata hanuunka iyo waanadan..

ุณู„ุงู…ูŒ ุนูŽู„ูŽู‰ ู…ูŽู†ู ุงุชู‘ูŽุจูŽุนูŽ ุงู„ู‡ูุฏูŽู‰...

ILA QOSOL

06 Aug, 14:47


Sheeko qosol Badan Oo Gaban ila aqriso in yar๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…

Xaliimo ayaa filimaanta hindiga aad u daawan jirtey
Oo ramantic iska dhigeysey ayaa ninkeeda oo jiifo habeen barkii Toosisey, kuna tiri waxaan ku waydiinayaa xabiibi,....

Jacaylku ma seexdaa habeenkii ?
mise
Habeenka ayaa seexda jacayl dartii ?
mise
Aniga iyo habeenkuba jacayl aan seexan ayaa nahaya Ma is tiri ????๐Ÿค”๐Ÿ˜ฑ

Faarax oo Hurdo Meel fiican u mareysey kana soo toosey ayaa ku yidhi ๐Ÿ˜›๐Ÿ™†โ€โ™‚๏ธ

Xabiibti Ma waxaad dooneysaa furiin ?
Mise
Furiinka ayaaba adiga ku doonaya ?

Mise adiga iyo furiinkaba laba is doonayso ayaa tihiin ?

Deg-deg ayey u seexatey iyada oo aqrineysa yaasiinka iyo iqlaas kuna cel-celineysa subaxanallaah xaaji raali noqo๐Ÿคช๐Ÿ˜…๐Ÿ˜…

Farah somaali is not easy๐Ÿ˜†๐Ÿ˜†๐Ÿ˜†

ILA QOSOL

14 Jul, 18:58


Gabar Huruda ayaa Habeenkii waxey ku Qarweysay Magaca Yaasiin, yaasiin, yaasiin.

Yaasiin waa Wiil ay Gabadhu Saaxiib ahaayeen oo ay aad u jecleyd.

Haddaba, Aabaheed oo soo jeeday Xilligaasi ayaa maqlay Gabadhiisa oo leh Yaasmiin, yaasiin, kolkaas ayuu ku Qeyliyey Cod dheer, isagoo leh Naayaa waa kuma Yaasiinka aad sheegeysid ?.

Intey dareentay inuu Aabaheeda ku qeylinaayo ayey Sheekada u beddeshay oo ay tiri (Wal Qur'aanil Xakiim).

Odaygii intuu yaabay oo illin ka timid ayuu yiri:- Istaqfirullaah, Gabadheydu waa ilma Xalaal ah, oo Qur'aanka ayeyba ku Qarweysaa ๐Ÿ˜‚

Waad ku qarwi kartaa Taliyaha iyo Madaxweynaha xitaa qofka aad jecashahay balse  sheekadaada  xal u hel oo aad ku baxsan karto  ! ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ

ILA QOSOL

10 Jul, 05:05


SHEEKO QOSOL BADAN

Nin ayaa xaaskiisa ugu cawday xifdintisa qur'aanka oo liidatay, waxey u balan qaaday hadii uu qur'aanka ku xifdiyo hal sano gudaheed in ay u guurineyso xaas labaad, ninkii qur'aanka lix bilood ayuu ku xifdiyay iyaduna saddex maalmood ayay soontay waayo dhaartee ayay burburisay oo uma guurinin xaas labaad.
๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

Ragu damac badnaa๐Ÿ˜‚

Dumarkuna khiyaano badnaa.
๐Ÿ™ˆ๐Ÿ™Š๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

ILA QOSOL

08 Jul, 19:22


Sheeko Qosol leh,

Dalka shiinaha ayaa soo saaray mishiin soo qabta tuugada, tijaabadii ugu horeesay waxa lagu sameeyay dalka talyaniga 20kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxa uu soo qabty 40 tuug, mareykanka ayaa la geeyay 20kii daqiiqo ee ugu horeesay wuxuu so qabtay 20 tuug

Afrika ayaa la keenay 3dii daqiiqo ee ugu horeesay Mishiinkii oo dhan ayaaba la xaday ๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

ILA QOSOL

04 Jul, 08:41


Oday meel fadhiya oo jawi degan isaga qayilaya ayaa waxaa soo ag martay naag rufyaan ah oo xaafadda macruuf ka ah, markaas ayay tiri: "Alla Aakhiro maxaa war yaalaa?"
Markaasuu dhahay: Adiga un war ha geyn. ๐Ÿ˜‚

ILA QOSOL

30 Jun, 18:11


SHEEKO GAABAN OO QOSOL LEH๐Ÿ˜…

Mid Ciyaalka xaafada ah oo tabliiq raacay baa lagu qoray inuu ka wacdiyo masjidka salaadda kadib, Xarfaankan aqoontiisa diini ma badneyn, waase la qasbay markuu soo istaagey ayuu wacdigii ku bilaabey sidaan:

"Akhyaarey diinteena inaba caadi maaha, Ilaahey naxariistiisana maba dhamaaneyso adinkaaba yaabeysiin, laakiin waa idin tuugaa danbiga aan gab ka dhahno, ajirkana sidey tahay ugu yaacno..!
xarfaaney waa inaad adkeysatiin oo xaliimo raadiska ka dhacdiin, aakhiro waxa idinkaga horeeyo bajaqyaal holac ah, laakiin hadaad marax ku noqotiin diinta.. ogaada in Ilaaheyna idinku daadinaayo, oo cadaab roobka idin kaaga dhigayo, ee waa idin baryaayaa aynu caadi iska dhigno !

kuwii loo wacdinayey ayaa qosol kala joojin waayey.. Markaasuu inta joojiyay wacdigii ku yiri: "xarfaaney ha idiin macaato Jannada!
Waana ka dhaqaaqey isagoo leh
"Anagaaba dhoorayaal waqti isaga luminey ๐Ÿ˜‚

4,811

subscribers

91

photos

2

videos