Ali Abdi Ali Hoshow

@alihoshow


Seasoned diplomat, versatile academic, accomplished writer, and insightful political researcher |🅾+| [email protected]

Ali Abdi Ali Hoshow

19 Oct, 09:30


Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hooyadiisa, Faadumo Shirdoon Ducaale, ay ku geeriyootay saakay magaalada Muqdisho.

Innaga oo la qeybsanayna murugada, ayaa waxa aan Allah uga baryaynaa inuu u dembi-dhaafo, una naxariisto, hoygeedana ka dhigo jannada Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskeeda oo ay ku jiraan wiilasha iyo hablaha reer Macallin Fiqi Axmed.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun,,
─•────
I extend my heartfelt condolences to the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, on the loss of his beloved mother, Fatima Shirdon Duale, who passed away this morning in Mogadishu, and as we mourn this deep sorrow, we pray that Allah grants her forgiveness and showers her with mercy, opening the doors of Jannah Al-Firdaws wide for her, while also granting strength, patience, and solace to her family, including the sons and daughters of Moallim Fiqi Ahmed.

Inna lillahi wa inna ilayhi raji'un,,

Ali Abdi Ali Hoshow

18 Oct, 14:39


Kadib muddo todobaad daraasad si xiriir ah u qaadanayay, waxa aan u mahadnaqayaa Prof. Dr. Chahir Zaki oo nala wadaagay aragtiyo iyo khibrado mug iyo micno weyn noo leh.
🔹🔹🔹🔹🔹
After an intense week of study, I'm filled with gratitude for the guidance and insights shared by my professor, Dr. Chahir Zaki. It’s been an enriching experience that I’ll always value.

Ali Abdi Ali Hoshow

13 Oct, 20:38


Allah ayaa mahad leh, waan nabad tagay Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo aan ka sii ambaqaadi doono geedigayga waxbarashada sare si aan uga dhabeeyo hiigsigayga inaan dalkayga iyo dadkayga ugu adeego si sarraysa oo milgo iyo sharaf leh.
🔹🔹🔹🔹🔹
I arrived safely today in Arusha, Tanzania, where I will pursue higher education to fulfill my aspirations of serving my country and people in the most profound and honorable manner.

Ali Abdi Ali Hoshow

12 Oct, 15:00


Traveling to Arusha, Tanzania
I will never get tired of raising my academic level.

Ali Abdi Ali Hoshow

07 Oct, 08:17


Waa talo ku socota kuwa danaynaya inay ku guulaystaan siyaasadda iyo wadaxaajoodka ka dhex socda Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaa lagama maarmaan in aad leedahay awood iyo saameyn, ku gorgortanka wax aad haysatid wuxuu kuu oggolaanayaa wadaxaajood waxtar leh, halka xeeladda cadaadiska ay gacan ka gaysanayso in ajandahaaga yeesho mudnaan iyo fulin.

💎💎💎💎💎

As advice for those looking to succeed in politics and negotiations within the National Consultative Council (NCC), it is essential to have both leverage and influence, as possessing a bargaining chip enables effective negotiation while a pressure tactic helps ensure that your agenda is prioritized and advanced.

Ali Abdi Ali Hoshow

04 Oct, 11:33


💍❤️🙌
Hambalyo walaashey Maryama Adam Hurway (Ruun Sagaal Geed)iyo seygeeda, walaalkey Cumar Cabdi Suldaan oo xafladdooda meherka ah maanta oo Jimce ah, 4 October, ay ka dhacday Karmel Hall, KM4, Muqdisho, waxa aan leeyahay barakooba, dhisma oo dhaqma idin Alle.
Rabbi ha isku kiin barakeeyo, ubad kheyr-qabana ha idin siiyo, Aamiin.
Waxa aan Allah idinka baryayaa nolol deggan iyo qoys baraara inaad noqotaan.

Ali Abdi Ali Hoshow

12 Sep, 18:48


Tubta guusha 🎓
Riyo, Rajo iyo Rumayn 💐

Ali Abdi Ali Hoshow

11 Sep, 19:34


I am pleased to share that I successfully defended today my Master’s thesis in Political Science at Somali National University (SNU). The thesis, titled “Examining the Role of Clan Politics in Contemporary Somali Governance: A Case Study of Jubaland,” has been approved and passed.

I would like to express my heartfelt appreciation and gratitude to my supervisor, Dr. Mohamed Taher Abdulkarim Mohamed, as well as to my internal examiner, Dr. Mohamud Mohamed Salad, and my external examiner, Dr. Mustafa Mohamed Ali. I am also deeply thankful to Prof. Dr. Hassan Ahmed Ga'al, Acting Dean of the College of Graduate Studies and Scientific Research at SNU, and to Dr. Abdisamad Hassan, Coordinator of Graduate Studies at SNU.

