Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

@dunnidasuugaanta


"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh"

~Hazrat Ali

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

18 Oct, 21:25


Run ahaantii waa argagax , waxa ay Israaโ€™iil ka sameynayso gudaha Qasa - waa wax uusan shaydaanku sameyn karin. Waxay xabbad nool ku dhaawaceen wiil dhallinyaro ah iyagoo sugay illaa ay isku imaanayaan dad badan oo iskudayaya inay gargaar u fidayaan, marka ay tirada dadku badatay waxay goobta ku dhufteen gantaal!

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

18 Oct, 19:45


Rabat, Morocco ๐Ÿ‡ฒ๐Ÿ‡ฆ

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

16 Oct, 20:45


Waa sidee caqliyadda dhalinyarada Soomaaliyda ee qarnigan 21aad nool?
Qaab sidee ah ayey u fikiraan? Waa maxay maanhagahooda ay ku halbeegaan wax kasta?

Weydiimahani waxay bud-dhig u yihiin dood muhiim ah oo ka qabsoomi doonta telegram-ka

Goobta: kanaalka Dareenbulsho
Goorta: habeenimada Axadu soo galayso 9:00 xiliga Geeska Afrika

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

15 Oct, 18:38


Waxaa la yidhi caalimkii weynaa ee Jalaaluddiin A-Ruumo (1207 - 1273) ayaa la weydiiyey, โ€œWaa adigan oo mar kasta akhris iyo qoraal baad ku mashquulsantahay ee maxaad baratay ama korodhsatay?โ€

Waxa uu ku jawaabay, โ€œXadkaygaan bartayโ€

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

11 Oct, 13:29


Habeenka qaybtiisa danbe ayaan toosay si aan kuu habaaro, markii aan sujuudayna, qalbigayga ayaa iga adkaaday; waxaan arkay aniga oo kuu ducaynaya; kuugu ducaynaya farxad iyo badhaadhe; inaad qalbigayga si nabad ah uga baxdo. Nabad inaad qalbigayga uga baxdo, way ii rumowday; qalbigan hadda wax boos ahi kaagama bannaana. Farxaddaada iyo badhaadhahaaguna, waa sheeko adiga kuu taalla, wax faduul ahina iima hayso inaan ogaado; aniga ima xiisa geliyaan sheekooyinka ku saabsan dadka aannu shisheeyaha kala nahay!