Ali Abdi Ali Hoshow

11 Sep, 19:34


Waxaa ii farxad ah inaan idinla wadaago inaan ku guulaystay difaacashada buuggayga qalin-jebinta heerka labaad ee Jaamacadda ee takhasuska Culuumta Siyaasadda" ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS). Buugga oo cinwaankiisu yahay "Daraasadaynta Kaalinta Siyaasadda beelaysan ay ku leedahay dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya, si gaar ah Jubbaland" ayaa la oggolaaday, si la mid ah gudbay.

Waxa aan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa kormeerahayga, Dr. Maxamed Daahir Cabdulkariim Maxamed, sidoo kale imtixaan-qaadaha gudaha, Dr. Maxamuud Maxamed Salaad, iyo imtixaan-qaadaha dibadda, Dr. Mustafa Maxamed Cali. Waxa aan si qoto-dheer ugu mahadcelinayaa Prof. Dr. Xasan Axmed Gacal, Ku-simaha Hormuudka Kuliyadda Daraasaadka sare iyo Cilmi-baarista Sayniska ee JUS, iyo Dr. Cabdisamad Xasan, Iskuduwaha Daraasaadka sare ee JUS.

Ali Abdi Ali Hoshow

10 Sep, 21:19


Maalmihii wacnaa way soo socdaan🎓

Alxamdulillah, halgan waxbarasho oo aan ku gudo-jiray muddo labo sano ah ayaa soo idlaaday oo ah heerka labaad ee waxbarashada sare oo ku suntan takhasuska Culuumta Siyaasadda (Master of Political Science).

Ali Abdi Ali Hoshow

31 Aug, 21:39


Waxa aan maanta ku faafiyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta caanka ah ee Masar qormo Carabi ah oo aan qoray oo si qotodheer uga hadlaysa kadib dhammaadka howlgalka ATMIS iyo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo saamaynta heer gobol ee uu leeyahay. Qormada waxa aad ka raadin kartaa warbaahinta Masar.
---------------
I published today an in-depth article in Arabic analyzing the post-ATMIS situation and the differences between Somalia and Ethiopia, along with its regional impact. You can find the article in leading media outlets in Egypt for detailed insights.

#Somalia #Ethiopia #Türkiye #Egypt

Ali Abdi Ali Hoshow

29 Aug, 08:38


Itoobiya waxa ay ku dhaqaaqaysaa khalad istiraatiijiyadeed weyn markii labaad, iyadoo qaadday waddadii uu cagta mariyay Ra'iisul wasaaraheedii hore, Males Zenawi. Markan, si kastaba ha ahaatee, khasaaruhu wuu badan doonaa. Haddii ay Itoobiya sii waddo diidmada nabadda iyo deris wanaagga, waa in ay fahamtaa in aanay ahayn wax aan dhaafsiisnayn bam waqti go’an leh.
-----------------
Ethiopia is making a major strategic mistake for the second time, following in the footsteps of its former Prime Minister Meles Zenawi. This time, however, the losses will be even greater. If Ethiopia continues to reject peace and good neighborliness, it must understand that it is nothing more than a ticking time bomb.

#Somalia #Somali #Ethiopia #Ethiopian

Ali Abdi Ali Hoshow

14 Aug, 18:42


Waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tallaabo siyaasi ah oo lagu xoojinayo midnimada qaran iyo madax bannaanida si looga jawaabo falka khiyaanada qaran ee uu galay Muuse Biixi. Waa in la qabtaa shirweyne dib-u-heshiisiin qaran oo dhammaan beelaha waqooyi galbeed ay ka qeybgalayaan, ujeedaduna tahay in la sameeyo maamul goboleed cusub, lagana yaabo in loo bixiyo magaca Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Soomaaliland oo leh calan cusub.
🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴
Political action is needed to strengthen national unity and sovereignty in response to Muse Bihi's act of betrayal. A Somali National Reconciliation Conference should be held with all clans in the northwest, aiming to establish a new regional system, possibly as Somaliland State of Somalia, with a new flag.

#Somalia #Somali
#Somaliland

Ali Abdi Ali Hoshow

11 Aug, 13:30


Pictured with Can Öztaş, LL.M., PhD, Head of Public Diplomacy and Strategic Communications at the Ministry of Foreign Affairs of the Republic of Türkiye.