W/T Mohamed Qaamuus

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

10 Oct, 18:02


โ•”โ•โ•โ•โ•โ•โ€ขโœญโ€ขโ€โ€ขยฐโ™›ยฐโ€ขโ€โ€ขโœญโ€ขโ•โ•โ•โ•โ•โ•—
๐‘บ๐’๐’Ž๐’‚๐’๐’Š ๐‘ท๐’“๐’๐’Ž๐’๐’•๐’Š๐’๐’
โœฏ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฟ โœซ โœฟ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฏ
๐Ÿ•‹ ๐——๐—œ๐—œ๐—ก๐—œ ๐Ÿ•‹
โถ @Diinteenna_Macaan
โท @Al_xakiim
โธ @QuruxdaIslaamka
โน @Hidaayatu_Rabi
โบ @Hogaan_Dumar
โป @Dhaqan_Wanaag
โผ @TamarsiintaRuuxda
โœฏ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฟ โœซ โœฟ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฏ
๐Ÿ† ๐——๐—›๐—œ๐—œ๐—ฅ๐—œ๐—š๐—œ๐—Ÿ๐—œ๐—ก & ๐—ซ๐—œ๐—š๐— ๐—”๐——๐—ข ๐Ÿ†
โถ @XikmadoSom
โท @Dhiiragaliye
โธ @AishaAhmed99
โน @QalbiDhaye143
โบ @KalimaKariim
โป @XaqiiqadaNolosha
โผ @Albaanichannel252
โœฏ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฟ โœซ โœฟ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฏ
๐ŸŒท ๐—๐—”๐—–๐—”๐—ฌ๐—Ÿ๐—ž๐—” & ๐—ข๐—ฅ๐—”๐—”๐—›๐—ฌ๐—ข ๐ŸŒธ
โถ @Dareen_side
โท @Hasancaashaq
โธ @Daren_Jaceyl
โน @MohametAhmed
โบ @Noqoxiddig
โป @DunnidaSuugaanta
โผ @Ruuxda
โœฏ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฟ โœซ โœฟ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฏ
๐ŸŽ“ ๐—”๐—ค๐—ข๐—ข๐—ก & ๐—™๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ข ๐ŸŽ“
โถ @MaanHage
โท @Farsamada
โธ @KobciAqoontaada2
โน @Guuleyso11
โœฏ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฟ โœซ โœฟ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฏ
๐Ÿ“š ๐—•๐—จ๐—จ๐—š๐—”๐—”๐—š ๐Ÿ“š
โถ @SomaliBooks
โท @SomaliLibrary
โธ @KobciyeBooks
โœฏ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฟ โœซ โœฟ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฏ
๐Ÿ’ซ ๐‘ฑ๐’๐’Š๐’ ๐‘จ๐’๐’ ๐‘ช๐’‰๐’‚๐’๐’๐’†๐’๐’”
https://t.me/dareenbulsho
โœฏ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฟ โœซ โœฟ โ”โ”โ”โ”โ”โ” โœฏ
โ Ma doonaysaa in ganacsigaaga lagu xayeysiiyo?
Hadda waxaad fursad u haysataa inaad adeegyadaada
ama badeecadaada u soo bandhigto dadweyne badan
oo ku jira kanaalada kala duwan.๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡โž

โŒจ๏ธ๐—ง๐—”๐—”๐—•๐—ข ๐—›๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”๐—กโ•
๐Ÿ“ง @XayaysiisBot

๐Ÿ’ซ ๐‘ฒ๐’– ๐‘บ๐’‚๐’๐’Š ๐‘ต๐’†๐’ƒ๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘บ๐‘ช๐‘พ
โ•šโ•โ•โ•โ•โ•โ€ขโœญโ€ขโโ€ขยฐโ€ยฐโ€ขโโ€ขโœญโ€ขโ•โ•โ•โ•โ•โ•

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

09 Oct, 17:15


Mustaqbalka:
- Furritaanka ayaa noqon doona mid aad u fudud, guurkana si tartiib tartiib ah ayaa loo baabi'in doonaa.

- Guurka dadka isku jinsiga ahi waxa uu noqon doona sharci waana mid la ogol yahay.

- Haweenka oo dhami waxa ay u heellan yihiin shaqo tag, loomana oggolaan doono in ay noqdaan haween guriga sii jooga.

- Waalidiintu ma awoodi doonan in ay si sharci ah u koriyaan oo u xakameeyaan ubadkooda.

- Diinta waa la qalloocin doonaa, ka dibna waa la xarimi doona, mu'miniintana waa laga been abuuri doonaa, ka dibna waa la xidhxidhayaa oo la tirtirayaa.

- Diini ma jiri doonto, cibaadadu waxa ay u dhaxayn doontaa ninka iyo caqligiisa.

- Qof kastaa waxa uu diyaar u noqon doonaa diin cusub iyo nidaam cusub oo caalami ah.

.................................

Intani waa qaybo ka mid ah buugga: "The New World Order" daabacaadisi sannadkii 1990. Buuggu waxa uu si cad u qeexayaa qorshayaasha Freemasonry ka dib markii ay si guul leh u dhamaystireen marxaladihiisa
hab maamuuska Odayaasha "Zionist" sohyooniyad caalamiga ah

Marka la eego aragtidaada casriga ah, ma kula tahay in qorshayaashani ay gaadheen hadafyadii laga lahaa ama qaar ka mid ah..?

โ€“ Abdulla Farah

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

07 Oct, 21:18


โ€œAnigu waxa aan kamid ahaya kuwa marka ay wax jeclaadaan dhinta.โ€

โ€“ Mahmoud Darwish

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

07 Oct, 18:07


โ€“ Maxaad aakhiradaada u shaqaysatay?
โ€“ Adigaan ku caashaqay!

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

06 Oct, 18:25


Waxaan maanta masaxay wadasheekaysi iimayl ahaa oo aniga iyo saaxiibkay na dhexmaray. Tirada fariimaha aannu iswayddaarsannay waxay kor u dhaafayeen boqollaal kun oo farriimood. Malaayacni ayay ula muuqan karaan dadka qaarkood, balse, aniga waxay iiga dhignaayeen, inaan jeex wadnahayga ka mid ah jarayo!

Sanduuqan yar ee iimayllada ah waxaa ku jiray, boqollaal sawir oo na mideeya, sawiro aannu aad iyo aad u jecelnahay, goobo aannu maaganayn inaanu booqanno, iyo dhar aannu doonayney inaanu iibsanno. Sanduuqan yar waxaa ka buuxay farriimo farabadan oo murugo leh, halkan ayuu ku nefisay, kolkii qalbigiisa la jebiyey, halkan ayaan ugu diray weedho lagu ladhay welwel iyo walbahaar.

Halkan ayaannu kaga maadsannay oo dhacdooyin nagu hareeraysnaa. Halkan ayaannu isku wayddaarsannay kaftan, sawirro qosol leh iyo heeso aannu labadayaduba jecelnahay. Waxaa halkan ku soo idlaaday doodo la is aflagaadaynayo. Dhinaca kalana, waxaa jiray doodo ku saabsan filin, taxane ama kulan kubbadeed oo ku soo dhammaaday, aynu ku heshiinno inaynaan dib danbe u doodin. Daqiiqado yar dabadeedna, waxaannu halkan kaga doodnay oo ka xaraabaysannay, micno la'aanta go'aankaa. Waxaannu halkan isku dhaafsan jirnay hinaase ka dhashay, kolka midkaayo ka sheekeeyo dadka uu jecel yahay.

Wuxuu ka fallaagoobay qoyskiisa. Waxaannuna ka wada sheekaysan jirnay oo iskala talin jirnay, dhibaatooyinka qoyska ee na haystaโ€”mar aniga ayaa qaadan jiray kaalinta laโ€taliye, marna isaga ayaa laโ€taliye ii noqon jiray.

Halkan ayuu igula wadaagay sheekada, xiisaha iyo caqabadihii ku gedaamnaa maalintii ugu horraysey ee xafiiska shaqada xaadiro. Aniguna, halkan ayaan ugu diray inaan shaqadii joojiyey oo aan ku sugayo meheraddii bunka.

Sanduuqan yar waxaa ka buuxay boqollaal qorshe oo iskugu jira, qaar aannu ka guulgaadhnay iyo kuwo aannu ku fashillannay, riyooyin aannu ku raadjoogno iyo rabitaanno weli ku xidhan samada. Maalin dhan oo aannu wada joogney ka dib, halkan ayaannu habeenkii ka wada hadli jirnay, sidii oo aad mooddo inaannu iminka isbarannay. Halkan ayuu boqollaal jeer iigu soo diray eedayn la xidhiidha, inaan habsan ahay iyo caajisnimada caadada ah ee kulannada. Waxaa halkan ka buuxey, beeno badan, kaftanno kala duwan, jeesjees farabbadan, xogo kala geddisan, tudhaale farabbadan iyo taageero laxaad leh. Meeshan waxaa ku jiray boqollaal eray iyo kumannaan farriimood oo labadayada oo keliya aannu fahmayno.

Sanduuqan yar waxaa ku kaydsanaa marxalado kala geddisan oo noloshayadu soo martay. Ma qiyaasi karo in si fudud oo bilaa lexjeclo ah loo tirtiri karo, farriimahayagii, sawiradayadii, xasuusahayagii iyo noloshayadiiba.

Ma ahayn wax bilaa macno ah...
Ma ahayn, tirtirista iimayl oo keliya...
Waxay ahayd, wadnahaygii oo aan jeex jarayo!

W/T Saxardiid Axmed

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

06 Oct, 15:52


https://t.me/blum/app?startapp=ref_mrwi9AxwtN

Ciddii ciyaarta ee fahmi wayda, gaar ha iila soo xidhoodho in aan caawiyaan isku dayayaa e @sekeriYe

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

04 Oct, 16:22


โ€œMurugadu waa sida mataga, ma odhan karno waa sida foosha, (fooshu) waa xaalad aan la masaali karayn, gabadh foolatay uun baa awooda in ay tusaalayso, waxaanu u rumaysanyahay in ay tahay xanuunka iyo kaarka ugu daran ee uu qofi maro, in aad sawirto qudheeda ayaa gef ah o in aynu dhayalsanyno ayay ila tahay, waase xanuun mudan oo dihday dad waxtar ah iyo garaad korran oo nolasha dheef keenay, sidaas oy tahayna waxa uu ahaa bilow sidiisa u xanuun badan oo belaayo badan watay.โ€

โ€ฆ Cabbaar ayaad u af duubnaanaysaa ama maalin iska dhan ayaad u seeteysnaanaysaa, haddiise aad dedaashid, iskuma daydid in aad garatid waxa ku haysta iyo xaaladda ay naftaadu ku sugantahay. Waa amankaag, waana irkig iyo arrin aanay sahlanayn in aan durbadiiba garwaaqsanno.โ€

โ€“ Mooge Umal

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

02 Oct, 18:24


https://t.me/garaadwade12

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

02 Oct, 14:43


Waxa isaga keen darsamay, khayrka iyo sharka, daacadnimada iyo khiyaanada heer ay aad u adkaatay in uu qofi furo dunteeda isku murugsan oo dabadeed qabsado dhinacyadeeda, qofna ma awoodo in uu taas sameeyo haddii aanu lahayn dareen fog, wayna muuqataa ninku in aanu ka dabbaalan karin arrin sidan oo kale ah. 
Waxa aan xasuustaa nin sharaf badan, wanaagga jecel, awoodiisana aad ugu kalsoon, waxa ku soo duushay, in uu jidka toosan ku soo celiyo mid dhuntay oo si qoto dheer ugu dhaadhacday gunta sharka, dabadeed wuxu u kaxeeyey gurigiisa, wuxu ula dhaqmay tabtii walaashii oo kale, wuxuuna u huray waqtiyada uu kansho leeyahay oo idil, si weyn baanu ugu kalsoonaaday dabadeed judhii ba waa ay is beddeshay, aad baanu ugu faanay isbeddelkaas ku dhacay dabadeed qoftii shalay ahayd tu hallawsan waxa ay noqotay  ta ugu dhawrsan filkeed, qalbigeeda na waxa dhaamiyey u mahadcelinta dadkii wanaajiyey, aaminaad iyo xishood markaas buu soo badbaadiyaheedii goโ€™aan ku gaadhay in uu guursado, laakiin maalin ayuu dib ugu laabtay gurigiisii waxaanu ka war helay in ay baxsatay oo ay uga tagtay warqad ay ku qorantahay: Aad baad u mahadsantahay, laakiin waan kugu caajisay !
Arrintaas waxa sabab u ahaa muddada intaas leeg ee uu la noolaa in aanu garawsan ruuxdeeda iyo in aanu fahmin sida ay waajib ugu tahay in uu mag dhaw ka siiyo waxyaabihii uu nolosheeda ka qaatay kuwaas oo aan u dhigmin wax kale, marka laga reebo naxariista iyo dadnimada.
 
 
Muuse M. Ismaaciil ayaa goosankan ka soo turjumay buugga Jibraan Khaliil Jibraan ee Munaajaadka Arwaaxda

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

02 Oct, 14:43


Haweenaydu waa sida qolka, uma jeedo qol kasta, waxa aan se ka wadaa qolkaas diirran ee aadamuhu jeclaysto kolka uu foodda geliyo, kuna dareemo badhaadhe iyo ku habboonaan ilaa uu illaabo in uu yahay dool iyo marti maqlaysa weedhihii soo dhaweynta dabadeed uu u maleeyo gurigiisii, waxa ka dhigan sidaas haweenayda, kuwa ku hareeraysan waxa ay hor dhigtaa indho sarcaad iyo bashaashnimo markaas bay u degdegaan dhankeeda oo ay ku hor qubaan dareemadooda. 
Ilaa iyo hadda ma jirto cid wax ka qortay sooyaalka dhoollacaddaynta, taasna waxa sabab u ah dumarka oo ah kuwa kaliya ee awooda in ay wax ka qoraan laakiin aan rabin wax ka qoristeeda, maxaa yeelay waxa ay ku ilaaliyaan sirahooda si ayna dibadda u iman asraarta jinsigooda, ragga ayey noqotay, sidee ayey u fahmi karaan asraar sidaas u mug weyn, si buuxda ayey u mooganyihiin sababaha iyo muhiimmadda dhoollacaddaynta. Waa si la mid ah tabta ayna uga war hayn waxyaabaha la xidhiidha haweenka iyo noloshooda hoose. 
Qof ahaan, waxa aan in badan la sheekaystay qaar ka mid ah dhakhaatiir caana oo ku takhasusay xanuunnada dumarka waxa kale oo aan la kulmay  kuwa darsa dabeecadaha dumarnimada, waxaana aad ii cajab gelisay sida ay wax uga ogyihiin xogaha haweenka, kolka aan se kaligay ahay waxa aan ku qosli jiray warmoognimadooda iyo koobnaanta ogaalkooda, waxa kaliya ee ay ku wacanyihiinna waa jeexidda jidhka la qalayo, tabta ay sameeyaan carruurtu kolka ay dooxaan caloosha kubadda ay ku dheelaan bal si ay u eegaan waxa ku dhex jira, dabadeed bartii ay jeexeen dib ugu tola dun iyo irbad.
Dhakhtarka dumarku si kasta oo u yahay xariif iyo khabiir, ma awoodo in uu daaha ka qaado waxa ay dumarku dhexdooda isku qarsadaan, taas na waxa fahmaya qof wal oo ka war qaba caddaawadda gudeed ee u dhaxaysa labada Jinsi, iyo awoodda culus ee aan is beddelayn, waxaana taas ugu wacan ilaa hadda labada cayn isma fahmaan. 
Haddii aynu soo qaadanno dhammaan erayada qaamuusyada afafka oo aynu isku dayno in aynu ku cabbirno nafaheenna, ma awoodno in aynu keenno dhoollacaddayn qudha, dhoollacaddaynta haweenaydu waa tabta calaamadda sirta ah ee Maasuuniyadda, gabi ahaan haweenka oo idil waxa ay awoodaan in ay u adeegsadaan si geesinimo leh sababta oo ah ma jirto cid aan iyaga ahayn oo awoodda in ay fahanto. 
 Dhoollacadayntu waa luuqad aynu inaga oo qudhi naqaanno, dhoollacaddayntu waa tabta muraayadda soo celisa wanaagyo faro badan iyo kansho aad u weyn, doqomada inaga midka ahina waxa ay ku dhuumaalaystaan gadaasha dhoollacaddaynta samayska ah. 
Guud ahaan raggu aad uma yaqaannaan fanka dhoollacaddaynta, xitaa ma awoodaan in ay dhoollacaddeeyaan waxayna u muuqdaan qaar leh xiiso yar ama badan, dabacsanaan yar ama xooggan, caadifad yar ama tu aad u badan, ma na laha duun u suuragelin kara in ay dhoollacaddeeyaan tu dhab ah. 
Haweenka, kuwa is moogaysiiya hugga dhoollacaddaynta, ma leh dhawrsoonaan iyo dhiifoonaan, dhab ahaanna waxa ay khiyaamaynayaan nafahooda, waxayna dibadda soo dhigayaan sirahooda, qof ahaan in badan baan arkay haween jaadkaas ah, waa kuwa wax kasta oo ka dhex guuxaya daaha kaga roga dhoollacaddayn qudha.
Ma jiro qof inaga mid ah oo ku fikira cod dheer, waxa se jira in badan oo inaga mid ah oo dhoollacaddaysa shiddo laโ€™aan, caddaynta ka marag ka kacaysa awoodda isku tiirsanaanta iyo is kaashiga jinsigeenuna waa in aynu dhoollacadaynteenna midig iyo bidixba u saydhino iyada oo aynnaan ka cabsi qabin in xogaheenna hoose dibadda u baxaan ama duunkeenna dhaafaan. 
Weli ma la arkay haweenay dibadda soo dhigtay sirta jinsigeeda? Waa maya, sababta ka danbaysa ammaanadaas ma aha qabka dareemayaasha waa se in ay ka cabsi qabto in ay gudubto xogteedu, maxaa yeelay sirta caynkeedu waa teeda. Ka soo qaad in ay haweenay doontay kashifidda nafteeda oo idil, maxaa dhici kara, hadda ka hor in badan baan aad uga fikiray arrinkan ilaa iyo haddana garan maayo wax aan idhaa, mid baan se u malaynayaa waa in gabadhaasi jinsigeeda ku dhufatay dhirbaaxo aad u daran oo aan lahayn ka soo kabasho.๐Ÿ‘‡

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

02 Oct, 07:50


Xalay iyo Qasa

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

30 Sep, 16:14


https://t.me/blum/app?startapp=ref_mrwi9AxwtN

Blum Crypto

Mid kamid ah projects-ka Decentralized ka ah ee aad ka loogu hanweyn yahay, lana filayo in uu suuqa crypt-da qiimo wacan kusoo galo. Weli stage kii airdrop ka ayuu ku jiraa balse marka la eego roadmap kooda inta u hadhay iyo inta ay soo dhameeyeen waxa la filan karaa in Q4 2024 dhexdiisa uu hawada soo galo sida ku eeg roadmap-kooda. Q4 waa 3 bilood ee u danbeeya sanad walba.

29 Million monthly users ah ayuu project-gan ku leeyahay bot-kiisa telegram, si joogto ah ayuuna u korayaa. Waxyaabaha uu kaga duwan yahay airdrops ka kale waxa kamid ah feature ka Farmingโ€” oo sida ay sheegeen aanay cidu uga horeyn. 8 saac oo walba feature-kaasi waxa uu kuu ogolaanayaa in aad hesho tiro yar oo Blum ah taas oo ka dhigan in xadiga qof walba urursan karo ay kooban tahay. Blum kasta oo aad kaydsatana uu hadhaw qiimo wanaagsan ku fadhiyi karo. Sidoo kale dhamaan dadka barnaamijkan wadaa waa shaacsanayaal xogtooda iyo ciwaanadooda Twitter ka ayaad ka helaysaa.

Linkiga Blum sare ayaan idiin saaray qofkii u baahan wuu bilaabi karaa, sidoo kale qofkii xog dheeri ah ka raba waxa ay leeyihiin website official ah oo aad ka heli karto xog badan oo mashruuca ku saabsan. Ka faa'iidayso saaxiibadaana la wadaag fursada.

Dunida Suugaantaโœจ๐Ÿฅฐ

29 Sep, 18:04


โ€œAad ayay Nafataydii u kobocday, heer mid tagay aanay u xiisin mid tagayana aanay ka xumaan, beenaalana aanay warkiisa ka murugoon, munaafaqna aanay ka fekerinba.โ€

โ€“ Mahmoud Darwish